Al-Anbiya

سورة الأنبياء

Suurad 21 · Makki · 112 aayado

21:1Juz 17 · bg. 322

اقْتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمْ وَهُمْ فِي غَفْلَةٍ مُعْرِضُونَ1

Xisaabtoodii iyagoo Halmaansho ku Sugan oo Jeedsan. (1)
21:2Juz 17 · bg. 322

مَا يَأْتِيهِمْ مِنْ ذِكْرٍ مِنْ رَبِّهِمْ مُحْدَثٍ إِلَّا اسْتَمَعُوهُ وَهُمْ يَلْعَبُونَ2

Quraankastee oo uga Yimaadda Xagga Eebahood kana Soo darriya way maqlaan iyagoo Ciyaari. (2)
21:3Juz 17 · bg. 322

لَاهِيَةً قُلُوبُهُمْ ۗ وَأَسَرُّوا النَّجْوَى الَّذِينَ ظَلَمُوا هَلْ هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ مِثْلُكُمْ ۖ أَفَتَأْتُونَ السِّحْرَ وَأَنْتُمْ تُبْصِرُونَ3

Oy shuqloontahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen Faqii kuwii Dulmi Falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan Dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo Arka. (3)
21:4Juz 17 · bg. 322

قَالَ رَبِّي يَعْلَمُ الْقَوْلَ فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۖ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ4

Wuxuu yidhi (Nabigii) Eebahaybaa Og Hadalka Samada ku Sugan iyo Dhulka, waana Maqle Oge ah. (4)
21:5Juz 17 · bg. 322

بَلْ قَالُوا أَضْغَاثُ أَحْلَامٍ بَلِ افْتَرَاهُ بَلْ هُوَ شَاعِرٌ فَلْيَأْتِنَا بِآيَةٍ كَمَا أُرْسِلَ الْأَوَّلُونَ5

Waxay Dheheen (Gaaladii) Saas ma aha ee waa Qarowyo saa ma aha ee wuu Been Abuurtay, Saas ma aha ee waa gabayaa ee ha noo keeno Aayad Sidii Lagu diray Kuwii hore. (5)
21:6Juz 17 · bg. 322

مَا آمَنَتْ قَبْلَهُمْ مِنْ قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا ۖ أَفَهُمْ يُؤْمِنُونَ6

Mayna Rumeynin Hortood Magaalo aan Halaag (La doonay) ee Ma iyagaa Rumeyn. (6)
21:7Juz 17 · bg. 322

وَمَا أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ إِلَّا رِجَالًا نُوحِي إِلَيْهِمْ ۖ فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِنْ كُنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ7

Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn. (7)
21:8Juz 17 · bg. 322

وَمَا جَعَلْنَاهُمْ جَسَدًا لَا يَأْكُلُونَ الطَّعَامَ وَمَا كَانُوا خَالِدِينَ8

Kamaanaan Dhigin (Nabiyada) Jasad (Muqaal) oon Cunayn Cunno mana ahayn kuwo Waara. (8)
21:9Juz 17 · bg. 322

ثُمَّ صَدَقْنَاهُمُ الْوَعْدَ فَأَنْجَيْنَاهُمْ وَمَنْ نَشَاءُ وَأَهْلَكْنَا الْمُسْرِفِينَ9

Markaasna waxaan u Rumeynay Yaboohii waana Korrinay iyagii iyo Ciddaan Doono, waxaana Halaagnay Xadgudbayaasha. (9)
21:10Juz 17 · bg. 322

لَقَدْ أَنْزَلْنَا إِلَيْكُمْ كِتَابًا فِيهِ ذِكْرُكُمْ ۖ أَفَلَا تَعْقِلُونَ10

Waxaan idiin soo Dejinay Kitaab Sharaftiinnu ku Sugantahayee Miyeydaan Kasayn. (10)
21:11Juz 17 · bg. 323

وَكَمْ قَصَمْنَا مِنْ قَرْيَةٍ كَانَتْ ظَالِمَةً وَأَنْشَأْنَا بَعْدَهَا قَوْمًا آخَرِينَ11

Badanaana intaan Halaagnay Magaalo Dulmi Badan (Dadkeedu) oon Ahaysiinay Gadaasheed Qoom kale. (11)
21:12Juz 17 · bg. 323

فَلَمَّا أَحَسُّوا بَأْسَنَا إِذَا هُمْ مِنْهَا يَرْكُضُونَ12

Markay kaseen Cadaabkanaga yey ahaayeen kuwo ka Carari. (12)
21:13Juz 17 · bg. 323

لَا تَرْكُضُوا وَارْجِعُوا إِلَىٰ مَا أُتْرِفْتُمْ فِيهِ وَمَسَاكِنِكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْأَلُونَ13

Ha Cararina kuna noqda wixii laydiinku Raaxeeyey iyo Guryihiinna waxay u Dhawdahay in wax laydin warsadee. (13)
21:14Juz 17 · bg. 323

قَالُوا يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ14

Waxay Dhaheen Halaaganagee waxaan nahay Daalimiin. (14)
21:15Juz 17 · bg. 323

فَمَا زَالَتْ تِلْكَ دَعْوَاهُمْ حَتَّىٰ جَعَلْنَاهُمْ حَصِيدًا خَامِدِينَ15

Saasna kuma tagin Qayladoodu intaan ka yeello, wax la shafay oo Bakhtiya. (15)
21:16Juz 17 · bg. 323

وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ16

Maanaan Abuurin Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya Anagoo Ciyaari. (16)
21:17Juz 17 · bg. 323

لَوْ أَرَدْنَا أَنْ نَتَّخِذَ لَهْوًا لَاتَّخَذْنَاهُ مِنْ لَدُنَّا إِنْ كُنَّا فَاعِلِينَ17

Haddaan Doono Madadaallo inaan yeelano waxaan ka yeelan lahayn Agtanada haddaan Falayno. (17)
21:18Juz 17 · bg. 323

بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ الْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ18

Xaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan. (18)
21:19Juz 17 · bg. 323

وَلَهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَنْ عِنْدَهُ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِ وَلَا يَسْتَحْسِرُونَ19

Ilaahay waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, kuwa Eebe Agtiisa ahna Iskama Kibriyaan Cibaadadiisa kamana daalaan. (19)
21:20Juz 17 · bg. 323

يُسَبِّحُونَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ لَا يَفْتُرُونَ20

wayna Nasahaan Habeen iyo Dharaarba kamana Noogaan. (20)
21:21Juz 17 · bg. 323

أَمِ اتَّخَذُوا آلِهَةً مِنَ الْأَرْضِ هُمْ يُنْشِرُونَ21

Mise waxay yeesheen (Gaaladii) Ilaahyaal Dhulka Xaggiisa oo wax soo Nooleeya. (21)
21:22Juz 17 · bg. 323

لَوْ كَانَ فِيهِمَا آلِهَةٌ إِلَّا اللَّهُ لَفَسَدَتَا ۚ فَسُبْحَانَ اللَّهِ رَبِّ الْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ22

Hadday yihiin dhexdooda (Samada iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami. (22)
21:23Juz 17 · bg. 323

لَا يُسْأَلُ عَمَّا يَفْعَلُ وَهُمْ يُسْأَلُونَ23

Lama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan. (23)
21:24Juz 17 · bg. 323

أَمِ اتَّخَذُوا مِنْ دُونِهِ آلِهَةً ۖ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ ۖ هَٰذَا ذِكْرُ مَنْ مَعِيَ وَذِكْرُ مَنْ قَبْلِي ۗ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ الْحَقَّ ۖ فَهُمْ مُعْرِضُونَ24

Mise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna, kana waa (quraanka) sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga Xaqa wayna ka Jeedsan. (24)
21:25Juz 17 · bg. 324

وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ مِنْ رَسُولٍ إِلَّا نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاعْبُدُونِ25

Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda. (25
21:26Juz 17 · bg. 324

وَقَالُوا اتَّخَذَ الرَّحْمَٰنُ وَلَدًا ۗ سُبْحَانَهُ ۚ بَلْ عِبَادٌ مُكْرَمُونَ26

waxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo. (26)
21:27Juz 17 · bg. 324

لَا يَسْبِقُونَهُ بِالْقَوْلِ وَهُمْ بِأَمْرِهِ يَعْمَلُونَ27

kagama hor maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku Camalfalaan. (27)
21:28Juz 17 · bg. 324

يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يَشْفَعُونَ إِلَّا لِمَنِ ارْتَضَىٰ وَهُمْ مِنْ خَشْيَتِهِ مُشْفِقُونَ28

wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay la Baqaan. (28)
21:29Juz 17 · bg. 324

۞ وَمَنْ يَقُلْ مِنْهُمْ إِنِّي إِلَٰهٌ مِنْ دُونِهِ فَذَٰلِكَ نَجْزِيهِ جَهَنَّمَ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِي الظَّالِمِينَ29

ruuxii dhaha oo ka mid ah Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu ku Abaal marin Jahannamo, saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta. (29)
21:30Juz 17 · bg. 324

أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ ۖ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ30

miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn. (30)
21:31Juz 17 · bg. 324

وَجَعَلْنَا فِي الْأَرْضِ رَوَاسِيَ أَنْ تَمِيدَ بِهِمْ وَجَعَلْنَا فِيهَا فِجَاجًا سُبُلًا لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ31

waxaana yeellay Dhulka Sugayaal (buuro) inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo Waddooyin ah, inay ku Toosaan. (31)
21:32Juz 17 · bg. 324

وَجَعَلْنَا السَّمَاءَ سَقْفًا مَحْفُوظًا ۖ وَهُمْ عَنْ آيَاتِهَا مُعْرِضُونَ32

waxaana ka yeelay Samada Saanqaaf ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan. (32)
21:33Juz 17 · bg. 324

وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ33

Eebe waa kan Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu Dhexdabbaalan. (33)
21:34Juz 17 · bg. 324

وَمَا جَعَلْنَا لِبَشَرٍ مِنْ قَبْلِكَ الْخُلْدَ ۖ أَفَإِنْ مِتَّ فَهُمُ الْخَالِدُونَ34

maanan yeelin Dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu). (34)
21:35Juz 17 · bg. 324

كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَنَبْلُوكُمْ بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ35

Naf kastaa waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed, xagganagaana laydiin soo Celin. (35)
21:36Juz 17 · bg. 325

وَإِذَا رَآكَ الَّذِينَ كَفَرُوا إِنْ يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا الَّذِي يَذْكُرُ آلِهَتَكُمْ وَهُمْ بِذِكْرِ الرَّحْمَٰنِ هُمْ كَافِرُونَ36

markay ku arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana. (36)
21:37Juz 17 · bg. 325

خُلِقَ الْإِنْسَانُ مِنْ عَجَلٍ ۚ سَأُرِيكُمْ آيَاتِي فَلَا تَسْتَعْجِلُونِ37

waxaa laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha degdegina. (37)
21:38Juz 17 · bg. 325

وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ38

waxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run sheegaysaan. (38)
21:39Juz 17 · bg. 325

لَوْ يَعْلَمُ الَّذِينَ كَفَرُوا حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَنْ وُجُوهِهِمُ النَّارَ وَلَا عَنْ ظُهُورِهِمْ وَلَا هُمْ يُنْصَرُونَ39

hadday ogyihiin kuwii Gaaloobay markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen). (39)
21:40Juz 17 · bg. 325

بَلْ تَأْتِيهِمْ بَغْتَةً فَتَبْهَتُهُمْ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمْ يُنْظَرُونَ40

waxayse ugu imaan (naartu) si kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana Sugo. (40)
21:41Juz 17 · bg. 325

وَلَقَدِ اسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِنْ قَبْلِكَ فَحَاقَ بِالَّذِينَ سَخِرُوا مِنْهُمْ مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ41

waxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees jeesi jireen. (41)
21:42Juz 17 · bg. 325

قُلْ مَنْ يَكْلَؤُكُمْ بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ مِنَ الرَّحْمَٰنِ ۗ بَلْ هُمْ عَنْ ذِكْرِ رَبِّهِمْ مُعْرِضُونَ42

waxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin Habeen iyo Dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood. (42)
21:43Juz 17 · bg. 325

أَمْ لَهُمْ آلِهَةٌ تَمْنَعُهُمْ مِنْ دُونِنَا ۚ لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَ أَنْفُسِهِمْ وَلَا هُمْ مِنَّا يُصْحَبُونَ43

ma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay caabudi) Gargaarka Naftooda nalagamana Magan galiyo. (43)
21:44Juz 17 · bg. 325

بَلْ مَتَّعْنَا هَٰؤُلَاءِ وَآبَاءَهُمْ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيْهِمُ الْعُمُرُ ۗ أَفَلَا يَرَوْنَ أَنَّا نَأْتِي الْأَرْضَ نَنْقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَا ۚ أَفَهُمُ الْغَالِبُونَ44

Saas ma aha cc waxaan u Raaxaynay kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha Islaamka) Miyagaa Adag. (44)
21:45Juz 17 · bg. 326

قُلْ إِنَّمَا أُنْذِرُكُمْ بِالْوَحْيِ ۚ وَلَا يَسْمَعُ الصُّمُّ الدُّعَاءَ إِذَا مَا يُنْذَرُونَ45

Waxaad Dhahdaa waxaa uun aan idiinku Digi Waxyiga Mana Maqlo Dhagoole Dhawaaqa marka loo Digi. (45)
21:46Juz 17 · bg. 326

وَلَئِنْ مَسَّتْهُمْ نَفْحَةٌ مِنْ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ46

Hadduu Taabto wax Yar oo Cadaabka Eebahaa ah waxay Odhan Halaagganagee Anagaa Daalimiin ah,. (46)
21:47Juz 17 · bg. 326

وَنَضَعُ الْمَوَازِينَ الْقِسْطَ لِيَوْمِ الْقِيَامَةِ فَلَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْئًا ۖ وَإِنْ كَانَ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِنْ خَرْدَلٍ أَتَيْنَا بِهَا ۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَاسِبِينَ47

Waxaannu u Dejinaynaa Miisaanka Cadilka ah Maalinta Qiyaame lagamana Dulmiyo Naf waxba, haba ahaado wax la eg Xabbad Khardal ah (wax yar) ee waan siinaynaa, annagaana ugu Filan Xisaabiye. (47)
21:48Juz 17 · bg. 326

وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَىٰ وَهَارُونَ الْفُرْقَانَ وَضِيَاءً وَذِكْرًا لِلْمُتَّقِينَ48

Dhab ahaan yaan u Siinay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun kala Bixiye (Tawreed) iyo Nuur iyo Waanada kuwo Dhawrsada. (48)
21:49Juz 17 · bg. 326

الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ بِالْغَيْبِ وَهُمْ مِنَ السَّاعَةِ مُشْفِقُونَ49

Oo ah kuwa ka Cabsada Eebahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka Cabsan. (49)
21:50Juz 17 · bg. 326

وَهَٰذَا ذِكْرٌ مُبَارَكٌ أَنْزَلْنَاهُ ۚ أَفَأَنْتُمْ لَهُ مُنْكِرُونَ50

Kan (Quraankuna) waa Quraan la Barakeeyey oon Soo Dejinay ee midinkaa Diidi Isaga. (50)
21:51Juz 17 · bg. 326

۞ وَلَقَدْ آتَيْنَا إِبْرَاهِيمَ رُشْدَهُ مِنْ قَبْلُ وَكُنَّا بِهِ عَالِمِينَ51

Dhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn. (51)
21:52Juz 17 · bg. 326

إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَا هَٰذِهِ التَّمَاثِيلُ الَّتِي أَنْتُمْ لَهَا عَاكِفُونَ52

Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii waa maxay Sawiradan aad ku kor Negidihiin (Caabudaysaan). (52)
21:53Juz 17 · bg. 326

قَالُوا وَجَدْنَا آبَاءَنَا لَهَا عَابِدِينَ53

waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Caabudi. (53)
21:54Juz 17 · bg. 326

قَالَ لَقَدْ كُنْتُمْ أَنْتُمْ وَآبَاؤُكُمْ فِي ضَلَالٍ مُبِينٍ54

Wuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim waxaad ku Sugantihiin idinka iyo Aabayaalkiin Baadi Cad. (54)
21:55Juz 17 · bg. 326

قَالُوا أَجِئْتَنَا بِالْحَقِّ أَمْ أَنْتَ مِنَ اللَّاعِبِينَ55

Waxay Dheheen ma waxaad Noola Timid Xaq Mise Adigu waxaad ka mid Tahay kuwa Ciyaari. (55)
21:56Juz 17 · bg. 326

قَالَ بَلْ رَبُّكُمْ رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الَّذِي فَطَرَهُنَّ وَأَنَا عَلَىٰ ذَٰلِكُمْ مِنَ الشَّاهِدِينَ56

Wuxuuna Yidhi Eebihiin waa Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee ah Kan Abuuray Aniguna Arrintaas yaan ahay kuwa ka Marag Kici. (56)
21:57Juz 17 · bg. 326

وَتَاللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصْنَامَكُمْ بَعْدَ أَنْ تُوَلُّوا مُدْبِرِينَ57

Eebaan ku Dhaartayc waan Dhagri Sanamyadiinna ka Dib markaad Jeedsataan Idinkoo Tagi. (57)
21:58Juz 17 · bg. 327

فَجَعَلَهُمْ جُذَاذًا إِلَّا كَبِيرًا لَهُمْ لَعَلَّهُمْ إِلَيْهِ يَرْجِعُونَ58

Wuxuuna ka Yeelay Burbur, Koodii waynaa mooye inay Xaggiisa u Noqdaan (Inuu Jajabiyey Isagu). (58)
21:59Juz 17 · bg. 327

قَالُوا مَنْ فَعَلَ هَٰذَا بِآلِهَتِنَا إِنَّهُ لَمِنَ الظَّالِمِينَ59

waxay Dheheen yaa ku falay Sidan Ilaahyadanadii Kaasi waa Daalime. (59)
21:60Juz 17 · bg. 327

قَالُوا سَمِعْنَا فَتًى يَذْكُرُهُمْ يُقَالُ لَهُ إِبْرَاهِيمُ60

Waxayna Dheheen Waxaan Maqallay Wiil Sheegi lana Dhaho Ibraahim. (60)
21:61Juz 17 · bg. 327

قَالُوا فَأْتُوا بِهِ عَلَىٰ أَعْيُنِ النَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَشْهَدُونَ61

Waxay Dheheen keena dadka Indhihiisa inay ku Marag Furaan. (61)
21:62Juz 17 · bg. 327

قَالُوا أَأَنْتَ فَعَلْتَ هَٰذَا بِآلِهَتِنَا يَا إِبْرَاهِيمُ62

waxay Dheheen Gaaladii Maadaa ku Falay Sidan Ilaahyadannada Ibraahimow. (62)
21:63Juz 17 · bg. 327

قَالَ بَلْ فَعَلَهُ كَبِيرُهُمْ هَٰذَا فَاسْأَلُوهُمْ إِنْ كَانُوا يَنْطِقُونَ63

Wuxuu Yidhi waxaa Falay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya Hadday Hadli. (63)
21:64Juz 17 · bg. 327

فَرَجَعُوا إِلَىٰ أَنْفُسِهِمْ فَقَالُوا إِنَّكُمْ أَنْتُمُ الظَّالِمُونَ64

Markaasay u Noqdeen Naftooda waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina. (64)
21:65Juz 17 · bg. 327

ثُمَّ نُكِسُوا عَلَىٰ رُءُوسِهِمْ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا هَٰؤُلَاءِ يَنْطِقُونَ65

Markaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn. (65)
21:66Juz 17 · bg. 327

قَالَ أَفَتَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنْفَعُكُمْ شَيْئًا وَلَا يَضُرُّكُمْ66

Wuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn. (66)
21:67Juz 17 · bg. 327

أُفٍّ لَكُمْ وَلِمَا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ ۖ أَفَلَا تَعْقِلُونَ67

Ufbaa laydin Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn. (67)
21:68Juz 17 · bg. 327

قَالُوا حَرِّقُوهُ وَانْصُرُوا آلِهَتَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ فَاعِلِينَ68

Waxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad wax Falaysaan. (68)
21:69Juz 17 · bg. 327

قُلْنَا يَا نَارُ كُونِي بَرْدًا وَسَلَامًا عَلَىٰ إِبْرَاهِيمَ69

Waxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo Nabadgalyi Ibraahim. (69)
21:70Juz 17 · bg. 327

وَأَرَادُوا بِهِ كَيْدًا فَجَعَلْنَاهُمُ الْأَخْسَرِينَ70

Waxay la Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray. (70)
21:71Juz 17 · bg. 327

وَنَجَّيْنَاهُ وَلُوطًا إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا لِلْعَالَمِينَ71

Waannu u Korinay (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam). (71)
21:72Juz 17 · bg. 327

وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ نَافِلَةً ۖ وَكُلًّا جَعَلْنَا صَالِحِينَ72

Waxaan Siinay Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban. (72)
21:73Juz 17 · bg. 328

وَجَعَلْنَاهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا وَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِمْ فِعْلَ الْخَيْرَاتِ وَإِقَامَ الصَّلَاةِ وَإِيتَاءَ الزَّكَاةِ ۖ وَكَانُوا لَنَا عَابِدِينَ73

Waxaana ka yeellay Imaamyo ku Hanuuniya Amarkanaga, waxaana u waxyoonay Falidda Khayrka, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Sakada waxayna ahaayeen kuwo Na caabuda. (73)
21:74Juz 17 · bg. 328

وَلُوطًا آتَيْنَاهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْقَرْيَةِ الَّتِي كَانَتْ تَعْمَلُ الْخَبَائِثَ ۗ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمَ سَوْءٍ فَاسِقِينَ74

(Nabi) Luudhna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana ka Korinay Magaalaadii ahayd mid Fasha Xumo waxay ahaayeen Qoom Xun oo Faasiqiina. (74)
21:75Juz 17 · bg. 328

وَأَدْخَلْنَاهُ فِي رَحْمَتِنَا ۖ إِنَّهُ مِنَ الصَّالِحِينَ75

Waxaana Galinay Naxariistanada, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Suuban. (75)
21:76Juz 17 · bg. 328

وَنُوحًا إِذْ نَادَىٰ مِنْ قَبْلُ فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ76

(Nabi) Nuuxna waa Korinay, markuu Dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka Korinay isaga iyo Ehelkiisaba Murugadii Waynayd. (76)
21:77Juz 17 · bg. 328

وَنَصَرْنَاهُ مِنَ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمَ سَوْءٍ فَأَغْرَقْنَاهُمْ أَجْمَعِينَ77

Waana uga Gargaaray Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, waxayna ahaayeen Qoom Xun waana Maanshaynay Dhammaantood. (77)
21:78Juz 17 · bg. 328

وَدَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِي الْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ الْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَاهِدِينَ78

Xusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Maraga (Arka). (78)
21:79Juz 17 · bg. 328

فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ ۚ وَكُلًّا آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ الْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَالطَّيْرَ ۚ وَكُنَّا فَاعِلِينَ79

Waxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo Shimbiraha, waana Fallaa «karraa». (79)
21:80Juz 17 · bg. 328

وَعَلَّمْنَاهُ صَنْعَةَ لَبُوسٍ لَكُمْ لِتُحْصِنَكُمْ مِنْ بَأْسِكُمْ ۖ فَهَلْ أَنْتُمْ شَاكِرُونَ80

Waxaana Barray Daawuud Samaynta Duruucda inay Idinka Dhawrto Dagaalkiina, ee ma Tihiin kuwo Mahadin. (80)
21:81Juz 17 · bg. 328

وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ عَاصِفَةً تَجْرِي بِأَمْرِهِ إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا ۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَيْءٍ عَالِمِينَ81

Suleymaanna waxaan u Sakhirray Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og. (81)
21:82Juz 17 · bg. 329

وَمِنَ الشَّيَاطِينِ مَنْ يَغُوصُونَ لَهُ وَيَعْمَلُونَ عَمَلًا دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَكُنَّا لَهُمْ حَافِظِينَ82

Shaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna. (82)
21:83Juz 17 · bg. 329

۞ وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنْتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ83

(Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane. (83)
21:84Juz 17 · bg. 329

فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَكَشَفْنَا مَا بِهِ مِنْ ضُرٍّ ۖ وَآتَيْنَاهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُمْ مَعَهُمْ رَحْمَةً مِنْ عِنْدِنَا وَذِكْرَىٰ لِلْعَابِدِينَ84

Waana Ajiibnay Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka. (84)
21:85Juz 17 · bg. 329

وَإِسْمَاعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا الْكِفْلِ ۖ كُلٌّ مِنَ الصَّابِرِينَ85

Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra. (85)
21:86Juz 17 · bg. 329

وَأَدْخَلْنَاهُمْ فِي رَحْمَتِنَا ۖ إِنَّهُمْ مِنَ الصَّالِحِينَ86

Waxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid ahaayeen kuwa Suuban. (86)

وَذَا النُّونِ إِذْ ذَهَبَ مُغَاضِبًا فَظَنَّ أَنْ لَنْ نَقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَىٰ فِي الظُّلُمَاتِ أَنْ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنْتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنْتُ مِنَ الظَّالِمِينَ87

Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay isagoo Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah. (87)
21:88Juz 17 · bg. 329

فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْغَمِّ ۚ وَكَذَٰلِكَ نُنْجِي الْمُؤْمِنِينَ88

Waana Ajiibnay kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta. (88)
21:89Juz 17 · bg. 329

وَزَكَرِيَّا إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ رَبِّ لَا تَذَرْنِي فَرْدًا وَأَنْتَ خَيْرُ الْوَارِثِينَ89

Zakariyana (Xusuuso) markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee». (89)
21:90Juz 17 · bg. 329

فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَوَهَبْنَا لَهُ يَحْيَىٰ وَأَصْلَحْنَا لَهُ زَوْجَهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَيَدْعُونَنَا رَغَبًا وَرَهَبًا ۖ وَكَانُوا لَنَا خَاشِعِينَ90

Waana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca. (90)
21:91Juz 17 · bg. 330

وَالَّتِي أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهَا مِنْ رُوحِنَا وَجَعَلْنَاهَا وَابْنَهَا آيَةً لِلْعَالَمِينَ91

Tiina (Xusuuso) Dhawrtay Xubinteedaa waa (maryama) oon ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda Caalamka. (91)
21:92Juz 17 · bg. 330

إِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاعْبُدُونِ92

Tani waa Diintiinii waana Diin kaliya Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda. (92)
21:93Juz 17 · bg. 330

وَتَقَطَّعُوا أَمْرَهُمْ بَيْنَهُمْ ۖ كُلٌّ إِلَيْنَا رَاجِعُونَ93

waxayse isku Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin. (93)
21:94Juz 17 · bg. 330

فَمَنْ يَعْمَلْ مِنَ الصَّالِحَاتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا كُفْرَانَ لِسَعْيِهِ وَإِنَّا لَهُ كَاتِبُونَ94

Ruuxii Fala Wanaag isagoo Mu'min ah lagama Qariyo Camalkiisa Anguna waan u Qoraynaa. (94)
21:95Juz 17 · bg. 330

وَحَرَامٌ عَلَىٰ قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا أَنَّهُمْ لَا يَرْجِعُونَ95

Waxaa ka Reebban Magaalo aan Halaagnay inay soo Noqoto «Soo bixin ka hor». (95)
21:96Juz 17 · bg. 330

حَتَّىٰ إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُمْ مِنْ كُلِّ حَدَبٍ يَنْسِلُونَ96

Inta laga Furi soo (Dayn) Yaajuuj iyo Maajuuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey ka soo Deg degi. (96)
21:97Juz 17 · bg. 330

وَاقْتَرَبَ الْوَعْدُ الْحَقُّ فَإِذَا هِيَ شَاخِصَةٌ أَبْصَارُ الَّذِينَ كَفَرُوا يَا وَيْلَنَا قَدْ كُنَّا فِي غَفْلَةٍ مِنْ هَٰذَا بَلْ كُنَّا ظَالِمِينَ97

Waxaa Dhawaaday Yaboohii Xaqa Ahaa waxaana soo bixi inaytaagnaan Indhaha kuwa Gaaloobay (Iyagoo Dhihi) Halaaganagee waxaan kaga Sugnayn Halmaansho kan Waxaanse ahayn Daalimiin. (97)
21:98Juz 17 · bg. 330

إِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنْتُمْ لَهَا وَارِدُونَ98

Idinka iyo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka Soo hadhay waxay Noqon Shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku Arooraysaan. (98)
21:99Juz 17 · bg. 330

لَوْ كَانَ هَٰؤُلَاءِ آلِهَةً مَا وَرَدُوهَا ۖ وَكُلٌّ فِيهَا خَالِدُونَ99

Hadday Yihiin kuwaasu Ilaahyo kuma Arooreen, Dhamaanna way ku Waari. (99)
21:100Juz 17 · bg. 330

لَهُمْ فِيهَا زَفِيرٌ وَهُمْ فِيهَا لَا يَسْمَعُونَ100

waxay ku Yeelan Dhexdeeda Qaylo, waxna Dhexdeeda kuma Maqlaan. (100)
21:101Juz 17 · bg. 330

إِنَّ الَّذِينَ سَبَقَتْ لَهُمْ مِنَّا الْحُسْنَىٰ أُولَٰئِكَ عَنْهَا مُبْعَدُونَ101

kuway u Hor martay Xagganaga Wanaag kuwaasu Xaggeeda waa laga Fogayn. (101)
21:102Juz 17 · bg. 331

لَا يَسْمَعُونَ حَسِيسَهَا ۖ وَهُمْ فِي مَا اشْتَهَتْ أَنْفُسُهُمْ خَالِدُونَ102

mana Maqlaan Shanqadteeda iyaguna waxay Doonto Naftoodu yey ku Waari. (102)
21:103Juz 17 · bg. 331

لَا يَحْزُنُهُمُ الْفَزَعُ الْأَكْبَرُ وَتَتَلَقَّاهُمُ الْمَلَائِكَةُ هَٰذَا يَوْمُكُمُ الَّذِي كُنْتُمْ تُوعَدُونَ103

mana Walbahaariyo Argagaxii Waynaa, waxayna kula kulmi Malaa'igtu kani waa Maalintiinnii ah Tii laydiin Yaboohay. (103)
21:104Juz 17 · bg. 331

يَوْمَ نَطْوِي السَّمَاءَ كَطَيِّ السِّجِلِّ لِلْكُتُبِ ۚ كَمَا بَدَأْنَا أَوَّلَ خَلْقٍ نُعِيدُهُ ۚ وَعْدًا عَلَيْنَا ۚ إِنَّا كُنَّا فَاعِلِينَ104

waana Maalintaan u Duubayno Samada Sida loo Duubo Warqadaha Kitaabka, Sidaan ku Billownay Abuuriddii hore Yaana ku soo Celinaynaa, waa Yabooh korkanaga ah, annagaana Falna saas. (104)
21:105Juz 17 · bg. 331

وَلَقَدْ كَتَبْنَا فِي الزَّبُورِ مِنْ بَعْدِ الذِّكْرِ أَنَّ الْأَرْضَ يَرِثُهَا عِبَادِيَ الصَّالِحُونَ105

Dhab ahaan waxaan ugu Qorray Zabuur Sheegid ka Dib (Luuxul Maxfuudka) Dhulka waxaa Dhaxli Addoomadayda Suuban. (105)
21:106Juz 17 · bg. 331

إِنَّ فِي هَٰذَا لَبَلَاغًا لِقَوْمٍ عَابِدِينَ106

kan Gaadhsiin baa ugu Sugan Ciddi Caabudi (Eebe). (106)
21:107Juz 17 · bg. 331

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ107

kumana aanaan Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee. (107)
21:108Juz 17 · bg. 331

قُلْ إِنَّمَا يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ ۖ فَهَلْ أَنْتُمْ مُسْلِمُونَ108

Waxaad Dhahdaa waxaa uun lay Waxyooday Aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee Idinku Muslimiin ma Tihiin (Ma Hogaansameysaan). (108)
21:109Juz 17 · bg. 331

فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُلْ آذَنْتُكُمْ عَلَىٰ سَوَاءٍ ۖ وَإِنْ أَدْرِي أَقَرِيبٌ أَمْ بَعِيدٌ مَا تُوعَدُونَ109

Haddayse Jeedsadaan waxaad Dhahdaa waxaan idin Ogaysiiyey si Siman (Cad) Colnimo Mana Ogi inay Dhawdahay ama Fogtahay waxa laydiin Yaboohay. (109)
21:110Juz 17 · bg. 331

إِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ مِنَ الْقَوْلِ وَيَعْلَمُ مَا تَكْتُمُونَ110

Eebe wuxuu Ogyahay waxa lala Qaylyo oo Hadala wuxuuna Ogyahay waxaad Qarinaysaan. (110)
21:111Juz 17 · bg. 331

وَإِنْ أَدْرِي لَعَلَّهُ فِتْنَةٌ لَكُمْ وَمَتَاعٌ إِلَىٰ حِينٍ111

Mana Ogi waxay u Dhawdahay inay Fidmo idiintahay iyo Raaxo Tan iyo Muddo. (111)
21:112Juz 17 · bg. 331

قَالَ رَبِّ احْكُمْ بِالْحَقِّ ۗ وَرَبُّنَا الرَّحْمَٰنُ الْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ112

Wuxuu yidhi (Nabigu) Eebow ku kala Xukun (Dhexdanada) Xaq, Eebahanana waa Raxmaan ee Looga Kaalmo waydiisto waxaad sheegaysaan. (112)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Muhammad Jibreel - Al-Anbiya · Tlawati