At-Tawbah

سورة التوبة

Suurad 9 · Madani · 129 aayado

9:1Juz 10 · bg. 187

بَرَاءَةٌ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ إِلَى الَّذِينَ عَاهَدْتُمْ مِنَ الْمُشْرِكِينَ1

Tani waa ka bari ahaasho Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaad la Ballanteen oo Mushrikiinta (Gaalada) ah. (1)
9:2Juz 10 · bg. 187

فَسِيحُوا فِي الْأَرْضِ أَرْبَعَةَ أَشْهُرٍ وَاعْلَمُوا أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِي اللَّهِ ۙ وَأَنَّ اللَّهَ مُخْزِي الْكَافِرِينَ2

ee socda Dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebe iyo in Eebe uu dulleyn gaalada. (2)
9:3Juz 10 · bg. 187

وَأَذَانٌ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ إِلَى النَّاسِ يَوْمَ الْحَجِّ الْأَكْبَرِ أَنَّ اللَّهَ بَرِيءٌ مِنَ الْمُشْرِكِينَ ۙ وَرَسُولُهُ ۚ فَإِنْ تُبْتُمْ فَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ ۖ وَإِنْ تَوَلَّيْتُمْ فَاعْلَمُوا أَنَّكُمْ غَيْرُ مُعْجِزِي اللَّهِ ۗ وَبَشِّرِ الَّذِينَ كَفَرُوا بِعَذَابٍ أَلِيمٍ3

waana ogaysiin Eebe ka ahaaday iyo Rasuulkiisa oo Dadka Maalinta Xajka wayn in Eebe ka bari yahay Gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad Toobadkeentaanna saasaa idiin Khayrroon, haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan Eebe Daalinayn, uguna Bishaareeya kuwii gaaloobay Cadaab daran. (3)
9:4Juz 10 · bg. 187

إِلَّا الَّذِينَ عَاهَدْتُمْ مِنَ الْمُشْرِكِينَ ثُمَّ لَمْ يَنْقُصُوكُمْ شَيْئًا وَلَمْ يُظَاهِرُوا عَلَيْكُمْ أَحَدًا فَأَتِمُّوا إِلَيْهِمْ عَهْدَهُمْ إِلَىٰ مُدَّتِهِمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَّقِينَ4

Kuwaad ballanteen Mooyee oo Gaalada ah markaasna aan idinka Nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhameeya tan iyo ballankooda «Muddadood» Eebana wuxuu jecelyahay kuwa dhawrsada. (4)
9:5Juz 10 · bg. 187

فَإِذَا انْسَلَخَ الْأَشْهُرُ الْحُرُمُ فَاقْتُلُوا الْمُشْرِكِينَ حَيْثُ وَجَدْتُمُوهُمْ وَخُذُوهُمْ وَاحْصُرُوهُمْ وَاقْعُدُوا لَهُمْ كُلَّ مَرْصَدٍ ۚ فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ فَخَلُّوا سَبِيلَهُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ5

markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna Sakada u sii daaya jidkooda Eebe waa dambi dhaafe Naxariistee. (5)
9:6Juz 10 · bg. 187

وَإِنْ أَحَدٌ مِنَ الْمُشْرِكِينَ اسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّىٰ يَسْمَعَ كَلَامَ اللَّهِ ثُمَّ أَبْلِغْهُ مَأْمَنَهُ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَعْلَمُونَ6

mid ka mida gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne. (6)
9:7Juz 10 · bg. 188

كَيْفَ يَكُونُ لِلْمُشْرِكِينَ عَهْدٌ عِنْدَ اللَّهِ وَعِنْدَ رَسُولِهِ إِلَّا الَّذِينَ عَاهَدْتُمْ عِنْدَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۖ فَمَا اسْتَقَامُوا لَكُمْ فَاسْتَقِيمُوا لَهُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَّقِينَ7

siday ugu ahaan gaalada ballan Eebe agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen Masaajidka Xur- mada leh Agtiisa mooyee ee hadday idin toosnaadaan u loosanaada Eebe wuxuu jecel yahay kuwa Dhawrsadee. (7)
9:8Juz 10 · bg. 188

كَيْفَ وَإِنْ يَظْهَرُوا عَلَيْكُمْ لَا يَرْقُبُوا فِيكُمْ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً ۚ يُرْضُونَكُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ وَتَأْبَىٰ قُلُوبُهُمْ وَأَكْثَرُهُمْ فَاسِقُونَ8

waa sidee hadday idinka adkaadaan ayna idiin dbawrayn Qaraabanimo iyo ballan midna, waxay idinku raalli galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin. (8)
9:9Juz 10 · bg. 188

اشْتَرَوْا بِآيَاتِ اللَّهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَصَدُّوا عَنْ سَبِيلِهِ ۚ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ9

waxay ku gataan aayaadka. Eebe qiimo yar waxayna ka leexiyeen jidka Eebe waxaana xun waxay falayeen. (9)
9:10Juz 10 · bg. 188

لَا يَرْقُبُونَ فِي مُؤْمِنٍ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُعْتَدُونَ10

umana dhawraan Mu'min qaraabonimo iyo ballan (midna) kuwaasuna waa uun xadgudbayaal. (10)
9:11Juz 10 · bg. 188

فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ ۗ وَنُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ11

haddayse toobadkeenaan oo oogaan salaadda hixiyaanna sakada waa walaalihiina diinta waana u caddaynay aayaadka qoomkii wax garan. (11)
9:12Juz 10 · bg. 188

وَإِنْ نَكَثُوا أَيْمَانَهُمْ مِنْ بَعْدِ عَهْدِهِمْ وَطَعَنُوا فِي دِينِكُمْ فَقَاتِلُوا أَئِمَّةَ الْكُفْرِ ۙ إِنَّهُمْ لَا أَيْمَانَ لَهُمْ لَعَلَّهُمْ يَنْتَهُونَ12

haddayse buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib, duraanna diintiinna dila madaxda gaalada waa kuwaan dhaar lahayne inay ka joogan (Xumaanta). (12)
9:13Juz 10 · bg. 188

أَلَا تُقَاتِلُونَ قَوْمًا نَكَثُوا أَيْمَانَهُمْ وَهَمُّوا بِإِخْرَاجِ الرَّسُولِ وَهُمْ بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ أَتَخْشَوْنَهُمْ ۚ فَاللَّهُ أَحَقُّ أَنْ تَخْشَوْهُ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ13

miyeydaan la dagaallamayn qoom buriyey dhaartooda oo hamiyey (doo-nay) bixinta Rasuulka idinkuna billaabay markii horaba, miyaad ka cabsanaysaan Eebaa mudan inaad ka cabsataan haddaad Mu'miniin tihiin. (13)
9:14Juz 10 · bg. 189

قَاتِلُوهُمْ يُعَذِّبْهُمُ اللَّهُ بِأَيْدِيكُمْ وَيُخْزِهِمْ وَيَنْصُرْكُمْ عَلَيْهِمْ وَيَشْفِ صُدُورَ قَوْمٍ مُؤْمِنِينَ14

la dagaallama, Eebe ha ku cadaabo gacmihiinnee hana dulleeyee hana idinku gargaaree oo bugsiiyo laabta qoom Mu'miniina. (14)
9:15Juz 10 · bg. 189

وَيُذْهِبْ غَيْظَ قُلُوبِهِمْ ۗ وَيَتُوبُ اللَّهُ عَلَىٰ مَنْ يَشَاءُ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ15

tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad aqbalaa eebe cidduu doono, Eebana waa oge falsan. (15)
9:16Juz 10 · bg. 189

أَمْ حَسِبْتُمْ أَنْ تُتْرَكُوا وَلَمَّا يَعْلَمِ اللَّهُ الَّذِينَ جَاهَدُوا مِنْكُمْ وَلَمْ يَتَّخِذُوا مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلَا رَسُولِهِ وَلَا الْمُؤْمِنِينَ وَلِيجَةً ۚ وَاللَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ16

ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Eebe muujin kuwa jahaaday oo idinka mida oon ka yeelanin wax ka soo hadhay Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta Saaxiib, Eebana waa ogyahay waxaad falaysaan. (16)
9:17Juz 10 · bg. 189

مَا كَانَ لِلْمُشْرِكِينَ أَنْ يَعْمُرُوا مَسَاجِدَ اللَّهِ شَاهِدِينَ عَلَىٰ أَنْفُسِهِمْ بِالْكُفْرِ ۚ أُولَٰئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ وَفِي النَّارِ هُمْ خَالِدُونَ17

uma bannaana gaalada inay camiraan Masaajiidda Eebe iyagoo ku qiri Naftooda gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari. (17)
9:18Juz 10 · bg. 189

إِنَّمَا يَعْمُرُ مَسَاجِدَ اللَّهِ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَأَقَامَ الصَّلَاةَ وَآتَى الزَّكَاةَ وَلَمْ يَخْشَ إِلَّا اللَّهَ ۖ فَعَسَىٰ أُولَٰئِكَ أَنْ يَكُونُوا مِنَ الْمُهْتَدِينَ18

waxaa uun camira masaajidda Eebe cid rumaysay Eebe iyo maalinta dambe oo salaadda ooga oo bixiya sakada kana cabsanayn waxaan Eebe ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan. (18)
9:19Juz 10 · bg. 189

۞ أَجَعَلْتُمْ سِقَايَةَ الْحَاجِّ وَعِمَارَةَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ كَمَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَجَاهَدَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۚ لَا يَسْتَوُونَ عِنْدَ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ19

ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda masaajidka xurmaysan ruux rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe oo ku jahaaday jidka Eebe kuma sinna Eebe agtiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah. (19)
9:20Juz 10 · bg. 189

الَّذِينَ آمَنُوا وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ أَعْظَمُ دَرَجَةً عِنْدَ اللَّهِ ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْفَائِزُونَ20

kuwa rumeeyey (Xaqa) oo hijrooday oo ku jahaaday jidka Eebe xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Eebe agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay. (20)
9:21Juz 10 · bg. 190

يُبَشِّرُهُمْ رَبُّهُمْ بِرَحْمَةٍ مِنْهُ وَرِضْوَانٍ وَجَنَّاتٍ لَهُمْ فِيهَا نَعِيمٌ مُقِيمٌ21

wuxuu ugu bishaarayn Eebahood naxariis xaggiisa ah, ralli ahaansho iyo jannooyin oy ku mudan dhexdeeda niemo nagaadi ah «Joogto». (21)
9:22Juz 10 · bg. 190

خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۚ إِنَّ اللَّهَ عِنْدَهُ أَجْرٌ عَظِيمٌ22

iyagoo ku waari dhexdeeda waligood Eebe agtiisaana Ajir wayn yahay. (22)
9:23Juz 10 · bg. 190

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا آبَاءَكُمْ وَإِخْوَانَكُمْ أَوْلِيَاءَ إِنِ اسْتَحَبُّوا الْكُفْرَ عَلَى الْإِيمَانِ ۚ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ23

kuwa (xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Aabayaalkiin iyo walaalihiin sokeeye hadday ka jeclaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka sokeeye yeelata oo idinka mida kuwaasu iyaga umbaa daalimiina. (23)
9:24Juz 10 · bg. 190

قُلْ إِنْ كَانَ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ وَإِخْوَانُكُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَالٌ اقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَارَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَاكِنُ تَرْضَوْنَهَا أَحَبَّ إِلَيْكُمْ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَجِهَادٍ فِي سَبِيلِهِ فَتَرَبَّصُوا حَتَّىٰ يَأْتِيَ اللَّهُ بِأَمْرِهِ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ24

waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin, caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa suga inta Eebe ka keeni amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah. (24)
9:25Juz 10 · bg. 190

لَقَدْ نَصَرَكُمُ اللَّهُ فِي مَوَاطِنَ كَثِيرَةٍ ۙ وَيَوْمَ حُنَيْنٍ ۙ إِذْ أَعْجَبَتْكُمْ كَثْرَتُكُمْ فَلَمْ تُغْنِ عَنْكُمْ شَيْئًا وَضَاقَتْ عَلَيْكُمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ ثُمَّ وَلَّيْتُمْ مُدْبِرِينَ25

wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo badan iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin tarin dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen idinkoo carari. (25)
9:26Juz 10 · bg. 190

ثُمَّ أَنْزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ وَعَلَى الْمُؤْمِنِينَ وَأَنْزَلَ جُنُودًا لَمْ تَرَوْهَا وَعَذَّبَ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الْكَافِرِينَ26

markaas Eebe ku soo dajiyey xasilkiisii Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada. (26)
9:27Juz 10 · bg. 191

ثُمَّ يَتُوبُ اللَّهُ مِنْ بَعْدِ ذَٰلِكَ عَلَىٰ مَنْ يَشَاءُ ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ27

markaas Eebe ka toobad aqbalo intaas ka dib cidduu doono Eebana waa dambi dhaafe naxariista. (27)
9:28Juz 10 · bg. 191

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّمَا الْمُشْرِكُونَ نَجَسٌ فَلَا يَقْرَبُوا الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ بَعْدَ عَامِهِمْ هَٰذَا ۚ وَإِنْ خِفْتُمْ عَيْلَةً فَسَوْفَ يُغْنِيكُمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ إِنْ شَاءَ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ28

kuwa xaqa rumeeyow mushrikiintu (Gaalada) waa nijaas ee yeyna masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan ka dib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebe fadligiisa hadduu doono illeen waa oge falsane. (28)
9:29Juz 10 · bg. 191

قَاتِلُوا الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلَا بِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حَتَّىٰ يُعْطُوا الْجِزْيَةَ عَنْ يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ29

la dagaallama kuwaan rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu reebay Eebe iyo Rasuulkiisu ka diin dhiganayn diinta xaqa ah (islaamka) oo ah kuwa ehelu kitaabka ah yuhuud iyo nasaarada intay ka dhiibaan jisyada (iyadoo darban) iyaguna dullaysanyihiin. (29)
9:30Juz 10 · bg. 191

وَقَالَتِ الْيَهُودُ عُزَيْرٌ ابْنُ اللَّهِ وَقَالَتِ النَّصَارَى الْمَسِيحُ ابْنُ اللَّهِ ۖ ذَٰلِكَ قَوْلُهُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ ۖ يُضَاهِئُونَ قَوْلَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ قَبْلُ ۚ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ ۚ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ30

waxay dhaheen yuhuud cusayr waa wiil Eebe, nasaarana waxay tidhi masiix (ciise) waa wiil eebe, kaasina waa hadalkoodii oy afka ka sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii, Eebe hallaayo ee xaggee loo leexin. (30)
9:31Juz 10 · bg. 191

اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا إِلَٰهًا وَاحِدًا ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ31

waxay ka yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii Eebayaal ilaahay ka sokow iyo ciise ibnu maryama waxaan cibaadada ilaahay kali ah ahaynna lama farin. Eebe mooyee ilaah kalana ma jiro waana ka nasanyahay waxay la wadaajin. (31)
9:32Juz 10 · bg. 192

يُرِيدُونَ أَنْ يُطْفِئُوا نُورَ اللَّهِ بِأَفْوَاهِهِمْ وَيَأْبَى اللَّهُ إِلَّا أَنْ يُتِمَّ نُورَهُ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ32

waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen gaaladuye. (32)
9:33Juz 10 · bg. 192

هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ33

Eebe waa kan ku diray rasuulkiisa hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladuye. (33)
9:34Juz 10 · bg. 192

۞ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ كَثِيرًا مِنَ الْأَحْبَارِ وَالرُّهْبَانِ لَيَأْكُلُونَ أَمْوَالَ النَّاسِ بِالْبَاطِلِ وَيَصُدُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ ۗ وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلَا يُنْفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَبَشِّرْهُمْ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ34

kuwa xaqa rumeeyow wax badan oo ka mida axbaarta (culimada yuhuud) iyo ruhbaantu (culimada Nasaarada) wxay ku cunaan xoolaha dadka xaq darro waxayna ka celiyaan (dadka xaqa) kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran. (34)
9:35Juz 10 · bg. 192

يَوْمَ يُحْمَىٰ عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكْوَىٰ بِهَا جِبَاهُهُمْ وَجُنُوبُهُمْ وَظُهُورُهُمْ ۖ هَٰذَا مَا كَنَزْتُمْ لِأَنْفُسِكُمْ فَذُوقُوا مَا كُنْتُمْ تَكْنِزُونَ35

maalinta lagu gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani waa waxaad u kaydsanayseen Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa. (35)
9:36Juz 10 · bg. 192

إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِنْدَ اللَّهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا فِي كِتَابِ اللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ ۚ فَلَا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنْفُسَكُمْ ۚ وَقَاتِلُوا الْمُشْرِكِينَ كَافَّةً كَمَا يُقَاتِلُونَكُمْ كَافَّةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ36

tirada bilaha Eebe agtiisa waa Labiyo toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda naftiinna, lana dagaalama gaalada dhammaantiin, siday idiinla dagaalamayaan dhammaan ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (36)
9:37Juz 10 · bg. 193

إِنَّمَا النَّسِيءُ زِيَادَةٌ فِي الْكُفْرِ ۖ يُضَلُّ بِهِ الَّذِينَ كَفَرُوا يُحِلُّونَهُ عَامًا وَيُحَرِّمُونَهُ عَامًا لِيُوَاطِئُوا عِدَّةَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ فَيُحِلُّوا مَا حَرَّمَ اللَّهُ ۚ زُيِّنَ لَهُمْ سُوءُ أَعْمَالِهِمْ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْكَافِرِينَ37

dib u dhigidda (bilo) waa uun badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebe reebay waxayna banneeyaan wax Eebe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebana ma hanuuniyo qoomka gaalada ah. (37)
9:38Juz 10 · bg. 193

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا مَا لَكُمْ إِذَا قِيلَ لَكُمُ انْفِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ اثَّاقَلْتُمْ إِلَى الْأَرْضِ ۚ أَرَضِيتُمْ بِالْحَيَاةِ الدُّنْيَا مِنَ الْآخِرَةِ ۚ فَمَا مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا فِي الْآخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ38

kuwa xaqa rumeeyow maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Eebe aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad ku ralli noqotaan nolosha adduun aakhiro ka sokow, nolosha adduunyo marka aakharo loo dayo waa uun raaxo yar. (38)
9:39Juz 10 · bg. 193

إِلَّا تَنْفِرُوا يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا وَيَسْتَبْدِلْ قَوْمًا غَيْرَكُمْ وَلَا تَضُرُّوهُ شَيْئًا ۗ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ39

haddaydaan bixin wuxuu Eebe idincadaabi cadab daran, wuxuuna idinku badali qoom aan idinka ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebe, ilaahayna wax kasta oo uu doono waa karaa. (39)
9:40Juz 10 · bg. 193

إِلَّا تَنْصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لَا تَحْزَنْ إِنَّ اللَّهَ مَعَنَا ۖ فَأَنْزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ40

haddaydaan u gargaarin Nabiga waxaa u gargaaray Eebe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkooda markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin Eebaa inala jirce, oo Eebe ku dajiyey xasiikiisa kuna xoojiyey Januud aydaan arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa, Eebana waa adkaade falsan. (40)
9:41Juz 10 · bg. 194

انْفِرُوا خِفَافًا وَثِقَالًا وَجَاهِدُوا بِأَمْوَالِكُمْ وَأَنْفُسِكُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ41

baxa idinkoo fudud iyo idinkoo culus kiinajahaada xoolihiinna iyo naftiinna jidka Eebe, saasaana idiin khayrroon haddaad wax ogtihiin. (41)
9:42Juz 10 · bg. 194

لَوْ كَانَ عَرَضًا قَرِيبًا وَسَفَرًا قَاصِدًا لَاتَّبَعُوكَ وَلَٰكِنْ بَعُدَتْ عَلَيْهِمُ الشُّقَّةُ ۚ وَسَيَحْلِفُونَ بِاللَّهِ لَوِ اسْتَطَعْنَا لَخَرَجْنَا مَعَكُمْ يُهْلِكُونَ أَنْفُسَهُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ42

hadduu jiro muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen waxaase ku fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebe haddaanu kari waan idinia bixi lahayn, waxayna halaagi naftooda Eebana waa ogyahay inay been sheegi. (42)
9:43Juz 10 · bg. 194

عَفَا اللَّهُ عَنْكَ لِمَ أَذِنْتَ لَهُمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكَ الَّذِينَ صَدَقُوا وَتَعْلَمَ الْكَاذِبِينَ43

Eebe ha ku caliyee maxaad u idantay intay kaaga cadaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato Reenaalayaasha. (43)
9:44Juz 10 · bg. 194

لَا يَسْتَأْذِنُكَ الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ أَنْ يُجَاهِدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِالْمُتَّقِينَ44

kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebana waa ogyahay kuwa dhawrsada. (44)
9:45Juz 10 · bg. 194

إِنَّمَا يَسْتَأْذِنُكَ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَارْتَابَتْ قُلُوبُهُمْ فَهُمْ فِي رَيْبِهِمْ يَتَرَدَّدُونَ45

waxaase ku idin waydiin kuwaan rumaynin Eebe iyo maalinta dambe ayna shakiday quluubtoodu, waxayna ku noqnoqon (ku wareersanyihiin) shakigooda. (45)
9:46Juz 10 · bg. 194

۞ وَلَوْ أَرَادُوا الْخُرُوجَ لَأَعَدُّوا لَهُ عُدَّةً وَلَٰكِنْ كَرِهَ اللَّهُ انْبِعَاثَهُمْ فَثَبَّطَهُمْ وَقِيلَ اقْعُدُوا مَعَ الْقَاعِدِينَ46

hadday doonaan bixid waxay u darban lahaayeen qalab, wuxuuse nacay Eebe Bixintooda wuuna dib mariyey waxaana lagu yidhi «gaaladii» la fadhiista kuwa fadhiya. (46)
9:47Juz 10 · bg. 194

لَوْ خَرَجُوا فِيكُمْ مَا زَادُوكُمْ إِلَّا خَبَالًا وَلَأَوْضَعُوا خِلَالَكُمْ يَبْغُونَكُمُ الْفِتْنَةَ وَفِيكُمْ سَمَّاعُونَ لَهُمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِالظَّالِمِينَ47

hadday baxaan dhexdiinna waxaan xuman ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo idiindhagaysan Eebana waa ogyahay daalimiinta. (47)
9:48Juz 10 · bg. 195

لَقَدِ ابْتَغَوُا الْفِتْنَةَ مِنْ قَبْلُ وَقَلَّبُوا لَكَ الْأُمُورَ حَتَّىٰ جَاءَ الْحَقُّ وَظَهَرَ أَمْرُ اللَّهِ وَهُمْ كَارِهُونَ48

waxay idinla dooneen fidno mar hore waxayna kuu gagadiyeen umuuraha intuu ka yimaado xaqu oo ka muuqdo amarka Eebe (xaqa) iyagoo nici. (48)
9:49Juz 10 · bg. 195

وَمِنْهُمْ مَنْ يَقُولُ ائْذَنْ لِي وَلَا تَفْتِنِّي ۚ أَلَا فِي الْفِتْنَةِ سَقَطُوا ۗ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةٌ بِالْكَافِرِينَ49

waxaa ka mid ah kuwo dhihi i fasax hana i fidneyn waxayse ku dhaceen fidno jahannamana way koobtay gaalada. (49)
9:50Juz 10 · bg. 195

إِنْ تُصِبْكَ حَسَنَةٌ تَسُؤْهُمْ ۖ وَإِنْ تُصِبْكَ مُصِيبَةٌ يَقُولُوا قَدْ أَخَذْنَا أَمْرَنَا مِنْ قَبْلُ وَيَتَوَلَّوْا وَهُمْ فَرِحُونَ50

hadduu wanaag ku soo gaadho wuu walbahaarinayaa Munaafiqiinta, hadday ku hesho dibaatana waxay dhahayaan waan ka dadaalay raaciddiisa, mar hore, wayna jeedsadaan iyagoo faraxsan. (50)
9:51Juz 10 · bg. 195

قُلْ لَنْ يُصِيبَنَا إِلَّا مَا كَتَبَ اللَّهُ لَنَا هُوَ مَوْلَانَا ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ51

waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo qoray mooyee, isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala Saarteen Mu'miniintu. (51)
9:52Juz 10 · bg. 195

قُلْ هَلْ تَرَبَّصُونَ بِنَا إِلَّا إِحْدَى الْحُسْنَيَيْنِ ۖ وَنَحْنُ نَتَرَبَّصُ بِكُمْ أَنْ يُصِيبَكُمُ اللَّهُ بِعَذَابٍ مِنْ عِنْدِهِ أَوْ بِأَيْدِينَا ۖ فَتَرَبَّصُوا إِنَّا مَعَكُمْ مُتَرَبِّصُونَ52

waxaad dhahdaa ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada wanaag midkood ahayn (Guul ama shahaado) annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu Eebe idinku assibo (ciqaabo) cadaab agtiisa ah ama gaemahanaga, ee suga annaguna waan idin la sugaynaaye. (52)
9:53Juz 10 · bg. 195

قُلْ أَنْفِقُوا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا لَنْ يُتَقَبَّلَ مِنْكُمْ ۖ إِنَّكُمْ كُنْتُمْ قَوْمًا فَاسِقِينَ53

waxaad dhahdaa Bixiya wax ama ogolaansho ama qasab marnaba laydinkama aqbalee, illeen waxaad tihiin qoom faasiqiina. (53)
9:54Juz 10 · bg. 195

وَمَا مَنَعَهُمْ أَنْ تُقْبَلَ مِنْهُمْ نَفَقَاتُهُمْ إِلَّا أَنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَبِرَسُولِهِ وَلَا يَأْتُونَ الصَّلَاةَ إِلَّا وَهُمْ كُسَالَىٰ وَلَا يُنْفِقُونَ إِلَّا وَهُمْ كَارِهُونَ54

wax u diiday in la aqbalo bixinteeda oon ka gaaloowgooda Eebe iyo Rasuulkiisa ahayn majiro, mana yimaaddaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neeeb mooyee. (54)
9:55Juz 10 · bg. 196

فَلَا تُعْجِبْكَ أَمْوَالُهُمْ وَلَا أَوْلَادُهُمْ ۚ إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمْ بِهَا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَتَزْهَقَ أَنْفُسُهُمْ وَهُمْ كَافِرُونَ55

yeyna ku yaab galinin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu un dooni Eebe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo naftoodu iyagoo gaala ah. (55)
9:56Juz 10 · bg. 196

وَيَحْلِفُونَ بِاللَّهِ إِنَّهُمْ لَمِنْكُمْ وَمَا هُمْ مِنْكُمْ وَلَٰكِنَّهُمْ قَوْمٌ يَفْرَقُونَ56

waxay ku dhaaran Eebe inay idinla jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan. (56)
9:57Juz 10 · bg. 196

لَوْ يَجِدُونَ مَلْجَأً أَوْ مَغَارَاتٍ أَوْ مُدَّخَلًا لَوَلَّوْا إِلَيْهِ وَهُمْ يَجْمَحُونَ57

hadday helayaan meel ay magan galaan ama godod (buuro) ama meel ay galaan way u jeedsan lahaayeen iyagoo deg degi. (57)
9:58Juz 10 · bg. 196

وَمِنْهُمْ مَنْ يَلْمِزُكَ فِي الصَّدَقَاتِ فَإِنْ أُعْطُوا مِنْهَا رَضُوا وَإِنْ لَمْ يُعْطَوْا مِنْهَا إِذَا هُمْ يَسْخَطُونَ58

waxaa ka mid ah kuwo kugu ceebin sadaqada (sakada) haddii la siiyana raali noqon haddaan la siininna cadhoon. (58)
9:59Juz 10 · bg. 196

وَلَوْ أَنَّهُمْ رَضُوا مَا آتَاهُمُ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَقَالُوا حَسْبُنَا اللَّهُ سَيُؤْتِينَا اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ وَرَسُولُهُ إِنَّا إِلَى اللَّهِ رَاغِبُونَ59

hadday ku raalli noqdaan waxay siin Eebe iyo rasuulkiisu oy dhahaan waxaana nagu filan Eebe wuxuu naga siin Eebe fadligiisa rasuulkiisuna wuu nasiin Anaguna Eebe unbaan wax ka doonaynaa (saasaa u khayroon). (59)
9:60Juz 10 · bg. 196

۞ إِنَّمَا الصَّدَقَاتُ لِلْفُقَرَاءِ وَالْمَسَاكِينِ وَالْعَامِلِينَ عَلَيْهَا وَالْمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمْ وَفِي الرِّقَابِ وَالْغَارِمِينَ وَفِي سَبِيلِ اللَّهِ وَابْنِ السَّبِيلِ ۖ فَرِيضَةً مِنَ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ60

sadaqada (Zakada) waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka, waana wax Eebe Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan. (60)
9:61Juz 10 · bg. 196

وَمِنْهُمُ الَّذِينَ يُؤْذُونَ النَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٌ ۚ قُلْ أُذُنُ خَيْرٍ لَكُمْ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَيُؤْمِنُ لِلْمُؤْمِنِينَ وَرَحْمَةٌ لِلَّذِينَ آمَنُوا مِنْكُمْ ۚ وَالَّذِينَ يُؤْذُونَ رَسُولَ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ61

waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba nabiga oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna wuxuuna rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa rumeeyey oo idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran. (61)
9:62Juz 10 · bg. 197

يَحْلِفُونَ بِاللَّهِ لَكُمْ لِيُرْضُوكُمْ وَاللَّهُ وَرَسُولُهُ أَحَقُّ أَنْ يُرْضُوهُ إِنْ كَانُوا مُؤْمِنِينَ62

waxay idiinku dhaaran Eebe inay idin raalli galinayaan, Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan hadday Mu'miniinyihiin. (62)
9:63Juz 10 · bg. 197

أَلَمْ يَعْلَمُوا أَنَّهُ مَنْ يُحَادِدِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَأَنَّ لَهُ نَارَ جَهَنَّمَ خَالِدًا فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ الْخِزْيُ الْعَظِيمُ63

miyeyna ogayn ciddii la dagaalanta (oo khilaafta) Eebe iyo rasuulkiisa inuu mudan naarta jahannama, kuna waari dhexdeeda, arrintaasuna waa dulli wayn. (63)
9:64Juz 10 · bg. 197

يَحْذَرُ الْمُنَافِقُونَ أَنْ تُنَزَّلَ عَلَيْهِمْ سُورَةٌ تُنَبِّئُهُمْ بِمَا فِي قُلُوبِهِمْ ۚ قُلِ اسْتَهْزِئُوا إِنَّ اللَّهَ مُخْرِجٌ مَا تَحْذَرُونَ64

waxay ka digtoonyihiin munaafiqiintu in lagu soo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan, waxaad dhahdaa jeesjeesa Eebe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoontihiin (cabsanaysaan). (64)
9:65Juz 10 · bg. 197

وَلَئِنْ سَأَلْتَهُمْ لَيَقُولُنَّ إِنَّمَا كُنَّا نَخُوضُ وَنَلْعَبُ ۚ قُلْ أَبِاللَّهِ وَآيَاتِهِ وَرَسُولِهِ كُنْتُمْ تَسْتَهْزِئُونَ65

haddaad warsato waxay dhihi waan un yar tiimbanaynay oon ciyaaraynay, waxaad dhahdaa ma Eebe iyo aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa yaad ku jees jeesayseen. (65)
9:66Juz 10 · bg. 197

لَا تَعْتَذِرُوا قَدْ كَفَرْتُمْ بَعْدَ إِيمَانِكُمْ ۚ إِنْ نَعْفُ عَنْ طَائِفَةٍ مِنْكُمْ نُعَذِّبْ طَائِفَةً بِأَنَّهُمْ كَانُوا مُجْرِمِينَ66

ha cudur daaranina waad gaalowdeen Rumayn ka dib, haddaan cafino koox idinka mid ah waxaan cadaabaynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale. (66)
9:67Juz 10 · bg. 197

الْمُنَافِقُونَ وَالْمُنَافِقَاتُ بَعْضُهُمْ مِنْ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِالْمُنْكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ ۚ نَسُوا اللَّهَ فَنَسِيَهُمْ ۗ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ هُمُ الْفَاسِقُونَ67

munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan sumaanta, waxayna ka reebaan wanaagga, waxayna laabaan gaemahooda (wax ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aagayeeldarro yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga umbaa faasiqiin ah. (67)
9:68Juz 10 · bg. 197

وَعَدَ اللَّهُ الْمُنَافِقِينَ وَالْمُنَافِقَاتِ وَالْكُفَّارَ نَارَ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ هِيَ حَسْبُهُمْ ۚ وَلَعَنَهُمُ اللَّهُ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ مُقِيمٌ68

wuxuuna Eebe u yaboohay Munaafiqiintaa rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku filan, waxaana lacnaday Eebe waxayna mudan cadaab joogta ah. (68)
9:69Juz 10 · bg. 198

كَالَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ كَانُوا أَشَدَّ مِنْكُمْ قُوَّةً وَأَكْثَرَ أَمْوَالًا وَأَوْلَادًا فَاسْتَمْتَعُوا بِخَلَاقِهِمْ فَاسْتَمْتَعْتُمْ بِخَلَاقِكُمْ كَمَا اسْتَمْتَعَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ بِخَلَاقِهِمْ وَخُضْتُمْ كَالَّذِي خَاضُوا ۚ أُولَٰئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ69

waxaad la midtihiin kuwii idinka horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo xoolo iyo caruur waxayna ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad raaxaysatecn nasiibkiin siday ugu raaxaysleen kuwii idinka horreeyey nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray camalkoodii adduun iyo aakhiraba kuwaasyna iyaga umbaa khasaaray. (69)
9:70Juz 10 · bg. 198

أَلَمْ يَأْتِهِمْ نَبَأُ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَقَوْمِ إِبْرَاهِيمَ وَأَصْحَابِ مَدْيَنَ وَالْمُؤْتَفِكَاتِ ۚ أَتَتْهُمْ رُسُلُهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ ۖ فَمَا كَانَ اللَّهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَٰكِنْ كَانُوا أَنْفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ70

miyeyna soo gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah qoomkii nabi Nuux, Caad, Thamuud, Qoomkii Nabi Ibraahiim, madyan dadkeedi iyo Qoomkii Nahi Luudh, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid dulmiya iyagaase naflooda dulmiya. (70)
9:71Juz 10 · bg. 198

وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَٰئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللَّهُ ۗ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ71

Mu'miniinta rag iyo Haweenba qaarkood qaarka (kale) waa u Sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade fal sane. (71)
9:72Juz 10 · bg. 198

وَعَدَ اللَّهُ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ ۚ وَرِضْوَانٌ مِنَ اللَّهِ أَكْبَرُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ72

wuxuu u yaboohay Eebe Mu'miniinta Rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii iyagoo ku waari dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada cadnin (Nagaadiga) Raalli ahaanshaha Eebaana ka wayn, arrintaasuna waa uun liibaanta wayn. (72)
9:73Juz 10 · bg. 199

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ جَاهِدِ الْكُفَّارَ وَالْمُنَافِقِينَ وَاغْلُظْ عَلَيْهِمْ ۚ وَمَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ73

Nabiyow la jahaad gaalda iyo Munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaan. (73)
9:74Juz 10 · bg. 199

يَحْلِفُونَ بِاللَّهِ مَا قَالُوا وَلَقَدْ قَالُوا كَلِمَةَ الْكُفْرِ وَكَفَرُوا بَعْدَ إِسْلَامِهِمْ وَهَمُّوا بِمَا لَمْ يَنَالُوا ۚ وَمَا نَقَمُوا إِلَّا أَنْ أَغْنَاهُمُ اللَّهُ وَرَسُولُهُ مِنْ فَضْلِهِ ۚ فَإِنْ يَتُوبُوا يَكُ خَيْرًا لَهُمْ ۖ وَإِنْ يَتَوَلَّوْا يُعَذِّبْهُمُ اللَّهُ عَذَابًا أَلِيمًا فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَمَا لَهُمْ فِي الْأَرْضِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ74

waxay ku dhaaran inayna dhihin (hadal xun) iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa fadligiisa hadday toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebe cadaabi cadaab daran adduun iyo aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye midna. (74)
9:75Juz 10 · bg. 199

۞ وَمِنْهُمْ مَنْ عَاهَدَ اللَّهَ لَئِنْ آتَانَا مِنْ فَضْلِهِ لَنَصَّدَّقَنَّ وَلَنَكُونَنَّ مِنَ الصَّالِحِينَ75

waxaa ka mid ah kuwo la ballamay Eebe hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suuban. (75)
9:76Juz 10 · bg. 199

فَلَمَّا آتَاهُمْ مِنْ فَضْلِهِ بَخِلُوا بِهِ وَتَوَلَّوْا وَهُمْ مُعْرِضُونَ76

markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi. (76)
9:77Juz 10 · bg. 199

فَأَعْقَبَهُمْ نِفَاقًا فِي قُلُوبِهِمْ إِلَىٰ يَوْمِ يَلْقَوْنَهُ بِمَا أَخْلَفُوا اللَّهَ مَا وَعَدُوهُ وَبِمَا كَانُوا يَكْذِبُونَ77

wuxuu ku reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ka baajintooda Eebe waxay kula ballantameen iyo beenintoodii darteed. (77)
9:78Juz 10 · bg. 199

أَلَمْ يَعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَاهُمْ وَأَنَّ اللَّهَ عَلَّامُ الْغُيُوبِ78

miyeyna ogayn in Eebe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebe ogyahay waxa maqan. (78)
9:79Juz 10 · bg. 199

الَّذِينَ يَلْمِزُونَ الْمُطَّوِّعِينَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ فِي الصَّدَقَاتِ وَالَّذِينَ لَا يَجِدُونَ إِلَّا جُهْدَهُمْ فَيَسْخَرُونَ مِنْهُمْ ۙ سَخِرَ اللَّهُ مِنْهُمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ79

waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo mu'miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jees jeesi Eebana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran. (79)
9:80Juz 10 · bg. 200

اسْتَغْفِرْ لَهُمْ أَوْ لَا تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ إِنْ تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ سَبْعِينَ مَرَّةً فَلَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ80

ama u dambidhaaf warso ama ha u dambidhaaf warsanin, haddaad u dambi dhaaf warsato toddobaatan jeer uma dambidhaafo Eebe, ileen iyagu waxay ka gaaloobeen Eebe iyo rasuulkiisa, eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah. (80)
9:81Juz 10 · bg. 200

فَرِحَ الْمُخَلَّفُونَ بِمَقْعَدِهِمْ خِلَافَ رَسُولِ اللَّهِ وَكَرِهُوا أَنْ يُجَاهِدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَقَالُوا لَا تَنْفِرُوا فِي الْحَرِّ ۗ قُلْ نَارُ جَهَنَّمَ أَشَدُّ حَرًّا ۚ لَوْ كَانُوا يَفْقَهُونَ81

waxay ku farxeen kuwii ka dib dhacay fadhigoodii rasuulka gadaashiisa, waxayn naceen inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda jidka Eebe, waxayna dhaheen ha ku bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta jahannamo yaa ka kulayl daran hadday wax kasi. (81)
9:82Juz 10 · bg. 200

فَلْيَضْحَكُوا قَلِيلًا وَلْيَبْكُوا كَثِيرًا جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ82

ee ha qosleen wax yar (adduunka) hana ooyeen wax badan (aakhiro) iyadoo laga abaal marin waxay kasbadeen. (82)
9:83Juz 10 · bg. 200

فَإِنْ رَجَعَكَ اللَّهُ إِلَىٰ طَائِفَةٍ مِنْهُمْ فَاسْتَأْذَنُوكَ لِلْخُرُوجِ فَقُلْ لَنْ تَخْرُجُوا مَعِيَ أَبَدًا وَلَنْ تُقَاتِلُوا مَعِيَ عَدُوًّا ۖ إِنَّكُمْ رَضِيتُمْ بِالْقُعُودِ أَوَّلَ مَرَّةٍ فَاقْعُدُوا مَعَ الْخَالِفِينَ83

hadduu kuu soo celiyo Eebe koox ka mid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa bixi maysaan lajirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan Col lajirkayga illeen waxaad jeclaateen fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib maray. (83)
9:84Juz 10 · bg. 200

وَلَا تُصَلِّ عَلَىٰ أَحَدٍ مِنْهُمْ مَاتَ أَبَدًا وَلَا تَقُمْ عَلَىٰ قَبْرِهِ ۖ إِنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَمَاتُوا وَهُمْ فَاسِقُونَ84

ha ku tukanin mid ka mid ah oo dhinta waligeed, hana kor istaagin qabrigiisa, illeen waxay ka gaaloobeen Eebe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah. (84)
9:85Juz 10 · bg. 200

وَلَا تُعْجِبْكَ أَمْوَالُهُمْ وَأَوْلَادُهُمْ ۚ إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُعَذِّبَهُمْ بِهَا فِي الدُّنْيَا وَتَزْهَقَ أَنْفُسُهُمْ وَهُمْ كَافِرُونَ85

ee yeyna ku yaab galinnin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu uun Eebe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay baxdana naftooduna iyagoo gaalo ah. (85)
9:86Juz 10 · bg. 200

وَإِذَا أُنْزِلَتْ سُورَةٌ أَنْ آمِنُوا بِاللَّهِ وَجَاهِدُوا مَعَ رَسُولِهِ اسْتَأْذَنَكَ أُولُو الطَّوْلِ مِنْهُمْ وَقَالُوا ذَرْنَا نَكُنْ مَعَ الْقَاعِدِينَ86

marka la soo dejiyo suurad (dhihi) rumeeya Eebe jahaadana la jirka Rasuulkiisa waxaa idan ku warsada kuwa awoodda leh oo ka mid ah waxayna dhahaan na daa aan noqonno kuwa fadhiyee. (86)
9:87Juz 10 · bg. 201

رَضُوا بِأَنْ يَكُونُوا مَعَ الْخَوَالِفِ وَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَفْقَهُونَ87

waxay ka raalli noqdeen inay noqdaan kuwa dib maray, waxaana la daboolay quluubtooda waxna ma kasayaan. (87)
9:88Juz 10 · bg. 201

لَٰكِنِ الرَّسُولُ وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ جَاهَدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ ۚ وَأُولَٰئِكَ لَهُمُ الْخَيْرَاتُ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ88

Rasuulkase iyo kuwa rumeeyey ee la Jira way ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana kuwaas u sugnaaday khayraad, kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay. (88)
9:89Juz 10 · bg. 201

أَعَدَّ اللَّهُ لَهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ89

wuxuuna u Darbay Eebe Jannooyin oy socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo kuwaari dhexdeeda taasina waa liibaan wayn. (89)
9:90Juz 10 · bg. 201

وَجَاءَ الْمُعَذِّرُونَ مِنَ الْأَعْرَابِ لِيُؤْذَنَ لَهُمْ وَقَعَدَ الَّذِينَ كَذَبُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ سَيُصِيبُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ90

waxaa yimid kuwii cudurdaaranayey oo Reebaadiyaha ahaa in loo idmo (Dib mar) waxaana iska fadhiistay kuwii beeniyey Eebe iyo Rasuulkiisa, waxaana ku dhici kuwii Gaaloobay oo ka mida cadaab daran. (90)
9:91Juz 10 · bg. 201

لَيْسَ عَلَى الضُّعَفَاءِ وَلَا عَلَى الْمَرْضَىٰ وَلَا عَلَى الَّذِينَ لَا يَجِدُونَ مَا يُنْفِقُونَ حَرَجٌ إِذَا نَصَحُوا لِلَّهِ وَرَسُولِهِ ۚ مَا عَلَى الْمُحْسِنِينَ مِنْ سَبِيلٍ ۚ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ91

dhib ma saara kuwa tabarta yar, kuwa huka iyo kuwaan helayn waxay bixiyaan, hadday u naseexeeyaan (Diinta) Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwa sama falana jid laguma leh Eebana waa Dambi dhaafe Naxariista. (91)
9:92Juz 10 · bg. 201

وَلَا عَلَى الَّذِينَ إِذَا مَا أَتَوْكَ لِتَحْمِلَهُمْ قُلْتَ لَا أَجِدُ مَا أَحْمِلُكُمْ عَلَيْهِ تَوَلَّوْا وَأَعْيُنُهُمْ تَفِيضُ مِنَ الدَّمْعِ حَزَنًا أَلَّا يَجِدُوا مَا يُنْفِقُونَ92

kuwiina dhib masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku tidhi ma helayo waxaan idinku xambaaro, markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la daadan illin walbahaar inayna helin waxay bixiyaan. (92)
9:93Juz 11 · bg. 201

۞ إِنَّمَا السَّبِيلُ عَلَى الَّذِينَ يَسْتَأْذِنُونَكَ وَهُمْ أَغْنِيَاءُ ۚ رَضُوا بِأَنْ يَكُونُوا مَعَ الْخَوَالِفِ وَطَبَعَ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ93

waxaa uun jid laguleeyahay kuwa ku idan warsada iyagoo hodanna oo ka raati noqday inay ka midnoqdaan kuwa had hay (Xaaska) wuxuuna Eebe daabacay quluubtooda waxna ma oga. (93)
9:94Juz 11 · bg. 202

يَعْتَذِرُونَ إِلَيْكُمْ إِذَا رَجَعْتُمْ إِلَيْهِمْ ۚ قُلْ لَا تَعْتَذِرُوا لَنْ نُؤْمِنَ لَكُمْ قَدْ نَبَّأَنَا اللَّهُ مِنْ أَخْبَارِكُمْ ۚ وَسَيَرَى اللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ94

way idiin cudurdaaran markaad u noqotaan xaggooda, waxaad dhahdaan ha cudurdaaranina idiin rumeynmenee, wuu nooga warrdmay Eebe xaalkiinne, Eebana wuu arkaa camalkinne iyo rasuulkiisu, markaasna waxaa laydiin Celin Eebaha og waxa maqan iyo waxaa muuqdaba oo idiinka warrami waxaa camal falayseen. (94)
9:95Juz 11 · bg. 202

سَيَحْلِفُونَ بِاللَّهِ لَكُمْ إِذَا انْقَلَبْتُمْ إِلَيْهِمْ لِتُعْرِضُوا عَنْهُمْ ۖ فَأَعْرِضُوا عَنْهُمْ ۖ إِنَّهُمْ رِجْسٌ ۖ وَمَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ95

way idiin dhaaran markaad u gadoontaan xaggooda inaad ka jeedsataan ee iskaga jeedsada iyagu waa wasakhe hoygooduna waa jahannamee waana ka abaal marin waxay kasbanayeen. (95)
9:96Juz 11 · bg. 202

يَحْلِفُونَ لَكُمْ لِتَرْضَوْا عَنْهُمْ ۖ فَإِنْ تَرْضَوْا عَنْهُمْ فَإِنَّ اللَّهَ لَا يَرْضَىٰ عَنِ الْقَوْمِ الْفَاسِقِينَ96

way idiin dhaaran inaad ka raalli noqotaan, haddaad ka raalli noqotaan Eebe kama raalli noqdo qoomka faasiqiinta ah. (96)
9:97Juz 11 · bg. 202

الْأَعْرَابُ أَشَدُّ كُفْرًا وَنِفَاقًا وَأَجْدَرُ أَلَّا يَعْلَمُوا حُدُودَ مَا أَنْزَلَ اللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ97

Reer baadiyahaa ugu daran Gaalnimada iyo Munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda (Soohdimaha) waxa Eebe ku soo Dejiyey Rasuulkiisa, Eebena waa oge fal san. (97)
9:98Juz 11 · bg. 202

وَمِنَ الْأَعْرَابِ مَنْ يَتَّخِذُ مَا يُنْفِقُ مَغْرَمًا وَيَتَرَبَّصُ بِكُمُ الدَّوَائِرَ ۚ عَلَيْهِمْ دَائِرَةُ السَّوْءِ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ98

Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwo kayeelan waxay bixin dayn Bax oo kale, oo idin la sugi dhibaato korkooda ha ahaato wareegga xumaanta, Eebana waa maqle og. (98)
9:99Juz 11 · bg. 202

وَمِنَ الْأَعْرَابِ مَنْ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَيَتَّخِذُ مَا يُنْفِقُ قُرُبَاتٍ عِنْدَ اللَّهِ وَصَلَوَاتِ الرَّسُولِ ۚ أَلَا إِنَّهَا قُرْبَةٌ لَهُمْ ۚ سَيُدْخِلُهُمُ اللَّهُ فِي رَحْمَتِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ99

Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwa rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebe agtiisa, iyo u ducaynta Rasuulka (Iyaga) taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin Eebe naxariistiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe naxariista. (99)
9:100Juz 11 · bg. 203

وَالسَّابِقُونَ الْأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالْأَنْصَارِ وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُمْ بِإِحْسَانٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي تَحْتَهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ100

kuwii ku dheereeyey «khayrka» ee horreeyey oo ka mida Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa Liibaan wayn. (100)
9:101Juz 11 · bg. 203

وَمِمَّنْ حَوْلَكُمْ مِنَ الْأَعْرَابِ مُنَافِقُونَ ۖ وَمِنْ أَهْلِ الْمَدِينَةِ ۖ مَرَدُوا عَلَى النِّفَاقِ لَا تَعْلَمُهُمْ ۖ نَحْنُ نَعْلَمُهُمْ ۚ سَنُعَذِّبُهُمْ مَرَّتَيْنِ ثُمَّ يُرَدُّونَ إِلَىٰ عَذَابٍ عَظِيمٍ101

gaararkiinna waxaa ka mida reebaadiye Munaafiqiina, Reer Madiinana (waa kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi Labo jeer, markaasaa loo celin cadaab wayn. (101)
9:102Juz 11 · bg. 203

وَآخَرُونَ اعْتَرَفُوا بِذُنُوبِهِمْ خَلَطُوا عَمَلًا صَالِحًا وَآخَرَ سَيِّئًا عَسَى اللَّهُ أَنْ يَتُوبَ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ102

kuwo kalana waxay qirteen Dambigooda, waxayna isku khaldeen Camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebe wuxuu mudanyahay inuu ka toobad aqbalo, illeen Eebe waa Dambi dhaafe naxariista. (102)
9:103Juz 11 · bg. 203

خُذْ مِنْ أَمْوَالِهِمْ صَدَقَةً تُطَهِّرُهُمْ وَتُزَكِّيهِمْ بِهَا وَصَلِّ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّ صَلَاتَكَ سَكَنٌ لَهُمْ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ103

Ka qaad xoolahooda Xagooda sadaqo (zakada) ood ku daahirin kuna Nadiifin una ducee illeen Ducadaadu Waxay u noqon Xasile, Eebana waa maqle og. (103)
9:104Juz 11 · bg. 203

أَلَمْ يَعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ هُوَ يَقْبَلُ التَّوْبَةَ عَنْ عِبَادِهِ وَيَأْخُذُ الصَّدَقَاتِ وَأَنَّ اللَّهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ104

Miyayna Ogayn in Eebe ka aqbalo Toobadda Addoomadiisa Kana qaado Sadaqada (Aqbalo) iyo in Eebe yahay kan toobad aqbalka Badan ee Naxariista. (104)
9:105Juz 11 · bg. 203

وَقُلِ اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ ۖ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ105

Waxaad dhahdaa Camal fala wuu arki Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo waxa Jooga idiinkana Warrami (abaalmarin) waxaad falayseen. (105)
9:106Juz 11 · bg. 203

وَآخَرُونَ مُرْجَوْنَ لِأَمْرِ اللَّهِ إِمَّا يُعَذِّبُهُمْ وَإِمَّا يَتُوبُ عَلَيْهِمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ106

Kuwo kalana waxaa dib loogu dhigay amarka Eebe inuu Cadaabo iyo inuu Ka toobad aqbalo, Eebana waa oge Falsan. (106)
9:107Juz 11 · bg. 204

وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مَسْجِدًا ضِرَارًا وَكُفْرًا وَتَفْرِيقًا بَيْنَ الْمُؤْمِنِينَ وَإِرْصَادًا لِمَنْ حَارَبَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ مِنْ قَبْلُ ۚ وَلَيَحْلِفُنَّ إِنْ أَرَدْنَا إِلَّا الْحُسْنَىٰ ۖ وَاللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ107

Waxaa ka mida kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goynta Mu'miniinta iyo darbidda Cid la dagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn Waxaan wanaag ahayn Eebana waa ogyahay inay been sheegi. (107)
9:108Juz 11 · bg. 204

لَا تَقُمْ فِيهِ أَبَدًا ۚ لَمَسْجِدٌ أُسِّسَ عَلَى التَّقْوَىٰ مِنْ أَوَّلِ يَوْمٍ أَحَقُّ أَنْ تَقُومَ فِيهِ ۚ فِيهِ رِجَالٌ يُحِبُّونَ أَنْ يَتَطَهَّرُوا ۚ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُطَّهِّرِينَ108

ha joogsan dhexdiisa waligaa Masaajid lagu billabay maalintii horaba Dhawrsasho yaa mudan inaad joogsato Dhexdiisa (Masaajidka Nabiga iyo Quba) waxaa dhex jooga Niman jecel inay is Daahiriyaan Eebana wuu jecel yahay Kuwa is daahiriya. (108)
9:109Juz 11 · bg. 204

أَفَمَنْ أَسَّسَ بُنْيَانَهُ عَلَىٰ تَقْوَىٰ مِنَ اللَّهِ وَرِضْوَانٍ خَيْرٌ أَمْ مَنْ أَسَّسَ بُنْيَانَهُ عَلَىٰ شَفَا جُرُفٍ هَارٍ فَانْهَارَ بِهِ فِي نَارِ جَهَنَّمَ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ109

Ma Ruux ku billaabay dhismihiisa ka dhawrsasho Eebe iyo raalli noqoshadiisa yaa Khayrroon mise Ruux ku billaabay dhismihiisa God dumi dhinaciis oo kula dhici Naarta Jahannamo Eebana ma hanuuniyo Qoomka daalimiinta ah. (109)
9:110Juz 11 · bg. 204

لَا يَزَالُ بُنْيَانُهُمُ الَّذِي بَنَوْا رِيبَةً فِي قُلُوبِهِمْ إِلَّا أَنْ تَقَطَّعَ قُلُوبُهُمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ110

Kama tago dhismahooda ay dhiseen inuu ku Jiro shaki Quluubtoodu intay ka Kala go'do «dhimatana» Quluubtoodu, Eebana waa oge falsan. (110)
9:111Juz 11 · bg. 204

۞ إِنَّ اللَّهَ اشْتَرَىٰ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ أَنْفُسَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ بِأَنَّ لَهُمُ الْجَنَّةَ ۚ يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَيَقْتُلُونَ وَيُقْتَلُونَ ۖ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنْجِيلِ وَالْقُرْآنِ ۚ وَمَنْ أَوْفَىٰ بِعَهْدِهِ مِنَ اللَّهِ ۚ فَاسْتَبْشِرُوا بِبَيْعِكُمُ الَّذِي بَايَعْتُمْ بِهِ ۚ وَذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ111

Eebe wuxuu kaga gatay Mu'miniinta Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku dagaallami Jidka Eebe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun Liibaanta wayn. (111)
9:112Juz 11 · bg. 205

التَّائِبُونَ الْعَابِدُونَ الْحَامِدُونَ السَّائِحُونَ الرَّاكِعُونَ السَّاجِدُونَ الْآمِرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَالنَّاهُونَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَالْحَافِظُونَ لِحُدُودِ اللَّهِ ۗ وَبَشِّرِ الْمُؤْمِنِينَ112

waa kuwa toobadkeena, ee caabuda (Eebe) ee mahdiya, ee saa'ixiinta ah (Sooma oo Jahaada) ee Rukuca ee Sujuuda, ee fara wanaagga reebana xumaanta, ee dhawra Xuduudda Eebe, ee u Bishaaree Mu'miniinta. (112)
9:113Juz 11 · bg. 205

مَا كَانَ لِلنَّبِيِّ وَالَّذِينَ آمَنُوا أَنْ يَسْتَغْفِرُوا لِلْمُشْرِكِينَ وَلَوْ كَانُوا أُولِي قُرْبَىٰ مِنْ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُمْ أَصْحَابُ الْجَحِيمِ113

kuma habboona Nabiga iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) inay u dambi dhaaf warsadaan Mushrikiinta «gaalada» haba ahaadeen qaraabadoodee intay u caddaatay kadib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin. (113)
9:114Juz 11 · bg. 205

وَمَا كَانَ اسْتِغْفَارُ إِبْرَاهِيمَ لِأَبِيهِ إِلَّا عَنْ مَوْعِدَةٍ وَعَدَهَا إِيَّاهُ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُ أَنَّهُ عَدُوٌّ لِلَّهِ تَبَرَّأَ مِنْهُ ۚ إِنَّ إِبْرَاهِيمَ لَأَوَّاهٌ حَلِيمٌ114

ma ahayn u dambi dhaaf doonidii Nabi Ibraahim Aabihiis ballan uu u yaboohay mooyee, markayse u caddaatay inuu Col Eebe yahay wuu iska bari yeelay Xaggiisa (Nabi) Ibraahim wuxuu ahaa duco (Baryo) badanaha (Eebe) oo dul badan. (114)
9:115Juz 11 · bg. 205

وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُضِلَّ قَوْمًا بَعْدَ إِذْ هَدَاهُمْ حَتَّىٰ يُبَيِّنَ لَهُمْ مَا يَتَّقُونَ ۚ إِنَّ اللَّهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ115

Eebana ma aha mid dhumiya qoom intuu hanuuniyey ka dib intuu uga caddeeyo waxay ku dhawrsadaan, Eebana wax kasta waa ogyahay. (115)
9:116Juz 11 · bg. 205

إِنَّ اللَّهَ لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ يُحْيِي وَيُمِيتُ ۚ وَمَا لَكُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ116

Eebena waxaa u sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila, isagaana wax kasoo hadhayna oo wali ah ama gargaara ah ma lehidiin. (116)
9:117Juz 11 · bg. 205

لَقَدْ تَابَ اللَّهُ عَلَى النَّبِيِّ وَالْمُهَاجِرِينَ وَالْأَنْصَارِ الَّذِينَ اتَّبَعُوهُ فِي سَاعَةِ الْعُسْرَةِ مِنْ بَعْدِ مَا كَادَ يَزِيغُ قُلُوبُ فَرِيقٍ مِنْهُمْ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّهُ بِهِمْ رَءُوفٌ رَحِيمٌ117

wuxuu Eebe ka toobad aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raaeday Saacaddii cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub koox ka mida ka dib, markaasuu ka toobad aqbalay, illeen waa u turaha u naxariistee. (117)
9:118Juz 11 · bg. 206

وَعَلَى الثَّلَاثَةِ الَّذِينَ خُلِّفُوا حَتَّىٰ إِذَا ضَاقَتْ عَلَيْهِمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ وَضَاقَتْ عَلَيْهِمْ أَنْفُسُهُمْ وَظَنُّوا أَنْ لَا مَلْجَأَ مِنَ اللَّهِ إِلَّا إِلَيْهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ لِيَتُوبُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ118

saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda una maleeyeen (Yaqiinsaden) inayna jirin meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas Eebe ka toobad aqbalay inay toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista. (118)
9:119Juz 11 · bg. 206

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَكُونُوا مَعَ الصَّادِقِينَ119

kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka kuwa runta badan. (119)
9:120Juz 11 · bg. 206

مَا كَانَ لِأَهْلِ الْمَدِينَةِ وَمَنْ حَوْلَهُمْ مِنَ الْأَعْرَابِ أَنْ يَتَخَلَّفُوا عَنْ رَسُولِ اللَّهِ وَلَا يَرْغَبُوا بِأَنْفُسِهِمْ عَنْ نَفْسِهِ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ لَا يُصِيبُهُمْ ظَمَأٌ وَلَا نَصَبٌ وَلَا مَخْمَصَةٌ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَلَا يَطَئُونَ مَوْطِئًا يَغِيظُ الْكُفَّارَ وَلَا يَنَالُونَ مِنْ عَدُوٍّ نَيْلًا إِلَّا كُتِبَ لَهُمْ بِهِ عَمَلٌ صَالِحٌ ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُحْسِنِينَ120

kuma habboona (uma bannaana) reer Madiino iyo kuwa gaararkeeda ah oo Baadiyaha Carbeeda inay ka gadaal maraan Rasuulka Eebe oy kana Jeclaadaan naftooda Naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama dhiba ama gaajo ah Jidka Eebe dhexdiisa ama meejey ku joogsadaan oo Cadho galin Gaalada iyo waxay Gaadhsiiyaan Colka (Dhammaan) waxaa loogu Dhigi camal suuban, Eebana ma halleeyow Ajirka samo falayaasaha. (120)
9:121Juz 11 · bg. 206

وَلَا يُنْفِقُونَ نَفَقَةً صَغِيرَةً وَلَا كَبِيرَةً وَلَا يَقْطَعُونَ وَادِيًا إِلَّا كُتِبَ لَهُمْ لِيَجْزِيَهُمُ اللَّهُ أَحْسَنَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ121

waxay Bixiyaan oo yar ama wayn iyo Togay gooyaanna waa loo qori inuu ka Abaal mariyo Eebe wanaagga waxay falayeen. (121)
9:122Juz 11 · bg. 206

۞ وَمَا كَانَ الْمُؤْمِنُونَ لِيَنْفِرُوا كَافَّةً ۚ فَلَوْلَا نَفَرَ مِنْ كُلِّ فِرْقَةٍ مِنْهُمْ طَائِفَةٌ لِيَتَفَقَّهُوا فِي الدِّينِ وَلِيُنْذِرُوا قَوْمَهُمْ إِذَا رَجَعُوا إِلَيْهِمْ لَعَلَّهُمْ يَحْذَرُونَ122

mana aha inay Mu'miniinta oo dhan Baxaan, ee may Koox kastaha qaar ka baxdo inay Diinta kasaan, una igaan dadkooda markay u soo noqdaan waxay u dhawdahay inay digtoonaadaane. (122)
9:123Juz 11 · bg. 207

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قَاتِلُوا الَّذِينَ يَلُونَكُمْ مِنَ الْكُفَّارِ وَلْيَجِدُوا فِيكُمْ غِلْظَةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ123

Kuwa Xaqa rumeeyow la dagaallama kuwa idinla Xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen adayg, ogaadana in Eebe la Jiro kuwa Dhawrsada. (123)
9:124Juz 11 · bg. 207

وَإِذَا مَا أُنْزِلَتْ سُورَةٌ فَمِنْهُمْ مَنْ يَقُولُ أَيُّكُمْ زَادَتْهُ هَٰذِهِ إِيمَانًا ۚ فَأَمَّا الَّذِينَ آمَنُوا فَزَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَهُمْ يَسْتَبْشِرُونَ124

marka la soo Dejiyo Suurad waxaa ka mida kuwo (Munaafiqiina) dhihi kiinay u kordhisay Iimaan, kuwa xaqa rumeeyeyse waxay u kordhisat Iimaan iyagoo Bishaaraysan. (124)
9:125Juz 11 · bg. 207

وَأَمَّا الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ فَزَادَتْهُمْ رِجْسًا إِلَىٰ رِجْسِهِمْ وَمَاتُوا وَهُمْ كَافِرُونَ125

kuwa quluubta ka bukase waxay u kordhisaa xuman xumaantoodii (Kale) wayna dhintaan iyagoo gaalo ah. (125)
9:126Juz 11 · bg. 207

أَوَلَا يَرَوْنَ أَنَّهُمْ يُفْتَنُونَ فِي كُلِّ عَامٍ مَرَّةً أَوْ مَرَّتَيْنِ ثُمَّ لَا يَتُوبُونَ وَلَا هُمْ يَذَّكَّرُونَ126

miyeyna arkayn in la Imtixaamo sanad kasta hal jeer ama labo jeer markaas ayan toobadkeenin xusuusanaynnam (126)
9:127Juz 11 · bg. 207

وَإِذَا مَا أُنْزِلَتْ سُورَةٌ نَظَرَ بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ هَلْ يَرَاكُمْ مِنْ أَحَدٍ ثُمَّ انْصَرَفُوا ۚ صَرَفَ اللَّهُ قُلُوبَهُمْ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَفْقَهُونَ127

marka la soo Dejiyo Suurad way dayaan Munafiqiinta qaarkood waar waxayna isdhahaan ruuxna maydin arkaa markaasay gadoomaan, Eebe ha iilo Quluubtooda illeen waa kuwo aan wax kusayn. (127)
9:128Juz 11 · bg. 207

لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مِنْ أَنْفُسِكُمْ عَزِيزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيصٌ عَلَيْكُمْ بِالْمُؤْمِنِينَ رَءُوفٌ رَحِيمٌ128

waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan Mu'miniinta. (128)

فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُلْ حَسْبِيَ اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ ۖ وَهُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ129

haddayse jeedsadaan Dadku waxaad dhahdaa Kaalmeeyahaygu waa Ilaahay 'Eebe mooyee Ilaah kalana ma jiro isagaana talo saartay waana Eebaha Carsghiga wayn. (129)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Ali Jaber - At-Tawbah · Tlawati