Al-Waqi'ah

سورة الواقعة

Suurad 56 · Makki · 96 aayado

56:1Juz 27 · bg. 534

إِذَا وَقَعَتِ الْوَاقِعَةُ1

Markay Qiyaamadu dhacdo. (1)
56:2Juz 27 · bg. 534

لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ2

Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan). (2)
56:3Juz 27 · bg. 534

خَافِضَةٌ رَافِعَةٌ3

Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah. (3)
56:4Juz 27 · bg. 534

إِذَا رُجَّتِ الْأَرْضُ رَجًّا4

Marka la gilgilo Dhulka gilgilid. (4)
56:5Juz 27 · bg. 534

وَبُسَّتِ الْجِبَالُ بَسًّا5

Buurahana la rido (La kala daadiyo). (5)
56:6Juz 27 · bg. 534

فَكَانَتْ هَبَاءً مُنْبَثًّا6

Oy noqoto boodh Firdhisan. (6)
56:7Juz 27 · bg. 534

وَكُنْتُمْ أَزْوَاجًا ثَلَاثَةً7

Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin). (7)
56:8Juz 27 · bg. 534

فَأَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ مَا أَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ8

Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari. (8)
56:9Juz 27 · bg. 534

وَأَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ مَا أَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ9

Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari. (9)
56:10Juz 27 · bg. 534

وَالسَّابِقُونَ السَّابِقُونَ10

Iyo kuwii aad u hormaray. (10)
56:11Juz 27 · bg. 534

أُولَٰئِكَ الْمُقَرَّبُونَ11

Waa kuwa Eebe dhaweeyay. (11)
56:12Juz 27 · bg. 534

فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ12

Waxayna gali Jannooyin Nicma leh. (12)
56:13Juz 27 · bg. 534

ثُلَّةٌ مِنَ الْأَوَّلِينَ13

Waana Koox ka mid ah kuwii hore. (13)
56:14Juz 27 · bg. 534

وَقَلِيلٌ مِنَ الْآخِرِينَ14

Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay. (14)
56:15Juz 27 · bg. 534

عَلَىٰ سُرُرٍ مَوْضُونَةٍ15

Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan. (15)
56:16Juz 27 · bg. 534

مُتَّكِئِينَ عَلَيْهَا مُتَقَابِلِينَ16

Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili. (16)
56:17Juz 27 · bg. 535

يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَانٌ مُخَلَّدُونَ17

Waxaa la dhex wareegi wiilal waari. (17)
56:18Juz 27 · bg. 535

بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِنْ مَعِينٍ18

Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan (khamri) socda. (18)
56:19Juz 27 · bg. 535

لَا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنْزِفُونَ19

Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh. (19)
56:20Juz 27 · bg. 535

وَفَاكِهَةٍ مِمَّا يَتَخَيَّرُونَ20

Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli. (20)
56:21Juz 27 · bg. 535

وَلَحْمِ طَيْرٍ مِمَّا يَشْتَهُونَ21

Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah. (21)
56:22Juz 27 · bg. 535

وَحُورٌ عِينٌ22

Iyo Haween Janno oo Indha cadcad. (22)
56:23Juz 27 · bg. 535

كَأَمْثَالِ اللُّؤْلُؤِ الْمَكْنُونِ23

Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay. (23)
56:24Juz 27 · bg. 535

جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ24

Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa). (24)
56:25Juz 27 · bg. 535

لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا25

Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna. (25)
56:26Juz 27 · bg. 535

إِلَّا قِيلًا سَلَامًا سَلَامًا26

Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah). (26)
56:27Juz 27 · bg. 535

وَأَصْحَابُ الْيَمِينِ مَا أَصْحَابُ الْيَمِينِ27

Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta. (27)
56:28Juz 27 · bg. 535

فِي سِدْرٍ مَخْضُودٍ28

Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn. (28)
56:29Juz 27 · bg. 535

وَطَلْحٍ مَنْضُودٍ29

Iyo Geedka Dhalxiga (Muuska Oo isasaarsaaran) ah oo buuxa. (29)
56:30Juz 27 · bg. 535

وَظِلٍّ مَمْدُودٍ30

Iyo Hoos joogta ah. (30)
56:31Juz 27 · bg. 535

وَمَاءٍ مَسْكُوبٍ31

Iyo Biyo socda (goor walba). (31)
56:32Juz 27 · bg. 535

وَفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ32

Iyo Faakiha badan. (32)
56:33Juz 27 · bg. 535

لَا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ33

Oon la goynaynin lana reebaynin. (33)
56:34Juz 27 · bg. 535

وَفُرُشٍ مَرْفُوعَةٍ34

Iyo Gogol la koryeelay. (34)
56:35Juz 27 · bg. 535

إِنَّا أَنْشَأْنَاهُنَّ إِنْشَاءً35

Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada). (35)
56:36Juz 27 · bg. 535

فَجَعَلْنَاهُنَّ أَبْكَارًا36

Kana dhigi kuwa aan la taaban. (36)
56:37Juz 27 · bg. 535

عُرُبًا أَتْرَابًا37

Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna. (37)
56:38Juz 27 · bg. 535

لِأَصْحَابِ الْيَمِينِ38

kuwa Midigta yaa muta (arrintaas). (38)
56:39Juz 27 · bg. 535

ثُلَّةٌ مِنَ الْأَوَّلِينَ39

Waana Koox kuwii hore ka mid ah. (39)
56:40Juz 27 · bg. 535

وَثُلَّةٌ مِنَ الْآخِرِينَ40

Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah. (40)
56:41Juz 27 · bg. 535

وَأَصْحَابُ الشِّمَالِ مَا أَصْحَابُ الشِّمَالِ41

Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda. (41)
56:42Juz 27 · bg. 535

فِي سَمُومٍ وَحَمِيمٍ42

Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan. (42)
56:43Juz 27 · bg. 535

وَظِلٍّ مِنْ يَحْمُومٍ43

Iyo hoos madow oo wax guba. (43)
56:44Juz 27 · bg. 535

لَا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ44

Aan qaboobayn aragna fiicnayn. (44)
56:45Juz 27 · bg. 535

إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ45

Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta). (45)
56:46Juz 27 · bg. 535

وَكَانُوا يُصِرُّونَ عَلَى الْحِنْثِ الْعَظِيمِ46

Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn. (46)
56:47Juz 27 · bg. 535

وَكَانُوا يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ47

Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin. (47)
56:48Juz 27 · bg. 535

أَوَآبَاؤُنَا الْأَوَّلُونَ48

Ama Aabayaalkannagii horeeyay. (48)
56:49Juz 27 · bg. 535

قُلْ إِنَّ الْأَوَّلِينَ وَالْآخِرِينَ49

Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba. (49)
56:50Juz 27 · bg. 535

لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَاتِ يَوْمٍ مَعْلُومٍ50

Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo). (50)
56:51Juz 27 · bg. 536

ثُمَّ إِنَّكُمْ أَيُّهَا الضَّالُّونَ الْمُكَذِّبُونَ51

Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah. (51)
56:52Juz 27 · bg. 536

لَآكِلُونَ مِنْ شَجَرٍ مِنْ زَقُّومٍ52

Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun. (52)
56:53Juz 27 · bg. 536

فَمَالِئُونَ مِنْهَا الْبُطُونَ53

Aad kana buuxinaysaan Caloosha. (53)
56:54Juz 27 · bg. 536

فَشَارِبُونَ عَلَيْهِ مِنَ الْحَمِيمِ54

Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan. (54)
56:55Juz 27 · bg. 536

فَشَارِبُونَ شُرْبَ الْهِيمِ55

Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman. (55)
56:56Juz 27 · bg. 536

هَٰذَا نُزُلُهُمْ يَوْمَ الدِّينِ56

Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada). (56)
56:57Juz 27 · bg. 536

نَحْنُ خَلَقْنَاكُمْ فَلَوْلَا تُصَدِّقُونَ57

(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta). (57)
56:58Juz 27 · bg. 536

أَفَرَأَيْتُمْ مَا تُمْنُونَ58

Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida». (58)
56:59Juz 27 · bg. 536

أَأَنْتُمْ تَخْلُقُونَهُ أَمْ نَحْنُ الْخَالِقُونَ59

Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra, (59)
56:60Juz 27 · bg. 536

نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ الْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ60

Annagaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro. (60)
56:61Juz 27 · bg. 536

عَلَىٰ أَنْ نُبَدِّلَ أَمْثَالَكُمْ وَنُنْشِئَكُمْ فِي مَا لَا تَعْلَمُونَ61

Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon. (61)
56:62Juz 27 · bg. 536

وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ النَّشْأَةَ الْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ62

Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan. (62)
56:63Juz 27 · bg. 536

أَفَرَأَيْتُمْ مَا تَحْرُثُونَ63

Ka warrama waxaad beereysaan. (63)
56:64Juz 27 · bg. 536

أَأَنْتُمْ تَزْرَعُونَهُ أَمْ نَحْنُ الزَّارِعُونَ64

Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna. (64)
56:65Juz 27 · bg. 536

لَوْ نَشَاءُ لَجَعَلْنَاهُ حُطَامًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ65

Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan). (65)
56:66Juz 27 · bg. 536

إِنَّا لَمُغْرَمُونَ66

(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay. (66)
56:67Juz 27 · bg. 536

بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ67

Mase waa nala hoojiyay. (67)
56:68Juz 27 · bg. 536

أَفَرَأَيْتُمُ الْمَاءَ الَّذِي تَشْرَبُونَ68

Ka warrama Biyahaad cabbaysaan. (68)
56:69Juz 27 · bg. 536

أَأَنْتُمْ أَنْزَلْتُمُوهُ مِنَ الْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ الْمُنْزِلُونَ69

Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay. (69)
56:70Juz 27 · bg. 536

لَوْ نَشَاءُ جَعَلْنَاهُ أُجَاجًا فَلَوْلَا تَشْكُرُونَ70

Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh ee maad ku mahadisaan (Eebe). (70)
56:71Juz 27 · bg. 536

أَفَرَأَيْتُمُ النَّارَ الَّتِي تُورُونَ71

Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan. (71)
56:72Juz 27 · bg. 536

أَأَنْتُمْ أَنْشَأْتُمْ شَجَرَتَهَا أَمْ نَحْنُ الْمُنْشِئُونَ72

Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay. (72)
56:73Juz 27 · bg. 536

نَحْنُ جَعَلْنَاهَا تَذْكِرَةً وَمَتَاعًا لِلْمُقْوِينَ73

Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada). (73)
56:74Juz 27 · bg. 536

فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ74

Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn. (74)
56:75Juz 27 · bg. 536

۞ فَلَا أُقْسِمُ بِمَوَاقِعِ النُّجُومِ75

(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan). (75)
56:76Juz 27 · bg. 536

وَإِنَّهُ لَقَسَمٌ لَوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ76

Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine. (76)
56:77Juz 27 · bg. 537

إِنَّهُ لَقُرْآنٌ كَرِيمٌ77

Quraanku waa shay sharaf leh. (77)
56:78Juz 27 · bg. 537

فِي كِتَابٍ مَكْنُونٍ78

Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray. (78)
56:80Juz 27 · bg. 537

تَنْزِيلٌ مِنْ رَبِّ الْعَالَمِينَ80

Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka. (80)
56:81Juz 27 · bg. 537

أَفَبِهَٰذَا الْحَدِيثِ أَنْتُمْ مُدْهِنُونَ81

Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan. (81)
56:82Juz 27 · bg. 537

وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ82

Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Rizqigiinna beenin (Xaqa). (82)
56:83Juz 27 · bg. 537

فَلَوْلَا إِذَا بَلَغَتِ الْحُلْقُومَ83

Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho. (83)
56:84Juz 27 · bg. 537

وَأَنْتُمْ حِينَئِذٍ تَنْظُرُونَ84

Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman). (84)
56:85Juz 27 · bg. 537

وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْكُمْ وَلَٰكِنْ لَا تُبْصِرُونَ85

Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin. (85)
56:86Juz 27 · bg. 537

فَلَوْلَا إِنْ كُنْتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ86

Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin. (86)
56:87Juz 27 · bg. 537

تَرْجِعُونَهَا إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ87

Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan. (87)
56:88Juz 27 · bg. 537

فَأَمَّا إِنْ كَانَ مِنَ الْمُقَرَّبِينَ88

Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay. (88)
56:89Juz 27 · bg. 537

فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ89

Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima. (89)
56:90Juz 27 · bg. 537

وَأَمَّا إِنْ كَانَ مِنْ أَصْحَابِ الْيَمِينِ90

Hadduu yahay kuwa Midigta marina. (90)
56:91Juz 27 · bg. 537

فَسَلَامٌ لَكَ مِنْ أَصْحَابِ الْيَمِينِ91

Nabadgalyaa kaaga sugnaatay kuwa midigta. (91)
56:92Juz 27 · bg. 537

وَأَمَّا إِنْ كَانَ مِنَ الْمُكَذِّبِينَ الضَّالِّينَ92

Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna. (92)
56:93Juz 27 · bg. 537

فَنُزُلٌ مِنْ حَمِيمٍ93

Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan. (93)
56:94Juz 27 · bg. 537

وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ94

Iyo galidda Naarta Jaxiimo. (94)
56:95Juz 27 · bg. 537

إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ الْيَقِينِ95

Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah. (95)
56:96Juz 27 · bg. 537

فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ96

Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn. (96)

Ka ciyaar bilowga suuradda