Qaf

سورة ق

Suurad 50 · Makki · 45 aayado

50:1Juz 26 · bg. 518

ق ۚ وَالْقُرْآنِ الْمَجِيدِ1

Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin). (1)
50:2Juz 26 · bg. 518

بَلْ عَجِبُوا أَنْ جَاءَهُمْ مُنْذِرٌ مِنْهُمْ فَقَالَ الْكَافِرُونَ هَٰذَا شَيْءٌ عَجِيبٌ2

Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh. (2)
50:3Juz 26 · bg. 518

أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ۖ ذَٰلِكَ رَجْعٌ بَعِيدٌ3

Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog. (3)
50:4Juz 26 · bg. 518

قَدْ عَلِمْنَا مَا تَنْقُصُ الْأَرْضُ مِنْهُمْ ۖ وَعِنْدَنَا كِتَابٌ حَفِيظٌ4

Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan. (4)
50:5Juz 26 · bg. 518

بَلْ كَذَّبُوا بِالْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُمْ فَهُمْ فِي أَمْرٍ مَرِيجٍ5

Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan. (5)
50:6Juz 26 · bg. 518

أَفَلَمْ يَنْظُرُوا إِلَى السَّمَاءِ فَوْقَهُمْ كَيْفَ بَنَيْنَاهَا وَزَيَّنَّاهَا وَمَا لَهَا مِنْ فُرُوجٍ6

Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn. (6)
50:7Juz 26 · bg. 518

وَالْأَرْضَ مَدَدْنَاهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ وَأَنْبَتْنَا فِيهَا مِنْ كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ7

Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan. (7)
50:8Juz 26 · bg. 518

تَبْصِرَةً وَذِكْرَىٰ لِكُلِّ عَبْدٍ مُنِيبٍ8

Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah. (8)
50:9Juz 26 · bg. 518

وَنَزَّلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً مُبَارَكًا فَأَنْبَتْنَا بِهِ جَنَّاتٍ وَحَبَّ الْحَصِيدِ9

Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta, (9)
50:10Juz 26 · bg. 518

وَالنَّخْلَ بَاسِقَاتٍ لَهَا طَلْعٌ نَضِيدٌ10

Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran. (10)
50:11Juz 26 · bg. 518

رِزْقًا لِلْعِبَادِ ۖ وَأَحْيَيْنَا بِهِ بَلْدَةً مَيْتًا ۚ كَذَٰلِكَ الْخُرُوجُ11

Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay. (11)
50:12Juz 26 · bg. 518

كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَأَصْحَابُ الرَّسِّ وَثَمُودُ12

Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud. (12)
50:13Juz 26 · bg. 518

وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ وَإِخْوَانُ لُوطٍ13

Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii). (13)
50:14Juz 26 · bg. 518

وَأَصْحَابُ الْأَيْكَةِ وَقَوْمُ تُبَّعٍ ۚ كُلٌّ كَذَّبَ الرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ14

Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii). (14)
50:15Juz 26 · bg. 518

أَفَعَيِينَا بِالْخَلْقِ الْأَوَّلِ ۚ بَلْ هُمْ فِي لَبْسٍ مِنْ خَلْقٍ جَدِيدٍ15

Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta). (15)
50:16Juz 26 · bg. 519

وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنْسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ ۖ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ16

Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta. (16)
50:17Juz 26 · bg. 519

إِذْ يَتَلَقَّى الْمُتَلَقِّيَانِ عَنِ الْيَمِينِ وَعَنِ الشِّمَالِ قَعِيدٌ17

Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida. (17)
50:18Juz 26 · bg. 519

مَا يَلْفِظُ مِنْ قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ18

Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori). (18)
50:19Juz 26 · bg. 519

وَجَاءَتْ سَكْرَةُ الْمَوْتِ بِالْحَقِّ ۖ ذَٰلِكَ مَا كُنْتَ مِنْهُ تَحِيدُ19

Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay. (19)
50:20Juz 26 · bg. 519

وَنُفِخَ فِي الصُّورِ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْوَعِيدِ20

Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan). (20)
50:21Juz 26 · bg. 519

وَجَاءَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَعَهَا سَائِقٌ وَشَهِيدٌ21

Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi. (21)
50:22Juz 26 · bg. 519

لَقَدْ كُنْتَ فِي غَفْلَةٍ مِنْ هَٰذَا فَكَشَفْنَا عَنْكَ غِطَاءَكَ فَبَصَرُكَ الْيَوْمَ حَدِيدٌ22

Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen arintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay. (22)
50:23Juz 26 · bg. 519

وَقَالَ قَرِينُهُ هَٰذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ23

Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray). (23)
50:24Juz 26 · bg. 519

أَلْقِيَا فِي جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٍ24

Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jahannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis. (24)
50:25Juz 26 · bg. 519

مَنَّاعٍ لِلْخَيْرِ مُعْتَدٍ مُرِيبٍ25

Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah. (25)
50:26Juz 26 · bg. 519

الَّذِي جَعَلَ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ فَأَلْقِيَاهُ فِي الْعَذَابِ الشَّدِيدِ26

Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran. (26)
50:27Juz 26 · bg. 519

۞ قَالَ قَرِينُهُ رَبَّنَا مَا أَطْغَيْتُهُ وَلَٰكِنْ كَانَ فِي ضَلَالٍ بَعِيدٍ27

Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa. (27)
50:28Juz 26 · bg. 519

قَالَ لَا تَخْتَصِمُوا لَدَيَّ وَقَدْ قَدَّمْتُ إِلَيْكُمْ بِالْوَعِيدِ28

Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii. (28)
50:29Juz 26 · bg. 519

مَا يُبَدَّلُ الْقَوْلُ لَدَيَّ وَمَا أَنَا بِظَلَّامٍ لِلْعَبِيدِ29

Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada. (29)
50:30Juz 26 · bg. 519

يَوْمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ امْتَلَأْتِ وَتَقُولُ هَلْ مِنْ مَزِيدٍ30

Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin. (30)
50:31Juz 26 · bg. 519

وَأُزْلِفَتِ الْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ غَيْرَ بَعِيدٍ31

Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn. (31)
50:32Juz 26 · bg. 519

هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٍ32

Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka). (32)
50:33Juz 26 · bg. 519

مَنْ خَشِيَ الرَّحْمَٰنَ بِالْغَيْبِ وَجَاءَ بِقَلْبٍ مُنِيبٍ33

Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan. (33)
50:34Juz 26 · bg. 519

ادْخُلُوهَا بِسَلَامٍ ۖ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْخُلُودِ34

Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee. (34)
50:35Juz 26 · bg. 519

لَهُمْ مَا يَشَاءُونَ فِيهَا وَلَدَيْنَا مَزِيدٌ35

Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado. (35)
50:36Juz 26 · bg. 520

وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُمْ مِنْ قَرْنٍ هُمْ أَشَدُّ مِنْهُمْ بَطْشًا فَنَقَّبُوا فِي الْبِلَادِ هَلْ مِنْ مَحِيصٍ36

Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto. (36)
50:37Juz 26 · bg. 520

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَنْ كَانَ لَهُ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ37

Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo. (37)
50:38Juz 26 · bg. 520

وَلَقَدْ خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِنْ لُغُوبٍ38

Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin. (38)
50:39Juz 26 · bg. 520

فَاصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ39

Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor. (39)
50:40Juz 26 · bg. 520

وَمِنَ اللَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَأَدْبَارَ السُّجُودِ40

Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed. (40)
50:41Juz 26 · bg. 520

وَاسْتَمِعْ يَوْمَ يُنَادِ الْمُنَادِ مِنْ مَكَانٍ قَرِيبٍ41

Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw. (41)
50:42Juz 26 · bg. 520

يَوْمَ يَسْمَعُونَ الصَّيْحَةَ بِالْحَقِّ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْخُرُوجِ42

Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda. (42)
50:43Juz 26 · bg. 520

إِنَّا نَحْنُ نُحْيِي وَنُمِيتُ وَإِلَيْنَا الْمَصِيرُ43

Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan. (43)
50:44Juz 26 · bg. 520

يَوْمَ تَشَقَّقُ الْأَرْضُ عَنْهُمْ سِرَاعًا ۚ ذَٰلِكَ حَشْرٌ عَلَيْنَا يَسِيرٌ44

Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud. (44)
50:45Juz 26 · bg. 520

نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنْتَ عَلَيْهِمْ بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَنْ يَخَافُ وَعِيدِ45

Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi. (45)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Mishary Al-Afasy - Qaf · Tlawati