Al-Anfal

سورة الأنفال

Suurad 8 · Madani · 75 aayado

8:1Juz 9 · bg. 177

يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْأَنْفَالِ ۖ قُلِ الْأَنْفَالُ لِلَّهِ وَالرَّسُولِ ۖ فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَصْلِحُوا ذَاتَ بَيْنِكُمْ ۖ وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ1

Waxay ku warsan Dadku (Xukunka) Qaniimada, waxaad dhahdaa Qanimada waxaa iska leh Eebe iyo Rasuulka ee ka Dhawrsada Eebe Wanaajiyana Xaalka Dhexdiinna ah Eebana Adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo Rumeeyey tihiin. (1)
8:2Juz 9 · bg. 177

إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ2

Mu'miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu, marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadka Eebana ay Iimaan u kordhiso, Eebahood uun tala saarta, (2)
8:3Juz 9 · bg. 177

الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ3

Ee ah kuwa ooga Salaadda waxaannu ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya. (3)
8:4Juz 9 · bg. 177

أُولَٰئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَهُمْ دَرَجَاتٌ عِنْدَ رَبِّهِمْ وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ4

Kuwaasaana ah Mu'miniinta Xaqa ah, waxayna Mudan Jannooyin Eebahood agtiisa ah, iyo Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh. (4)
8:5Juz 9 · bg. 177

كَمَا أَخْرَجَكَ رَبُّكَ مِنْ بَيْتِكَ بِالْحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقًا مِنَ الْمُؤْمِنِينَ لَكَارِهُونَ5

Siduu Kaaga Bixiyey Eebaha Gurigaaga si Xaq ah (Jahaad) Koox Mu'miniinta ka mida way Nacayeen. (5)
8:6Juz 9 · bg. 177

يُجَادِلُونَكَ فِي الْحَقِّ بَعْدَمَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى الْمَوْتِ وَهُمْ يَنْظُرُونَ6

Waxayna kugula Murmi Xaqa intuu u Cadaaday sidii iyagoo loo wado Geeri iyagoo Eegi. (6)
8:7Juz 9 · bg. 177

وَإِذْ يَعِدُكُمُ اللَّهُ إِحْدَى الطَّائِفَتَيْنِ أَنَّهَا لَكُمْ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيْرَ ذَاتِ الشَّوْكَةِ تَكُونُ لَكُمْ وَيُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُحِقَّ الْحَقَّ بِكَلِمَاتِهِ وَيَقْطَعَ دَابِرَ الْكَافِرِينَ7

Xusuuso markuu idiin Yaboohay Eebe Labadii Kooxood midkood (Colkii iyo Safarkii) idiin Subnaatay idinkoo Jeeel in Midda Tabarta Yar idiin ahaato, Eebana wuxuu dooni inuu Xaqa ku sugo Kalimadiisa, Gooyana Cidhibta Gaalada. (7)
8:8Juz 9 · bg. 177

لِيُحِقَّ الْحَقَّ وَيُبْطِلَ الْبَاطِلَ وَلَوْ كَرِهَ الْمُجْرِمُونَ8

Si uu Xaqa u sugo, una Buriyo Baadhilka (Xumaanta) haban Naceen Dambiilayaashuye. (8)
8:9Juz 9 · bg. 178

إِذْ تَسْتَغِيثُونَ رَبَّكُمْ فَاسْتَجَابَ لَكُمْ أَنِّي مُمِدُّكُمْ بِأَلْفٍ مِنَ الْمَلَائِكَةِ مُرْدِفِينَ9

Xusuusta markaad ka Gargaar warsanayseen Eebe oo uu idinku Ajiibay waxaan idinku Xoojin Kun Malaa'igta ka mida oo Israacraacsan. (9)
8:10Juz 9 · bg. 178

وَمَا جَعَلَهُ اللَّهُ إِلَّا بُشْرَىٰ وَلِتَطْمَئِنَّ بِهِ قُلُوبُكُمْ ۚ وَمَا النَّصْرُ إِلَّا مِنْ عِنْدِ اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ10

Wuxuu Eebe u Yeelay Bishaaro iyo inuu Xasilo Qalbigiinnu, Gargaarra waxaan Eebe Agtiisa ahayn ma aha, Eebana waa Adkaade Fal San. (10)
8:11Juz 9 · bg. 178

إِذْ يُغَشِّيكُمُ النُّعَاسَ أَمَنَةً مِنْهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيْكُمْ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً لِيُطَهِّرَكُمْ بِهِ وَيُذْهِبَ عَنْكُمْ رِجْزَ الشَّيْطَانِ وَلِيَرْبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمْ وَيُثَبِّتَ بِهِ الْأَقْدَامَ11

Xusuustana markuu idinku Daboolay Hurdo aaminnimo Darteed idinkagana soo Dejiyey Samada Biyo inuu idinku Daahiriyo idinkagana Tegsiiyo Waswaaska Shaydaanka iyo innu ku Adkeeyo Quluubtiinna kuna Sugo Gommadihiinna. (11)
8:12Juz 9 · bg. 178

إِذْ يُوحِي رَبُّكَ إِلَى الْمَلَائِكَةِ أَنِّي مَعَكُمْ فَثَبِّتُوا الَّذِينَ آمَنُوا ۚ سَأُلْقِي فِي قُلُوبِ الَّذِينَ كَفَرُوا الرُّعْبَ فَاضْرِبُوا فَوْقَ الْأَعْنَاقِ وَاضْرِبُوا مِنْهُمْ كُلَّ بَنَانٍ12

Markuu u waxyoon Eebahaa Malaa'igta anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa Rumeeyey (Xoojiya) waxaan ku Tuuri Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax ee ka Garaaca Luqunta korkeeda kana Garaaca Xubnaha faraha. (12)
8:13Juz 9 · bg. 178

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ شَاقُّوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ وَمَنْ يُشَاقِقِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَإِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ13

Maxaayeelay waxay Khilaafeen Eebe iyo Rasuulkiisa, Ciddii Khilaafta Eebe iyo Rasuulkiisana Eebe waa u Ciqaab daranyahay. (13)
8:14Juz 9 · bg. 178

ذَٰلِكُمْ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلْكَافِرِينَ عَذَابَ النَّارِ14

ee Arrintaas Dhadhamiya, Gaalana waxaa u Sugnaaday Cadaabka Naarta. (14)
8:15Juz 9 · bg. 178

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا لَقِيتُمُ الَّذِينَ كَفَرُوا زَحْفًا فَلَا تُوَلُّوهُمُ الْأَدْبَارَ15

Kuwa Xaqa Rumeeyow hadaad la Kulantaan Kuwa Gaaloobay idinkoo isusoo Dhawaan ha u jeedinina dabada (ha cararina). (15)
8:16Juz 9 · bg. 178

وَمَنْ يُوَلِّهِمْ يَوْمَئِذٍ دُبُرَهُ إِلَّا مُتَحَرِّفًا لِقِتَالٍ أَوْ مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٍ فَقَدْ بَاءَ بِغَضَبٍ مِنَ اللَّهِ وَمَأْوَاهُ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ16

Ruuxi u Jeediya Maalintaas Dabadiisa (Carara) isagoo u Xeelaysanayn Dagaal ama u Dumayn Koox wuxuu la Noqdaa Cadho Eebe Hooygiisuna waa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado. (16)
8:17Juz 9 · bg. 179

فَلَمْ تَقْتُلُوهُمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ قَتَلَهُمْ ۚ وَمَا رَمَيْتَ إِذْ رَمَيْتَ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ رَمَىٰ ۚ وَلِيُبْلِيَ الْمُؤْمِنِينَ مِنْهُ بَلَاءً حَسَنًا ۚ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ17

Idinku maydaan ku layn Gaalada (Xooggiinna) Eebaase laayey, mana Aadan Ganayn markaad ganaysay Eebaase Ganay (ku Hagaajiyey) inuu u Niemeeyo Mu'miniita Niemo Wanaagsan, Eebana waa Maqle Og. (17)
8:18Juz 9 · bg. 179

ذَٰلِكُمْ وَأَنَّ اللَّهَ مُوهِنُ كَيْدِ الْكَافِرِينَ18

Arrintaasna waxaa ugu wacan in Eebe uu Tabaryarayn Dhagrate Gaalada. (18)
8:19Juz 9 · bg. 179

إِنْ تَسْتَفْتِحُوا فَقَدْ جَاءَكُمُ الْفَتْحُ ۖ وَإِنْ تَنْتَهُوا فَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ ۖ وَإِنْ تَعُودُوا نَعُدْ وَلَنْ تُغْنِيَ عَنْكُمْ فِئَتُكُمْ شَيْئًا وَلَوْ كَثُرَتْ وَأَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُؤْمِنِينَ19

Haddaad kala Xukumid Dalabteen Gaaloy waxaa idiin Yimid Gargaarkii (Nabiga) inaadse Reebtoontaan yaa idiin Khayr roon, haddaad ku noqotaan Xumaantana waxaannu ku Noqon Gargaarka (Nabiga) waxna idiinma tarayso Kooxdiinnu haba badnadeene Eebana wuxuu la Jiraa Mu'miniinta. (19)
8:20Juz 9 · bg. 179

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَوَلَّوْا عَنْهُ وَأَنْتُمْ تَسْمَعُونَ20

Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa hana ka Jeedsanina idinkoo Maqli. (20)
8:21Juz 9 · bg. 179

وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ قَالُوا سَمِعْنَا وَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ21

Hana Noqonina kuwii Yidhi Maqallay iyagoon wax Maqlayn. (21)
8:22Juz 9 · bg. 179

۞ إِنَّ شَرَّ الدَّوَابِّ عِنْدَ اللَّهِ الصُّمُّ الْبُكْمُ الَّذِينَ لَا يَعْقِلُونَ22

Dhul Socod waxaa ugu Shar badan (Uxun) Eebe agtiisa ma Maqle (Xaqa) ma hadle oon kasayn (Wanaagga). (22)
8:23Juz 9 · bg. 179

وَلَوْ عَلِمَ اللَّهُ فِيهِمْ خَيْرًا لَأَسْمَعَهُمْ ۖ وَلَوْ أَسْمَعَهُمْ لَتَوَلَّوْا وَهُمْ مُعْرِضُونَ23

hadduu ku Ogyahay Eebe Khayr wuu maqashiin lahaa (Garansiin lahaa) hadduuse Maqashiiyo way Jeedsanlahaayeen (Kibirdartiis) iyagoo is dadbi. (23)
8:24Juz 9 · bg. 179

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَجِيبُوا لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ ۖ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يَحُولُ بَيْنَ الْمَرْءِ وَقَلْبِهِ وَأَنَّهُ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ24

Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu idiinku Yeedho wax idin nooleeya (XAQA) Ogaadana in Eebe (Karo) inuu kala Dhexmaro Ruuxa iyo Qalbigiisa, oo Xaggiisa laydin soo Kulmin. (24)
8:25Juz 9 · bg. 179

وَاتَّقُوا فِتْنَةً لَا تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْكُمْ خَاصَّةً ۖ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ25

Ka Dhawrsada Fidmo oon ugu Dhacayn kuwii Dulmiga falay Gaar ahaan oo idinka mida, Ogaadana in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay. (25)
8:26Juz 9 · bg. 180

وَاذْكُرُوا إِذْ أَنْتُمْ قَلِيلٌ مُسْتَضْعَفُونَ فِي الْأَرْضِ تَخَافُونَ أَنْ يَتَخَطَّفَكُمُ النَّاسُ فَآوَاكُمْ وَأَيَّدَكُمْ بِنَصْرِهِ وَرَزَقَكُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ26

Xusuustana markaad ahaydeen kuwo yaroo lagu Tabar darraysto Dhulka (Makaad) idinkoo ka Cabsan in Dadku idin dafo oo markaas uu idin Dhaweeyey (Dumay) idinkuna Xoojiyey Gargaarkiisa, idinkuna Arzaaqay Wanaag (Xalaal) inaad ky Mahdisaan. (26)
8:27Juz 9 · bg. 180

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَخُونُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ وَتَخُونُوا أَمَانَاتِكُمْ وَأَنْتُمْ تَعْلَمُونَ27

Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Khayaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo Og. (27)
8:28Juz 9 · bg. 180

وَاعْلَمُوا أَنَّمَا أَمْوَالُكُمْ وَأَوْلَادُكُمْ فِتْنَةٌ وَأَنَّ اللَّهَ عِنْدَهُ أَجْرٌ عَظِيمٌ28

Ogaadana in Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu Fidno uun yihiin oo Eebe Agtiisa Ajir wayn yahay. (28)
8:29Juz 9 · bg. 180

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ تَتَّقُوا اللَّهَ يَجْعَلْ لَكُمْ فُرْقَانًا وَيُكَفِّرْ عَنْكُمْ سَيِّئَاتِكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ29

Kuwa (XAQA) Rumeeyow haddaad ka Dhawrsataan Eebe wuxuu idiin yeeli Faraj (iyo Nabadgalyo) wuxuuna Asturi Xumaantiinna «Dambigiinna», Wuuna idiin Dhaafi Eebana waa Fadli Wayne. (29)
8:30Juz 9 · bg. 180

وَإِذْ يَمْكُرُ بِكَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِيُثْبِتُوكَ أَوْ يَقْتُلُوكَ أَوْ يُخْرِجُوكَ ۚ وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ اللَّهُ ۖ وَاللَّهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ30

Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen Kuwii Gaaloobay inay ku Xidhaan, ama ku Dilaan ama ku Bixiyaan, way ku Dhakrayeen Eebaase ka abaal marin isagaana Abaal mariye Khayr roona ah. (30)
8:31Juz 9 · bg. 180

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا قَالُوا قَدْ سَمِعْنَا لَوْ نَشَاءُ لَقُلْنَا مِثْلَ هَٰذَا ۙ إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ31

Marka lagu Akhriyo Aayaadkanaga waxay Dhahaan waan maqallay haddaan doonana waan Dhahaynaa kanoo kale (Quraanka) kanu waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha. (31)
8:32Juz 9 · bg. 180

وَإِذْ قَالُوا اللَّهُمَّ إِنْ كَانَ هَٰذَا هُوَ الْحَقَّ مِنْ عِنْدِكَ فَأَمْطِرْ عَلَيْنَا حِجَارَةً مِنَ السَّمَاءِ أَوِ ائْتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٍ32

Xusuuso markay Dheheen Eebow hadduu kanu Xaqa Agtaada ah yahay Nagaga soo daadi Dhagaxyo (Naara) Samada, ama noo keen Cadaab daran. (32)
8:33Juz 9 · bg. 180

وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمْ وَأَنْتَ فِيهِمْ ۚ وَمَا كَانَ اللَّهُ مُعَذِّبَهُمْ وَهُمْ يَسْتَغْفِرُونَ33

Eebase ma aha kii Cadaaba Adoo Dhexjooga, mana aha mid Cadaaba iyagoo Dambi dhaaf warsan. (33)
8:34Juz 9 · bg. 181

وَمَا لَهُمْ أَلَّا يُعَذِّبَهُمُ اللَّهُ وَهُمْ يَصُدُّونَ عَنِ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ وَمَا كَانُوا أَوْلِيَاءَهُ ۚ إِنْ أَوْلِيَاؤُهُ إِلَّا الْمُتَّقُونَ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ34

Muxuusanse Eebe u Cadaabayn iyagoo ka Celin Dadka Masjidka Xurmada leh, mana aha Ehelkiisa, Ehelkiisu waxaan kuwa dhawrsada ahayn ma aha, Badan koodse ma Oga. (34)
8:35Juz 9 · bg. 181

وَمَا كَانَ صَلَاتُهُمْ عِنْدَ الْبَيْتِ إِلَّا مُكَاءً وَتَصْدِيَةً ۚ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنْتُمْ تَكْفُرُونَ35

Salaaddooda Kacbada agteeda ahna ma aha waxaan Foodhi iyo Sacabbo Tumid ahayn, ee Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed. (35)
8:36Juz 9 · bg. 181

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا يُنْفِقُونَ أَمْوَالَهُمْ لِيَصُدُّوا عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ ۚ فَسَيُنْفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيْهِمْ حَسْرَةً ثُمَّ يُغْلَبُونَ ۗ وَالَّذِينَ كَفَرُوا إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحْشَرُونَ36

Kuwii Gaaloobay waxay ku Bixin Xoolahooda inay ka Celiyaan Dadka Jidka Eebe way Bixin doonaan waxayna ku noqon Qoomamo markaasaa laga Adkaan, kuwa Gaaloobayna Xaga Jahannamaa Loo kulmin. (36)
8:37Juz 9 · bg. 181

لِيَمِيزَ اللَّهُ الْخَبِيثَ مِنَ الطَّيِّبِ وَيَجْعَلَ الْخَبِيثَ بَعْضَهُ عَلَىٰ بَعْضٍ فَيَرْكُمَهُ جَمِيعًا فَيَجْعَلَهُ فِي جَهَنَّمَ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ37

in Eebe kala Bixiyo Xumaanta iyo Wanaagga, Yeelana Xumaanta Qaarkeed tan Kale Korkeeda uuna Kulmin Dhammaan uuna Yeeli Jahannamo kuwaasuna waa uun kuwa Khasaaray. (37)
8:38Juz 9 · bg. 181

قُلْ لِلَّذِينَ كَفَرُوا إِنْ يَنْتَهُوا يُغْفَرْ لَهُمْ مَا قَدْ سَلَفَ وَإِنْ يَعُودُوا فَقَدْ مَضَتْ سُنَّتُ الْأَوَّلِينَ38

Ku Dheh kuwii Gaaloobay hadday ka Reebtoomaan (Gaalnimada) waxaa loo Dhaafi wixii hor maray, haddayse Daa'imaan (Gaalnimada) waxaa tagtay «horraysay» jidkii kuwii hore. (38)
8:39Juz 9 · bg. 181

وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ كُلُّهُ لِلَّهِ ۚ فَإِنِ انْتَهَوْا فَإِنَّ اللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ بَصِيرٌ39

la Dagaallama Galada intaan Gaalnimo iyo «Xumaan» laga helin una ahaato Diintu Dhammaan Eebe, hadday Reebtoomaan Eebe waxay Fali wuu Arkayaa. (39)
8:40Juz 9 · bg. 181

وَإِنْ تَوَلَّوْا فَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَوْلَاكُمْ ۚ نِعْمَ الْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ النَّصِيرُ40

Hadday Jeedsadaanna ogaada in Eebe yahay Gargaarihiinna isagaana u Fiican Gargaare. (40)
8:41Juz 10 · bg. 182

۞ وَاعْلَمُوا أَنَّمَا غَنِمْتُمْ مِنْ شَيْءٍ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ إِنْ كُنْتُمْ آمَنْتُمْ بِاللَّهِ وَمَا أَنْزَلْنَا عَلَىٰ عَبْدِنَا يَوْمَ الْفُرْقَانِ يَوْمَ الْتَقَى الْجَمْعَانِ ۗ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ41

Ogaadana waxaad Qanimaysataan in Eebe Shan Meelood Meel Leeyahay, iyo Rasuulku, iyo Qaraabada, iyo Agoonta, iyo Masaakiinta, iyo Socdaalka, haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo waxaan ku Dejinnay Addoonkanaga Maalintii kala Bixinta, Maalintay kulmeen Labadii Col (Badar) Eeebana wax kasta (oo uu Doono) wuu karaa. (41)
8:42Juz 10 · bg. 182

إِذْ أَنْتُمْ بِالْعُدْوَةِ الدُّنْيَا وَهُمْ بِالْعُدْوَةِ الْقُصْوَىٰ وَالرَّكْبُ أَسْفَلَ مِنْكُمْ ۚ وَلَوْ تَوَاعَدْتُمْ لَاخْتَلَفْتُمْ فِي الْمِيعَادِ ۙ وَلَٰكِنْ لِيَقْضِيَ اللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا لِيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَنْ بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَيَّ عَنْ بَيِّنَةٍ ۗ وَإِنَّ اللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ42

Xusuusta markaad ahaydeen Dhinicii u Dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd Dhinicii ka Fogaa (Badar) Safarkiina idinka Hooseeyey hadaad isu yahoohdan (Ballana) waad isku Khilaafi lahaydeen Ballanka, Eebaase Falay inuu Xukumo Amar uu Fali in Cidto, Ciddii Noolaanna si Cad u Noolaato, Eebana waa Maqle Og. (42)
8:43Juz 10 · bg. 182

إِذْ يُرِيكَهُمُ اللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلًا ۖ وَلَوْ أَرَاكَهُمْ كَثِيرًا لَفَشِلْتُمْ وَلَتَنَازَعْتُمْ فِي الْأَمْرِ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ سَلَّمَ ۗ إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ43

Markuu idinku Tusiyey Eebe Galada Hurdada iyagoo yar, haddu ku Tusiyo lyagoo Badanna waad Fashili lahaydeen ood ku Murmi lahaydeen Amarka, Eebaase Nabadgaliyey, Illeen wuu Ogyahay waxa Laabta ku Sugane. (43)
8:44Juz 10 · bg. 182

وَإِذْ يُرِيكُمُوهُمْ إِذِ الْتَقَيْتُمْ فِي أَعْيُنِكُمْ قَلِيلًا وَيُقَلِّلُكُمْ فِي أَعْيُنِهِمْ لِيَقْضِيَ اللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا ۗ وَإِلَى اللَّهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ44

Iyo markuu idin Tusiyey markaad Kulanteen iyagoo ku Yar indhihiinna, idinkuna yareeyey Indhahooda in Eebe Xukumo Amar uu Fali, Xagga Eebaana loo Celin Unuuraha. (44)
8:45Juz 10 · bg. 182

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا لَقِيتُمْ فِئَةً فَاثْبُتُوا وَاذْكُرُوا اللَّهَ كَثِيرًا لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ45

Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad la Kulantaan Koox (Cadow ah) Sugnaada Xusana Eebe wax Badan inaad Liibaantaan. (45)
8:46Juz 10 · bg. 183

وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ ۖ وَاصْبِرُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ46

Adeecana Eebe iyo Rasuulkiisa hana Murmina ood Fashishaan uu tagana Xooggiinnu Samra Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree (Adkaysta). (46)
8:47Juz 10 · bg. 183

وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ خَرَجُوا مِنْ دِيَارِهِمْ بَطَرًا وَرِئَاءَ النَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ ۚ وَاللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ47

Hana ka mid Noqonina kuwii ka baxay Guryahooda Kibir iyo istuska Dadka Darttiis kana Celinaya (Dadka) Jidka Eebe, Eebana waa Koobay waxay Camal Fali. (47)
8:48Juz 10 · bg. 183

وَإِذْ زَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ الْيَوْمَ مِنَ النَّاسِ وَإِنِّي جَارٌ لَكُمْ ۖ فَلَمَّا تَرَاءَتِ الْفِئَتَانِ نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ وَقَالَ إِنِّي بَرِيءٌ مِنْكُمْ إِنِّي أَرَىٰ مَا لَا تَرَوْنَ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ ۚ وَاللَّهُ شَدِيدُ الْعِقَابِ48

Markuu u Qurxiyey Shaydaanku Camalkooda kuna Yidhi wax idinka Adkaan oo Dada ma jiro Maanta, anna kaalmeeyaan idiin ahay, markay isarkeen Labadii Kooxoodna wuxuu u gurtay Cidhibtiisa, wuxuuna yidhi anugu Bari baan idinka ahay, waxaana arkaa waxaydaan Arkin waxaana ka Cabsan Eebe Ilaahayna waa Ciqaab darane. (48)
8:49Juz 10 · bg. 183

إِذْ يَقُولُ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ غَرَّ هَٰؤُلَاءِ دِينُهُمْ ۗ وَمَنْ يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَإِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ49

Markay dhahayeen Munaafiqiintu iyo kuwa Cudurku Qalbiga kaga jiro, waxaa Dhagray Kuwaas Diintooda, Ciddii Eebe tala saarata Ilaahay waa Adkaade Falsan. (49)
8:50Juz 10 · bg. 183

وَلَوْ تَرَىٰ إِذْ يَتَوَفَّى الَّذِينَ كَفَرُوا ۙ الْمَلَائِكَةُ يَضْرِبُونَ وُجُوهَهُمْ وَأَدْبَارَهُمْ وَذُوقُوا عَذَابَ الْحَرِيقِ50

Haddaad Aragto Markay Oofsan (Nafta ka qaadi) Malaa'igtu kuwii Gaaloobay oy ka Garaaci Wajiyadooda iyo Gadaashooda iyagoo ku Dhihi Dhadhamiya Cadaabka Gubidda (waxaad arki lahayd Arrin wayn). (50)
8:51Juz 10 · bg. 183

ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيكُمْ وَأَنَّ اللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّامٍ لِلْعَبِيدِ51

Arrintaasuna waa waxay hormarsatay Gacmihiinnu darteed Eebana ma Dulmiyo Addoomada. (51)
8:52Juz 10 · bg. 183

كَدَأْبِ آلِ فِرْعَوْنَ ۙ وَالَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ ۚ كَفَرُوا بِآيَاتِ اللَّهِ فَأَخَذَهُمُ اللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ شَدِيدُ الْعِقَابِ52

Waa Caadadii Fircoon Qomkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee ka Gaaloobay Aayaadkii Eebe oo Eebe Qabtay Dambigooda Dartiis, Eebana waa Xoong badane Ciqaab daran. (52)
8:53Juz 10 · bg. 184

ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ لَمْ يَكُ مُغَيِّرًا نِعْمَةً أَنْعَمَهَا عَلَىٰ قَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنْفُسِهِمْ ۙ وَأَنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ53

Arrintaasna waa inaan Eebe doorinin Nicmo uu ugu Nicmeeyey Qoom intay ka Dooriyaan wax Naftooda ah, Eebana waa Maqla Og. (53)
8:54Juz 10 · bg. 184

كَدَأْبِ آلِ فِرْعَوْنَ ۙ وَالَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ ۚ كَذَّبُوا بِآيَاتِ رَبِّهِمْ فَأَهْلَكْنَاهُمْ بِذُنُوبِهِمْ وَأَغْرَقْنَا آلَ فِرْعَوْنَ ۚ وَكُلٌّ كَانُوا ظَالِمِينَ54

Waa Caadadii Fircoon Qoomkiisii iyo kuwii ka Horreeyey, waxay ka Gaaloobeen Aayadkii Eebahood markaasuu Halaagay Dambigooda Dartiis waxayna Dhammaan ahaayeen Daalimiin. (54)
8:55Juz 10 · bg. 184

إِنَّ شَرَّ الدَّوَابِّ عِنْدَ اللَّهِ الَّذِينَ كَفَرُوا فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ55

Dhul Socde waxaa ugu Shar badan Eebe Agtiisa kuwa Gaaloobay oon Rumeynin. (55)
8:56Juz 10 · bg. 184

الَّذِينَ عَاهَدْتَ مِنْهُمْ ثُمَّ يَنْقُضُونَ عَهْدَهُمْ فِي كُلِّ مَرَّةٍ وَهُمْ لَا يَتَّقُونَ56

ee ah Kuwaad la Ballantay markaas Buriya Ballankooda mar kasta, oon Dhawrsanayn. (56)
8:57Juz 10 · bg. 184

فَإِمَّا تَثْقَفَنَّهُمْ فِي الْحَرْبِ فَشَرِّدْ بِهِمْ مَنْ خَلْفَهُمْ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ57

Haddaad ku Libaanto (Adkaato) Dagaalka ku Eri (xanuuji) kuwa ka Dambeeya inay Xusuustaan. (57)
8:58Juz 10 · bg. 184

وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِنْ قَوْمٍ خِيَانَةً فَانْبِذْ إِلَيْهِمْ عَلَىٰ سَوَاءٍ ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْخَائِنِينَ58

Haddaad ka Cabsato Qoom Khayaanadii u Tuur (Ogaysii) Ballankii si siman, Illeen Eebe ma Jeela Khaa'imiinta. (58)
8:59Juz 10 · bg. 184

وَلَا يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا سَبَقُوا ۚ إِنَّهُمْ لَا يُعْجِزُونَ59

Yeyna u malayn kuwii Gaaloobay inay Carari (Karaan) iyagu ma Daaliyaan (Eebe). (59)
8:60Juz 10 · bg. 184

وَأَعِدُّوا لَهُمْ مَا اسْتَطَعْتُمْ مِنْ قُوَّةٍ وَمِنْ رِبَاطِ الْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِ عَدُوَّ اللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ وَآخَرِينَ مِنْ دُونِهِمْ لَا تَعْلَمُونَهُمُ اللَّهُ يَعْلَمُهُمْ ۚ وَمَا تُنْفِقُوا مِنْ شَيْءٍ فِي سَبِيلِ اللَّهِ يُوَفَّ إِلَيْكُمْ وَأَنْتُمْ لَا تُظْلَمُونَ60

Ugu Darbada waxaad kartaan oo Xooga, iyo Darbidda Fardaha inaad ku Cabsi galisaan Colka Eebe iyo Colkiina (Galaada) iyo kuwa kale oo ka soo hadhay (Munafiqiinta) ma ogidin Eebaase Og, waxaad ku Bixisaan Jidka Eebana waa laydiin oofin (Dhammayn) idinkoon laydin Dulmiyeyn. (60)
8:61Juz 10 · bg. 184

۞ وَإِنْ جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ61

Hadday u Iishaan Gaaladu Nabad u lilo adna talana Saaro Eebe, Illeen isagaa uun Maqla ognee. (61)
8:62Juz 10 · bg. 185

وَإِنْ يُرِيدُوا أَنْ يَخْدَعُوكَ فَإِنَّ حَسْبَكَ اللَّهُ ۚ هُوَ الَّذِي أَيَّدَكَ بِنَصْرِهِ وَبِالْمُؤْمِنِينَ62

Hadday Doonaan inay ku Dhagraan waxaa Kaafiyahaaga ah Eebaha kugu Xoojiya Gargaarkiisa iyo Mu'miniinta. (62)
8:63Juz 10 · bg. 185

وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ ۚ لَوْ أَنْفَقْتَ مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مَا أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ63

Isuna soo Dumay Quluubtooda, haddaad Bixiso waxa Dhulka ku Sugan oo Dhan Maadan isu Dunteen Quluubtooda, Eebaase isu Dumay Dhexdooda Illeen isagaa Adkaade falsan ehe. (63)
8:64Juz 10 · bg. 185

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَسْبُكَ اللَّهُ وَمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ64

Nabiyow waxaa kugu Filan Eebe Adi iyo inta ku Raacday ee Mu'miniinta ah. (64)
8:65Juz 10 · bg. 185

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ ۚ إِنْ يَكُنْ مِنْكُمْ عِشْرُونَ صَابِرُونَ يَغْلِبُوا مِائَتَيْنِ ۚ وَإِنْ يَكُنْ مِنْكُمْ مِائَةٌ يَغْلِبُوا أَلْفًا مِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَفْقَهُونَ65

Nabiyow ku boorri mu'miniinta Dagaalka hadday idinka Mid yihiin Labaatan Samra (Adkaysta) Waxay ka adkaan Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Boqol waxay ka Adkaan Kun ah kuwa Gaaloobay Illeen waa Qoomaan wax kasayne. (65)
8:66Juz 10 · bg. 185

الْآنَ خَفَّفَ اللَّهُ عَنْكُمْ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمْ ضَعْفًا ۚ فَإِنْ يَكُنْ مِنْكُمْ مِائَةٌ صَابِرَةٌ يَغْلِبُوا مِائَتَيْنِ ۚ وَإِنْ يَكُنْ مِنْكُمْ أَلْفٌ يَغْلِبُوا أَلْفَيْنِ بِإِذْنِ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ مَعَ الصَّابِرِينَ66

Hadda wuu idinka Fududeeyey Eebe wuxuuna ogyahay inaad tabar Yartihiin hadday idinka Mid yihiin Boqol Samra (Adkaysta) waxay ka Adkaan Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Kunna waxay ka Adkaan Labo Kun Idanka Eebe, ILaahayna wuxuu la Jiraa kuwa samra. (66)
8:67Juz 10 · bg. 185

مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَنْ يَكُونَ لَهُ أَسْرَىٰ حَتَّىٰ يُثْخِنَ فِي الْأَرْضِ ۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ الدُّنْيَا وَاللَّهُ يُرِيدُ الْآخِرَةَ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ67

Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu kaga Jilciyo Dhulka Dhexdiisa (Gaalada) waxaad Doonaysaan Muuqa Addunyada Eebana wuxuu dooni Aakhiro Eebana waa Adkaade Falsan. (67)
8:68Juz 10 · bg. 185

لَوْلَا كِتَابٌ مِنَ اللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمْ فِيمَا أَخَذْتُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ68

Hadduusan Jirin Kitaab Eebe oo horreeyey waxaa idin taaban lahaa waxaad qaadateen Darteed Cadaab wayn. (68)
8:69Juz 10 · bg. 185

فَكُلُوا مِمَّا غَنِمْتُمْ حَلَالًا طَيِّبًا ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ69

ee Cuna waxaad Qanimaysataan oo Xalaal Fiicana kana dhawrsada Eebe Illeen Ilaahay waa Dhaafe Naxariistee. (69)
8:70Juz 10 · bg. 186

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُلْ لِمَنْ فِي أَيْدِيكُمْ مِنَ الْأَسْرَىٰ إِنْ يَعْلَمِ اللَّهُ فِي قُلُوبِكُمْ خَيْرًا يُؤْتِكُمْ خَيْرًا مِمَّا أُخِذَ مِنْكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ70

Nabiyow ku Dheh kuwa la Qafaashay ee Gacmihiinna ku jira hadduu ku Ogyahay Eebe Quluubtiina Khayr wuxuu idin siin mid ka Khayrroon wixii laydinka Qaaday wuuna idiin Dhaafi, Eebana waa Dhaafe Naxariista. (70)
8:71Juz 10 · bg. 186

وَإِنْ يُرِيدُوا خِيَانَتَكَ فَقَدْ خَانُوا اللَّهَ مِنْ قَبْلُ فَأَمْكَنَ مِنْهُمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ71

Hadday Doonaan Khiyaamadaadana waxay Khayaameen Eebe mar hore markaasuu idin Makaniyey Eebana waa Oge Falsan. (71)
8:72Juz 10 · bg. 186

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالَّذِينَ آوَوْا وَنَصَرُوا أُولَٰئِكَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَلَمْ يُهَاجِرُوا مَا لَكُمْ مِنْ وَلَايَتِهِمْ مِنْ شَيْءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُوا ۚ وَإِنِ اسْتَنْصَرُوكُمْ فِي الدِّينِ فَعَلَيْكُمُ النَّصْرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوْمٍ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ مِيثَاقٌ ۗ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ72

Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda Jidka Eebe iyo kuwa Dumay (soo Dhaweeyey) una Gargaaray kuwaasu Qaarkood waa Gargaaraha Qaar, kuwa Rumeeyey oon hijroonin Gargaarkooda waxba idinkama Saarra intay ka Hijrooni, haddayse idiinku Gargaar warsadaan Diinta korkiinna Gargaarbaa ah qaar Dhexdiinna Ballan yahay mooyee, Eebana waxaad Falaysaan wuu Arkaa. (72)
8:73Juz 10 · bg. 186

وَالَّذِينَ كَفَرُوا بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ إِلَّا تَفْعَلُوهُ تَكُنْ فِتْنَةٌ فِي الْأَرْضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ73

Kuwa Gaaloobay Qaarkood Waa Sokeeyaha Qaar haddaydaan saas falinna (Ogaanna) Fidmaa ahaan Dhulka iyo Fasaad wayn. (73)
8:74Juz 10 · bg. 186

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالَّذِينَ آوَوْا وَنَصَرُوا أُولَٰئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَهُمْ مَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ74

Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Jidka Eebe iyo kuwa soo Dhaweeyey una Gargaaray kuwaasu iyagaa Mu'miniina Dhaba ah, waxayna Mudan Dambi Dhaafid iyo Rizqi Sharafle. (74)
8:75Juz 10 · bg. 186

وَالَّذِينَ آمَنُوا مِنْ بَعْدُ وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا مَعَكُمْ فَأُولَٰئِكَ مِنْكُمْ ۚ وَأُولُو الْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَىٰ بِبَعْضٍ فِي كِتَابِ اللَّهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ75

Kuwa Rumeeya Gadaal oo Hijrooda oo Jahaada la Jirkiinna kuwaasu waa idinka mid, Qaraabadaana Qaarkeed Qaar ku Mudanyahay Xukunka Eebe Ilaahayna waxkasta waa ogyahay. (75)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Yasser Ad-Dossary - Al-Anfal · Tlawati