Al-Qasas

سورة القصص

Suurad 28 · Makki · 88 aayado

28:1Juz 20 · bg. 385

طسم1

Wuxuu ku Tusin Mucjisada Quraanka. (1)
28:2Juz 20 · bg. 385

تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ الْمُبِينِ2

Taasina waa Aayaadka Kitaabka (Quraanka) ee Cad. (2)
28:3Juz 20 · bg. 385

نَتْلُو عَلَيْكَ مِنْ نَبَإِ مُوسَىٰ وَفِرْعَوْنَ بِالْحَقِّ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ3

Waxaannu kugu Akhrin Korkaaga Warkii (Nabi) Muuse iyo Fircoon si Xaq ah Qoomkii Rumayn. (3)
28:4Juz 20 · bg. 385

إِنَّ فِرْعَوْنَ عَلَا فِي الْأَرْضِ وَجَعَلَ أَهْلَهَا شِيَعًا يَسْتَضْعِفُ طَائِفَةً مِنْهُمْ يُذَبِّحُ أَبْنَاءَهُمْ وَيَسْتَحْيِي نِسَاءَهُمْ ۚ إِنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُفْسِدِينَ4

Fircoon wuu Isku Kibriyey Dhulka (Masar) wuxuuna ka Yeelay Ehelkiisii Kooxo, Isagoo Yaraysan (Dullayn) Koox ka Mid ah Gawricina Wiilashooda oo Dayn Haweenkooda wuxuuna ka mid ahaa kuwa wax Fasaadiya. (4)
28:5Juz 20 · bg. 385

وَنُرِيدُ أَنْ نَمُنَّ عَلَى الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا فِي الْأَرْضِ وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّةً وَنَجْعَلَهُمُ الْوَارِثِينَ5

Waxaanu Dooni inaan ku Mannaysanno (Waxsiino) kuwii lagu Dullaysanayay Dhulka kana yeello Imaamyo, kana Yeello kuwa Dhaxli Dhulka. (5)
28:6Juz 20 · bg. 386

وَنُمَكِّنَ لَهُمْ فِي الْأَرْضِ وَنُرِيَ فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَجُنُودَهُمَا مِنْهُمْ مَا كَانُوا يَحْذَرُونَ6

Oon Makansiinno Dhulka, Tusinana Fircoon iyo Haamaan iyo Januuddooda waxay ka Digtoonaayeen (Halaagooda). (6)
28:7Juz 20 · bg. 386

وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ أُمِّ مُوسَىٰ أَنْ أَرْضِعِيهِ ۖ فَإِذَا خِفْتِ عَلَيْهِ فَأَلْقِيهِ فِي الْيَمِّ وَلَا تَخَافِي وَلَا تَحْزَنِي ۖ إِنَّا رَادُّوهُ إِلَيْكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ الْمُرْسَلِينَ7

Waxaan u Waxyoonay ku (Ilhaamaynay) Muuse Hooyadiis Nuuji, markaad u Cabsatana ku Tuur Hirka (Badda) hana Cabsan hana Murugoon anagaa kugu soo Celine kana Yeeli kuwa la Diro (Rasuul). (7)
28:8Juz 20 · bg. 386

فَالْتَقَطَهُ آلُ فِرْعَوْنَ لِيَكُونَ لَهُمْ عَدُوًّا وَحَزَنًا ۗ إِنَّ فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَجُنُودَهُمَا كَانُوا خَاطِئِينَ8

Waxaana Qaaday Fircoon Dadkiisii Isagoo u Noqon doona Col iyo Walbahaar, Fircoon iyo Haamaan iyo Colkoodiina waxay Ahaayeen kuwo Gefay. (8)
28:9Juz 20 · bg. 386

وَقَالَتِ امْرَأَتُ فِرْعَوْنَ قُرَّتُ عَيْنٍ لِي وَلَكَ ۖ لَا تَقْتُلُوهُ عَسَىٰ أَنْ يَنْفَعَنَا أَوْ نَتَّخِذَهُ وَلَدًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ9

Waxayna Tidhi Haweenaydii Fircoon waa Raaxada Ishayda iyo taada ee ha Dilina, waxay u Dhawdahay inuu ina Anfaco ama aan ka yeelanno Wiile, mana Oga Iyagu (Dhabta). (9)
28:10Juz 20 · bg. 386

وَأَصْبَحَ فُؤَادُ أُمِّ مُوسَىٰ فَارِغًا ۖ إِنْ كَادَتْ لَتُبْدِي بِهِ لَوْلَا أَنْ رَبَطْنَا عَلَىٰ قَلْبِهَا لِتَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ10

Wuxuu Ahaaday Qalbigii Muuse Hooyadiis mid Madhan waxayna u Dhawaatay inay Muujiso Haddaanaan Adkaynin Qalbigeeda inay ahaato Mu'miniinta. (10)
28:11Juz 20 · bg. 386

وَقَالَتْ لِأُخْتِهِ قُصِّيهِ ۖ فَبَصُرَتْ بِهِ عَنْ جُنُبٍ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ11

Waxayna ku Tidhi Walaashiis Raac, waxayna ka eegaysay Dhinac Fog, iyagoon ogayn. (11)
28:12Juz 20 · bg. 386

۞ وَحَرَّمْنَا عَلَيْهِ الْمَرَاضِعَ مِنْ قَبْلُ فَقَالَتْ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ أَهْلِ بَيْتٍ يَكْفُلُونَهُ لَكُمْ وَهُمْ لَهُ نَاصِحُونَ12

Waxaana ka Reebnay Korkiisa Nuugmada Horay, waxayna Tidhi Gabadhii Maydin Tusiyaa Qoys idiin Dhaqaalayn una Samo Fali. (12)
28:13Juz 20 · bg. 386

فَرَدَدْنَاهُ إِلَىٰ أُمِّهِ كَيْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ وَلِتَعْلَمَ أَنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ13

Waxaana ku soo Celinay Hooyadiis, si ay u Raaxaysato Isheedu una Murgin, Ogaatana in Yabooha Eebe Yahay Xaq Laakiin Dadka Badankiisu ma Oga. (13)
28:14Juz 20 · bg. 387

وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُ وَاسْتَوَىٰ آتَيْنَاهُ حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ14

Markuu Gaadhay (Nabi) muuse Xooggiisa oo Ekaaday Yaan siinay Xigmo iyo Cilmi, Saasaana ku abal Marinaa Sama Falayaasha. (14)
28:15Juz 20 · bg. 387

وَدَخَلَ الْمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفْلَةٍ مِنْ أَهْلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيْنِ يَقْتَتِلَانِ هَٰذَا مِنْ شِيعَتِهِ وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِ ۖ فَاسْتَغَاثَهُ الَّذِي مِنْ شِيعَتِهِ عَلَى الَّذِي مِنْ عَدُوِّهِ فَوَكَزَهُ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيْهِ ۖ قَالَ هَٰذَا مِنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ ۖ إِنَّهُ عَدُوٌّ مُضِلٌّ مُبِينٌ15

Wuxuuna Galay Magaaladii Waqti aan Dadkeedu ogayn, wuxuuna Helay Labo Nin oo Dagaallami, oo Kaasi Yahay Qaraabadiisa kaasna Yahay Colkiisa, waxaana u Kaalmo warsaday kii Qaraabadiisa ahaa Colkiisa (Korkiisa) wuuna Feedhay Muuse wuuna Dilay, wuxuuna Yidhi waa Camal Shaydaan, Isaguna waa Col Baadiyeeya oo Cad. (15)
28:16Juz 20 · bg. 387

قَالَ رَبِّ إِنِّي ظَلَمْتُ نَفْسِي فَاغْفِرْ لِي فَغَفَرَ لَهُ ۚ إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ16

Wuxuu Yidhi Eebow Anigu waxaan Dulmiyey Naftayda ee ii Dambi Dhaaf wuuna u Dambi Dhaafay Illeen Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariistee. (16)
28:17Juz 20 · bg. 387

قَالَ رَبِّ بِمَا أَنْعَمْتَ عَلَيَّ فَلَنْ أَكُونَ ظَهِيرًا لِلْمُجْرِمِينَ17

Wuxuuna Yidhi Eebow Nicmadaad ii Nicmaysay Darteed Yaanan Noqonin mid u Kaalmeeya Dambiilayaasha. (17)
28:18Juz 20 · bg. 387

فَأَصْبَحَ فِي الْمَدِينَةِ خَائِفًا يَتَرَقَّبُ فَإِذَا الَّذِي اسْتَنْصَرَهُ بِالْأَمْسِ يَسْتَصْرِخُهُ ۚ قَالَ لَهُ مُوسَىٰ إِنَّكَ لَغَوِيٌّ مُبِينٌ18

Wuxuu ku Waabariistay Magaaladii Isagoo Cabsan oo Sugi (Dhib) Markasuu ku soo Baxay kii Gargaarka Warsaday Shalay oo Qaylyi, wuxuuna ku yidhi Muuse Adugu waxaad tahay baadi cad. (18)
28:19Juz 20 · bg. 387

فَلَمَّا أَنْ أَرَادَ أَنْ يَبْطِشَ بِالَّذِي هُوَ عَدُوٌّ لَهُمَا قَالَ يَا مُوسَىٰ أَتُرِيدُ أَنْ تَقْتُلَنِي كَمَا قَتَلْتَ نَفْسًا بِالْأَمْسِ ۖ إِنْ تُرِيدُ إِلَّا أَنْ تَكُونَ جَبَّارًا فِي الْأَرْضِ وَمَا تُرِيدُ أَنْ تَكُونَ مِنَ الْمُصْلِحِينَ19

Markuu Doonay inuu Qabto (Wax yeelo) kii Colka u ahaana wuxuu yidhi (kii loo gargaarayey) Muusow ma waxaad dooni inaad I disho Sidaad u Dishay Naf (Kale) Shalay, ma Doonaysid waxaan Jabbaar (Kibir badane) ahayn Dhulka ku Noqoto, mana Doonaysid inaad Noqoto kuwa wax Wanaajiya. (19)
28:20Juz 20 · bg. 387

وَجَاءَ رَجُلٌ مِنْ أَقْصَى الْمَدِينَةِ يَسْعَىٰ قَالَ يَا مُوسَىٰ إِنَّ الْمَلَأَ يَأْتَمِرُونَ بِكَ لِيَقْتُلُوكَ فَاخْرُجْ إِنِّي لَكَ مِنَ النَّاصِحِينَ20

Waxaana ka Yimid Magaalada Xageeda God Nin Ordi oo leh Muusow, Qoomku waxay ku Tashanayaan inay ku Dilaan ee Bax Anuguna waan kuu Naseexayne. (20)
28:21Juz 20 · bg. 387

فَخَرَجَ مِنْهَا خَائِفًا يَتَرَقَّبُ ۖ قَالَ رَبِّ نَجِّنِي مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ21

Wuuna ka Baxay (Magaaladii) Isagoo Cabsan oo Filan (waxyeello) wuxuuna yidhi Eebow iga Kori Qoomka Daalimiinta ah. (21)
28:22Juz 20 · bg. 388

وَلَمَّا تَوَجَّهَ تِلْقَاءَ مَدْيَنَ قَالَ عَسَىٰ رَبِّي أَنْ يَهْدِيَنِي سَوَاءَ السَّبِيلِ22

Markuu U jahaystay madyan Xaggeedana wuxuu yidhi wuxuu u Dhawyahay Eebahay inuu igu (Hanuuniyo) jidka Toosan. (22)
28:23Juz 20 · bg. 388

وَلَمَّا وَرَدَ مَاءَ مَدْيَنَ وَجَدَ عَلَيْهِ أُمَّةً مِنَ النَّاسِ يَسْقُونَ وَوَجَدَ مِنْ دُونِهِمُ امْرَأَتَيْنِ تَذُودَانِ ۖ قَالَ مَا خَطْبُكُمَا ۖ قَالَتَا لَا نَسْقِي حَتَّىٰ يُصْدِرَ الرِّعَاءُ ۖ وَأَبُونَا شَيْخٌ كَبِيرٌ23

Markuu Gaadhay Biyaha Madyanna wuxuu ku Helay Ummad Dad ahoo Waraabinaysa wuxuuna ka helay Sokodooda Labo Haweena oo Reebi (Adhigooda) wuxuuna yidhi muxuu Xaalkiinu yahay, waxayna Dheheen Ma Waraabinno intay ka Fulaan Xoola jirku, Aabbahanana waa Oday Wayn. (23)

فَسَقَىٰ لَهُمَا ثُمَّ تَوَلَّىٰ إِلَى الظِّلِّ فَقَالَ رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنْزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ24

Markaasuu u Waraabiyey wuxuuna u Jeedsaday Xagga Hooska wuxuuna Yidhi Eebow waxaad ii soo Dejiso (Isiiso) oo Khayra waan u Baahnahay. (24)
28:25Juz 20 · bg. 388

فَجَاءَتْهُ إِحْدَاهُمَا تَمْشِي عَلَى اسْتِحْيَاءٍ قَالَتْ إِنَّ أَبِي يَدْعُوكَ لِيَجْزِيَكَ أَجْرَ مَا سَقَيْتَ لَنَا ۚ فَلَمَّا جَاءَهُ وَقَصَّ عَلَيْهِ الْقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفْ ۖ نَجَوْتَ مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ25

Markaasay u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoon waxayna ku Tidhi Aabahay wuu kuu Yeedhi inuu kaa Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u Yimid oo Uga Warramay Qisadii yuu ku yidhi ha Cabsan Waad ka Kortay Qoomkii Daalimiinta ahaa. (25)
28:26Juz 20 · bg. 388

قَالَتْ إِحْدَاهُمَا يَا أَبَتِ اسْتَأْجِرْهُ ۖ إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ الْقَوِيُّ الْأَمِينُ26

Waxayna Tidhi Middood Aabbow noo Ijaar, Illeen waxaa u Khayr roon Cid la Ijaarto Mid Xoog Badan oo Aamin ah. (26)
28:27Juz 20 · bg. 388

قَالَ إِنِّي أُرِيدُ أَنْ أُنْكِحَكَ إِحْدَى ابْنَتَيَّ هَاتَيْنِ عَلَىٰ أَنْ تَأْجُرَنِي ثَمَانِيَ حِجَجٍ ۖ فَإِنْ أَتْمَمْتَ عَشْرًا فَمِنْ عِنْدِكَ ۖ وَمَا أُرِيدُ أَنْ أَشُقَّ عَلَيْكَ ۚ سَتَجِدُنِي إِنْ شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّالِحِينَ27

Wuxuuna ku Yidhi Anugu waxaan dooni inaan kuu Guuriyo Labadaydan Gabdhood Middood inaan ku Ijaarto Siddeed Sano Haddaad Dhamayso Tobankana waa Adiga Agtaada, mana Doonayo inaan ku Dhibo waxaana igu Ogaan Hadduu Eebe Doono kuwa Wanaagsan. (27)
28:28Juz 20 · bg. 388

قَالَ ذَٰلِكَ بَيْنِي وَبَيْنَكَ ۖ أَيَّمَا الْأَجَلَيْنِ قَضَيْتُ فَلَا عُدْوَانَ عَلَيَّ ۖ وَاللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ28

Wuxuuna Yidhi Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo Kaan Dhammaystana dhib iguma aha, Eebana waxaan Sheegayno waa u Wakiil. (28)
28:29Juz 20 · bg. 389

۞ فَلَمَّا قَضَىٰ مُوسَى الْأَجَلَ وَسَارَ بِأَهْلِهِ آنَسَ مِنْ جَانِبِ الطُّورِ نَارًا قَالَ لِأَهْلِهِ امْكُثُوا إِنِّي آنَسْتُ نَارًا لَعَلِّي آتِيكُمْ مِنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ جَذْوَةٍ مِنَ النَّارِ لَعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ29

Markuu Dhammeeyey (Nabi) Muuse Muddadii oo la Tegay Ehelkiisii wuxuu ku Arkay Dhinaca Dhuur Dab, wuxuuna ku Yidhi Ehelkiisii Suga waxaan Arkaa Dabe waxaan u Dhawahay inaan Idiinka Keeno War ama Dhuxul Daba inaad Kulaashaan. (29)
28:30Juz 20 · bg. 389

فَلَمَّا أَتَاهَا نُودِيَ مِنْ شَاطِئِ الْوَادِ الْأَيْمَنِ فِي الْبُقْعَةِ الْمُبَارَكَةِ مِنَ الشَّجَرَةِ أَنْ يَا مُوسَىٰ إِنِّي أَنَا اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ30

Markuu Yimidna waxaaa Looga Dhawaaqay Togga Dhiniciisa Midig, Meeshii Barakaysnayd oo Geedka (Isagoo la Yidhi) Anugu Ilaahay Baan ahay Eebaha Caalamka ah. (30)
28:31Juz 20 · bg. 389

وَأَنْ أَلْقِ عَصَاكَ ۖ فَلَمَّا رَآهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَانٌّ وَلَّىٰ مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْ ۚ يَا مُوسَىٰ أَقْبِلْ وَلَا تَخَفْ ۖ إِنَّكَ مِنَ الْآمِنِينَ31

Ee Tuur Ushaada Markuu Arkay iyadoo Gilgilanna ood Mooddo Mas wuu Jeedsaday Isagoo Carari, mana soo Jeesan, (waxaana lagu Yidhi) Muusow soo Qaabil (soo Noqo), hana Cabsan Adugu Aaminbaad tahay (waad nabadgali). (31)
28:32Juz 20 · bg. 389

اسْلُكْ يَدَكَ فِي جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَاءَ مِنْ غَيْرِ سُوءٍ وَاضْمُمْ إِلَيْكَ جَنَاحَكَ مِنَ الرَّهْبِ ۖ فَذَانِكَ بُرْهَانَانِ مِنْ رَبِّكَ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ32

Gali Gacantaada Jeebkaaga waxay so Bixi Iyadoo Cad Xumaan (cudur) La'aan, Iskuna Dhaji Garabkaaga Argagaxa Dartiis taasina waa Xujooyin Eebe ka ahaatay oo Fircoon iyo Qoomkiisa (Loo diray) waana Qoom Faasiqiina. (32)
28:33Juz 20 · bg. 389

قَالَ رَبِّ إِنِّي قَتَلْتُ مِنْهُمْ نَفْسًا فَأَخَافُ أَنْ يَقْتُلُونِ33

Wuxuu Yidhi Eebow waxaan ka Dilay Naf waxaana ka Cabsan inay I dilaan. (33)
28:34Juz 20 · bg. 389

وَأَخِي هَارُونُ هُوَ أَفْصَحُ مِنِّي لِسَانًا فَأَرْسِلْهُ مَعِيَ رِدْءًا يُصَدِّقُنِي ۖ إِنِّي أَخَافُ أَنْ يُكَذِّبُونِ34

Walaalkay Haaruunbaana iga Fasiixsan Carrabka (Hadalka), ee Ila Dir Xoojin ha ii Rumeeyee, waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. (34)
28:35Juz 20 · bg. 389

قَالَ سَنَشُدُّ عَضُدَكَ بِأَخِيكَ وَنَجْعَلُ لَكُمَا سُلْطَانًا فَلَا يَصِلُونَ إِلَيْكُمَا ۚ بِآيَاتِنَا أَنْتُمَا وَمَنِ اتَّبَعَكُمَا الْغَالِبُونَ35

Wuxuu yidhi (Eebe) waannu ku Xoojin Cududdaada Walaalkaa waxaana idiin yeeli Xujo Idimana Gaadhayaan (Dhibkiinna) aayaadkanaga Dartood, Idinka iyo Inta idin Raacday yaana Adkaan. (35)
28:36Juz 20 · bg. 390

فَلَمَّا جَاءَهُمْ مُوسَىٰ بِآيَاتِنَا بَيِّنَاتٍ قَالُوا مَا هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُفْتَرًى وَمَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي آبَائِنَا الْأَوَّلِينَ36

Markuu Ula Yimid muuse Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dheheen kani waa Sixir la Abuurtay mana Aanaan ku maqal kan (oo kale) Aabbayaalkannagii horreeyey. (36)
28:37Juz 20 · bg. 390

وَقَالَ مُوسَىٰ رَبِّي أَعْلَمُ بِمَنْ جَاءَ بِالْهُدَىٰ مِنْ عِنْدِهِ وَمَنْ تَكُونُ لَهُ عَاقِبَةُ الدَّارِ ۖ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ37

Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebahaybaa og Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo Cidday u ahaan Cidhibta dambe illeen ma Liibaano daalime. (37)
28:38Juz 20 · bg. 390

وَقَالَ فِرْعَوْنُ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ مَا عَلِمْتُ لَكُمْ مِنْ إِلَٰهٍ غَيْرِي فَأَوْقِدْ لِي يَا هَامَانُ عَلَى الطِّينِ فَاجْعَلْ لِي صَرْحًا لَعَلِّي أَطَّلِعُ إِلَىٰ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُ مِنَ الْكَاذِبِينَ38

Wuxuu Yidhi Fircoon Madaxeey Idiinma Ogi Eebe Iga soo Hadhay ee ii Huri Haamaanow Dhoobada iina Yeel Daar (dheer) inaan Daalacdo Ilaaha Muuse waxaan u Malayn inuu Beenaale yahaye. (38)
28:39Juz 20 · bg. 390

وَاسْتَكْبَرَ هُوَ وَجُنُودُهُ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَظَنُّوا أَنَّهُمْ إِلَيْنَا لَا يُرْجَعُونَ39

Waxay Isku Kibriyeen isaga iyo Colkiisiiba Dhulka Xaq Darro waxayna u Maleeyeen inaan Xagganaga loo soo Celinayn. (39)
28:40Juz 20 · bg. 390

فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ ۖ فَانْظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الظَّالِمِينَ40

Waana Qabanay Isaga iyo Colkiisii waxaana ku Turray Badda ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Daalimiinta. (40)
28:41Juz 20 · bg. 390

وَجَعَلْنَاهُمْ أَئِمَّةً يَدْعُونَ إِلَى النَّارِ ۖ وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ لَا يُنْصَرُونَ41

waxaana ka Yeellay Madax ugu Yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma Gargaaro. (41)
28:42Juz 20 · bg. 390

وَأَتْبَعْنَاهُمْ فِي هَٰذِهِ الدُّنْيَا لَعْنَةً ۖ وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ هُمْ مِنَ الْمَقْبُوحِينَ42

Waxaana Raacinay Adduunayadan Lacnad, Maalinta Qiyaamana waxay noqon kuwa la dheereeyey (La halaagay). (42)
28:43Juz 20 · bg. 390

وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ مِنْ بَعْدِ مَا أَهْلَكْنَا الْقُرُونَ الْأُولَىٰ بَصَائِرَ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةً لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ43

Waxaan Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka ka Dib Intaan halaagnay Quruumihii hore, Isagoo Aragti u ah Dadka iyo Hanuun iyo Naxariis inay Xusuustaan Darteed. (43)
28:44Juz 20 · bg. 391

وَمَا كُنْتَ بِجَانِبِ الْغَرْبِيِّ إِذْ قَضَيْنَا إِلَىٰ مُوسَى الْأَمْرَ وَمَا كُنْتَ مِنَ الشَّاهِدِينَ44

Maadan ahayn Dhinaca Galbeed ee Buurta markaan Sinnaynay Muuse Amarka «Nabinimada» mana aadan ahay Kuwii Joogay. (44)
28:45Juz 20 · bg. 391

وَلَٰكِنَّا أَنْشَأْنَا قُرُونًا فَتَطَاوَلَ عَلَيْهِمُ الْعُمُرُ ۚ وَمَا كُنْتَ ثَاوِيًا فِي أَهْلِ مَدْيَنَ تَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِنَا وَلَٰكِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ45

Laakiin waxaan ahaysiinay Quruumo waxaana ku dheeraday Cimrigii, mana aadan ahayn mid ku nagaa Ehelkii Madyan Adoo ku Akhrin Korkooda Aayaadkanaga Laakiin anagaa ku Dirray. (45)
28:46Juz 20 · bg. 391

وَمَا كُنْتَ بِجَانِبِ الطُّورِ إِذْ نَادَيْنَا وَلَٰكِنْ رَحْمَةً مِنْ رَبِّكَ لِتُنْذِرَ قَوْمًا مَا أَتَاهُمْ مِنْ نَذِيرٍ مِنْ قَبْلِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ46

Mana aadan ahayn Dhinicii (Buurta) Dhuur markaan u Dhawaaqnay Laakiin waa naxariista Eebahaa Inaad u Digto qoom uusan u Imaan Dige kaa Horreeyey inay Waantoobaan. (46)
28:47Juz 20 · bg. 391

وَلَوْلَا أَنْ تُصِيبَهُمْ مُصِيبَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ فَيَقُولُوا رَبَّنَا لَوْلَا أَرْسَلْتَ إِلَيْنَا رَسُولًا فَنَتَّبِعَ آيَاتِكَ وَنَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ47

Hadday markay ku Dhacdo Musiibo (Dhib) waxay hormarsadeen Gacmahoodu Darteed oo Markaas ay Dhahaan Eebow Maxaad noogu soo Diri wayday Rasuul oo Raacno Aayaadkaaga Noqonnana Mu'miniinta «waa la Ciqaabi lahaa». (47)
28:48Juz 20 · bg. 391

فَلَمَّا جَاءَهُمُ الْحَقُّ مِنْ عِنْدِنَا قَالُوا لَوْلَا أُوتِيَ مِثْلَ مَا أُوتِيَ مُوسَىٰ ۚ أَوَلَمْ يَكْفُرُوا بِمَا أُوتِيَ مُوسَىٰ مِنْ قَبْلُ ۖ قَالُوا سِحْرَانِ تَظَاهَرَا وَقَالُوا إِنَّا بِكُلٍّ كَافِرُونَ48

Markuu uga yimid Xaqii Xagganaga yey Dheheen maa la Siiyo wixii la Siiyey (Nabi) Muuse oo kale, miyeyna ka Gaaloobin wixii la Siyyey Muuse Horay, oyna Dhihin waa Labo Sixir oo Iskaalmaystay waxayna dheheen Annagu Dhammaan waan ka Gaalownay. (48)
28:49Juz 20 · bg. 391

قُلْ فَأْتُوا بِكِتَابٍ مِنْ عِنْدِ اللَّهِ هُوَ أَهْدَىٰ مِنْهُمَا أَتَّبِعْهُ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ49

Waxaad Dhahdaa ka Keena Kitaab Xagga Eebe ka Hanuun badan Labadooda aan raacnee haddaad Run Sheegaysaan. (49)
28:50Juz 20 · bg. 391

فَإِنْ لَمْ يَسْتَجِيبُوا لَكَ فَاعْلَمْ أَنَّمَا يَتَّبِعُونَ أَهْوَاءَهُمْ ۚ وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنِ اتَّبَعَ هَوَاهُ بِغَيْرِ هُدًى مِنَ اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ50

Haddayna ku Ajiibin (Maqlin) Ogow inay uun Raacayaan Hawadooda, wax ka Dhumid badanna ma jirto cid Raacday Hawadeeda Hanuun Eebe La'aantiis, Eebana ma Hanuuniyo Qoom Daalimiin ah. (50)
28:51Juz 20 · bg. 392

۞ وَلَقَدْ وَصَّلْنَا لَهُمُ الْقَوْلَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ51

Dhah ahaanbaan ugu Xidhiidhinay (ugu Caddayn) Hadalka inay Waantoobaan. (51)
28:52Juz 20 · bg. 392

الَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ مِنْ قَبْلِهِ هُمْ بِهِ يُؤْمِنُونَ52

Kuwaannu Siinay Kitaabka Hortiis way Rumayn isaga. (52)
28:53Juz 20 · bg. 392

وَإِذَا يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ قَالُوا آمَنَّا بِهِ إِنَّهُ الْحَقُّ مِنْ رَبِّنَا إِنَّا كُنَّا مِنْ قَبْلِهِ مُسْلِمِينَ53

Marka lagu Akhriyo Korkoodana waxay Dhahaan waan Rumaynay Quraanka inuu Xaq Eebaheen ka Yimid yahay Annaguna waxaan ahayn hortiis Muslimiin. (53)
28:54Juz 20 · bg. 392

أُولَٰئِكَ يُؤْتَوْنَ أَجْرَهُمْ مَرَّتَيْنِ بِمَا صَبَرُوا وَيَدْرَءُونَ بِالْحَسَنَةِ السَّيِّئَةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ54

Kuwaas waxaa la Siiyey Ajrigooda Labo mar Samirkoodii Dartiis, waxayna Raaciyaan Xumaanta Wanaag waxaan ku Arzugnayna waxbay ka Bixiyaan. (54)
28:55Juz 20 · bg. 392

وَإِذَا سَمِعُوا اللَّغْوَ أَعْرَضُوا عَنْهُ وَقَالُوا لَنَا أَعْمَالُنَا وَلَكُمْ أَعْمَالُكُمْ سَلَامٌ عَلَيْكُمْ لَا نَبْتَغِي الْجَاهِلِينَ55

Markay Maqlaan hadal Macno Darrana way ka Jeedsadaan waxayna Dhahaan Annagu Camalkanaga yaan leenahay idinna Camalkiinna Waad Salaamantihiin ma Rabno Jaahiliin (Waddadooda). (55)
28:56Juz 20 · bg. 392

إِنَّكَ لَا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يَهْدِي مَنْ يَشَاءُ ۚ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ56

Adugu ma Hanuunisid Ciddaad Jeceshahay laakiin Eebaa Hanuuniya Cidduu Doono Isagaana Og kuwa Hanuunsan. (56)
28:57Juz 20 · bg. 392

وَقَالُوا إِنْ نَتَّبِعِ الْهُدَىٰ مَعَكَ نُتَخَطَّفْ مِنْ أَرْضِنَا ۚ أَوَلَمْ نُمَكِّنْ لَهُمْ حَرَمًا آمِنًا يُجْبَىٰ إِلَيْهِ ثَمَرَاتُ كُلِّ شَيْءٍ رِزْقًا مِنْ لَدُنَّا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ57

Waxay Dheheen Gaaladii (Maxaad) Haddaan Raacno Hanuunka waxaa Nalaga Dafi Dhulkannaga, Miyaanaan Siinin Xaram Aamina oo la Keeno Midhaha wax Kasta quudin Darteed oo Xagganaga ah, Laakiin Badankood ma Oga. (57)
28:58Juz 20 · bg. 392

وَكَمْ أَهْلَكْنَا مِنْ قَرْيَةٍ بَطِرَتْ مَعِيشَتَهَا ۖ فَتِلْكَ مَسَاكِنُهُمْ لَمْ تُسْكَنْ مِنْ بَعْدِهِمْ إِلَّا قَلِيلًا ۖ وَكُنَّا نَحْنُ الْوَارِثِينَ58

Badanaa intaan Halaagnay Magaalo ku Kibirtay Nolasheeda waana Taas Guryahoodii lamana Degin Gadaashood wax yar mooyee, Anagaana ah kuwo Dhaxla (Hadha). (58)
28:59Juz 20 · bg. 392

وَمَا كَانَ رَبُّكَ مُهْلِكَ الْقُرَىٰ حَتَّىٰ يَبْعَثَ فِي أُمِّهَا رَسُولًا يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِنَا ۚ وَمَا كُنَّا مُهْلِكِي الْقُرَىٰ إِلَّا وَأَهْلُهَا ظَالِمُونَ59

Mana aha Eebahaa mid Halaaga Magaalo intuu uga Bixiyo Tan Hooyada u ah «Caasimaadda» Rasuul ku Akhriya Korkooda Aayaadkanaga mana nihin kuwo Halaaga Magaalo aan Ehelkeedu Daalimiin ahayn. (59)
28:60Juz 20 · bg. 393

وَمَا أُوتِيتُمْ مِنْ شَيْءٍ فَمَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَزِينَتُهَا ۚ وَمَا عِنْدَ اللَّهِ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ60

Wixii Laydin Siiyey oo Wax ah waa uun Raaxada Nolasha Dhaw iyo Quruxdeed waxase Eebe Agtiisa ah yaa Khayr Roon oo Hadhid badan ee Miyeydaan wax Kasayn. (60)
28:61Juz 20 · bg. 393

أَفَمَنْ وَعَدْنَاهُ وَعْدًا حَسَنًا فَهُوَ لَاقِيهِ كَمَنْ مَتَّعْنَاهُ مَتَاعَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ثُمَّ هُوَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنَ الْمُحْضَرِينَ61

Ruuxan u Yaboohnay Yabooh Fiican oo La Kulmi ma la Midbaa Ruuxaan ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw markaas noqon Maalinta Qiyaame kuwa la Soo Joojin (La Cadaabi). (61)
28:62Juz 20 · bg. 393

وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَائِيَ الَّذِينَ كُنْتُمْ تَزْعُمُونَ62

Xusuuso Maalinta Eebe u Yeedhi Gaalada oo ku Dhihi Aaway kuwaad ila Wadaajiseen ah kuwaad Sheeganayseen (Caabudayseen). (62)
28:63Juz 20 · bg. 393

قَالَ الَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ الْقَوْلُ رَبَّنَا هَٰؤُلَاءِ الَّذِينَ أَغْوَيْنَا أَغْوَيْنَاهُمْ كَمَا غَوَيْنَا ۖ تَبَرَّأْنَا إِلَيْكَ ۖ مَا كَانُوا إِيَّانَا يَعْبُدُونَ63

Kuwii waxay Dheheen uu ku Sugnaaday Hadalkii Eebe (Ciqaabtii) Eebow kuwaasu waa kuwaan Baadiyeynay, waana Baadiyeynay sidaan u Baadiyoownay waana isagakaa Baryeelay mana ahayn kuwo Anaga Nacaabuda. (63)
28:64Juz 20 · bg. 393

وَقِيلَ ادْعُوا شُرَكَاءَكُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا لَهُمْ وَرَأَوُا الْعَذَابَ ۚ لَوْ أَنَّهُمْ كَانُوا يَهْتَدُونَ64

Waxaana loo Odhan Uyeedha Shurukadiinna markaasay u Yeedhaan mase Ajiibaan (Maqlaan) waxayna arkaan Cadaabka Markaasay Qoomamoodaan Hadday Hanuunilahaayeen. (64)
28:65Juz 20 · bg. 393

وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ مَاذَا أَجَبْتُمُ الْمُرْسَلِينَ65

Xusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oos ku Odhan Eebe Maxaad ugu Jawaabteen Rasuulladii. (65)
28:66Juz 20 · bg. 393

فَعَمِيَتْ عَلَيْهِمُ الْأَنْبَاءُ يَوْمَئِذٍ فَهُمْ لَا يَتَسَاءَلُونَ66

Markaasay ku Indho Beeshay korkooda Xujadii (Waayeen Xujo) Maalintaas, waxna Isma Warsadaan. (66)
28:67Juz 20 · bg. 393

فَأَمَّا مَنْ تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَعَسَىٰ أَنْ يَكُونَ مِنَ الْمُفْلِحِينَ67

Ruuxiise Toobadkeena oo Rumeeya oo Fala Camal Fiican wuxuu u Dhawyahay inuu Noqdo kuwa Liibaanay. (67)
28:68Juz 20 · bg. 393

وَرَبُّكَ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ وَيَخْتَارُ ۗ مَا كَانَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ ۚ سُبْحَانَ اللَّهِ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ68

Eebahaa wuxuu Abuuraa wuxuu Doono oo Doorto, Doorasho ma Leh Iyagu (Dadku) waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay la Wadaajin. (68)
28:69Juz 20 · bg. 393

وَرَبُّكَ يَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ69

Eebahaana waa Ogyahay waxay qarin Laabtoodu iyo waxay Muujinba. (69)
28:70Juz 20 · bg. 393

وَهُوَ اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ لَهُ الْحَمْدُ فِي الْأُولَىٰ وَالْآخِرَةِ ۖ وَلَهُ الْحُكْمُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ70

Eebana waa Ilaaha isaga mooyee aan Ilaah kale Jirin, Mahad buu mutaa Adduun iyo Aakhiraba, Xukunkana isagaa iska leh Xaggiisaana loo Noqon. (70)
28:71Juz 20 · bg. 394

قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِنْ جَعَلَ اللَّهُ عَلَيْكُمُ اللَّيْلَ سَرْمَدًا إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَنْ إِلَٰهٌ غَيْرُ اللَّهِ يَأْتِيكُمْ بِضِيَاءٍ ۖ أَفَلَا تَسْمَعُونَ71

Waxaad Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Habeen Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa Kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Nuur miyaydaan wax Maqlayn. (71)
28:72Juz 20 · bg. 394

قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِنْ جَعَلَ اللَّهُ عَلَيْكُمُ النَّهَارَ سَرْمَدًا إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَنْ إِلَٰهٌ غَيْرُ اللَّهِ يَأْتِيكُمْ بِلَيْلٍ تَسْكُنُونَ فِيهِ ۖ أَفَلَا تُبْصِرُونَ72

Waxaadna Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Maalin Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Habeen aad ku Xasishaan Dhexdiisa miyeydaan wax arkayn. (72)
28:73Juz 20 · bg. 394

وَمِنْ رَحْمَتِهِ جَعَلَ لَكُمُ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ لِتَسْكُنُوا فِيهِ وَلِتَبْتَغُوا مِنْ فَضْلِهِ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ73

Naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu idiin yeelay Habeen iyo Dharaarba inaad Xasishaan dhexdiisa Dalabtaanna Fadligiisa iyo inaad ku Shugridaan. (73)
28:74Juz 20 · bg. 394

وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَائِيَ الَّذِينَ كُنْتُمْ تَزْعُمُونَ74

Xusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oo Eebe odhana Aaway Shurakadaydii ah kuwaad Sheeganayseen. (74)
28:75Juz 20 · bg. 394

وَنَزَعْنَا مِنْ كُلِّ أُمَّةٍ شَهِيدًا فَقُلْنَا هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ فَعَلِمُوا أَنَّ الْحَقَّ لِلَّهِ وَضَلَّ عَنْهُمْ مَا كَانُوا يَفْتَرُونَ75

Waxaana ka soo Siibnaa ummad kasta Markhaati waxaana ku nidhi keena Xujadiinna waxayna Ogaadaan in Xaqa Eebe Leeyahay waxaana ka Dhumay Xagooda waxay Been Abuuran Jireen. (75)
28:76Juz 20 · bg. 394

۞ إِنَّ قَارُونَ كَانَ مِنْ قَوْمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيْهِمْ ۖ وَآتَيْنَاهُ مِنَ الْكُنُوزِ مَا إِنَّ مَفَاتِحَهُ لَتَنُوءُ بِالْعُصْبَةِ أُولِي الْقُوَّةِ إِذْ قَالَ لَهُ قَوْمُهُ لَا تَفْرَحْ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْفَرِحِينَ76

Qaaruunna wuxuu ka mid ahaa qoomkii (Nabi) muuse, wuuna ku Kibray Korkooda, waxaana Siinay wax Furayaalkiisu ku Culustahay Koox Xoog badan, markay ku Dheheen qoomkiisii ha Farxin (Kibrin) Eebe ma Jeela kuwa Farxa «Kibree». (76)
28:77Juz 20 · bg. 394

وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الْآخِرَةَ ۖ وَلَا تَنْسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا ۖ وَأَحْسِنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ ۖ وَلَا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الْأَرْضِ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ77

Kuna doon waxa Eebe ku siiyey Guriga Aakhiro hana Halmaamin qaybtaada Adduunka Samana Fal sida Eebe kuugu Samo Falay hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma Jeela Fasaadiyaashee. (77)
28:78Juz 20 · bg. 395

قَالَ إِنَّمَا أُوتِيتُهُ عَلَىٰ عِلْمٍ عِنْدِي ۚ أَوَلَمْ يَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ قَدْ أَهْلَكَ مِنْ قَبْلِهِ مِنَ الْقُرُونِ مَنْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُ قُوَّةً وَأَكْثَرُ جَمْعًا ۚ وَلَا يُسْأَلُ عَنْ ذُنُوبِهِمُ الْمُجْرِمُونَ78

Wuxuuna Yidhi waxaa uun La ii siiyey Xoolaha Ogaanshahayga, Miyuusan ogayn in Eebe Halaagay Hortiis Quruumihii kuwo ka daran Xagiisa Xoogga kana Badan Kulan, lamana Warsado Dambigooda Dambiilayaasha. (78)
28:79Juz 20 · bg. 395

فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِ فِي زِينَتِهِ ۖ قَالَ الَّذِينَ يُرِيدُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا يَا لَيْتَ لَنَا مِثْلَ مَا أُوتِيَ قَارُونُ إِنَّهُ لَذُو حَظٍّ عَظِيمٍ79

Markaasuu u soo Baxay Qoomkiisii isagoo Xarragoon waxayna Dheheen kuwa Dooni Nolosha Dhaw Shallaytee Hadaan leenahay waxa la siiyey Qaaruun oo kale waa Nasiib wayn. (79)
28:80Juz 20 · bg. 395

وَقَالَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ وَيْلَكُمْ ثَوَابُ اللَّهِ خَيْرٌ لِمَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا وَلَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الصَّابِرُونَ80

Waxayna Dheheen kuwii la Siiyey Cilmiga Magaciinba'ee Abaal marinta Eebaa u Khayr roon Ciddii Rumaysa oo Fasha Camal fiican lamana Waafajiyo hadalkaas Saabiriinta Mooyee. (80)
28:81Juz 20 · bg. 395

فَخَسَفْنَا بِهِ وَبِدَارِهِ الْأَرْضَ فَمَا كَانَ لَهُ مِنْ فِئَةٍ يَنْصُرُونَهُ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَمَا كَانَ مِنَ الْمُنْتَصِرِينَ81

Markaasaan la Goynay Isagii iyo Xoolihiisiiba Dhulka mana Helin Koox uga Gargaarta Eebe ka Sokow, mana Noqonin mid Gargaarta. (81)
28:82Juz 20 · bg. 395

وَأَصْبَحَ الَّذِينَ تَمَنَّوْا مَكَانَهُ بِالْأَمْسِ يَقُولُونَ وَيْكَأَنَّ اللَّهَ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ ۖ لَوْلَا أَنْ مَنَّ اللَّهُ عَلَيْنَا لَخَسَفَ بِنَا ۖ وَيْكَأَنَّهُ لَا يُفْلِحُ الْكَافِرُونَ82

Waxayna ahaadeen kuwii Doonayey Meejiisa Shalay inay Dhahaan. waa Yaabe Illeen Eebaa u Waasiciyey Rizqiga Cidduu Doono oo Addoomadiisa ah kuna Cidhiidhya, Hadduusan Eebe Nagu Galladaysan wuxuu nala Goynlahaa (Dhulka) waa Yaab ma Liibaanto Gaalo. (82)
28:83Juz 20 · bg. 395

تِلْكَ الدَّارُ الْآخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِي الْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا ۚ وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ83

Taasi waa Daartii Aakhiro waxaana u Yeelay kuwaan Doonayn isla Sarraynta (Kibirka) Dhulka iyo Fasaad, cidhibta (Fiicanna) waxaa leh kuwa Dhawrsada. (83)
28:84Juz 20 · bg. 395

مَنْ جَاءَ بِالْحَسَنَةِ فَلَهُ خَيْرٌ مِنْهَا ۖ وَمَنْ جَاءَ بِالسَّيِّئَةِ فَلَا يُجْزَى الَّذِينَ عَمِلُوا السَّيِّئَاتِ إِلَّا مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ84

Ciddii la Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka khayr roon Ciddiise la Timaadda Xumaan lagama Abaal mariyo kuwa Xumaanta Sameeya, waxaan waxay faleen ahayn. (84)
28:85Juz 20 · bg. 396

إِنَّ الَّذِي فَرَضَ عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لَرَادُّكَ إِلَىٰ مَعَادٍ ۚ قُلْ رَبِّي أَعْلَمُ مَنْ جَاءَ بِالْهُدَىٰ وَمَنْ هُوَ فِي ضَلَالٍ مُبِينٍ85

Eebaha kugu Faral yeelay Quraanka wuxuu kuu soo Celin Meeshii Ballanka (Qiyaamada ama Maka), waxaad Dhahdaa Eebahaybaa og ruuxii la Yimid Hanuun iyo kan ku Sugan Baadi Cad. (85)
28:86Juz 20 · bg. 396

وَمَا كُنْتَ تَرْجُو أَنْ يُلْقَىٰ إِلَيْكَ الْكِتَابُ إِلَّا رَحْمَةً مِنْ رَبِّكَ ۖ فَلَا تَكُونَنَّ ظَهِيرًا لِلْكَافِرِينَ86

Mana Aadan ahayn mid Rajayn in lagugu soo dejiyo Kitaabka, Hasayeeshee waa Naxariista Eebahaa ee ha Noqonin mid u Kaalmeeya Gaalada. (86)
28:87Juz 20 · bg. 396

وَلَا يَصُدُّنَّكَ عَنْ آيَاتِ اللَّهِ بَعْدَ إِذْ أُنْزِلَتْ إِلَيْكَ ۖ وَادْعُ إِلَىٰ رَبِّكَ ۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُشْرِكِينَ87

Yeyna kaa leexin Aayaadka Eebe intii lagugu soo Dejiyey ka Dib uguna Yeedh Xagga Eebahaa, hana ka mid noqonin Mushrikiinta. (87)
28:88Juz 20 · bg. 396

وَلَا تَدْعُ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ ۘ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ كُلُّ شَيْءٍ هَالِكٌ إِلَّا وَجْهَهُ ۚ لَهُ الْحُكْمُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ88

Hana Caabudin Eebe la Jirkiisa Ilaah kale Eebbe mooyee Ilaah (kalana) ma Jiro, wax kasta wuu Halaagsami (Tagi) Eebe mooyee Xukunkana Isagaa iska leh, Xaggiisaana laydiin Celin. (88)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Muhammad Abdulkarim - Al-Qasas · Tlawati