Ar-Rahman

سورة الرحمن

Suurad 55 · Makki · 78 aayado

55:1Juz 27 · bg. 531

الرَّحْمَٰنُ1

(Eebaha) Raxmaan ah. (1)
55:2Juz 27 · bg. 531

عَلَّمَ الْقُرْآنَ2

Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka. (2)
55:3Juz 27 · bg. 531

خَلَقَ الْإِنْسَانَ3

Dadkana wuu abuuray. (3)
55:4Juz 27 · bg. 531

عَلَّمَهُ الْبَيَانَ4

Wuxuuna baray dadka (Hadalka). (4)
55:5Juz 27 · bg. 531

الشَّمْسُ وَالْقَمَرُ بِحُسْبَانٍ5

Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab. (5)
55:6Juz 27 · bg. 531

وَالنَّجْمُ وَالشَّجَرُ يَسْجُدَانِ6

Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis). (6)
55:7Juz 27 · bg. 531

وَالسَّمَاءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ الْمِيزَانَ7

Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay. (7)
55:8Juz 27 · bg. 531

أَلَّا تَطْغَوْا فِي الْمِيزَانِ8

Si aydaan uga gudbin Caddaaladda. (8)
55:9Juz 27 · bg. 531

وَأَقِيمُوا الْوَزْنَ بِالْقِسْطِ وَلَا تُخْسِرُوا الْمِيزَانَ9

Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna. (9)
55:10Juz 27 · bg. 531

وَالْأَرْضَ وَضَعَهَا لِلْأَنَامِ10

Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga. (10)
55:11Juz 27 · bg. 531

فِيهَا فَاكِهَةٌ وَالنَّخْلُ ذَاتُ الْأَكْمَامِ11

Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiilo leh. (11)
55:12Juz 27 · bg. 531

وَالْحَبُّ ذُو الْعَصْفِ وَالرَّيْحَانُ12

Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray. (12)

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ13

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow). (13)
55:14Juz 27 · bg. 531

خَلَقَ الْإِنْسَانَ مِنْ صَلْصَالٍ كَالْفَخَّارِ14

Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay (dheri) oo kale ah. (14)
55:15Juz 27 · bg. 531

وَخَلَقَ الْجَانَّ مِنْ مَارِجٍ مِنْ نَارٍ15

Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta. (15)
55:16Juz 27 · bg. 531

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ16

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (16)
55:17Juz 27 · bg. 531

رَبُّ الْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ الْمَغْرِبَيْنِ17

Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac. (17)
55:18Juz 27 · bg. 531

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ18

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (18)
55:19Juz 27 · bg. 532

مَرَجَ الْبَحْرَيْنِ يَلْتَقِيَانِ19

Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi. (19)
55:20Juz 27 · bg. 532

بَيْنَهُمَا بَرْزَخٌ لَا يَبْغِيَانِ20

Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan. (20)
55:21Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ21

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (21)
55:22Juz 27 · bg. 532

يَخْرُجُ مِنْهُمَا اللُّؤْلُؤُ وَالْمَرْجَانُ22

Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar). (22)
55:23Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ23

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (23)
55:24Juz 27 · bg. 532

وَلَهُ الْجَوَارِ الْمُنْشَآتُ فِي الْبَحْرِ كَالْأَعْلَامِ24

Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah. (24)
55:25Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ25

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (25)
55:26Juz 27 · bg. 532

كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ26

Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi. (26)
55:27Juz 27 · bg. 532

وَيَبْقَىٰ وَجْهُ رَبِّكَ ذُو الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ27

Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh. (27)
55:28Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ28

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (28)
55:29Juz 27 · bg. 532

يَسْأَلُهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ29

Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin. (29)
55:30Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ30

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (30)
55:31Juz 27 · bg. 532

سَنَفْرُغُ لَكُمْ أَيُّهَ الثَّقَلَانِ31

Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow. (31)
55:32Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ32

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (32)
55:33Juz 27 · bg. 532

يَا مَعْشَرَ الْجِنِّ وَالْإِنْسِ إِنِ اسْتَطَعْتُمْ أَنْ تَنْفُذُوا مِنْ أَقْطَارِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ فَانْفُذُوا ۚ لَا تَنْفُذُونَ إِلَّا بِسُلْطَانٍ33

Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada jihooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan. (33)
55:34Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ34

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (34)
55:35Juz 27 · bg. 532

يُرْسَلُ عَلَيْكُمَا شُوَاظٌ مِنْ نَارٍ وَنُحَاسٌ فَلَا تَنْتَصِرَانِ35

Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan. (35)
55:36Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ36

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (36)
55:37Juz 27 · bg. 532

فَإِذَا انْشَقَّتِ السَّمَاءُ فَكَانَتْ وَرْدَةً كَالدِّهَانِ37

Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin). (37)
55:38Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ38

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (38)
55:39Juz 27 · bg. 532

فَيَوْمَئِذٍ لَا يُسْأَلُ عَنْ ذَنْبِهِ إِنْسٌ وَلَا جَانٌّ39

Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro. (39)
55:40Juz 27 · bg. 532

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ40

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (40)
55:41Juz 27 · bg. 532

يُعْرَفُ الْمُجْرِمُونَ بِسِيمَاهُمْ فَيُؤْخَذُ بِالنَّوَاصِي وَالْأَقْدَامِ41

Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri). (41)
55:42Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ42

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan, (42)
55:43Juz 27 · bg. 533

هَٰذِهِ جَهَنَّمُ الَّتِي يُكَذِّبُ بِهَا الْمُجْرِمُونَ43

Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi). (43)
55:44Juz 27 · bg. 533

يَطُوفُونَ بَيْنَهَا وَبَيْنَ حَمِيمٍ آنٍ44

Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda. (44)
55:45Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ45

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (45)
55:46Juz 27 · bg. 533

وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ46

Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno. (46)
55:47Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ47

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (47)
55:48Juz 27 · bg. 533

ذَوَاتَا أَفْنَانٍ48

Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo). (48)
55:49Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ49

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (49)
55:50Juz 27 · bg. 533

فِيهِمَا عَيْنَانِ تَجْرِيَانِ50

Waxaa laga helaa ilo socda. (50)
55:51Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ51

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (51)
55:52Juz 27 · bg. 533

فِيهِمَا مِنْ كُلِّ فَاكِهَةٍ زَوْجَانِ52

Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah). (52)
55:53Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ53

Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (53)
55:54Juz 27 · bg. 533

مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ فُرُشٍ بَطَائِنُهَا مِنْ إِسْتَبْرَقٍ ۚ وَجَنَى الْجَنَّتَيْنِ دَانٍ54

Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin. (54)
55:55Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ55

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (55)
55:56Juz 27 · bg. 533

فِيهِنَّ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنْسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ56

Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna. (56)
55:57Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ57

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (57)
55:58Juz 27 · bg. 533

كَأَنَّهُنَّ الْيَاقُوتُ وَالْمَرْجَانُ58

Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh). (58)
55:59Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ59

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (59)
55:60Juz 27 · bg. 533

هَلْ جَزَاءُ الْإِحْسَانِ إِلَّا الْإِحْسَانُ60

Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha. (60)
55:61Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ61

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (61)
55:62Juz 27 · bg. 533

وَمِنْ دُونِهِمَا جَنَّتَانِ62

Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale. (62)
55:63Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ63

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (63)
55:64Juz 27 · bg. 533

مُدْهَامَّتَانِ64

Waana Laba Jannoo madow (cagaaran). (64)
55:65Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ65

Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan. (65)
55:66Juz 27 · bg. 533

فِيهِمَا عَيْنَانِ نَضَّاخَتَانِ66

Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan. (66)
55:67Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ67

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (67)
55:68Juz 27 · bg. 533

فِيهِمَا فَاكِهَةٌ وَنَخْلٌ وَرُمَّانٌ68

Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan. (68)
55:69Juz 27 · bg. 533

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ69

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (69)
55:70Juz 27 · bg. 534

فِيهِنَّ خَيْرَاتٌ حِسَانٌ70

Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan. (70)
55:71Juz 27 · bg. 534

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ71

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (71)
55:72Juz 27 · bg. 534

حُورٌ مَقْصُورَاتٌ فِي الْخِيَامِ72

Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga. (72)
55:73Juz 27 · bg. 534

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ73

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (73)
55:74Juz 27 · bg. 534

لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنْسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ74

Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna. (74)
55:75Juz 27 · bg. 534

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ75

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (75)
55:76Juz 27 · bg. 534

مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ رَفْرَفٍ خُضْرٍ وَعَبْقَرِيٍّ حِسَانٍ76

Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan, (76)
55:77Juz 27 · bg. 534

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ77

Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (77)
55:78Juz 27 · bg. 534

تَبَارَكَ اسْمُ رَبِّكَ ذِي الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ78

Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh. (78)

Ka ciyaar bilowga suuradda