طسم1
Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay. (1)
تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ الْمُبِينِ2
Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad. (2)
لَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ3
Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. (3)
إِنْ نَشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِمْ مِنَ السَّمَاءِ آيَةً فَظَلَّتْ أَعْنَاقُهُمْ لَهَا خَاضِعِينَ4
Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. (4)
وَمَا يَأْتِيهِمْ مِنْ ذِكْرٍ مِنَ الرَّحْمَٰنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا عَنْهُ مُعْرِضِينَ5
Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada. (5)
فَقَدْ كَذَّبُوا فَسَيَأْتِيهِمْ أَنْبَاءُ مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ6
Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen. (6)
أَوَلَمْ يَرَوْا إِلَى الْأَرْضِ كَمْ أَنْبَتْنَا فِيهَا مِنْ كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ7
Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. (7)
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُمْ مُؤْمِنِينَ8
Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). (8)
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ9
Eebahaana Waa Adkaade Naxariista. (9)
وَإِذْ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰ أَنِ ائْتِ الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ10
(Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. (10)
قَوْمَ فِرْعَوْنَ ۚ أَلَا يَتَّقُونَ11
Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan. (11)
قَالَ رَبِّ إِنِّي أَخَافُ أَنْ يُكَذِّبُونِ12
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. (12)
وَيَضِيقُ صَدْرِي وَلَا يَنْطَلِقُ لِسَانِي فَأَرْسِلْ إِلَىٰ هَارُونَ13
Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun. (13)
وَلَهُمْ عَلَيَّ ذَنْبٌ فَأَخَافُ أَنْ يَقْتُلُونِ14
Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan. (14)
قَالَ كَلَّا ۖ فَاذْهَبَا بِآيَاتِنَا ۖ إِنَّا مَعَكُمْ مُسْتَمِعُونَ15
Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina. (15)
فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَا إِنَّا رَسُولُ رَبِّ الْعَالَمِينَ16
ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka. (16)
أَنْ أَرْسِلْ مَعَنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ17
Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. (17)
قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ18
Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin. (18)
وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ الَّتِي فَعَلْتَ وَأَنْتَ مِنَ الْكَافِرِينَ19
Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii). (19)
قَالَ فَعَلْتُهَا إِذًا وَأَنَا مِنَ الضَّالِّينَ20
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn. (20)
فَفَرَرْتُ مِنْكُمْ لَمَّا خِفْتُكُمْ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكْمًا وَجَعَلَنِي مِنَ الْمُرْسَلِينَ21
Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul). (21)
وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنْ عَبَّدْتَ بَنِي إِسْرَائِيلَ22
Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil. (22)
قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ الْعَالَمِينَ23
Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. (23)
قَالَ رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِنْ كُنْتُمْ مُوقِنِينَ24
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). (24)
قَالَ لِمَنْ حَوْلَهُ أَلَا تَسْتَمِعُونَ25
Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan. (25)
قَالَ رَبُّكُمْ وَرَبُّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ26
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. (26)
قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ الَّذِي أُرْسِلَ إِلَيْكُمْ لَمَجْنُونٌ27
Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay. (27)
قَالَ رَبُّ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِنْ كُنْتُمْ تَعْقِلُونَ28
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan. (28)
قَالَ لَئِنِ اتَّخَذْتَ إِلَٰهًا غَيْرِي لَأَجْعَلَنَّكَ مِنَ الْمَسْجُونِينَ29
Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan. (29)
قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكَ بِشَيْءٍ مُبِينٍ30
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna. (30)
قَالَ فَأْتِ بِهِ إِنْ كُنْتَ مِنَ الصَّادِقِينَ31
Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. (31)
فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعْبَانٌ مُبِينٌ32
Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. (32)
وَنَزَعَ يَدَهُ فَإِذَا هِيَ بَيْضَاءُ لِلنَّاظِرِينَ33
Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi. (33)
قَالَ لِلْمَلَإِ حَوْلَهُ إِنَّ هَٰذَا لَسَاحِرٌ عَلِيمٌ34
Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. (34)
يُرِيدُ أَنْ يُخْرِجَكُمْ مِنْ أَرْضِكُمْ بِسِحْرِهِ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ35
Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan. (35)
قَالُوا أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَابْعَثْ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ36
Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. (36)
يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ37
Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. (37)
فَجُمِعَ السَّحَرَةُ لِمِيقَاتِ يَوْمٍ مَعْلُومٍ38
Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan. (38)
وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلْ أَنْتُمْ مُجْتَمِعُونَ39
Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan. (39)
لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ السَّحَرَةَ إِنْ كَانُوا هُمُ الْغَالِبِينَ40
Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan. (40)
فَلَمَّا جَاءَ السَّحَرَةُ قَالُوا لِفِرْعَوْنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِنْ كُنَّا نَحْنُ الْغَالِبِينَ41
Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. (41)
قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ إِذًا لَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ42
Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. (42)
قَالَ لَهُمْ مُوسَىٰ أَلْقُوا مَا أَنْتُمْ مُلْقُونَ43
Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. (43)
فَأَلْقَوْا حِبَالَهُمْ وَعِصِيَّهُمْ وَقَالُوا بِعِزَّةِ فِرْعَوْنَ إِنَّا لَنَحْنُ الْغَالِبُونَ44
Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. (44)
فَأَلْقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ45
Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen. (45)
فَأُلْقِيَ السَّحَرَةُ سَاجِدِينَ46
waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed. (46)
قَالُوا آمَنَّا بِرَبِّ الْعَالَمِينَ47
Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka. (47)
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَارُونَ48
Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. (48)
قَالَ آمَنْتُمْ لَهُ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ فَلَسَوْفَ تَعْلَمُونَ ۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ مِنْ خِلَافٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ49
Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. (49)
قَالُوا لَا ضَيْرَ ۖ إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا مُنْقَلِبُونَ50
Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. (50)
إِنَّا نَطْمَعُ أَنْ يَغْفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَايَانَا أَنْ كُنَّا أَوَّلَ الْمُؤْمِنِينَ51
waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). (51)
۞ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِي إِنَّكُمْ مُتَّبَعُونَ52
Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye. (52)
فَأَرْسَلَ فِرْعَوْنُ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ53
Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. (53)
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُونَ54
Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. (54)
وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَائِظُونَ55
Wayna Na cadho Galiyeen. (55)
وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَاذِرُونَ56
Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon. (56)
فَأَخْرَجْنَاهُمْ مِنْ جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ57
Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. (57)
وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ58
Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. (58)
كَذَٰلِكَ وَأَوْرَثْنَاهَا بَنِي إِسْرَائِيلَ59
Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. (59)
فَأَتْبَعُوهُمْ مُشْرِقِينَ60
Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii. (60)
فَلَمَّا تَرَاءَى الْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَابُ مُوسَىٰ إِنَّا لَمُدْرَكُونَ61
Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay. (61)
قَالَ كَلَّا ۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهْدِينِ62
Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. (62)
فَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنِ اضْرِبْ بِعَصَاكَ الْبَحْرَ ۖ فَانْفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرْقٍ كَالطَّوْدِ الْعَظِيمِ63
Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. (63)
وَأَزْلَفْنَا ثَمَّ الْآخَرِينَ64
Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). (64)
وَأَنْجَيْنَا مُوسَىٰ وَمَنْ مَعَهُ أَجْمَعِينَ65
Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan. (65)
ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ66
Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale. (66)
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُمْ مُؤْمِنِينَ67
Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn. (67)
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ68
Eebahaana waa Adkaade Naxariista, (68)
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ إِبْرَاهِيمَ69
Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. (69)
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَا تَعْبُدُونَ70
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. (70)
قَالُوا نَعْبُدُ أَصْنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَاكِفِينَ71
Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. (71)
قَالَ هَلْ يَسْمَعُونَكُمْ إِذْ تَدْعُونَ72
Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. (72)
أَوْ يَنْفَعُونَكُمْ أَوْ يَضُرُّونَ73
Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. (73)
قَالُوا بَلْ وَجَدْنَا آبَاءَنَا كَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ74
Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. (74)
قَالَ أَفَرَأَيْتُمْ مَا كُنْتُمْ تَعْبُدُونَ75
Wuxuu Yidhi Bal ka Warrama waxaad Caabudaysaan. (75)
أَنْتُمْ وَآبَاؤُكُمُ الْأَقْدَمُونَ76
Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. (76)
فَإِنَّهُمْ عَدُوٌّ لِي إِلَّا رَبَّ الْعَالَمِينَ77
Iyagu Col Bay ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee. (77)
الَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهْدِينِ78
Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. (78)
وَالَّذِي هُوَ يُطْعِمُنِي وَيَسْقِينِ79
Kan I Quudin ee I Waraabin. (79)
وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ80
Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. (80)
وَالَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحْيِينِ81
Waana kan I dili Ina Noolayn. (81)
وَالَّذِي أَطْمَعُ أَنْ يَغْفِرَ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ82
Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta. (82)
رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ83
Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban. (83)
وَاجْعَلْ لِي لِسَانَ صِدْقٍ فِي الْآخِرِينَ84
Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. (84)
وَاجْعَلْنِي مِنْ وَرَثَةِ جَنَّةِ النَّعِيمِ85
Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. (85)
وَاغْفِرْ لِأَبِي إِنَّهُ كَانَ مِنَ الضَّالِّينَ86
Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye. (86)
وَلَا تُخْزِنِي يَوْمَ يُبْعَثُونَ87
Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). (87)
يَوْمَ لَا يَنْفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ88
Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. (88)
إِلَّا مَنْ أَتَى اللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ89
Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). (89)
وَأُزْلِفَتِ الْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ90
Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). (90)
وَبُرِّزَتِ الْجَحِيمُ لِلْغَاوِينَ91
Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. (91)
وَقِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنْتُمْ تَعْبُدُونَ92
Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. (92)
مِنْ دُونِ اللَّهِ هَلْ يَنْصُرُونَكُمْ أَوْ يَنْتَصِرُونَ93
Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan. (93)
فَكُبْكِبُوا فِيهَا هُمْ وَالْغَاوُونَ94
Waana lagu soo kulmin naarta (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay. (94)
وَجُنُودُ إِبْلِيسَ أَجْمَعُونَ95
Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. (95)
قَالُوا وَهُمْ فِيهَا يَخْتَصِمُونَ96
Waxayna odhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. (96)
تَاللَّهِ إِنْ كُنَّا لَفِي ضَلَالٍ مُبِينٍ97
Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. (97)
إِذْ نُسَوِّيكُمْ بِرَبِّ الْعَالَمِينَ98
Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. (98)
وَمَا أَضَلَّنَا إِلَّا الْمُجْرِمُونَ99
Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. (99)
فَمَا لَنَا مِنْ شَافِعِينَ100
Mana Lihin wax Noo Shafeeca. (100)
وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ101
Iyo Saaxiib Dhaw. (101)
فَلَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ102
Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. (102)
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُمْ مُؤْمِنِينَ103
Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). (103)
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ104
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (104)
كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ الْمُرْسَلِينَ105
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. (105)
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ106
Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. (106)
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ107
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (107)
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ108
Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (108)
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ109
Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (109)
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ110
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (110)
۞ قَالُوا أَنُؤْمِنُ لَكَ وَاتَّبَعَكَ الْأَرْذَلُونَ111
Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun). (111)
قَالَ وَمَا عِلْمِي بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ112
Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. (112)
إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّي ۖ لَوْ تَشْعُرُونَ113
Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. (113)
وَمَا أَنَا بِطَارِدِ الْمُؤْمِنِينَ114
Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta. (114)
إِنْ أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُبِينٌ115
Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi. (115)
قَالُوا لَئِنْ لَمْ تَنْتَهِ يَا نُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمَرْجُومِينَ116
Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. (116)
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوْمِي كَذَّبُونِ117
Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. (117)
فَافْتَحْ بَيْنِي وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِي وَمَنْ مَعِيَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ118
Ee Nakala Xukun Dhexdanada, igana kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. (118)
فَأَنْجَيْنَاهُ وَمَنْ مَعَهُ فِي الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ119
Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday. (119)
ثُمَّ أَغْرَقْنَا بَعْدُ الْبَاقِينَ120
Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii). (120)
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُمْ مُؤْمِنِينَ121
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. (121)
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ122
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (122)
كَذَّبَتْ عَادٌ الْمُرْسَلِينَ123
Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. (123)
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ124
Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. (124)
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ125
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (125)
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ126
Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. (126)
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ127
Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (127)
أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ آيَةً تَعْبَثُونَ128
Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. (128)
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ129
Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. (129)
وَإِذَا بَطَشْتُمْ بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ130
Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. (130)
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ131
ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. (131)
وَاتَّقُوا الَّذِي أَمَدَّكُمْ بِمَا تَعْلَمُونَ132
Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. (132)
أَمَدَّكُمْ بِأَنْعَامٍ وَبَنِينَ133
Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur. (133)
وَجَنَّاتٍ وَعُيُونٍ134
Iyo Beero iyo Ilo. (134)
إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ135
Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn. (135)
قَالُوا سَوَاءٌ عَلَيْنَا أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُنْ مِنَ الْوَاعِظِينَ136
Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. (136)
إِنْ هَٰذَا إِلَّا خُلُقُ الْأَوَّلِينَ137
Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. (137)
وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ138
Nalamana Cadaabayo. (138)
فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَاهُمْ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُمْ مُؤْمِنِينَ139
Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. (139)
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ140
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (140)
كَذَّبَتْ ثَمُودُ الْمُرْسَلِينَ141
Waxay Beenisay Thamuud Rasuulladii. (141)
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ صَالِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ142
Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. (142)
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ143
Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (143)
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ144
ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. (144)
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ145
Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (145)
أَتُتْرَكُونَ فِي مَا هَاهُنَا آمِنِينَ146
Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. (146)
فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ147
Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). (147)
وَزُرُوعٍ وَنَخْلٍ طَلْعُهَا هَضِيمٌ148
Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay. (148)
وَتَنْحِتُونَ مِنَ الْجِبَالِ بُيُوتًا فَارِهِينَ149
Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. (149)
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ150
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (150)
وَلَا تُطِيعُوا أَمْرَ الْمُسْرِفِينَ151
Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. (151)
الَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ152
ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn. (152)
قَالُوا إِنَّمَا أَنْتَ مِنَ الْمُسَحَّرِينَ153
Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. (153)
مَا أَنْتَ إِلَّا بَشَرٌ مِثْلُنَا فَأْتِ بِآيَةٍ إِنْ كُنْتَ مِنَ الصَّادِقِينَ154
Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. (154)
قَالَ هَٰذِهِ نَاقَةٌ لَهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَعْلُومٍ155
Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinbaad Cabbaysaan la Yaqaan. (155)
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ156
Ee ha ku Taabanina Xumaan, oo idin qabto Cadaab Maalin wayn. (156)
فَعَقَرُوهَا فَأَصْبَحُوا نَادِمِينَ157
Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. (157)
فَأَخَذَهُمُ الْعَذَابُ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُمْ مُؤْمِنِينَ158
Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa). (158)
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ159
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (159)
كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ الْمُرْسَلِينَ160
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. (160)
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ161
Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. (161)
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ162
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (162)
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ163
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (163)
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ164
Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (164)
أَتَأْتُونَ الذُّكْرَانَ مِنَ الْعَالَمِينَ165
Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. (165)
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُمْ مِنْ أَزْوَاجِكُمْ ۚ بَلْ أَنْتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ166
Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. (166)
قَالُوا لَئِنْ لَمْ تَنْتَهِ يَا لُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمُخْرَجِينَ167
Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. (167)
قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُمْ مِنَ الْقَالِينَ168
Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay. (168)
رَبِّ نَجِّنِي وَأَهْلِي مِمَّا يَعْمَلُونَ169
Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. (169)
فَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ أَجْمَعِينَ170
Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. (170)
إِلَّا عَجُوزًا فِي الْغَابِرِينَ171
Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). (171)
ثُمَّ دَمَّرْنَا الْآخَرِينَ172
Markaasaan Halaagnay Intii kale. (172)
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِمْ مَطَرًا ۖ فَسَاءَ مَطَرُ الْمُنْذَرِينَ173
Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. (173)
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُمْ مُؤْمِنِينَ174
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. (174)
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ175
Eebhaana waa Adkaade Naxariista. (175)
كَذَّبَ أَصْحَابُ الْأَيْكَةِ الْمُرْسَلِينَ176
Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. (176)
إِذْ قَالَ لَهُمْ شُعَيْبٌ أَلَا تَتَّقُونَ177
Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. (177)
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ178
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (178)
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ179
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (179)
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ180
Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (180)
۞ أَوْفُوا الْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُخْسِرِينَ181
Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. (181)
وَزِنُوا بِالْقِسْطَاسِ الْمُسْتَقِيمِ182
Una Miisama Cadaalad Toosan. (182)
وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ183
Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. (183)
وَاتَّقُوا الَّذِي خَلَقَكُمْ وَالْجِبِلَّةَ الْأَوَّلِينَ184
Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey. (184)
قَالُوا إِنَّمَا أَنْتَ مِنَ الْمُسَحَّرِينَ185
Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray. (185)
وَمَا أَنْتَ إِلَّا بَشَرٌ مِثْلُنَا وَإِنْ نَظُنُّكَ لَمِنَ الْكَاذِبِينَ186
Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. (186)
فَأَسْقِطْ عَلَيْنَا كِسَفًا مِنَ السَّمَاءِ إِنْ كُنْتَ مِنَ الصَّادِقِينَ187
ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. (187)
قَالَ رَبِّي أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ188
Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. (188)
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمْ عَذَابُ يَوْمِ الظُّلَّةِ ۚ إِنَّهُ كَانَ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ189
Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. (189)
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُمْ مُؤْمِنِينَ190
Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. (190)
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ191
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (191)
وَإِنَّهُ لَتَنْزِيلُ رَبِّ الْعَالَمِينَ192
Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka. (192)
نَزَلَ بِهِ الرُّوحُ الْأَمِينُ193
Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil). (193)
عَلَىٰ قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ الْمُنْذِرِينَ194
Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga. (194)
بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُبِينٍ195
Af Carabi ahoo Cad. (195)
وَإِنَّهُ لَفِي زُبُرِ الْأَوَّلِينَ196
Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore. (196)
أَوَلَمْ يَكُنْ لَهُمْ آيَةً أَنْ يَعْلَمَهُ عُلَمَاءُ بَنِي إِسْرَائِيلَ197
Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil (197)
وَلَوْ نَزَّلْنَاهُ عَلَىٰ بَعْضِ الْأَعْجَمِينَ198
Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis. (198)
فَقَرَأَهُ عَلَيْهِمْ مَا كَانُوا بِهِ مُؤْمِنِينَ199
oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. (199)
كَذَٰلِكَ سَلَكْنَاهُ فِي قُلُوبِ الْمُجْرِمِينَ200
Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. (200)
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِ حَتَّىٰ يَرَوُا الْعَذَابَ الْأَلِيمَ201
Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. (201)
فَيَأْتِيَهُمْ بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ202
Oo ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. (202)
فَيَقُولُوا هَلْ نَحْنُ مُنْظَرُونَ203
Oy Dhahaan ma nala Sugi. (203)
أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ204
Ma Cadaabkanagay Dadajisan. (204)
أَفَرَأَيْتَ إِنْ مَتَّعْنَاهُمْ سِنِينَ205
Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin. (205)
ثُمَّ جَاءَهُمْ مَا كَانُوا يُوعَدُونَ206
Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey. (206)
مَا أَغْنَىٰ عَنْهُمْ مَا كَانُوا يُمَتَّعُونَ207
Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey. (207)
وَمَا أَهْلَكْنَا مِنْ قَرْيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنْذِرُونَ208
Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto. (208)
ذِكْرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَالِمِينَ209
Waano Darteed, mana nihin Daalimiin. (209)
وَمَا تَنَزَّلَتْ بِهِ الشَّيَاطِينُ210
Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu. (210)
وَمَا يَنْبَغِي لَهُمْ وَمَا يَسْتَطِيعُونَ211
Kumana Habboona mana Karaan. (211)
إِنَّهُمْ عَنِ السَّمْعِ لَمَعْزُولُونَ212
Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin. (212)
فَلَا تَدْعُ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ فَتَكُونَ مِنَ الْمُعَذَّبِينَ213
Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. (213)
وَأَنْذِرْ عَشِيرَتَكَ الْأَقْرَبِينَ214
Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. (214)
وَاخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ215
Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. (215)
فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّي بَرِيءٌ مِمَّا تَعْمَلُونَ216
Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan. (216)
وَتَوَكَّلْ عَلَى الْعَزِيزِ الرَّحِيمِ217
Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista. (217)
الَّذِي يَرَاكَ حِينَ تَقُومُ218
Ee ku Arka Markaad Kici. (218)
وَتَقَلُّبَكَ فِي السَّاجِدِينَ219
Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. (219)
إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ220
Eebana waa Maqle Og. (220)
هَلْ أُنَبِّئُكُمْ عَلَىٰ مَنْ تَنَزَّلُ الشَّيَاطِينُ221
Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. (221)
تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ222
Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. (222)
يُلْقُونَ السَّمْعَ وَأَكْثَرُهُمْ كَاذِبُونَ223
Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. (223)
وَالشُّعَرَاءُ يَتَّبِعُهُمُ الْغَاوُونَ224
Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah. (224)
أَلَمْ تَرَ أَنَّهُمْ فِي كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ225
Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. (225)
وَأَنَّهُمْ يَقُولُونَ مَا لَا يَفْعَلُونَ226
Oyna Sheegi waxayna Falayn. (226)
إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَذَكَرُوا اللَّهَ كَثِيرًا وَانْتَصَرُوا مِنْ بَعْدِ مَا ظُلِمُوا ۗ وَسَيَعْلَمُ الَّذِينَ ظَلَمُوا أَيَّ مُنْقَلَبٍ يَنْقَلِبُونَ227
Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada). (227)