Al-Mutaffifin

سورة المطففين

Suurad 83 · Makki · 36 aayado

83:1Juz 30 · bg. 587

وَيْلٌ لِلْمُطَفِّفِينَ1

Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya. (1)
83:2Juz 30 · bg. 587

الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ2

Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta). (2)
83:3Juz 30 · bg. 587

وَإِذَا كَالُوهُمْ أَوْ وَزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ3

Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. (3)
83:4Juz 30 · bg. 587

أَلَا يَظُنُّ أُولَٰئِكَ أَنَّهُمْ مَبْعُوثُونَ4

Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. (4)
83:5Juz 30 · bg. 588

لِيَوْمٍ عَظِيمٍ5

Maalin wayn darteed (Qiyaamada). (5)
83:6Juz 30 · bg. 588

يَوْمَ يَقُومُ النَّاسُ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ6

Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka. (6)
83:7Juz 30 · bg. 588

كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ7

Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. (7)
83:8Juz 30 · bg. 588

وَمَا أَدْرَاكَ مَا سِجِّينٌ8

Ma taqaannaa Sijiin. (8)
83:9Juz 30 · bg. 588

كِتَابٌ مَرْقُومٌ9

Waa Kitaab calaamaysan. (9)
83:10Juz 30 · bg. 588

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِلْمُكَذِّبِينَ10

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). (10)
83:11Juz 30 · bg. 588

الَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ11

Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta. (11)
83:12Juz 30 · bg. 588

وَمَا يُكَذِّبُ بِهِ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ12

Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. (12)
83:13Juz 30 · bg. 588

إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ13

Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. (13)
83:14Juz 30 · bg. 588

كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ مَا كَانُوا يَكْسِبُونَ14

Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. (14)
83:15Juz 30 · bg. 588

كَلَّا إِنَّهُمْ عَنْ رَبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَمَحْجُوبُونَ15

Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. (15)
83:16Juz 30 · bg. 588

ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُو الْجَحِيمِ16

Markaasna ay gali Jaxiimo. (16)
83:17Juz 30 · bg. 588

ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا الَّذِي كُنْتُمْ بِهِ تُكَذِّبُونَ17

Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka. (17)
83:18Juz 30 · bg. 588

كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ18

Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. (18)
83:19Juz 30 · bg. 588

وَمَا أَدْرَاكَ مَا عِلِّيُّونَ19

Cilliyiin ma taqaannaa. (19)
83:20Juz 30 · bg. 588

كِتَابٌ مَرْقُومٌ20

Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro. (20)
83:21Juz 30 · bg. 588

يَشْهَدُهُ الْمُقَرَّبُونَ21

Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. (21)
83:22Juz 30 · bg. 588

إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ22

Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno). (22)
83:23Juz 30 · bg. 588

عَلَى الْأَرَائِكِ يَنْظُرُونَ23

(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan. (23)
83:24Juz 30 · bg. 588

تَعْرِفُ فِي وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ النَّعِيمِ24

Wajigooda waanad ka garan Nicmada. (24)
83:25Juz 30 · bg. 588

يُسْقَوْنَ مِنْ رَحِيقٍ مَخْتُومٍ25

Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). (25)
83:26Juz 30 · bg. 588

خِتَامُهُ مِسْكٌ ۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ الْمُتَنَافِسُونَ26

Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. (26)
83:27Juz 30 · bg. 588

وَمِزَاجُهُ مِنْ تَسْنِيمٍ27

Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. (27)
83:28Juz 30 · bg. 588

عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا الْمُقَرَّبُونَ28

Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. (28)
83:29Juz 30 · bg. 588

إِنَّ الَّذِينَ أَجْرَمُوا كَانُوا مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا يَضْحَكُونَ29

Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. (29)
83:30Juz 30 · bg. 588

وَإِذَا مَرُّوا بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ30

Haday maraanna way xaqirijireen. (30)
83:31Juz 30 · bg. 588

وَإِذَا انْقَلَبُوا إِلَىٰ أَهْلِهِمُ انْقَلَبُوا فَكِهِينَ31

Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan). (31)
83:32Juz 30 · bg. 588

وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوا إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَضَالُّونَ32

Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. (32)
83:33Juz 30 · bg. 588

وَمَا أُرْسِلُوا عَلَيْهِمْ حَافِظِينَ33

Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta. (33)
83:34Juz 30 · bg. 589

فَالْيَوْمَ الَّذِينَ آمَنُوا مِنَ الْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ34

Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada. (34)
83:35Juz 30 · bg. 589

عَلَى الْأَرَائِكِ يَنْظُرُونَ35

Sariiro korkood yayna wax daawan. (35)
83:36Juz 30 · bg. 589

هَلْ ثُوِّبَ الْكُفَّارُ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ36

Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay). (36)

Ka ciyaar bilowga suuradda