Al-Qalam

سورة القلم

Suurad 68 · Makki · 52 aayado

68:1Juz 29 · bg. 564

ن ۚ وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ1

Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka). (1)
68:2Juz 29 · bg. 564

مَا أَنْتَ بِنِعْمَةِ رَبِّكَ بِمَجْنُونٍ2

Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid. (2)
68:3Juz 29 · bg. 564

وَإِنَّ لَكَ لَأَجْرًا غَيْرَ مَمْنُونٍ3

Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn. (3)
68:4Juz 29 · bg. 564

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ4

Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn. (4)
68:5Juz 29 · bg. 564

فَسَتُبْصِرُ وَيُبْصِرُونَ5

Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan. (5)
68:6Juz 29 · bg. 564

بِأَيْيِكُمُ الْمَفْتُونُ6

kinna waalan (ama la caddibo). (6)
68:7Juz 29 · bg. 564

إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنْ ضَلَّ عَنْ سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ7

Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan. (7)
68:8Juz 29 · bg. 564

فَلَا تُطِعِ الْمُكَذِّبِينَ8

Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda). (8)
68:9Juz 29 · bg. 564

وَدُّوا لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ9

Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan. (9)
68:10Juz 29 · bg. 564

وَلَا تُطِعْ كُلَّ حَلَّافٍ مَهِينٍ10

Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan. (10)
68:11Juz 29 · bg. 564

هَمَّازٍ مَشَّاءٍ بِنَمِيمٍ11

oo Xanlow ah, isku diraa ah. (11)
68:12Juz 29 · bg. 564

مَنَّاعٍ لِلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ12

Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah. (12)
68:13Juz 29 · bg. 564

عُتُلٍّ بَعْدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ13

Xumaantana ku madax adag isku dhejisna ah (xumaanlow ah). (13)
68:14Juz 29 · bg. 564

أَنْ كَانَ ذَا مَالٍ وَبَنِينَ14

inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay). (14)
68:15Juz 29 · bg. 564

إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ15

Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii. (15)
68:16Juz 29 · bg. 564

سَنَسِمُهُ عَلَى الْخُرْطُومِ16

wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka. (16)
68:17Juz 29 · bg. 565

إِنَّا بَلَوْنَاهُمْ كَمَا بَلَوْنَا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ17

Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan. (17)
68:18Juz 29 · bg. 565

وَلَا يَسْتَثْنُونَ18

Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo. (18)
68:19Juz 29 · bg. 565

فَطَافَ عَلَيْهَا طَائِفٌ مِنْ رَبِّكَ وَهُمْ نَائِمُونَ19

Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda. (19)
68:20Juz 29 · bg. 565

فَأَصْبَحَتْ كَالصَّرِيمِ20

Waxayna noqotay wax la shafay (La gooyay) oo kale. (20)
68:21Juz 29 · bg. 565

فَتَنَادَوْا مُصْبِحِينَ21

wayna isu dhawaaqeen Subaxdii. (21)
68:22Juz 29 · bg. 565

أَنِ اغْدُوا عَلَىٰ حَرْثِكُمْ إِنْ كُنْتُمْ صَارِمِينَ22

iyagoo leh kallaha oo beerta goosta. (22)
68:23Juz 29 · bg. 565

فَانْطَلَقُوا وَهُمْ يَتَخَافَتُونَ23

wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi. (23)
68:24Juz 29 · bg. 565

أَنْ لَا يَدْخُلَنَّهَا الْيَوْمَ عَلَيْكُمْ مِسْكِينٌ24

inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin. (24)
68:25Juz 29 · bg. 565

وَغَدَوْا عَلَىٰ حَرْدٍ قَادِرِينَ25

Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo). (25)
68:26Juz 29 · bg. 565

فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوا إِنَّا لَضَالُّونَ26

Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay. (26)
68:27Juz 29 · bg. 565

بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ27

haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey. (27)
68:28Juz 29 · bg. 565

قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُلْ لَكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ28

Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya. (28)
68:29Juz 29 · bg. 565

قَالُوا سُبْحَانَ رَبِّنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ29

Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay. (29)
68:30Juz 29 · bg. 565

فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَلَاوَمُونَ30

Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali. (30)
68:31Juz 29 · bg. 565

قَالُوا يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا طَاغِينَ31

Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay. (31)
68:32Juz 29 · bg. 565

عَسَىٰ رَبُّنَا أَنْ يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِنْهَا إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا رَاغِبُونَ32

Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh. (32)
68:33Juz 29 · bg. 565

كَذَٰلِكَ الْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ33

Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin. (33)
68:34Juz 29 · bg. 565

إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ عِنْدَ رَبِّهِمْ جَنَّاتِ النَّعِيمِ34

Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada». (34)
68:35Juz 29 · bg. 565

أَفَنَجْعَلُ الْمُسْلِمِينَ كَالْمُجْرِمِينَ35

Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha. (35)
68:36Juz 29 · bg. 565

مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ36

Seed u dhihi kartaan saas. (36)
68:37Juz 29 · bg. 565

أَمْ لَكُمْ كِتَابٌ فِيهِ تَدْرُسُونَ37

Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan. (37)
68:38Juz 29 · bg. 565

إِنَّ لَكُمْ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ38

oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan. (38)
68:39Juz 29 · bg. 565

أَمْ لَكُمْ أَيْمَانٌ عَلَيْنَا بَالِغَةٌ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ ۙ إِنَّ لَكُمْ لَمَا تَحْكُمُونَ39

Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan. (39)
68:40Juz 29 · bg. 565

سَلْهُمْ أَيُّهُمْ بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ40

Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas. (40)
68:41Juz 29 · bg. 565

أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ فَلْيَأْتُوا بِشُرَكَائِهِمْ إِنْ كَانُوا صَادِقِينَ41

mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi. (41)
68:42Juz 29 · bg. 565

يَوْمَ يُكْشَفُ عَنْ سَاقٍ وَيُدْعَوْنَ إِلَى السُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ42

Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud. (42)
68:43Juz 29 · bg. 566

خَاشِعَةً أَبْصَارُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۖ وَقَدْ كَانُوا يُدْعَوْنَ إِلَى السُّجُودِ وَهُمْ سَالِمُونَ43

Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba. (43)
68:44Juz 29 · bg. 566

فَذَرْنِي وَمَنْ يُكَذِّبُ بِهَٰذَا الْحَدِيثِ ۖ سَنَسْتَدْرِجُهُمْ مِنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ44

Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn. (44)
68:45Juz 29 · bg. 566

وَأُمْلِي لَهُمْ ۚ إِنَّ كَيْدِي مَتِينٌ45

Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay. (45)
68:46Juz 29 · bg. 566

أَمْ تَسْأَلُهُمْ أَجْرًا فَهُمْ مِنْ مَغْرَمٍ مُثْقَلُونَ46

Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey. (46)
68:47Juz 29 · bg. 566

أَمْ عِنْدَهُمُ الْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ47

Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori. (47)
68:48Juz 29 · bg. 566

فَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُنْ كَصَاحِبِ الْحُوتِ إِذْ نَادَىٰ وَهُوَ مَكْظُومٌ48

Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan. (48)
68:49Juz 29 · bg. 566

لَوْلَا أَنْ تَدَارَكَهُ نِعْمَةٌ مِنْ رَبِّهِ لَنُبِذَ بِالْعَرَاءِ وَهُوَ مَذْمُومٌ49

Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay. (49)
68:50Juz 29 · bg. 566

فَاجْتَبَاهُ رَبُّهُ فَجَعَلَهُ مِنَ الصَّالِحِينَ50

Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan. (50)
68:51Juz 29 · bg. 566

وَإِنْ يَكَادُ الَّذِينَ كَفَرُوا لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَارِهِمْ لَمَّا سَمِعُوا الذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُ لَمَجْنُونٌ51

Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu). (51)
68:52Juz 29 · bg. 566

وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِلْعَالَمِينَ52

Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka. (52)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Muhammad Ayyub - Al-Qalam · Tlawati