Muhammad

سورة محمد

Suurad 47 · Madani · 38 aayado

47:1Juz 26 · bg. 507

الَّذِينَ كَفَرُوا وَصَدُّوا عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ أَضَلَّ أَعْمَالَهُمْ1

kuwii Gaaloobay oo jidka Eebana ka leexiyay Dadka Eebe waa buriyay camalkooda. (1)
47:2Juz 26 · bg. 507

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَآمَنُوا بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٍ وَهُوَ الْحَقُّ مِنْ رَبِّهِمْ ۙ كَفَّرَ عَنْهُمْ سَيِّئَاتِهِمْ وَأَصْلَحَ بَالَهُمْ2

kuwa rumeeyay xaqase oo camal fiican falay oo rumeeyay Quraanka lagu soo dajiyay (Nabiga) Muxammad ah ee xaqa ah Eebe wuu astuuri xumaantooda, xaalkoodana wuu wanaajin. (2)
47:3Juz 26 · bg. 507

ذَٰلِكَ بِأَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا اتَّبَعُوا الْبَاطِلَ وَأَنَّ الَّذِينَ آمَنُوا اتَّبَعُوا الْحَقَّ مِنْ رَبِّهِمْ ۚ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ اللَّهُ لِلنَّاسِ أَمْثَالَهُمْ3

saasna waxaa ugu wacan in kuwa Gaaloobayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen xaqa Eebe, saasuuna Eebe u yeelaa tusaale. (3)
47:4Juz 26 · bg. 507

فَإِذَا لَقِيتُمُ الَّذِينَ كَفَرُوا فَضَرْبَ الرِّقَابِ حَتَّىٰ إِذَا أَثْخَنْتُمُوهُمْ فَشُدُّوا الْوَثَاقَ فَإِمَّا مَنًّا بَعْدُ وَإِمَّا فِدَاءً حَتَّىٰ تَضَعَ الْحَرْبُ أَوْزَارَهَا ۚ ذَٰلِكَ وَلَوْ يَشَاءُ اللَّهُ لَانْتَصَرَ مِنْهُمْ وَلَٰكِنْ لِيَبْلُوَ بَعْضَكُمْ بِبَعْضٍ ۗ وَالَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَلَنْ يُضِلَّ أَعْمَالَهُمْ4

Haddaad kula kulantaan Gaalada Dagaal Luqunta ka garaaca, markaad sugtaanna ku adkeeya xidhidda, markaas ama iska siidaaya ama haysfurteen, inta Dagaalku ka xasili, xaalku waa saas, hadduu Eebe doonana wuu ka aarsankaraa, hase yeeshee wuxuu saas u falay inuu qaarkiin qaarka kale ku imtixaano, kuwa Jidka Eebe lagu dilana Camalkooda Eebe ma halleeyo. (4)
47:5Juz 26 · bg. 507

سَيَهْدِيهِمْ وَيُصْلِحُ بَالَهُمْ5

Eebana wuu toosin oo hanuunin kuwaas, wuuna wanaajinn xaalkooda. (5)
47:6Juz 26 · bg. 507

وَيُدْخِلُهُمُ الْجَنَّةَ عَرَّفَهَا لَهُمْ6

Wuxuuna galin Janno (uu baray) u caddeeyay. (6)
47:7Juz 26 · bg. 507

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ تَنْصُرُوا اللَّهَ يَنْصُرْكُمْ وَيُثَبِّتْ أَقْدَامَكُمْ7

Kuwa xaqa rumeeyow haddaad u gargaartaan Eebe (Diintiisa) isna wuu idiin gargaari, Gommadihinnana wuu sugi (Geesinnimo). (7)
47:8Juz 26 · bg. 507

وَالَّذِينَ كَفَرُوا فَتَعْسًا لَهُمْ وَأَضَلَّ أَعْمَالَهُمْ8

Kuwa Gaaloobayse Halaag iyo (hoos u dhac) yaa u sugnaaday, Camalkoodiina Eebe wuu halleeyay. (8)
47:9Juz 26 · bg. 507

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَرِهُوا مَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأَحْبَطَ أَعْمَالَهُمْ9

Saas waxaa ugu wacan inay neceen waxa Eebe soo dajiyay oo xaqa ah, markaasuu hoobiyay Camalkoodii. (9)
47:10Juz 26 · bg. 507

۞ أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَيَنْظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ ۚ دَمَّرَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ ۖ وَلِلْكَافِرِينَ أَمْثَالُهَا10

Miyayna ku soconin dhulka oo markaas ay arkaan siday noqotay Cidhibtii kuwii Gaaloobay ee Ree Maka ka horreeyay, Eebaa halaagay, Gaaladana waxaa u sugnaaday saasoo kale halaag. (10)
47:11Juz 26 · bg. 507

ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ مَوْلَى الَّذِينَ آمَنُوا وَأَنَّ الْكَافِرِينَ لَا مَوْلَىٰ لَهُمْ11

Saas waxaa ugu wacan in Eebe yahay gargaaraha Mu'miniinta, Gaaladuna ayna gargaare lahayn. (11)
47:12Juz 26 · bg. 508

إِنَّ اللَّهَ يُدْخِلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ وَالَّذِينَ كَفَرُوا يَتَمَتَّعُونَ وَيَأْكُلُونَ كَمَا تَأْكُلُ الْأَنْعَامُ وَالنَّارُ مَثْوًى لَهُمْ12

Eebe wuxuu galin Mu'miniinta Camalka fiicanna falay Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, kuwa Gaaloobayna way raaxaysan (Addnunka) una cuni sida xooluhu wax u cunaan, Naarna waa Gurigay ku hoyan. (12)
47:13Juz 26 · bg. 508

وَكَأَيِّنْ مِنْ قَرْيَةٍ هِيَ أَشَدُّ قُوَّةً مِنْ قَرْيَتِكَ الَّتِي أَخْرَجَتْكَ أَهْلَكْنَاهُمْ فَلَا نَاصِرَ لَهُمْ13

Imisay jirtay Magaalo ka xoog badan Magaaladaadan ku bixisay (Maka) aanna hallignay, gargaarana aan helin. (13)
47:14Juz 26 · bg. 508

أَفَمَنْ كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِنْ رَبِّهِ كَمَنْ زُيِّنَ لَهُ سُوءُ عَمَلِهِ وَاتَّبَعُوا أَهْوَاءَهُمْ14

Ruux xaqa cad ee Eebe ku sugan ma la midbaa Ruux loo qurxiyay Camalkiisa xun oo haddana waxa naftiisu jeceshahay (ee xun) raaca. (14)
47:15Juz 26 · bg. 508

مَثَلُ الْجَنَّةِ الَّتِي وُعِدَ الْمُتَّقُونَ ۖ فِيهَا أَنْهَارٌ مِنْ مَاءٍ غَيْرِ آسِنٍ وَأَنْهَارٌ مِنْ لَبَنٍ لَمْ يَتَغَيَّرْ طَعْمُهُ وَأَنْهَارٌ مِنْ خَمْرٍ لَذَّةٍ لِلشَّارِبِينَ وَأَنْهَارٌ مِنْ عَسَلٍ مُصَفًّى ۖ وَلَهُمْ فِيهَا مِنْ كُلِّ الثَّمَرَاتِ وَمَغْفِرَةٌ مِنْ رَبِّهِمْ ۖ كَمَنْ هُوَ خَالِدٌ فِي النَّارِ وَسُقُوا مَاءً حَمِيمًا فَقَطَّعَ أَمْعَاءَهُمْ15

Tilmaanta Jannada loogu yaboohay mu'miniinta waa in Wabiyaal biya ah oon doorsoomaynin dhexdeeda yihiin, iyo Wabiyaal Caano ah ooo iyana dhadhankoodu doorsoomaynin, iyo Wabiyaal Khamro (xalaal ah) oo u macaan dadka cabbi, iyo Wabiyaal Malab ah oo la sifeeyay, waxayna Jannada ku leeyihiin nooc kasta ooMidho ah, iyo dambidhaafka Eebe. Ma la midbaa Ruux Narta ku waari lagana waraabin Biyo kulayl daran oo Xiidmahooda gooya/ (15)
47:16Juz 26 · bg. 508

وَمِنْهُمْ مَنْ يَسْتَمِعُ إِلَيْكَ حَتَّىٰ إِذَا خَرَجُوا مِنْ عِنْدِكَ قَالُوا لِلَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ مَاذَا قَالَ آنِفًا ۚ أُولَٰئِكَ الَّذِينَ طَبَعَ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَاتَّبَعُوا أَهْوَاءَهُمْ16

Waxaa ka mid ah Gaalada kuwo ku dhagaysan (Nabiyow), Markay agtaada ka baxaanna ku dhihi kuwa Cilmiga leh (Asxaabta) Muxuu lahaa dhawaan, kuwaasi waa kuwa Eebe daabacay Quluubtooda, waxay naftoodu jeclaydna (oo xunna) raacay. (16
47:17Juz 26 · bg. 508

وَالَّذِينَ اهْتَدَوْا زَادَهُمْ هُدًى وَآتَاهُمْ تَقْوَاهُمْ17

Kuwa hanuunay (Eebe) wuxuu u siyaadiyaa hanuun, wuxuuna waafajiyaa (Eebe) kayaabiddiisa. (17)
47:18Juz 26 · bg. 508

فَهَلْ يَنْظُرُونَ إِلَّا السَّاعَةَ أَنْ تَأْتِيَهُمْ بَغْتَةً ۖ فَقَدْ جَاءَ أَشْرَاطُهَا ۚ فَأَنَّىٰ لَهُمْ إِذَا جَاءَتْهُمْ ذِكْرَاهُمْ18

Gaaladu ma waxay sugi in Qiyaamadu kado ugu timaaddo, waxaase yimidba Calaamooyinkeedii, ee sideebay xusuus ugu sugnaan hadday Qiyaamadu timaaddo. (18)
47:19Juz 26 · bg. 508

فَاعْلَمْ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَاسْتَغْفِرْ لِذَنْبِكَ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ۗ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مُتَقَلَّبَكُمْ وَمَثْوَاكُمْ19

Ogow (kuna sugnow Nabiyow) inaan Eebe mooyeen Ilaah kale jirin, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu'miniinta Rag iyo Haweenba, Eebana waa ogyahay dhaqdhqaaqiinna iyo nagaadigiinnaba. (19)
47:20Juz 26 · bg. 509

وَيَقُولُ الَّذِينَ آمَنُوا لَوْلَا نُزِّلَتْ سُورَةٌ ۖ فَإِذَا أُنْزِلَتْ سُورَةٌ مُحْكَمَةٌ وَذُكِرَ فِيهَا الْقِتَالُ ۙ رَأَيْتَ الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ يَنْظُرُونَ إِلَيْكَ نَظَرَ الْمَغْشِيِّ عَلَيْهِ مِنَ الْمَوْتِ ۖ فَأَوْلَىٰ لَهُمْ20

Waxay kuwa xaqa rumeeyay dhahaan Maa la soo dejiyo Suurad, markiise la soodajiyo Suurad sugan Dagaalkana (Jahaadkana) lagu sheego waxaad arkaysaa kuwa quluubta ka buka oo ku soo fiirin (Nabiyow) sida Ruux sakaraad hayo oo kale, halaag baynamutaan kuwaasi. (20)
47:21Juz 26 · bg. 509

طَاعَةٌ وَقَوْلٌ مَعْرُوفٌ ۚ فَإِذَا عَزَمَ الْأَمْرُ فَلَوْ صَدَقُوا اللَّهَ لَكَانَ خَيْرًا لَهُمْ21

Daacadnimo iyo hadal wanaagsan yaa u khayr roonaan lahayd, markase xaalku dhaboobo (Jahaad la galo) haday Eebe u runsheegaan yaa u khayr badan. (21)
47:22Juz 26 · bg. 509

فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِنْ تَوَلَّيْتُمْ أَنْ تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ22

Amaad mudantihiin haddaad xaqa (Jahaadka) ka jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, Qaraabadiinnana goysaan. (22)
47:23Juz 26 · bg. 509

أُولَٰئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَىٰ أَبْصَارَهُمْ23

Kuwaasi waa kuwa Eebe lacnaday, dhagaha iyo Indhahana tiray. (23)
47:24Juz 26 · bg. 509

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ أَمْ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقْفَالُهَا24

Miyayna Quraanka u fiirsanin (sidhab ah) mise Quluubtoodaa daboolan. (24)
47:25Juz 26 · bg. 509

إِنَّ الَّذِينَ ارْتَدُّوا عَلَىٰ أَدْبَارِهِمْ مِنْ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ الْهُدَى ۙ الشَّيْطَانُ سَوَّلَ لَهُمْ وَأَمْلَىٰ لَهُمْ25

Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) inta xaqu iyo hanuunku u caddaaday ka dib shaydaanbaa u qurxiyay, yididiilo (been ahna) uguna yaboohay. (25)
47:26Juz 26 · bg. 509

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا لِلَّذِينَ كَرِهُوا مَا نَزَّلَ اللَّهُ سَنُطِيعُكُمْ فِي بَعْضِ الْأَمْرِ ۖ وَاللَّهُ يَعْلَمُ إِسْرَارَهُمْ26

Saas waxaa ugu wacan iney kuwa riddoobay ku dheheen kuwa xaqa nacay waxaan idinku (waafaqaynaa) adeecaynaa amarka qaarkiis (colnimada Nabiga), Eebana waa ogyahay waxay qarsan. (26)
47:27Juz 26 · bg. 509

فَكَيْفَ إِذَا تَوَفَّتْهُمُ الْمَلَائِكَةُ يَضْرِبُونَ وُجُوهَهُمْ وَأَدْبَارَهُمْ27

Ee say noqon markay nafta ka qaadayso Malaa'igtu iyadoo ka garaaci Wajiga iyo gadaashaba. (27)
47:28Juz 26 · bg. 509

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ اتَّبَعُوا مَا أَسْخَطَ اللَّهَ وَكَرِهُوا رِضْوَانَهُ فَأَحْبَطَ أَعْمَالَهُمْ28

Saas waxaa ugu wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebe ka cadhoodo, neceenna raalli ahaanshihiisa, markaasuu buriyay camalkoodii. (28)
47:29Juz 26 · bg. 509

أَمْ حَسِبَ الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ أَنْ لَنْ يُخْرِجَ اللَّهُ أَضْغَانَهُمْ29

Kuwii Qalbiga ka bukay ma waxay u maleeyeen inaan Eebe soo muujinayn xumaanta (iyo xasadka) Qalbiga kaga jira. (29)
47:30Juz 26 · bg. 510

وَلَوْ نَشَاءُ لَأَرَيْنَاكَهُمْ فَلَعَرَفْتَهُمْ بِسِيمَاهُمْ ۚ وَلَتَعْرِفَنَّهُمْ فِي لَحْنِ الْقَوْلِ ۚ وَاللَّهُ يَعْلَمُ أَعْمَالَكُمْ30

Haddaan doonno waan ku tusin karnaa kuwaas, waxaadna ku aqoonsan Calaamad, waxaad kaloo ku oqoonsan hadalka leexsan, Eebana waa ohyahay camalkooda. (30)
47:31Juz 26 · bg. 510

وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ حَتَّىٰ نَعْلَمَ الْمُجَاهِدِينَ مِنْكُمْ وَالصَّابِرِينَ وَنَبْلُوَ أَخْبَارَكُمْ31

waannu idin imtixaanaynaa intaan ka muujinno kuwiinna Jahaadi iyo kuwa samra, waana imtixaanaynaa Xaalkiinna. (31)
47:32Juz 26 · bg. 510

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَصَدُّوا عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ وَشَاقُّوا الرَّسُولَ مِنْ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ الْهُدَىٰ لَنْ يَضُرُّوا اللَّهَ شَيْئًا وَسَيُحْبِطُ أَعْمَالَهُمْ32

Kuwa gaaloobay ee Jidka Eebe ka leexiya dadka Rasuulkana khilaafa (lana collooba) inta xaqu u caddaaday ka dib waxba Eebe kama dhimayaan Camalkoodana wuu burrin. (32)
47:33Juz 26 · bg. 510

۞ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَلَا تُبْطِلُوا أَعْمَالَكُمْ33

Kuwa xaqa rumeeyow Eebe adeeca, Rasuukiisana adeeca, Camalkiinnana hayska burrinina. (33)
47:34Juz 26 · bg. 510

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَصَدُّوا عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ ثُمَّ مَاتُوا وَهُمْ كُفَّارٌ فَلَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَهُمْ34

Kuwa gaaloobay oo Jidka Eebe ka leexiyay dadka kadibna dhinta iyagoo gaala ah Eebe uma Dambi dhaafo. (34)
47:35Juz 26 · bg. 510

فَلَا تَهِنُوا وَتَدْعُوا إِلَى السَّلْمِ وَأَنْتُمُ الْأَعْلَوْنَ وَاللَّهُ مَعَكُمْ وَلَنْ يَتِرَكُمْ أَعْمَالَكُمْ35

Ha tabar darraanina mu'miniintaay ood markaa heshiis u yeedhaan, idinkaaba ka sarreeyee Eebana idinla jiraaye, Camalkiinnana ma nusqaaminaayee. (35)
47:36Juz 26 · bg. 510

إِنَّمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا لَعِبٌ وَلَهْوٌ ۚ وَإِنْ تُؤْمِنُوا وَتَتَّقُوا يُؤْتِكُمْ أُجُورَكُمْ وَلَا يَسْأَلْكُمْ أَمْوَالَكُمْ36

Nolosha Adduunyo waa uun ciyaar iyo dheeldheel, haddaadse xaqa rumeysaan ood dhawrsataan wuxuu idin siin (Eebe) abaalkiinna, xoolihiinnana idin waydiisan maayo. (36)
47:37Juz 26 · bg. 510

إِنْ يَسْأَلْكُمُوهَا فَيُحْفِكُمْ تَبْخَلُوا وَيُخْرِجْ أَضْغَانَكُمْ37

Hadduu idin waydiiyo (Eebe) xoolihiinna (dhammaan) idinkuna celceliyo waad bakhayloobaysaan, waxaana soo bixi colnimadiinna. (37)
47:38Juz 26 · bg. 510

هَا أَنْتُمْ هَٰؤُلَاءِ تُدْعَوْنَ لِتُنْفِقُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَمِنْكُمْ مَنْ يَبْخَلُ ۖ وَمَنْ يَبْخَلْ فَإِنَّمَا يَبْخَلُ عَنْ نَفْسِهِ ۚ وَاللَّهُ الْغَنِيُّ وَأَنْتُمُ الْفُقَرَاءُ ۚ وَإِنْ تَتَوَلَّوْا يَسْتَبْدِلْ قَوْمًا غَيْرَكُمْ ثُمَّ لَا يَكُونُوا أَمْثَالَكُمْ38

Kuwaas xaqa rumeeyow waxaa laydiinku yeedhi inaad jidka Eebe wax ku bixisaan, waxaase idinka mid ah kuwo ku bakhayli, Ruuxiise bakhayla wuxuu uun kala bakhaylay Naftiisa Eebana waa hodon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro, haddaad xaqa ka jeedsataanse wuxuu Eebe idinku baddali kuwa kale oon idin lamid noqonayn. (38)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Muhammad Ayyub - Muhammad · Tlawati