Al-Furqan

سورة الفرقان

Suurad 25 · Makki · 77 aayado

25:1Juz 18 · bg. 359

تَبَارَكَ الَّذِي نَزَّلَ الْفُرْقَانَ عَلَىٰ عَبْدِهِ لِيَكُونَ لِلْعَالَمِينَ نَذِيرًا1

Waxaa Khayr Batay (oo wayn) Eebaha ku soo Dejiyey Quraanka Addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado Caalamka u Dige. (1)
25:2Juz 18 · bg. 359

الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَمْ يَتَّخِذْ وَلَدًا وَلَمْ يَكُنْ لَهُ شَرِيكٌ فِي الْمُلْكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَيْءٍ فَقَدَّرَهُ تَقْدِيرًا2

Eebaha uu u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, Yeelaninna Ilmo una Sugnaanin Shariig (la Wadaage) Xukunka, Abuurayna wax kasta, oo u ahaysiiyey si Qiyaasan. (2)
25:3Juz 18 · bg. 360

وَاتَّخَذُوا مِنْ دُونِهِ آلِهَةً لَا يَخْلُقُونَ شَيْئًا وَهُمْ يُخْلَقُونَ وَلَا يَمْلِكُونَ لِأَنْفُسِهِمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا وَلَا يَمْلِكُونَ مَوْتًا وَلَا حَيَاةً وَلَا نُشُورًا3

Waxay ka Yeesheen Eebe ka Sokow Ilaahyo oon Abuurayn waxba Iyagana la Abuuri una hananayn Naftooda Dhib iyo Nacfi (Midna) oonan hananayn Geeri iyo Nolol iyo soo Bixin (midna). (3)
25:4Juz 18 · bg. 360

وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا إِنْ هَٰذَا إِلَّا إِفْكٌ افْتَرَاهُ وَأَعَانَهُ عَلَيْهِ قَوْمٌ آخَرُونَ ۖ فَقَدْ جَاءُوا ظُلْمًا وَزُورًا4

Waxay Dheheen Gaaladii kani (quraanku) ma aha waxaan Been Abuur ahayn, uu la Yimid, Uguna Kaalmeeyeen Qoom kale, waxay la Yimaadeen Dulmi iyo Been (Daran). (4)
25:5Juz 18 · bg. 360

وَقَالُوا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ اكْتَتَبَهَا فَهِيَ تُمْلَىٰ عَلَيْهِ بُكْرَةً وَأَصِيلًا5

Waxay Dheheen waa Warkii Dadkii Hore oos ka Qoray Iyadaana loo Yeedhiyaa Aroor iyo Galabba. (5)
25:6Juz 18 · bg. 360

قُلْ أَنْزَلَهُ الَّذِي يَعْلَمُ السِّرَّ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ إِنَّهُ كَانَ غَفُورًا رَحِيمًا6

Waxaad Dhahdaa waxaa soo Dejiyey Eebaha Og waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka Waana Dambi Dhaafe Naxariista. (6)
25:7Juz 18 · bg. 360

وَقَالُوا مَالِ هَٰذَا الرَّسُولِ يَأْكُلُ الطَّعَامَ وَيَمْشِي فِي الْأَسْوَاقِ ۙ لَوْلَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مَلَكٌ فَيَكُونَ مَعَهُ نَذِيرًا7

Waxay dheheen Gaaladii Muxuu leeyahay Rasuulkani oos u Cuni Cunto una Socon Suuqa, maa loo Soo Dejiyo Malag oo ahaado mid la Diga. (7)
25:8Juz 18 · bg. 360

أَوْ يُلْقَىٰ إِلَيْهِ كَنْزٌ أَوْ تَكُونُ لَهُ جَنَّةٌ يَأْكُلُ مِنْهَا ۚ وَقَالَ الظَّالِمُونَ إِنْ تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلًا مَسْحُورًا8

Ama maa loo Tuuro (Dejiyo) Kansi ama u ahaato Beer uu wax ka Cuno Xageeda, waxayna Dheheen Daalimiintu ma Raacaysaan waxaan Nin Sixran ahayn. (8)
25:9Juz 18 · bg. 360

انْظُرْ كَيْفَ ضَرَبُوا لَكَ الْأَمْثَالَ فَضَلُّوا فَلَا يَسْتَطِيعُونَ سَبِيلًا9

Bal day siday kuugu Yeeleen Tusaale oy u Dhumeen una Karin (Qaadidda) Jidka (Xaqa). (9)
25:10Juz 18 · bg. 360

تَبَارَكَ الَّذِي إِنْ شَاءَ جَعَلَ لَكَ خَيْرًا مِنْ ذَٰلِكَ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ وَيَجْعَلْ لَكَ قُصُورًا10

Waxaa Khayr Badan Eebaha Hadduu Doono kuu Yeeli wax ka Khayrroon Taas, Jannooyinna (Kuu yeeli) oy Socolo Dhexdeeda Wabiyaal Kuuna Yeeli Daaro (Janno). (10)
25:11Juz 18 · bg. 360

بَلْ كَذَّبُوا بِالسَّاعَةِ ۖ وَأَعْتَدْنَا لِمَنْ كَذَّبَ بِالسَّاعَةِ سَعِيرًا11

Waxayse Beeniyeen Saacadda (Qiyaame) waxaana u Darabnay Ciddii Beenisa Saacadda Naarta Saciira. (11)
25:12Juz 18 · bg. 361

إِذَا رَأَتْهُمْ مِنْ مَكَانٍ بَعِيدٍ سَمِعُوا لَهَا تَغَيُّظًا وَزَفِيرًا12

Markay ka Aragto Meel Fog waxay ka Maqlaan Cadho iyo Guux. (12)
25:13Juz 18 · bg. 361

وَإِذَا أُلْقُوا مِنْهَا مَكَانًا ضَيِّقًا مُقَرَّنِينَ دَعَوْا هُنَالِكَ ثُبُورًا13

Marka lagu Tuuro Dhexdeeda Meel Cidhiidhi ah Iyagoo isku Xidhan waxay u Yeedhaan Halaag, iyo (Khasaare). (13)
25:14Juz 18 · bg. 361

لَا تَدْعُوا الْيَوْمَ ثُبُورًا وَاحِدًا وَادْعُوا ثُبُورًا كَثِيرًا14

(Waxaana la Dhihi) Howyeedhanina Maanta Halaag Kaliya ee u Yeedha Halaag Badan. (14)
25:15Juz 18 · bg. 361

قُلْ أَذَٰلِكَ خَيْرٌ أَمْ جَنَّةُ الْخُلْدِ الَّتِي وُعِدَ الْمُتَّقُونَ ۚ كَانَتْ لَهُمْ جَزَاءً وَمَصِيرًا15

Waxaad Dhahdaa Ma Taasaa Khayrroon mise Jannada Waaridda ee ah Middii loo Yaboohay kuwa Dhawrsada, waxayna u Ahaatay Kuwaas (Dhawrsada) Abaal Marin iyo Noqosho. (15)
25:16Juz 18 · bg. 361

لَهُمْ فِيهَا مَا يَشَاءُونَ خَالِدِينَ ۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعْدًا مَسْئُولًا16

Waxayna ka Helayaan Dhexdeeda waxay Doonaan wayna ku Waari, Arrintaasuna waa Yabooh Isaaray Eebaha oo Sugan. (16)
25:17Juz 18 · bg. 361

وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ فَيَقُولُ أَأَنْتُمْ أَضْلَلْتُمْ عِبَادِي هَٰؤُلَاءِ أَمْ هُمْ ضَلُّوا السَّبِيلَ17

Xusuusta Maalintaan Kulminayno Gaalada iyo waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oos ku Dhihi Ma idinkaa Dhumiyey Addoomadaydaas, Mise Iyahgaa ka Dhumay Jidka. (17)
25:18Juz 18 · bg. 361

قَالُوا سُبْحَانَكَ مَا كَانَ يَنْبَغِي لَنَا أَنْ نَتَّخِذَ مِنْ دُونِكَ مِنْ أَوْلِيَاءَ وَلَٰكِنْ مَتَّعْتَهُمْ وَآبَاءَهُمْ حَتَّىٰ نَسُوا الذِّكْرَ وَكَانُوا قَوْمًا بُورًا18

Waxayna Odhun Waad Nastahantahay Naguma Habboona Inaan Yeelanno Adi ka Sokow Awliyo (Gargaare), waadse u Raaxaysay iyaga iyo Aabayaalkood Intay ka Halmaamaan Waxyiga, waxayna Noqdeen kuwa Halaagsamay. (18)
25:19Juz 18 · bg. 361

فَقَدْ كَذَّبُوكُمْ بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسْتَطِيعُونَ صَرْفًا وَلَا نَصْرًا ۚ وَمَنْ يَظْلِمْ مِنْكُمْ نُذِقْهُ عَذَابًا كَبِيرًا19

Way Idinku Beeniyeen waxaad Sheegaysaan mana Kartaan Furasho iyo Gargaar midna, Ciddii wax Dulmida oo Idinka midah Waxaannu Dhadhansiin Cadaab Wayn. (19)
25:20Juz 18 · bg. 361

وَمَا أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ مِنَ الْمُرْسَلِينَ إِلَّا إِنَّهُمْ لَيَأْكُلُونَ الطَّعَامَ وَيَمْشُونَ فِي الْأَسْوَاقِ ۗ وَجَعَلْنَا بَعْضَكُمْ لِبَعْضٍ فِتْنَةً أَتَصْبِرُونَ ۗ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرًا20

Manaan Dirin Rasuul kaa Horeeyey oon Cunayn Cunnada Soconaynna Suuqa, waxaana uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fidmo (Ibtilo) ee ma Samraysaan, Eebahaana waa Arke. (20)
25:21Juz 19 · bg. 362

۞ وَقَالَ الَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَاءَنَا لَوْلَا أُنْزِلَ عَلَيْنَا الْمَلَائِكَةُ أَوْ نَرَىٰ رَبَّنَا ۗ لَقَدِ اسْتَكْبَرُوا فِي أَنْفُسِهِمْ وَعَتَوْا عُتُوًّا كَبِيرًا21

Waxay Dheheen Kuwaan Rajaynayn la kulankanaga naloogu soo Dejinwaayey Malaa'ig, ama maan Aragno Eebahanno, way Iskibriyeen (isula waynaadeen) Naftooda wayna Madax Adaygeen Madax Adayg Wayn. (21)
25:22Juz 19 · bg. 362

يَوْمَ يَرَوْنَ الْمَلَائِكَةَ لَا بُشْرَىٰ يَوْمَئِذٍ لِلْمُجْرِمِينَ وَيَقُولُونَ حِجْرًا مَحْجُورًا22

Maalintay Arki Malaa'igta (Geerida) ma Bishaaraystaan Maalintaas Dambiila Yaashu, waxayna Odhan Xijaab oodan iyo Reebnaan yaa ah (Wanaag iyo Isla kulan majiro). (22)
25:23Juz 19 · bg. 362

وَقَدِمْنَا إِلَىٰ مَا عَمِلُوا مِنْ عَمَلٍ فَجَعَلْنَاهُ هَبَاءً مَنْثُورًا23

Waannu u soo Hormarinay waxay Faleen oo Camal ah Waxaana ka yeelay Dhalanteed la Firdhiyey. (23)
25:24Juz 19 · bg. 362

أَصْحَابُ الْجَنَّةِ يَوْمَئِذٍ خَيْرٌ مُسْتَقَرًّا وَأَحْسَنُ مَقِيلًا24

Ehelu Jannaha yaa Maalintaas Khayr Roon Sugnaansho iyo Wanaag badan Qayluushi (Hurdo). (24)
25:25Juz 19 · bg. 362

وَيَوْمَ تَشَقَّقُ السَّمَاءُ بِالْغَمَامِ وَنُزِّلَ الْمَلَائِكَةُ تَنْزِيلًا25

Xusuuso Maalintay Samadu la Dillaaci Daruuraha, lana soo Dejin Malaa'igta soo Dejin. (25)
25:26Juz 19 · bg. 362

الْمُلْكُ يَوْمَئِذٍ الْحَقُّ لِلرَّحْمَٰنِ ۚ وَكَانَ يَوْمًا عَلَى الْكَافِرِينَ عَسِيرًا26

Xukunka Maalintaas ee Xaqa ah waxaa iska leh Eebaha Raxmaana, Waana Maalin Gaalada ku Daran. (26)
25:27Juz 19 · bg. 362

وَيَوْمَ يَعَضُّ الظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيْهِ يَقُولُ يَا لَيْتَنِي اتَّخَذْتُ مَعَ الرَّسُولِ سَبِيلًا27

Xusuusana Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka Jid (maan Rumeeyo). (27)
25:28Juz 19 · bg. 362

يَا وَيْلَتَىٰ لَيْتَنِي لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًا28

Halaag iyo Shalleytee Maxaan hebel Saaciib uga Yeeshay. (28)
25:29Juz 19 · bg. 362

لَقَدْ أَضَلَّنِي عَنِ الذِّكْرِ بَعْدَ إِذْ جَاءَنِي ۗ وَكَانَ الشَّيْطَانُ لِلْإِنْسَانِ خَذُولًا29

Wuxuu iga Leexiyey Quraanka intuu ii yimid ka Dib, Shaydaanna Dadka Wuxuu u Yahay Dayace (Mee Xun kaga tage). (29)
25:30Juz 19 · bg. 362

وَقَالَ الرَّسُولُ يَا رَبِّ إِنَّ قَوْمِي اتَّخَذُوا هَٰذَا الْقُرْآنَ مَهْجُورًا30

Wuxuu Yidhi Rasuulkuna Eebow Qoomkaygii waxay ka Yeesheen Quraankan mid laga Tagay (Ma Maqlaan). (30)
25:31Juz 19 · bg. 362

وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا مِنَ الْمُجْرِمِينَ ۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ هَادِيًا وَنَصِيرًا31

Saasaan ugu Yeellay Nabi kasta Col Dambiilayaal ah, Eebana ku Filan Hanuuniye iyo Gargaare. (31)
25:32Juz 19 · bg. 362

وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْلَا نُزِّلَ عَلَيْهِ الْقُرْآنُ جُمْلَةً وَاحِدَةً ۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِ فُؤَادَكَ ۖ وَرَتَّلْنَاهُ تَرْتِيلًا32

Waxay Dheheen kuwii gaaloobay maa lagu Soo Dejiyo Nabiga Quraanka Mar kaliya (Isagoo dhan) saasaan Yeellay, inaan ku Sugno Qalbigaaga, waana kugu Akhriyeynaa Akhrin (Fiican). (32)
25:33Juz 19 · bg. 363

وَلَا يَأْتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئْنَاكَ بِالْحَقِّ وَأَحْسَنَ تَفْسِيرًا33

Wixii Tusaale ah oy Kuula Yimaadaanna waxaannu Kuugula imaan Xaq iyo Fasiraadda u Fiican. (33)
25:34Juz 19 · bg. 363

الَّذِينَ يُحْشَرُونَ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ أُولَٰئِكَ شَرٌّ مَكَانًا وَأَضَلُّ سَبِيلًا34

Kuwa lagu soo Kulmin Wajigooda (Naarta) Jahannamo kuwaasu waa kuwa u Xun meel uguna Dhumid Badan Jid. (34)
25:35Juz 19 · bg. 363

وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ وَجَعَلْنَا مَعَهُ أَخَاهُ هَارُونَ وَزِيرًا35

Waxaana Siinay Nabi Muuse Kitaabkii Waxaana ka Yeellay la Jirkiisa Walaalkiis Haaruun Wasiir. (35)
25:36Juz 19 · bg. 363

فَقُلْنَا اذْهَبَا إِلَى الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا فَدَمَّرْنَاهُمْ تَدْمِيرًا36

Waxaana Nidhi Aada Qoomkii beeniyey Aayaadkanaga Waana baabi'inay (Halaagnay) baabi'in, (Halaagnay). (36)
25:37Juz 19 · bg. 363

وَقَوْمَ نُوحٍ لَمَّا كَذَّبُوا الرُّسُلَ أَغْرَقْنَاهُمْ وَجَعَلْنَاهُمْ لِلنَّاسِ آيَةً ۖ وَأَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ عَذَابًا أَلِيمًا37

(Xusuuso) Qoomkii Nabi Nuux, Markay Beeniyeen Rasuulladii Yaan Maan-Sheynay Ugana Yeellay Dadka Calaamad, Waxaana u Darabnay Daalimiinta Cadaab Daran. (37)
25:38Juz 19 · bg. 363

وَعَادًا وَثَمُودَ وَأَصْحَابَ الرَّسِّ وَقُرُونًا بَيْنَ ذَٰلِكَ كَثِيرًا38

Caadna waan Halaagnay iyo Thamuud, iyo Rasi (Ceelkii) Ehelkiisii, iyo Quruumo Intaas u Dhaxeeyey oo Badan. (38)
25:39Juz 19 · bg. 363

وَكُلًّا ضَرَبْنَا لَهُ الْأَمْثَالَ ۖ وَكُلًّا تَبَّرْنَا تَتْبِيرًا39

Dhammaan waxaan u Yeellay Tusaale Dhammaanna waan Halaagnay Halaag. (39)
25:40Juz 19 · bg. 363

وَلَقَدْ أَتَوْا عَلَى الْقَرْيَةِ الَّتِي أُمْطِرَتْ مَطَرَ السَّوْءِ ۚ أَفَلَمْ يَكُونُوا يَرَوْنَهَا ۚ بَلْ كَانُوا لَا يَرْجُونَ نُشُورًا40

Way Tageen Gaaladu Magaaladii lagu soo Daadiyey Roob Xun (Dhagax Cadaab) Miyeyna Arkeyn, waxayse Ahaayeen kuwaan Rajaynayn (ka yaabayn) soo kulmin. (40)
25:41Juz 19 · bg. 363

وَإِذَا رَأَوْكَ إِنْ يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا الَّذِي بَعَثَ اللَّهُ رَسُولًا41

Hadday ku Arkaan Gaaladu waxay kaa yeeshaan Jees Jees, iyagoo (Dhihi) ma kanaa kan Eebe Soo Bixiyey Isagoo Rasuul ah. (41)
25:42Juz 19 · bg. 363

إِنْ كَادَ لَيُضِلُّنَا عَنْ آلِهَتِنَا لَوْلَا أَنْ صَبَرْنَا عَلَيْهَا ۚ وَسَوْفَ يَعْلَمُونَ حِينَ يَرَوْنَ الْعَذَابَ مَنْ أَضَلُّ سَبِيلًا42

Wuxuu U dhawaaday inuu Naga dhumiyo Ilaahyadanada Haddaanaan ku Samrin, (ku adkaysan) waxay Ogaadaan Markay Arkaan Cadaabka Cidda Dhunsan. (42)
25:43Juz 19 · bg. 363

أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَٰهَهُ هَوَاهُ أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا43

Ka Warran Ruux ka Yeeshay Ilaahiisa Hawadiisa (Suu Jecelyahay) Ma adaa Wakiil (Ilaaliye) ka Noqon. (43)
25:44Juz 19 · bg. 364

أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ ۚ إِنْ هُمْ إِلَّا كَالْأَنْعَامِ ۖ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلًا44

Mise waxaad u Malayn in Badankood wax Maqli ama wax kasi, ma aha waxaan Xoolo oo kale ahayn, Iyagaabase ka Sii Dhunsan. (44)
25:45Juz 19 · bg. 364

أَلَمْ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيْفَ مَدَّ الظِّلَّ وَلَوْ شَاءَ لَجَعَلَهُ سَاكِنًا ثُمَّ جَعَلْنَا الشَّمْسَ عَلَيْهِ دَلِيلًا45

Miyeydaan Ogayn sida Eebe u Fidiyo hadhka, hadduu Doonana wuxuu ka Yeeli lahaa Mid Xasillan (Taagan) markaasaan ugu Yeellay Qorraxda korkiisa Daliil (Xujo). (45)
25:46Juz 19 · bg. 364

ثُمَّ قَبَضْنَاهُ إِلَيْنَا قَبْضًا يَسِيرًا46

Markaasaan u Soo qabanaa Xagganaga Qabasho Yar. (46)
25:47Juz 19 · bg. 364

وَهُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ اللَّيْلَ لِبَاسًا وَالنَّوْمَ سُبَاتًا وَجَعَلَ النَّهَارَ نُشُورًا47

Eebe waa kan Idinka Yeelay Habeenka Astur, Hurdadana Raaxo, kana yeelay Maalinta soo Kulan (Dhaqdhaqaaq). (47
25:48Juz 19 · bg. 364

وَهُوَ الَّذِي أَرْسَلَ الرِّيَاحَ بُشْرًا بَيْنَ يَدَيْ رَحْمَتِهِ ۚ وَأَنْزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً طَهُورًا48

Eebe (Sareeye) waa kan u Dira Dabaysha Bishaaro Darteed Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa, Waxaana ka soo Dejinay Samada Biyo wax Daahiriya. (48)
25:49Juz 19 · bg. 364

لِنُحْيِيَ بِهِ بَلْدَةً مَيْتًا وَنُسْقِيَهُ مِمَّا خَلَقْنَا أَنْعَامًا وَأَنَاسِيَّ كَثِيرًا49

Inaan ku Nooleyno Magaalo Dhimatay oon kuna Waraabino waxaan Abuuray, Xoolo iyo Dad Badan. (49)
25:50Juz 19 · bg. 364

وَلَقَدْ صَرَّفْنَاهُ بَيْنَهُمْ لِيَذَّكَّرُوا فَأَبَىٰ أَكْثَرُ النَّاسِ إِلَّا كُفُورًا50

Waana ku kala Duwnay «Badinay» Dhexdooda, inay Xusuustaan, Wuuna Diiday Dadka Badidiis waxaan Gaalnimo Badan ahayn. (50)
25:51Juz 19 · bg. 364

وَلَوْ شِئْنَا لَبَعَثْنَا فِي كُلِّ قَرْيَةٍ نَذِيرًا51

Haddaan Doonno waxaan ka Bixin Lahayn Magaalo Kasta Dige (Nabi). (51)
25:52Juz 19 · bg. 364

فَلَا تُطِعِ الْكَافِرِينَ وَجَاهِدْهُمْ بِهِ جِهَادًا كَبِيرًا52

ee ha Adeecin Gaalaga kulana Jahaad Quraanka Jahaad Weyn. (52)
25:53Juz 19 · bg. 364

۞ وَهُوَ الَّذِي مَرَجَ الْبَحْرَيْنِ هَٰذَا عَذْبٌ فُرَاتٌ وَهَٰذَا مِلْحٌ أُجَاجٌ وَجَعَلَ بَيْنَهُمَا بَرْزَخًا وَحِجْرًا مَحْجُورًا53

Eebe wuu isku daraa Labada Badood, Kaasi waa Macaan Daran, kaasna waa Khadhaadh Daran (Afku Diido) yeelayna Dhexdooda Soohdin iyo Xaajis Awdan. (53)
25:54Juz 19 · bg. 364

وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ مِنَ الْمَاءِ بَشَرًا فَجَعَلَهُ نَسَبًا وَصِهْرًا ۗ وَكَانَ رَبُّكَ قَدِيرًا54

Eebana waa kan ka Abuuray Biyaha Dad kana Yeelay Qaraabo iyo Soddognimo, Eebahaana wuu karaa (Wuxuu Doono). (54)
25:55Juz 19 · bg. 364

وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنْفَعُهُمْ وَلَا يَضُرُّهُمْ ۗ وَكَانَ الْكَافِرُ عَلَىٰ رَبِّهِ ظَهِيرًا55

Waxayna Caabudi Gaaladu Eebe ka Sokow waxaan Anfacayn Dhibayna Gaalna wuxuu ahaaday mid ka soo hor Jeeda Eebihiis. (55)
25:56Juz 19 · bg. 365

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا مُبَشِّرًا وَنَذِيرًا56

Maa naan kuu Dirin inaad Bishaareeye Dige ah (Noqoto Mooyee). (56)
25:57Juz 19 · bg. 365

قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِلَّا مَنْ شَاءَ أَنْ يَتَّخِذَ إِلَىٰ رَبِّهِ سَبِيلًا57

Waxaad Dhahdaa Idinkama warsado (Xaqa Gaadhsiintiisa) UJuuro Ruuxiise dooni inuu ka Yeesho Eebehiis Xaggiisa Waddo (Khayr ha falo). (57)
25:58Juz 19 · bg. 365

وَتَوَكَّلْ عَلَى الْحَيِّ الَّذِي لَا يَمُوتُ وَسَبِّحْ بِحَمْدِهِ ۚ وَكَفَىٰ بِهِ بِذُنُوبِ عِبَادِهِ خَبِيرًا58

Talo Saaro Eebaha Nool een Dhimanayn una Tasbiixso adoo Mahdin, Eebaana ku Filaan Dambiga Addomadiisa Ogaanshihiisa. (58)
25:59Juz 19 · bg. 365

الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ ۚ الرَّحْمَٰنُ فَاسْأَلْ بِهِ خَبِيرًا59

Waana Eebaha ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka iyo Waxa u Dhexeeya Lix Maalmood, kuna Istawooday Carshiga (Si u Cununta), ee Warso Cid wax Og. (59)
25:60Juz 19 · bg. 365

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اسْجُدُوا لِلرَّحْمَٰنِ قَالُوا وَمَا الرَّحْمَٰنُ أَنَسْجُدُ لِمَا تَأْمُرُنَا وَزَادَهُمْ نُفُورًا ۩60

Marka la Dhaho u Sujuuda (Eebaha) Raxmaan ah waxay Dhahaan Muxuu Yahay Raxmaan, ma waxaan u Sujuudeynaa waxaad na Farayso, wuxuuna u Kordhiyey Carar. (60)
25:61Juz 19 · bg. 365

تَبَارَكَ الَّذِي جَعَلَ فِي السَّمَاءِ بُرُوجًا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَاجًا وَقَمَرًا مُنِيرًا61

Waxaa Khayr Badnaaday Eebaha Yeela Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi. (61)
25:62Juz 19 · bg. 365

وَهُوَ الَّذِي جَعَلَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ خِلْفَةً لِمَنْ أَرَادَ أَنْ يَذَّكَّرَ أَوْ أَرَادَ شُكُورًا62

Eebana waa Ilaah uga Yeelay Habeenka iyo Maalinta Isbaddel Ciddii Doonta inuu wax Xusuusto ama Doono inuu Mahdiyo. (62)
25:63Juz 19 · bg. 365

وَعِبَادُ الرَّحْمَٰنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الْأَرْضِ هَوْنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَامًا63

Addoomada Eebaha Raxmaana waa kuwa u Socda Dhulka Xasillooni, markay la Hadlaan (Af Xumeeyaan) Jaahilliinna Yidhaahda Nabadgalyo. (63)
25:64Juz 19 · bg. 365

وَالَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَامًا64

ee ah Kuwa ku Barya (Habeenkii) Iyagoo u Sujuudi oo u Istaagi (Cibaado) Eebe. (64)
25:65Juz 19 · bg. 365

وَالَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا اصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ ۖ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا65

ee Ah kuwa Dhihi Ilaahow naga Iil Cadaabka Jahannamo, Cadaabkeedu waa joogtee. (65)
25:66Juz 19 · bg. 365

إِنَّهَا سَاءَتْ مُسْتَقَرًّا وَمُقَامًا66

Iyaduna waxay u Xuntahay ku Sugnaansho iyo ku Nagaadi. (66)
25:67Juz 19 · bg. 365

وَالَّذِينَ إِذَا أَنْفَقُوا لَمْ يُسْرِفُوا وَلَمْ يَقْتُرُوا وَكَانَ بَيْنَ ذَٰلِكَ قَوَامًا67

Ee ah kuwa Markay wax Bixiyaan aan Xad gudbin Cidhiidhyinna, oo intaas Dhexdeeda ku Tolosnaada. (67)
25:68Juz 19 · bg. 366

وَالَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ ۚ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَٰلِكَ يَلْقَ أَثَامًا68

Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona Dilayn Naftuu Eebe Xarrimay Dilkeeda Xaq Mooyee oon Zinaysanayn, Ciddii Saas fashana waxay la Kulmi Dambi. (68)
25:69Juz 19 · bg. 366

يُضَاعَفْ لَهُ الْعَذَابُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِ مُهَانًا69

Waxaana loo Laab laabi Cadaabka Maalinta Qiyaame wuuna ku Waari Dhexdiisa Isagoo Dullaysan. (69)
25:70Juz 19 · bg. 366

إِلَّا مَنْ تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَحِيمًا70

Ciddii Toobad keenta oo Rumaysa oo Fasha Camal Fiican Mooyee, oo kuwaas waxaa loogu Badali Xumaantooda Wanaag, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista. (70)
25:71Juz 19 · bg. 366

وَمَنْ تَابَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَإِنَّهُ يَتُوبُ إِلَى اللَّهِ مَتَابًا71

Ruuxii Toobad keena oo Fala Wanaag wuxuu u Noqon Eebe Noqosho. (71)
25:72Juz 19 · bg. 366

وَالَّذِينَ لَا يَشْهَدُونَ الزُّورَ وَإِذَا مَرُّوا بِاللَّغْوِ مَرُّوا كِرَامًا72

(Kuwa Fiican) waa kuwaan Furayn Been, Markay Maqlaan Hadal Xunna Mara iyagoo Wanaagsan (Ka Jeedsada). (72)
25:73Juz 19 · bg. 366

وَالَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا بِآيَاتِ رَبِّهِمْ لَمْ يَخِرُّوا عَلَيْهَا صُمًّا وَعُمْيَانًا73

Waana kuwa marka lagu Waaniyo Aayaadka Eebahooda aaan Dhicin Dhago iyo Indho La'aan. (73)

وَالَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبْ لَنَا مِنْ أَزْوَاجِنَا وَذُرِّيَّاتِنَا قُرَّةَ أَعْيُنٍ وَاجْعَلْنَا لِلْمُتَّقِينَ إِمَامًا74

waana kuwa Dhihi Eebow nagasii (naga tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax Ishu ku Qabowsato, noogana yeel kuwa Dhawrsada Imaam. (74)
25:75Juz 19 · bg. 366

أُولَٰئِكَ يُجْزَوْنَ الْغُرْفَةَ بِمَا صَبَرُوا وَيُلَقَّوْنَ فِيهَا تَحِيَّةً وَسَلَامًا75

Kuwaas waxaa lagu Abaal marin Fooqa (Janno) Samirkooddi Dartiis waxayna kula Kulmi dhexdeeda Salaan iyo soo Dhawayn. (75)
25:76Juz 19 · bg. 366

خَالِدِينَ فِيهَا ۚ حَسُنَتْ مُسْتَقَرًّا وَمُقَامًا76

Wayna ku waari Dhexdeeda waxaana u Wanaagsan Janada ku Sugnaan iyo Nagaadiba. (76)
25:77Juz 19 · bg. 366

قُلْ مَا يَعْبَأُ بِكُمْ رَبِّي لَوْلَا دُعَاؤُكُمْ ۖ فَقَدْ كَذَّبْتُمْ فَسَوْفَ يَكُونُ لِزَامًا77

Waxaadna Dhahdaa Idiinma Aabo Yeeleen Eebahay Haddaydaan Baryeyn (Illeen) waad beeniseen (Xaqee) wuxuuna ahaan mid idin Laasima Beeninta «Ciqaabta». (77)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Muhammad Jibreel - Al-Furqan · Tlawati