Al-Haqqah

سورة الحاقة

Suurad 69 · Makki · 52 aayado

69:1Juz 29 · bg. 566

الْحَاقَّةُ1

Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan). (1)
69:2Juz 29 · bg. 566

مَا الْحَاقَّةُ2

Xaaqo maxay tahay. (2)
69:3Juz 29 · bg. 566

وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْحَاقَّةُ3

inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada. (3)
69:4Juz 29 · bg. 566

كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌ بِالْقَارِعَةِ4

Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada. (4)
69:5Juz 29 · bg. 566

فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا بِالطَّاغِيَةِ5

Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran. (5)
69:6Juz 29 · bg. 566

وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ6

Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow. (6)
69:7Juz 29 · bg. 566

سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَانِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى الْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ7

o lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay). (7)
69:8Juz 29 · bg. 566

فَهَلْ تَرَىٰ لَهُمْ مِنْ بَاقِيَةٍ8

wax ka hadhay miyaad aragtaa. (8)
69:9Juz 29 · bg. 567

وَجَاءَ فِرْعَوْنُ وَمَنْ قَبْلَهُ وَالْمُؤْتَفِكَاتُ بِالْخَاطِئَةِ9

Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi). (9)
69:10Juz 29 · bg. 567

فَعَصَوْا رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَابِيَةً10

Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay. (10)
69:11Juz 29 · bg. 567

إِنَّا لَمَّا طَغَى الْمَاءُ حَمَلْنَاكُمْ فِي الْجَارِيَةِ11

Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii. (11)
69:12Juz 29 · bg. 567

لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَا أُذُنٌ وَاعِيَةٌ12

si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha. (12)
69:13Juz 29 · bg. 567

فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ نَفْخَةٌ وَاحِدَةٌ13

Marka Suurka la afuufo hal mar. (13)
69:14Juz 29 · bg. 567

وَحُمِلَتِ الْأَرْضُ وَالْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَاحِدَةً14

Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar. (14)
69:15Juz 29 · bg. 567

فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ الْوَاقِعَةُ15

Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa. (15)
69:16Juz 29 · bg. 567

وَانْشَقَّتِ السَّمَاءُ فَهِيَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ16

Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan. (16)
69:17Juz 29 · bg. 567

وَالْمَلَكُ عَلَىٰ أَرْجَائِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَانِيَةٌ17

Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag. (17)
69:18Juz 29 · bg. 567

يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنْكُمْ خَافِيَةٌ18

Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro. (18)
69:19Juz 29 · bg. 567

فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ فَيَقُولُ هَاؤُمُ اقْرَءُوا كِتَابِيَهْ19

Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga. (19)
69:20Juz 29 · bg. 567

إِنِّي ظَنَنْتُ أَنِّي مُلَاقٍ حِسَابِيَهْ20

Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda. (20)
69:21Juz 29 · bg. 567

فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَاضِيَةٍ21

wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay. (21)
69:22Juz 29 · bg. 567

فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ22

Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa. (22)
69:23Juz 29 · bg. 567

قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ23

Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran). (23)
69:24Juz 29 · bg. 567

كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا أَسْلَفْتُمْ فِي الْأَيَّامِ الْخَالِيَةِ24

Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii). (24)
69:25Juz 29 · bg. 567

وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِشِمَالِهِ فَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُوتَ كِتَابِيَهْ25

Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga. (25)
69:26Juz 29 · bg. 567

وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ26

Xisaabtaydana maanan ogaanin. (26)
69:27Juz 29 · bg. 567

يَا لَيْتَهَا كَانَتِ الْقَاضِيَةَ27

Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday. (27)
69:28Juz 29 · bg. 567

مَا أَغْنَىٰ عَنِّي مَالِيَهْ ۜ28

Xoolahaygi wax iima tarin. (28)
69:29Juz 29 · bg. 567

هَلَكَ عَنِّي سُلْطَانِيَهْ29

Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii). (29)
69:30Juz 29 · bg. 567

خُذُوهُ فَغُلُّوهُ30

Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira. (30)
69:31Juz 29 · bg. 567

ثُمَّ الْجَحِيمَ صَلُّوهُ31

Naarta Jahannamada geliya. (31)
69:32Juz 29 · bg. 567

ثُمَّ فِي سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَاسْلُكُوهُ32

Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah. (32)
69:33Juz 29 · bg. 567

إِنَّهُ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِاللَّهِ الْعَظِيمِ33

maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn. (33)
69:34Juz 29 · bg. 567

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ34

aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo. (34)
69:35Juz 29 · bg. 567

فَلَيْسَ لَهُ الْيَوْمَ هَاهُنَا حَمِيمٌ35

Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib. (35)
69:36Juz 29 · bg. 568

وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ36

Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka». (36)
69:37Juz 29 · bg. 568

لَا يَأْكُلُهُ إِلَّا الْخَاطِئُونَ37

Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada). (37)
69:38Juz 29 · bg. 568

فَلَا أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ38

Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah). (38)
69:39Juz 29 · bg. 568

وَمَا لَا تُبْصِرُونَ39

iyo waxaydaan arkayninba. (39)
69:40Juz 29 · bg. 568

إِنَّهُ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ40

ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh. (40)
69:41Juz 29 · bg. 568

وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَا تُؤْمِنُونَ41

Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa). (41)
69:42Juz 29 · bg. 568

وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَا تَذَكَّرُونَ42

Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan. (42)
69:43Juz 29 · bg. 568

تَنْزِيلٌ مِنْ رَبِّ الْعَالَمِينَ43

(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka. (43)
69:44Juz 29 · bg. 568

وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ الْأَقَاوِيلِ44

Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed). (44)
69:45Juz 29 · bg. 568

لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِالْيَمِينِ45

Waxaanu ku qaban gacan adag. (45)
69:46Juz 29 · bg. 568

ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ الْوَتِينَ46

Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha. (46)
69:47Juz 29 · bg. 568

فَمَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَاجِزِينَ47

Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro. (47)
69:48Juz 29 · bg. 568

وَإِنَّهُ لَتَذْكِرَةٌ لِلْمُتَّقِينَ48

Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada. (48)
69:49Juz 29 · bg. 568

وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنْكُمْ مُكَذِّبِينَ49

Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka). (49)
69:50Juz 29 · bg. 568

وَإِنَّهُ لَحَسْرَةٌ عَلَى الْكَافِرِينَ50

Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame). (50)
69:51Juz 29 · bg. 568

وَإِنَّهُ لَحَقُّ الْيَقِينِ51

Qur'aanka waa run dhab ah. (51)
69:52Juz 29 · bg. 568

فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ52

Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn. (52)

Ka ciyaar bilowga suuradda