Al-Alaq

سورة العلق

Suurad 96 · Makki · 19 aayado

96:1Juz 30 · bg. 597

اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ1

Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga). (1)
96:2Juz 30 · bg. 597

خَلَقَ الْإِنْسَانَ مِنْ عَلَقٍ2

Dadkana ka abuuray Calaq (Xinjir). (2)
96:3Juz 30 · bg. 597

اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ3

Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe. (3)
96:4Juz 30 · bg. 597

الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ4

Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro. (4)
96:5Juz 30 · bg. 597

عَلَّمَ الْإِنْسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ5

Dadkana baray waxayna aqoonin. (5)
96:6Juz 30 · bg. 597

كَلَّا إِنَّ الْإِنْسَانَ لَيَطْغَىٰ6

Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen. (6)
96:7Juz 30 · bg. 597

أَنْ رَآهُ اسْتَغْنَىٰ7

Markuu isku ogaaday Hodontinnimo. (7)
96:8Juz 30 · bg. 597

إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الرُّجْعَىٰ8

Eebaha xaggiisaase loo noqon. (8)
96:9Juz 30 · bg. 597

أَرَأَيْتَ الَّذِي يَنْهَىٰ9

Ka warrama midka ka reebaya. (9)
96:10Juz 30 · bg. 597

عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰ10

Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda. (10)
96:11Juz 30 · bg. 597

أَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ عَلَى الْهُدَىٰ11

Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga). (11)
96:12Juz 30 · bg. 597

أَوْ أَمَرَ بِالتَّقْوَىٰ12

Ama uu fari Eeba ka yaabid. (12)
96:13Juz 30 · bg. 598

أَرَأَيْتَ إِنْ كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ13

Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe). (13)
96:14Juz 30 · bg. 598

أَلَمْ يَعْلَمْ بِأَنَّ اللَّهَ يَرَىٰ14

Miyuusan ogayn in Eebe arko. (14)
96:15Juz 30 · bg. 598

كَلَّا لَئِنْ لَمْ يَنْتَهِ لَنَسْفَعًا بِالنَّاصِيَةِ15

Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda. (15)
96:16Juz 30 · bg. 598

نَاصِيَةٍ كَاذِبَةٍ خَاطِئَةٍ16

Food beenaleey ah ghafna badan. (16)
96:17Juz 30 · bg. 598

فَلْيَدْعُ نَادِيَهُ17

Ha u yeedho gargaarihiisa. (17)
96:18Juz 30 · bg. 598

سَنَدْعُ الزَّبَانِيَةَ18

Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane. (18)
96:19Juz 30 · bg. 598

كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَاسْجُدْ وَاقْتَرِبْ ۩19

Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe). (19)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Ibrahim Al-Akhdar - Al-Alaq · Tlawati