At-Tur

سورة الطور

Suurad 52 · Makki · 49 aayado

52:1Juz 27 · bg. 523

وَالطُّورِ1

(Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina. (1)
52:2Juz 27 · bg. 523

وَكِتَابٍ مَسْطُورٍ2

Iyo Kitaabka la dhigay, (2)
52:3Juz 27 · bg. 523

فِي رَقٍّ مَنْشُورٍ3

Oo ku qoran warqado la fidiyay. (3)
52:4Juz 27 · bg. 523

وَالْبَيْتِ الْمَعْمُورِ4

Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur). (4)
52:5Juz 27 · bg. 523

وَالسَّقْفِ الْمَرْفُوعِ5

IYo saanqaafka la koryeelay (cirka). (5)
52:6Juz 27 · bg. 523

وَالْبَحْرِ الْمَسْجُورِ6

Iyo Baddii la kululeeyay. (6)
52:7Juz 27 · bg. 523

إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَاقِعٌ7

Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan). (7)
52:8Juz 27 · bg. 523

مَا لَهُ مِنْ دَافِعٍ8

wax celinna ma jiro. (8)
52:9Juz 27 · bg. 523

يَوْمَ تَمُورُ السَّمَاءُ مَوْرًا9

Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi. (9)
52:10Juz 27 · bg. 523

وَتَسِيرُ الْجِبَالُ سَيْرًا10

Buuruhuna socon. (10)
52:11Juz 27 · bg. 523

فَوَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِلْمُكَذِّبِينَ11

Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay. (11)
52:12Juz 27 · bg. 523

الَّذِينَ هُمْ فِي خَوْضٍ يَلْعَبُونَ12

Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. (12)
52:13Juz 27 · bg. 523

يَوْمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا13

Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). (13)
52:14Juz 27 · bg. 523

هَٰذِهِ النَّارُ الَّتِي كُنْتُمْ بِهَا تُكَذِّبُونَ14

Waatan Naartii aad beenin jirteen. (14)
52:15Juz 27 · bg. 524

أَفَسِحْرٌ هَٰذَا أَمْ أَنْتُمْ لَا تُبْصِرُونَ15

Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn. (15)
52:16Juz 27 · bg. 524

اصْلَوْهَا فَاصْبِرُوا أَوْ لَا تَصْبِرُوا سَوَاءٌ عَلَيْكُمْ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ16

Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen. (16)
52:17Juz 27 · bg. 524

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَنَعِيمٍ17

Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo. (17)
52:18Juz 27 · bg. 524

فَاكِهِينَ بِمَا آتَاهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَاهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ18

Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo. (18)
52:19Juz 27 · bg. 524

كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ19

(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis. (19)
52:20Juz 27 · bg. 524

مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَصْفُوفَةٍ ۖ وَزَوَّجْنَاهُمْ بِحُورٍ عِينٍ20

Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn). (20)
52:21Juz 27 · bg. 524

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَاتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُمْ بِإِيمَانٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَا أَلَتْنَاهُمْ مِنْ عَمَلِهِمْ مِنْ شَيْءٍ ۚ كُلُّ امْرِئٍ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌ21

Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». (21)
52:22Juz 27 · bg. 524

وَأَمْدَدْنَاهُمْ بِفَاكِهَةٍ وَلَحْمٍ مِمَّا يَشْتَهُونَ22

waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin. (22)
52:23Juz 27 · bg. 524

يَتَنَازَعُونَ فِيهَا كَأْسًا لَا لَغْوٌ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌ23

Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn. (23)
52:24Juz 27 · bg. 524

۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ غِلْمَانٌ لَهُمْ كَأَنَّهُمْ لُؤْلُؤٌ مَكْنُونٌ24

Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray. (24)
52:25Juz 27 · bg. 524

وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ25

Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin. (25)
52:26Juz 27 · bg. 524

قَالُوا إِنَّا كُنَّا قَبْلُ فِي أَهْلِنَا مُشْفِقِينَ26

Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada. (26)
52:27Juz 27 · bg. 524

فَمَنَّ اللَّهُ عَلَيْنَا وَوَقَانَا عَذَابَ السَّمُومِ27

Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama). (27)
52:28Juz 27 · bg. 524

إِنَّا كُنَّا مِنْ قَبْلُ نَدْعُوهُ ۖ إِنَّهُ هُوَ الْبَرُّ الرَّحِيمُ28

Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista. (28)
52:29Juz 27 · bg. 524

فَذَكِّرْ فَمَا أَنْتَ بِنِعْمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍ وَلَا مَجْنُونٍ29

Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee. (29)
52:30Juz 27 · bg. 524

أَمْ يَقُولُونَ شَاعِرٌ نَتَرَبَّصُ بِهِ رَيْبَ الْمَنُونِ30

Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida. (30)
52:31Juz 27 · bg. 524

قُلْ تَرَبَّصُوا فَإِنِّي مَعَكُمْ مِنَ الْمُتَرَبِّصِينَ31

Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye. (31)
52:32Juz 27 · bg. 525

أَمْ تَأْمُرُهُمْ أَحْلَامُهُمْ بِهَٰذَا ۚ أَمْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ32

Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay. (32)
52:33Juz 27 · bg. 525

أَمْ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُ ۚ بَلْ لَا يُؤْمِنُونَ33

Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin. (33)
52:34Juz 27 · bg. 525

فَلْيَأْتُوا بِحَدِيثٍ مِثْلِهِ إِنْ كَانُوا صَادِقِينَ34

Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi. (34)
52:35Juz 27 · bg. 525

أَمْ خُلِقُوا مِنْ غَيْرِ شَيْءٍ أَمْ هُمُ الْخَالِقُونَ35

Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda). (35)
52:36Juz 27 · bg. 525

أَمْ خَلَقُوا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ ۚ بَلْ لَا يُوقِنُونَ36

Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin. (36)
52:37Juz 27 · bg. 525

أَمْ عِنْدَهُمْ خَزَائِنُ رَبِّكَ أَمْ هُمُ الْمُصَيْطِرُونَ37

Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka. (37)
52:38Juz 27 · bg. 525

أَمْ لَهُمْ سُلَّمٌ يَسْتَمِعُونَ فِيهِ ۖ فَلْيَأْتِ مُسْتَمِعُهُمْ بِسُلْطَانٍ مُبِينٍ38

Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad. (38)
52:39Juz 27 · bg. 525

أَمْ لَهُ الْبَنَاتُ وَلَكُمُ الْبَنُونَ39

Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal. (39)
52:40Juz 27 · bg. 525

أَمْ تَسْأَلُهُمْ أَجْرًا فَهُمْ مِنْ مَغْرَمٍ مُثْقَلُونَ40

Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay. (40)
52:41Juz 27 · bg. 525

أَمْ عِنْدَهُمُ الْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ41

Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan. (41)
52:42Juz 27 · bg. 525

أَمْ يُرِيدُونَ كَيْدًا ۖ فَالَّذِينَ كَفَرُوا هُمُ الْمَكِيدُونَ42

Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran. (42)
52:43Juz 27 · bg. 525

أَمْ لَهُمْ إِلَٰهٌ غَيْرُ اللَّهِ ۚ سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ43

Mise Ilaah Eebe ka soo hadhay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada». (43)
52:44Juz 27 · bg. 525

وَإِنْ يَرَوْا كِسْفًا مِنَ السَّمَاءِ سَاقِطًا يَقُولُوا سَحَابٌ مَرْكُومٌ44

Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis). (44)
52:45Juz 27 · bg. 525

فَذَرْهُمْ حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي فِيهِ يُصْعَقُونَ45

Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono. (45)
52:46Juz 27 · bg. 525

يَوْمَ لَا يُغْنِي عَنْهُمْ كَيْدُهُمْ شَيْئًا وَلَا هُمْ يُنْصَرُونَ46

Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin. (46)
52:47Juz 27 · bg. 525

وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا عَذَابًا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ47

Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga. (47)
52:48Juz 27 · bg. 525

وَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا ۖ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ48

Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici. (48
52:49Juz 27 · bg. 525

وَمِنَ اللَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَإِدْبَارَ النُّجُومِ49

Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan. (49)

Ka ciyaar bilowga suuradda