Abasa

سورة عبس

Suurad 80 · Makki · 42 aayado

80:1Juz 30 · bg. 585

عَبَسَ وَتَوَلَّىٰ1

Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu). (1)
80:2Juz 30 · bg. 585

أَنْ جَاءَهُ الْأَعْمَىٰ2

Inuu u yimid kii Indhaha la'aa. (2)
80:3Juz 30 · bg. 585

وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُ يَزَّكَّىٰ3

Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo. (3)
80:4Juz 30 · bg. 585

أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنْفَعَهُ الذِّكْرَىٰ4

Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo. (4)
80:5Juz 30 · bg. 585

أَمَّا مَنِ اسْتَغْنَىٰ5

Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada). (5)
80:6Juz 30 · bg. 585

فَأَنْتَ لَهُ تَصَدَّىٰ6

Ma; Adaa u bambixi. (6)
80:7Juz 30 · bg. 585

وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ7

Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. (7)
80:8Juz 30 · bg. 585

وَأَمَّا مَنْ جَاءَكَ يَسْعَىٰ8

Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi. (8)
80:9Juz 30 · bg. 585

وَهُوَ يَخْشَىٰ9

Oo Eeba ka yaabi. (9)
80:10Juz 30 · bg. 585

فَأَنْتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ10

Miyaad ka shuqloomi. (10)
80:11Juz 30 · bg. 585

كَلَّا إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ11

Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano. (11)
80:12Juz 30 · bg. 585

فَمَنْ شَاءَ ذَكَرَهُ12

Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan. (12)
80:13Juz 30 · bg. 585

فِي صُحُفٍ مُكَرَّمَةٍ13

Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh. (13)
80:14Juz 30 · bg. 585

مَرْفُوعَةٍ مُطَهَّرَةٍ14

Oo la kor yeelay lana Daahiriyay. (14)
80:15Juz 30 · bg. 585

بِأَيْدِي سَفَرَةٍ15

Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta). (15)
80:16Juz 30 · bg. 585

كِرَامٍ بَرَرَةٍ16

Sharafna leh oo baarri ah. (16)
80:17Juz 30 · bg. 585

قُتِلَ الْإِنْسَانُ مَا أَكْفَرَهُ17

Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa. (17)
80:18Juz 30 · bg. 585

مِنْ أَيِّ شَيْءٍ خَلَقَهُ18

Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas. (18)
80:19Juz 30 · bg. 585

مِنْ نُطْفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ19

Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay. (19)
80:20Juz 30 · bg. 585

ثُمَّ السَّبِيلَ يَسَّرَهُ20

Jidkana wuu u fudaydiyay. (20)
80:21Juz 30 · bg. 585

ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ21

Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa. (21)
80:22Juz 30 · bg. 585

ثُمَّ إِذَا شَاءَ أَنْشَرَهُ22

Markuu doonana wuu soo bixin. (22)
80:23Juz 30 · bg. 585

كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَا أَمَرَهُ23

Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin. (23)
80:24Juz 30 · bg. 585

فَلْيَنْظُرِ الْإِنْسَانُ إِلَىٰ طَعَامِهِ24

Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa. (24)
80:25Juz 30 · bg. 585

أَنَّا صَبَبْنَا الْمَاءَ صَبًّا25

Inaan Roob ku soo shubno. (25)
80:26Juz 30 · bg. 585

ثُمَّ شَقَقْنَا الْأَرْضَ شَقًّا26

Dhulkana markaas aan jeexno. (26)
80:27Juz 30 · bg. 585

فَأَنْبَتْنَا فِيهَا حَبًّا27

Kana soo bixinno Midho. (27)
80:28Juz 30 · bg. 585

وَعِنَبًا وَقَضْبًا28

Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha) (28)
80:29Juz 30 · bg. 585

وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا29

Iyo Zeytuun iyo Timir. (29)
80:30Juz 30 · bg. 585

وَحَدَائِقَ غُلْبًا30

Iyo Beero waawayn. (30)
80:31Juz 30 · bg. 585

وَفَاكِهَةً وَأَبًّا31

Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq. (31)
80:32Juz 30 · bg. 585

مَتَاعًا لَكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ32

Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu. (32)
80:33Juz 30 · bg. 585

فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ33

Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka). (33)
80:34Juz 30 · bg. 585

يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ34

Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis. (34)
80:35Juz 30 · bg. 585

وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ35

Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis. (35)
80:36Juz 30 · bg. 585

وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ36

Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii. (36)
80:37Juz 30 · bg. 585

لِكُلِّ امْرِئٍ مِنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ37

Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa. (37)
80:38Juz 30 · bg. 585

وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُسْفِرَةٌ38

Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi). (38)
80:39Juz 30 · bg. 585

ضَاحِكَةٌ مُسْتَبْشِرَةٌ39

Wayna Qosli oy bishaaraysan. (39)
80:40Juz 30 · bg. 585

وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ40

Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli. (40)
80:41Juz 30 · bg. 586

تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ41

Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin). (41)
80:42Juz 30 · bg. 586

أُولَٰئِكَ هُمُ الْكَفَرَةُ الْفَجَرَةُ42

Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun). (42)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Fares Abbad - Abasa · Tlawati