Ad-Dukhan

سورة الدخان

Suurad 44 · Makki · 59 aayado

44:1Juz 25 · bg. 496

حم1

Waannu sheegnay iyadoo kale. (1)
44:2Juz 25 · bg. 496

وَالْكِتَابِ الْمُبِينِ2

Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka). (2)
44:3Juz 25 · bg. 496

إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُبَارَكَةٍ ۚ إِنَّا كُنَّا مُنْذِرِينَ3

Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi. (3)
44:4Juz 25 · bg. 496

فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ4

Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh. (4)
44:5Juz 25 · bg. 496

أَمْرًا مِنْ عِنْدِنَا ۚ إِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ5

Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo). (5)
44:6Juz 25 · bg. 496

رَحْمَةً مِنْ رَبِّكَ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ6

Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og. (6)
44:7Juz 25 · bg. 496

رَبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِنْ كُنْتُمْ مُوقِنِينَ7

Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan. (7)
44:8Juz 25 · bg. 496

لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْيِي وَيُمِيتُ ۖ رَبُّكُمْ وَرَبُّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ8

Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey. (8)
44:9Juz 25 · bg. 496

بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ يَلْعَبُونَ9

Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari. (9)
44:10Juz 25 · bg. 496

فَارْتَقِبْ يَوْمَ تَأْتِي السَّمَاءُ بِدُخَانٍ مُبِينٍ10

Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan). (10)
44:11Juz 25 · bg. 496

يَغْشَى النَّاسَ ۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٌ11

Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran. (11)
44:12Juz 25 · bg. 496

رَبَّنَا اكْشِفْ عَنَّا الْعَذَابَ إِنَّا مُؤْمِنُونَ12

Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine. (12)
44:13Juz 25 · bg. 496

أَنَّىٰ لَهُمُ الذِّكْرَىٰ وَقَدْ جَاءَهُمْ رَسُولٌ مُبِينٌ13

Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda». (13)
44:14Juz 25 · bg. 496

ثُمَّ تَوَلَّوْا عَنْهُ وَقَالُوا مُعَلَّمٌ مَجْنُونٌ14

Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan. (14)
44:15Juz 25 · bg. 496

إِنَّا كَاشِفُو الْعَذَابِ قَلِيلًا ۚ إِنَّكُمْ عَائِدُونَ15

Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta. (15)
44:16Juz 25 · bg. 496

يَوْمَ نَبْطِشُ الْبَطْشَةَ الْكُبْرَىٰ إِنَّا مُنْتَقِمُونَ16

Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan. (16)
44:17Juz 25 · bg. 496

۞ وَلَقَدْ فَتَنَّا قَبْلَهُمْ قَوْمَ فِرْعَوْنَ وَجَاءَهُمْ رَسُولٌ كَرِيمٌ17

Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh. (17)
44:18Juz 25 · bg. 496

أَنْ أَدُّوا إِلَيَّ عِبَادَ اللَّهِ ۖ إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ18

Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah. (18)
44:19Juz 25 · bg. 497

وَأَنْ لَا تَعْلُوا عَلَى اللَّهِ ۖ إِنِّي آتِيكُمْ بِسُلْطَانٍ مُبِينٍ19

Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade. (19)
44:20Juz 25 · bg. 497

وَإِنِّي عُذْتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمْ أَنْ تَرْجُمُونِ20

Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan. (20)
44:21Juz 25 · bg. 497

وَإِنْ لَمْ تُؤْمِنُوا لِي فَاعْتَزِلُونِ21

Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya). (21)
44:22Juz 25 · bg. 497

فَدَعَا رَبَّهُ أَنَّ هَٰؤُلَاءِ قَوْمٌ مُجْرِمُونَ22

wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah. (22)
44:23Juz 25 · bg. 497

فَأَسْرِ بِعِبَادِي لَيْلًا إِنَّكُمْ مُتَّبَعُونَ23

guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye. (23)
44:24Juz 25 · bg. 497

وَاتْرُكِ الْبَحْرَ رَهْوًا ۖ إِنَّهُمْ جُنْدٌ مُغْرَقُونَ24

kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne. (24)
44:25Juz 25 · bg. 497

كَمْ تَرَكُوا مِنْ جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ25

imisey ka tageen Beero iyo Ilo. (25)
44:26Juz 25 · bg. 497

وَزُرُوعٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ26

iyo Tallaal iyo meel sharaf leh. (26)
44:27Juz 25 · bg. 497

وَنَعْمَةٍ كَانُوا فِيهَا فَاكِهِينَ27

iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen. (27)
44:28Juz 25 · bg. 497

كَذَٰلِكَ ۖ وَأَوْرَثْنَاهَا قَوْمًا آخَرِينَ28

xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale. (28)
44:29Juz 25 · bg. 497

فَمَا بَكَتْ عَلَيْهِمُ السَّمَاءُ وَالْأَرْضُ وَمَا كَانُوا مُنْظَرِينَ29

uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin. (29)
44:30Juz 25 · bg. 497

وَلَقَدْ نَجَّيْنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ مِنَ الْعَذَابِ الْمُهِينِ30

waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya. (30)
44:31Juz 25 · bg. 497

مِنْ فِرْعَوْنَ ۚ إِنَّهُ كَانَ عَالِيًا مِنَ الْمُسْرِفِينَ31

(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah. (31)
44:32Juz 25 · bg. 497

وَلَقَدِ اخْتَرْنَاهُمْ عَلَىٰ عِلْمٍ عَلَى الْعَالَمِينَ32

waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og. (32)
44:33Juz 25 · bg. 497

وَآتَيْنَاهُمْ مِنَ الْآيَاتِ مَا فِيهِ بَلَاءٌ مُبِينٌ33

waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay. (33)
44:34Juz 25 · bg. 497

إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَيَقُولُونَ34

kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi. (34)
44:35Juz 25 · bg. 497

إِنْ هِيَ إِلَّا مَوْتَتُنَا الْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُنْشَرِينَ35

arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin. (35)
44:36Juz 25 · bg. 497

فَأْتُوا بِآبَائِنَا إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ36

noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan. (36)
44:37Juz 25 · bg. 497

أَهُمْ خَيْرٌ أَمْ قَوْمُ تُبَّعٍ وَالَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ ۚ أَهْلَكْنَاهُمْ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا مُجْرِمِينَ37

maiyagaa khayr roon mise qoomkii Tubac iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal. (37)
44:38Juz 25 · bg. 497

وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ38

Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar. (38)
44:39Juz 25 · bg. 497

مَا خَلَقْنَاهُمَا إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ39

mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga. (39)
44:40Juz 25 · bg. 498

إِنَّ يَوْمَ الْفَصْلِ مِيقَاتُهُمْ أَجْمَعِينَ40

maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan. (40)
44:41Juz 25 · bg. 498

يَوْمَ لَا يُغْنِي مَوْلًى عَنْ مَوْلًى شَيْئًا وَلَا هُمْ يُنْصَرُونَ41

waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn. (41)
44:42Juz 25 · bg. 498

إِلَّا مَنْ رَحِمَ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ هُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ42

cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waa adkaade naxariistee. (42)
44:43Juz 25 · bg. 498

إِنَّ شَجَرَتَ الزَّقُّومِ43

Geedka Zaquumka ah. (43)
44:44Juz 25 · bg. 498

طَعَامُ الْأَثِيمِ44

waa cunnada dambi badanaha. (44)
44:45Juz 25 · bg. 498

كَالْمُهْلِ يَغْلِي فِي الْبُطُونِ45

waana Laami oo kale kuna kari Caloosha. (45)
44:46Juz 25 · bg. 498

كَغَلْيِ الْحَمِيمِ46

sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale. (46)
44:47Juz 25 · bg. 498

خُذُوهُ فَاعْتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَاءِ الْجَحِيمِ47

(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda. (47)
44:48Juz 25 · bg. 498

ثُمَّ صُبُّوا فَوْقَ رَأْسِهِ مِنْ عَذَابِ الْحَمِيمِ48

markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul. (48)
44:49Juz 25 · bg. 498

ذُقْ إِنَّكَ أَنْتَ الْعَزِيزُ الْكَرِيمُ49

(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe. (49)
44:50Juz 25 · bg. 498

إِنَّ هَٰذَا مَا كُنْتُمْ بِهِ تَمْتَرُونَ50

kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka). (50)
44:51Juz 25 · bg. 498

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٍ51

kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah. (51)
44:52Juz 25 · bg. 498

فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ52

Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan). (52)
44:53Juz 25 · bg. 498

يَلْبَسُونَ مِنْ سُنْدُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُتَقَابِلِينَ53

waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili. (53)
44:54Juz 25 · bg. 498

كَذَٰلِكَ وَزَوَّجْنَاهُمْ بِحُورٍ عِينٍ54

saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn. (54)
44:55Juz 25 · bg. 498

يَدْعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَاكِهَةٍ آمِنِينَ55

waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah. (55)
44:56Juz 25 · bg. 498

لَا يَذُوقُونَ فِيهَا الْمَوْتَ إِلَّا الْمَوْتَةَ الْأُولَىٰ ۖ وَوَقَاهُمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ56

mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo. (56)
44:57Juz 25 · bg. 498

فَضْلًا مِنْ رَبِّكَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ57

waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn. (57)
44:58Juz 25 · bg. 498

فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ58

waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan. (58)
44:59Juz 25 · bg. 498

فَارْتَقِبْ إِنَّهُمْ مُرْتَقِبُونَ59

ee sug iyaguna way sugiye. (59)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Ibrahim Al-Akhdar - Ad-Dukhan · Tlawati