Al-Hajj

سورة الحج

Suurad 22 · Madani · 78 aayado

22:1Juz 17 · bg. 332

يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمْ ۚ إِنَّ زَلْزَلَةَ السَّاعَةِ شَيْءٌ عَظِيمٌ1

Dadaw ka Dhawrsada Eebihiin Maxaayeelay Gilgilashada Saacadda (Qiyaame) waa wax wayn (Daran). (1)
22:2Juz 17 · bg. 332

يَوْمَ تَرَوْنَهَا تَذْهَلُ كُلُّ مُرْضِعَةٍ عَمَّا أَرْضَعَتْ وَتَضَعُ كُلُّ ذَاتِ حَمْلٍ حَمْلَهَا وَتَرَى النَّاسَ سُكَارَىٰ وَمَا هُمْ بِسُكَارَىٰ وَلَٰكِنَّ عَذَابَ اللَّهِ شَدِيدٌ2

Waana Maalintaad Arkaysaan Iyadooy Halmaami Mid wax Nuujisa Dhammaanteed waxay Nuujinaysay, ooy Dejin (Tuuri) mid Kastoo Uur leh Uurkeeda, waxaadna Arkaysaa Dadkoo Waalan, mana aha kuwo (dhab) u Waalan ee Cadaabka Eebaa Daran. (2)
22:3Juz 17 · bg. 332

وَمِنَ النَّاسِ مَنْ يُجَادِلُ فِي اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّبِعُ كُلَّ شَيْطَانٍ مَرِيدٍ3

Dadka waxaa ka mid ah Ruux ku Murmi Eebe Cilmi la'aan oo raaci Shaydaan kastoo Madax Adag. (3)
22:4Juz 17 · bg. 332

كُتِبَ عَلَيْهِ أَنَّهُ مَنْ تَوَلَّاهُ فَأَنَّهُ يُضِلُّهُ وَيَهْدِيهِ إِلَىٰ عَذَابِ السَّعِيرِ4

Waxa loo Qoray (Shaydaan) Ruuxii Talada u Dhiibta (Raaca) inuu Baadiyeeyo kuna Toosiyo Cadaabka (4)
22:5Juz 17 · bg. 332

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنْ كُنْتُمْ فِي رَيْبٍ مِنَ الْبَعْثِ فَإِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ مِنْ نُطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ مِنْ مُضْغَةٍ مُخَلَّقَةٍ وَغَيْرِ مُخَلَّقَةٍ لِنُبَيِّنَ لَكُمْ ۚ وَنُقِرُّ فِي الْأَرْحَامِ مَا نَشَاءُ إِلَىٰ أَجَلٍ مُسَمًّى ثُمَّ نُخْرِجُكُمْ طِفْلًا ثُمَّ لِتَبْلُغُوا أَشُدَّكُمْ ۖ وَمِنْكُمْ مَنْ يُتَوَفَّىٰ وَمِنْكُمْ مَنْ يُرَدُّ إِلَىٰ أَرْذَلِ الْعُمُرِ لِكَيْلَا يَعْلَمَ مِنْ بَعْدِ عِلْمٍ شَيْئًا ۚ وَتَرَى الْأَرْضَ هَامِدَةً فَإِذَا أَنْزَلْنَا عَلَيْهَا الْمَاءَ اهْتَزَّتْ وَرَبَتْ وَأَنْبَتَتْ مِنْ كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ5

Dadow haddaad Tihiin kuwo Shakisan oo Bixinta Annagaa idinka Abuurray Carro, Hadaana Dhibic Haddana Calaqo, Hadaana Goosin la Abuuray iyo Midaan la Abuurin si aan idiinku Caddayno (Qudrada Eebe) waxaana ku sugnaa Makaanka waxaan Doono Tan iyo Muddo Magacaaban, markaasaan idin soo Bixinaynaa Idinkoo Yar, markaas inaad Gaadhaan Xooggiinna: waxaa idinka mid ah Cid la oofsan (Dhiman) waxaana idinka mid ah kuwo loo celin Cimri Liita (Gabow) si ayna u Garanin intay wax Yaqiineen ka dib waxba, waxaad Arkaysaa Dhuloo Abaar (Dhimaad) ah markaan ku soo Dejinno Korkeeda Biyana way Gilgilataa wayna Kortaa, waxayna soo Bixisaa Nooc kastoo Quruxsan. (5)
22:6Juz 17 · bg. 333

ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّهُ يُحْيِي الْمَوْتَىٰ وَأَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ6

Tassna waxaa ugu Wacan in Eebe uun Xaq yahay uuna Nooleeyo waxa Dhintay iyo inuu wax walba Karo. (6)
22:7Juz 17 · bg. 333

وَأَنَّ السَّاعَةَ آتِيَةٌ لَا رَيْبَ فِيهَا وَأَنَّ اللَّهَ يَبْعَثُ مَنْ فِي الْقُبُورِ7

Iyo in Saacadda Qiyaame iman Shaki la'aan, Eebana wuxuu soo Bixin waxa Qubuuraha ku Sugan. (7)
22:8Juz 17 · bg. 333

وَمِنَ النَّاسِ مَنْ يُجَادِلُ فِي اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَابٍ مُنِيرٍ8

Dadka waxaa ka mid ah mid ku Dloodi Eebe Cilmi La'aan iyo Hanuun La'aan iyo Kitaab wax Nuurin la'aantiis. (8)
22:9Juz 17 · bg. 333

ثَانِيَ عِطْفِهِ لِيُضِلَّ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ ۖ لَهُ فِي الدُّنْيَا خِزْيٌ ۖ وَنُذِيقُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عَذَابَ الْحَرِيقِ9

oo Dadbi Luqunta (Iskibrin) inuu ka Dhumiyo Jidka Eebe, wuxuu Mudan Adduunyada Dulli waxaana Dhadhansiin Maalinta Qiyaame Cadaab wax Guba. (9)
22:10Juz 17 · bg. 333

ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ يَدَاكَ وَأَنَّ اللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّامٍ لِلْعَبِيدِ10

Taasna waa waxay Ilor marsatay Gacmahaagu, Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada. (10)
22:11Juz 17 · bg. 333

وَمِنَ النَّاسِ مَنْ يَعْبُدُ اللَّهَ عَلَىٰ حَرْفٍ ۖ فَإِنْ أَصَابَهُ خَيْرٌ اطْمَأَنَّ بِهِ ۖ وَإِنْ أَصَابَتْهُ فِتْنَةٌ انْقَلَبَ عَلَىٰ وَجْهِهِ خَسِرَ الدُّنْيَا وَالْآخِرَةَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْخُسْرَانُ الْمُبِينُ11

Waxaa ka mid ah Dadka mid u Caabudi (Eebe) Dhinac (Shaki) Hadduu soo Gaadho Khayra Xasili, Hadduu soo Gaadho Imtixaan (Dhibna) u Gabdooma Wajigiisa (Gaalooba) wuxuu Khasaariyey Adduun iyo Aakhiraba Kaasina waa Khasaaraha Cad uun. (11)
22:12Juz 17 · bg. 333

يَدْعُو مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُ وَمَا لَا يَنْفَعُهُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الضَّلَالُ الْبَعِيدُ12

Wuxuu Caabudi (Baryina) Eebe ka Sokow waxaan Dhibayn Anfacaynna Kaasina waa uun Baadida Fog. (12)
22:13Juz 17 · bg. 333

يَدْعُو لَمَنْ ضَرُّهُ أَقْرَبُ مِنْ نَفْعِهِ ۚ لَبِئْسَ الْمَوْلَىٰ وَلَبِئْسَ الْعَشِيرُ13

Wuxuu Caabudi wax Dhibkiisu ka Dhawyahay Naefigiisu, isagaa u Xun Sokeeye una Xun la noolaadi. (13)
22:14Juz 17 · bg. 333

إِنَّ اللَّهَ يُدْخِلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۚ إِنَّ اللَّهَ يَفْعَلُ مَا يُرِيدُ14

Ilaahay wuxuu Galiyaa kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo Falay Camal Fiican Jannooyin ay Socoto Dhexdeeda Wabiyaal, Eebana wuxuu Falaa wuxuu Doono. (14)
22:15Juz 17 · bg. 333

مَنْ كَانَ يَظُنُّ أَنْ لَنْ يَنْصُرَهُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ فَلْيَمْدُدْ بِسَبَبٍ إِلَى السَّمَاءِ ثُمَّ لْيَقْطَعْ فَلْيَنْظُرْ هَلْ يُذْهِبَنَّ كَيْدُهُ مَا يَغِيظُ15

Ciddii u Malayn Inuusan u Gargaarayn Eebe Nabigiisa Adduun iyo Aakhiraba ha u Fidiyo Xadhig Xagga Samada hana isku Gooyo (Marjiyo) hana dayo inay Dhagartiisu Tegiiso waxa Cadho Galin. (15)
22:16Juz 17 · bg. 334

وَكَذَٰلِكَ أَنْزَلْنَاهُ آيَاتٍ بَيِّنَاتٍ وَأَنَّ اللَّهَ يَهْدِي مَنْ يُرِيدُ16

Saasaana kuugu soo Dejinay Aayaad Cad Eebana wuxuu Hanuuniyaa Cidduu Doono. (16)
22:17Juz 17 · bg. 334

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَالَّذِينَ هَادُوا وَالصَّابِئِينَ وَالنَّصَارَىٰ وَالْمَجُوسَ وَالَّذِينَ أَشْرَكُوا إِنَّ اللَّهَ يَفْصِلُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ17

Kuwa Rumeeyey (Xaqa) iyo Kuwa Yuhuudoobay iyo Saabi'inta (Xiddigaha Caabuda) iyo Nasaarada iyo Majuusiga iyo Mushrikiinta Eebaa kala bixin Dhexdooda Maalinta Qiyaame, Eebana wax kasta wuu Arkaa. (17)
22:18Juz 17 · bg. 334

أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يَسْجُدُ لَهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَمَنْ فِي الْأَرْضِ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ وَالنُّجُومُ وَالْجِبَالُ وَالشَّجَرُ وَالدَّوَابُّ وَكَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ ۖ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيْهِ الْعَذَابُ ۗ وَمَنْ يُهِنِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ مُكْرِمٍ ۚ إِنَّ اللَّهَ يَفْعَلُ مَا يَشَاءُ ۩18

Miyaadan Arkayn inay Eebe u Sujuudi waxa Samooyinka iyo Dhulka iyo Qorraxda iyo Dayaxa iyo Xidigaha iyo Buuraha iyo Geedaha iyo Xayawaanka iyo Waxbadan oo Dadka ah, wax badanna waxaa ku sugnaaday Korkooda Cadaab, Ruuxuu Ihaaneeyo Eebana ma laha wax Sharrifi, Eebana wuxuu Falaa wuxuu Doono. (18)
22:19Juz 17 · bg. 334

۞ هَٰذَانِ خَصْمَانِ اخْتَصَمُوا فِي رَبِّهِمْ ۖ فَالَّذِينَ كَفَرُوا قُطِّعَتْ لَهُمْ ثِيَابٌ مِنْ نَارٍ يُصَبُّ مِنْ فَوْقِ رُءُوسِهِمُ الْحَمِيمُ19

Labadani waa Doodayaal, waxayna ku Doodeen Eebahood, kuwa Gaaloobay waxaa loo Goyn Maryo Naar ah waxaana Lagu Shubi Korkooda Biyo Kulul. (19)
22:20Juz 17 · bg. 334

يُصْهَرُ بِهِ مَا فِي بُطُونِهِمْ وَالْجُلُودُ20

Waxaana lagu Gubaa (Lagu Dhalaaliyaa) waxa Caloosha ku Jira iyo Jidhka (Haraga). (20)
22:21Juz 17 · bg. 334

وَلَهُمْ مَقَامِعُ مِنْ حَدِيدٍ21

waxay Mudan Budhadh Bir ah. (21)
22:22Juz 17 · bg. 334

كُلَّمَا أَرَادُوا أَنْ يَخْرُجُوا مِنْهَا مِنْ غَمٍّ أُعِيدُوا فِيهَا وَذُوقُوا عَذَابَ الْحَرِيقِ22

Markastooy Doonaan inay ka Baxaan Xaggeeda Walbahaar Dartiis waa lagu Celiyaa Dhexdeeda (waxaana la Dhahaa) Dhadhamiya Cadaabka Gubidda. (22)
22:23Juz 17 · bg. 334

إِنَّ اللَّهَ يُدْخِلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِنْ ذَهَبٍ وَلُؤْلُؤًا ۖ وَلِبَاسُهُمْ فِيهَا حَرِيرٌ23

Eebana wuxuu Galiya kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo Fala Camal Fiican Jannooyin ay Dureeri Dhexdeeda Wabiyaal, waxaana, Loogu Xidhaa Dhexdeeda Jinjimo Dahab ah iyo Jawhar, Dharkooduna Dhexdeeda waa Xariir. (23)
22:24Juz 17 · bg. 335

وَهُدُوا إِلَى الطَّيِّبِ مِنَ الْقَوْلِ وَهُدُوا إِلَىٰ صِرَاطِ الْحَمِيدِ24

Waxaana lagu Hanuuniyey Wanaagga Hadalka waxaana lagu Hanuuniyey Jidka la Mahdiyo/ (24)
22:25Juz 17 · bg. 335

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَيَصُدُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ وَالْمَسْجِدِ الْحَرَامِ الَّذِي جَعَلْنَاهُ لِلنَّاسِ سَوَاءً الْعَاكِفُ فِيهِ وَالْبَادِ ۚ وَمَنْ يُرِدْ فِيهِ بِإِلْحَادٍ بِظُلْمٍ نُذِقْهُ مِنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ25

kuwa Gaaloobay oo ka Celiya Jidka Eebe iyo Masaajidka Xurmaysan ee looga Yeelay Dadka Sinnaan mid ku Nagi iyo mid Meel ka yimidba cidii la Doonta Dhexdiisa Leexin Dulmi ah (Xumaan) waxaanni Dhadhansiin Cadaab Daran. (25)
22:26Juz 17 · bg. 335

وَإِذْ بَوَّأْنَا لِإِبْرَاهِيمَ مَكَانَ الْبَيْتِ أَنْ لَا تُشْرِكْ بِي شَيْئًا وَطَهِّرْ بَيْتِيَ لِلطَّائِفِينَ وَالْقَائِمِينَ وَالرُّكَّعِ السُّجُودِ26

(Xusuuso) markaan u Muujinay Nabi Ibraahim Meeja Baytja (Kacbada) Annagoo ku Dhihi Ha la Wadaajin Eebe (Cibaadada) waxba, u Daahirina Gurigayga kuwa Dhawaafi iyo kuwa Taagan iyo kuwa ku Rukuucsan ee Sujuudsan. (26)
22:27Juz 17 · bg. 335

وَأَذِّنْ فِي النَّاسِ بِالْحَجِّ يَأْتُوكَ رِجَالًا وَعَلَىٰ كُلِّ ضَامِرٍ يَأْتِينَ مِنْ كُلِّ فَجٍّ عَمِيقٍ27

Ogaysiina Dadka Xajka ha kuu Yimaaddeen iyagoo Lugayn iyo mid Bog Dheer Dhammaanteed oo ka iman Jaha kasta oo Dheer. (27)
22:28Juz 17 · bg. 335

لِيَشْهَدُوا مَنَافِعَ لَهُمْ وَيَذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فِي أَيَّامٍ مَعْلُومَاتٍ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُمْ مِنْ بَهِيمَةِ الْأَنْعَامِ ۖ فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْبَائِسَ الْفَقِيرَ28

inay Joogaan (u yimaadaan) Nacfigooda Dartiis, oy xusaan Magaca Eebe Maalmo la Yaqaan, waxa Eebe ku Arzaaqay oo ah Xayawaanka nicmoolayda, ca Cuna Xaggeeda Quudiyana kan Dhibaataysan ee Faqiirka ah. (28)
22:29Juz 17 · bg. 335

ثُمَّ لْيَقْضُوا تَفَثَهُمْ وَلْيُوفُوا نُذُورَهُمْ وَلْيَطَّوَّفُوا بِالْبَيْتِ الْعَتِيقِ29

markaas ha Dhammeeyeen hasaastooda, hana Oofiyeen nadorkooda, hana Dhawaafeen Baydka Horeeyey. (29)
22:30Juz 17 · bg. 335

ذَٰلِكَ وَمَنْ يُعَظِّمْ حُرُمَاتِ اللَّهِ فَهُوَ خَيْرٌ لَهُ عِنْدَ رَبِّهِ ۗ وَأُحِلَّتْ لَكُمُ الْأَنْعَامُ إِلَّا مَا يُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ ۖ فَاجْتَنِبُوا الرِّجْسَ مِنَ الْأَوْثَانِ وَاجْتَنِبُوا قَوْلَ الزُّورِ30

Waa Saas, Ruuxii Wayneeya wuxuu Reebay Eebe Saasaa u Khayrroon Eebihiis Agtiisa, waxaana laydiin banneeyey Nicmoolayda waxa Laydinku akhriyo Mooyee, ee ka Dheeraada Xumaanta ah Sanamyada kana Dheeraada Hadalka Beenta ah. (30)
22:31Juz 17 · bg. 336

حُنَفَاءَ لِلَّهِ غَيْرَ مُشْرِكِينَ بِهِ ۚ وَمَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَكَأَنَّمَا خَرَّ مِنَ السَّمَاءِ فَتَخْطَفُهُ الطَّيْرُ أَوْ تَهْوِي بِهِ الرِّيحُ فِي مَكَانٍ سَحِيقٍ31

Idinkoo u Toosan Eebe oon Mushrikiin ahayn, Ruuxii u Shariig yeela Eebe wuxuu la mid yahay mid ka Soo Dhacay Samada oy Dafi Shimbirtu ama ay ku Tuuri Dabaysho Meel Dheer oo halaag ah. (31)
22:32Juz 17 · bg. 336

ذَٰلِكَ وَمَنْ يُعَظِّمْ شَعَائِرَ اللَّهِ فَإِنَّهَا مِنْ تَقْوَى الْقُلُوبِ32

waa Saas Ruuxii wayneeya Amarada Eebe (Sharcigiisa) taasi waa dhawrsashada Quluubta. (32)
22:33Juz 17 · bg. 336

لَكُمْ فِيهَا مَنَافِعُ إِلَىٰ أَجَلٍ مُسَمًّى ثُمَّ مَحِلُّهَا إِلَى الْبَيْتِ الْعَتِيقِ33

waxaa idiinku Sugnaaday (hadiyada) Nacfi Tan iyo Muddo Markaas. waxay ku Dhammaan Baydka Horeeyey. (33)
22:34Juz 17 · bg. 336

وَلِكُلِّ أُمَّةٍ جَعَلْنَا مَنْسَكًا لِيَذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُمْ مِنْ بَهِيمَةِ الْأَنْعَامِ ۗ فَإِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ فَلَهُ أَسْلِمُوا ۗ وَبَشِّرِ الْمُخْبِتِينَ34

Ummad kasta waxaan u yeellay Cibaado (Ciid) inay ku Xusaan Eebe wuxuu ku Arzaaqay oo Xayawaanka Nicmoolayda ah, Ilaahiinna waa Ilaah kaliya ee u Hogaansama una Bishaaree, kuwa Xasilloon (ee Cabsada) ee ah. (34)
22:35Juz 17 · bg. 336

الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَالصَّابِرِينَ عَلَىٰ مَا أَصَابَهُمْ وَالْمُقِيمِي الصَّلَاةِ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ35

Kuwa marka la Xuso Eebe ay Cabsato Quluubtoodu, kuna Samra waxa ku Dhaca ee Ooga Salaadda, waxaan ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya. (35)
22:36Juz 17 · bg. 336

وَالْبُدْنَ جَعَلْنَاهَا لَكُمْ مِنْ شَعَائِرِ اللَّهِ لَكُمْ فِيهَا خَيْرٌ ۖ فَاذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ عَلَيْهَا صَوَافَّ ۖ فَإِذَا وَجَبَتْ جُنُوبُهَا فَكُلُوا مِنْهَا وَأَطْعِمُوا الْقَانِعَ وَالْمُعْتَرَّ ۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرْنَاهَا لَكُمْ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ36

Loogga (Hadyada) waxaan idiinka Yeellay Sharciga Calaamooyinka Eebe waxaana idiinku Sugan Dhexdeeda Khayr ee ku Xusa Magaca Eebe Korkeeda iyadoo Jilib Xidhan, markay U dhacdo Dhinacna wax ka Cuna, kana Quudiya kan Dhawrsoon iyo kan Warsanba, Saasaana idiinka Fududaynaa, inaad Mahdisaan. (36)
22:37Juz 17 · bg. 336

لَنْ يَنَالَ اللَّهَ لُحُومُهَا وَلَا دِمَاؤُهَا وَلَٰكِنْ يَنَالُهُ التَّقْوَىٰ مِنْكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرَهَا لَكُمْ لِتُكَبِّرُوا اللَّهَ عَلَىٰ مَا هَدَاكُمْ ۗ وَبَشِّرِ الْمُحْسِنِينَ37

Ma gaadho Eebe Hilibkeedu iyo Dhiiggeedu waxaase Gaadha ka Dhawrsoonidiinna, Saasaana Eebe idiinku Fududeeyaa inaad ku Waynaysaan wuxuu idinku Hanuuniyey una Bishaaree kuwa Wanaagga Fala. (37)
22:38Juz 17 · bg. 336

۞ إِنَّ اللَّهَ يُدَافِعُ عَنِ الَّذِينَ آمَنُوا ۗ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ خَوَّانٍ كَفُورٍ38

Eebana wuu Daafacaa kuwa Rumeeyey (Xaqa) Eebana ma Jecla mid kastoo Khayaamo Badan oo Gaalimo Badan. (38)
22:39Juz 17 · bg. 337

أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ39

waxaa loo Idmay kuwa lala Dagaallami (inay Dagaalamaan) maxaayeelay waa la Dulmiyey Eebena Gargaarkooda wuu Karaa. (39)
22:40Juz 17 · bg. 337

الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِنْ دِيَارِهِمْ بِغَيْرِ حَقٍّ إِلَّا أَنْ يَقُولُوا رَبُّنَا اللَّهُ ۗ وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُمْ بِبَعْضٍ لَهُدِّمَتْ صَوَامِعُ وَبِيَعٌ وَصَلَوَاتٌ وَمَسَاجِدُ يُذْكَرُ فِيهَا اسْمُ اللَّهِ كَثِيرًا ۗ وَلَيَنْصُرَنَّ اللَّهُ مَنْ يَنْصُرُهُ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ40

waana kuwa laga Bixiyey Guryahoodii xaq Darro iyo Inay Dheheen Eebahanno waa Ilaahay, haddayna Jirin ku Daficidda Eebe Dadka Qaarkood Qaar waxaa la Dumin lahaa Macaabidda Yuhuud, iyo Biyac Kaniisadaha, iyo Kaniisadda Dad kale, iyo Masaajidda lagu Xuso Dhexdeeda magaca Eebe wax badan, wuuna u Gargaari Eebe Cidii u Gargaarta (Diintiisa) Eebana waa Xoog Badane Adkaada. (40)
22:41Juz 17 · bg. 337

الَّذِينَ إِنْ مَكَّنَّاهُمْ فِي الْأَرْضِ أَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ وَأَمَرُوا بِالْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا عَنِ الْمُنْكَرِ ۗ وَلِلَّهِ عَاقِبَةُ الْأُمُورِ41

waana kuwa Haddaan Makanino Dhulka Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Fara Wanaagga oo ka Reeba Xumaanta, Eebaana iskale Cidhibta Arrimaha. (41)
22:42Juz 17 · bg. 337

وَإِنْ يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَثَمُودُ42

Hadday ku Beeniyaan waxaa Beeniyey Ilortood Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Caad iyo Thamuud. (42)
22:43Juz 17 · bg. 337

وَقَوْمُ إِبْرَاهِيمَ وَقَوْمُ لُوطٍ43

iyo Qoomkii (Nabi) Ibraahim iyo Qoomkii (Nabi) Luudh. (43)
22:44Juz 17 · bg. 337

وَأَصْحَابُ مَدْيَنَ ۖ وَكُذِّبَ مُوسَىٰ فَأَمْلَيْتُ لِلْكَافِرِينَ ثُمَّ أَخَذْتُهُمْ ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ44

iyo Ehelkii Madyan, waana la Beeniyey (Nabi) Muuse, waana Sugay Gaalada markaasaan Qabtay ee see noqday Ciqaabkii. (44)
22:45Juz 17 · bg. 337

فَكَأَيِّنْ مِنْ قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا وَهِيَ ظَالِمَةٌ فَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَبِئْرٍ مُعَطَّلَةٍ وَقَصْرٍ مَشِيدٍ45

maxay Badantahay Magaalo aan Halaagnay iyadoo Gardaran iyaduna u Dhacday Darbiyadeedii iyo Ceel la Halleeyey iyo Daar wayn (markii la Halaagay Dadkii). (45)
22:46Juz 17 · bg. 337

أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۖ فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَٰكِنْ تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ46

Miyeyna ku Soconin Dhulka oy u Ahaato Quluub ay wax ku Kasaan ama Dhago oy wax ku Maqlaan, Indha Beelka Dhabta ahna waa Indho Beelka Quluubta ku Sugan Laabta. (46)
22:47Juz 17 · bg. 338

وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِالْعَذَابِ وَلَنْ يُخْلِفَ اللَّهُ وَعْدَهُ ۚ وَإِنَّ يَوْمًا عِنْدَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِمَّا تَعُدُّونَ47

waxay Dedejisan Cadaab mana Baajinaayo Eebe Yaboohiisa, Maalin Eebe Agtiisana waxay la mid tahay kun Sano oo waxaad Tirinaysaan. (47)
22:48Juz 17 · bg. 338

وَكَأَيِّنْ مِنْ قَرْيَةٍ أَمْلَيْتُ لَهَا وَهِيَ ظَالِمَةٌ ثُمَّ أَخَذْتُهَا وَإِلَيَّ الْمَصِيرُ48

Badanaa Magaalo aan u Sugnay iyadoo Daalimad ah, Markaas aan Qabtay Xaggayga Umbaana loo Ahaan. (48)
22:49Juz 17 · bg. 338

قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّمَا أَنَا لَكُمْ نَذِيرٌ مُبِينٌ49

waxaad Dhahdaa Dadow waxaan uun Anigu idiin ahay Dige Cad. (49)
22:50Juz 17 · bg. 338

فَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ مَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ50

kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxay mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh (Janno). (50)
22:51Juz 17 · bg. 338

وَالَّذِينَ سَعَوْا فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَحِيمِ51

kuwa u Socda (Xumaanta) Aayaadkanaga iyo (isku dayi) inay na daaliyaan kuwaasu waa Ehelka Jaxiimo. (51)
22:52Juz 17 · bg. 338

وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ مِنْ رَسُولٍ وَلَا نَبِيٍّ إِلَّا إِذَا تَمَنَّىٰ أَلْقَى الشَّيْطَانُ فِي أُمْنِيَّتِهِ فَيَنْسَخُ اللَّهُ مَا يُلْقِي الشَّيْطَانُ ثُمَّ يُحْكِمُ اللَّهُ آيَاتِهِ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ52

Rasuulkastoon Dirray ama Nabi Hortaa, markuu wax Akhrin waxbuu ku Tuuraa Shaydaanku Akhriskiisa, markaasuu Baabi'yaa Eebe wuxuu Tuuri Shaydaanku wuxuuna Sugaa Aayaadkiisa, Eebana waa Ogaade Falsan. (52)
22:53Juz 17 · bg. 338

لِيَجْعَلَ مَا يُلْقِي الشَّيْطَانُ فِتْنَةً لِلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ وَالْقَاسِيَةِ قُلُوبُهُمْ ۗ وَإِنَّ الظَّالِمِينَ لَفِي شِقَاقٍ بَعِيدٍ53

si uu uga yeelo waxa Shaydaanku Tuuri Fidmo kuwa Quluubtoodu Bugto ee ka Ingagan Quluubta Daalimiintuna waxay ku Suganyihiin Khilaaf (Baadi) Fog. (53)
22:54Juz 17 · bg. 338

وَلِيَعْلَمَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ أَنَّهُ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكَ فَيُؤْمِنُوا بِهِ فَتُخْبِتَ لَهُ قُلُوبُهُمْ ۗ وَإِنَّ اللَّهَ لَهَادِ الَّذِينَ آمَنُوا إِلَىٰ صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ54

inay Ogaadaan kuwa Cilmiga la siiyey «Mu'miniintu» innu yahay Xaq Eebe ka yimid (Quraanka) oy Rumeeyaan, oy u Khushuucdo Dartiis Quluubtoodu Eebana wuu ku hanuunin kuwa Rumeeyey (xaqa) Jid Toosan. (54)
22:55Juz 17 · bg. 338

وَلَا يَزَالُ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي مِرْيَةٍ مِنْهُ حَتَّىٰ تَأْتِيَهُمُ السَّاعَةُ بَغْتَةً أَوْ يَأْتِيَهُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَقِيمٍ55

kana tagaan kuwa gaaloobay Shaki intay ugu Timaaddo Saacaddu Kado ama u yimaaddo cadaab Maalin daran. (55)
22:56Juz 17 · bg. 339

الْمُلْكُ يَوْمَئِذٍ لِلَّهِ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ ۚ فَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ56

Xukunka Maalintaas Eebaa iska leh, wuuna kala Xukmin Dhexdooda, kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxay Gali Janada Naciimo. (56)
22:57Juz 17 · bg. 339

وَالَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا فَأُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُهِينٌ57

kuwa Gaaloobay oo beeniyey Aayaadkanagana kuwaas waxaa u Sugnaaday Cadaab wax Dulleeya. (57)
22:58Juz 17 · bg. 339

وَالَّذِينَ هَاجَرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ ثُمَّ قُتِلُوا أَوْ مَاتُوا لَيَرْزُقَنَّهُمُ اللَّهُ رِزْقًا حَسَنًا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ لَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ58

kuwa ku Hijrooday Jidka Eebe Haddana la Dilo ama dhinta wuxuu ku Arzaaqi kuwaas Eebe Rizqi Wanaagsan, Eebana waa ku Khayrroon yahay Rizqigiisu. (58)
22:59Juz 17 · bg. 339

لَيُدْخِلَنَّهُمْ مُدْخَلًا يَرْضَوْنَهُ ۗ وَإِنَّ اللَّهَ لَعَلِيمٌ حَلِيمٌ59

wuxuuna Galin Meel ay ka Raalli Noqon (Janno) Eebana waa Oge Dhulbadan. (59)
22:60Juz 17 · bg. 339

۞ ذَٰلِكَ وَمَنْ عَاقَبَ بِمِثْلِ مَا عُوقِبَ بِهِ ثُمَّ بُغِيَ عَلَيْهِ لَيَنْصُرَنَّهُ اللَّهُ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ60

waa saas, Ruuxii Ciqaaba inta la Ciqaabay oo kale Markaas la gardaraysto wuu u Gargaari Eebe, Eebana waa Cafiye Dhaafa. (60)
22:61Juz 17 · bg. 339

ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ يُولِجُ اللَّيْلَ فِي النَّهَارِ وَيُولِجُ النَّهَارَ فِي اللَّيْلِ وَأَنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ61

waxaana ugu wacan in Eebe Galiyo Habeenka Maalinta Galiyana Maalinta Habeenka, Eebana waa Maqle Arka. (61)
22:62Juz 17 · bg. 339

ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِنْ دُونِهِ هُوَ الْبَاطِلُ وَأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ62

waxana ugu Wacan Taas in Eebe Xaq (Sugan) yahay, waxay Caabudi oo ka soo Hadhayna Baadil yahay, Eebana yahay Sarreeye Weyn. (62)
22:63Juz 17 · bg. 339

أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَتُصْبِحُ الْأَرْضُ مُخْضَرَّةً ۗ إِنَّ اللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ63

Miyeydaan Ogayn in Eebe ka soo Dejiyo Samada Biyo oo ahaado Dhulku Cagaar, Eebana waa Oge Xeel Dheer. (63)
22:64Juz 17 · bg. 339

لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَإِنَّ اللَّهَ لَهُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ64

Waxaa u Sugnaaday Eebe waxa Samaawaadka ku Sugan iyo waxa Dhulku ku Suga, Eebana waa Hodan Mahadsan. (64)
22:65Juz 17 · bg. 340

أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ سَخَّرَ لَكُمْ مَا فِي الْأَرْضِ وَالْفُلْكَ تَجْرِي فِي الْبَحْرِ بِأَمْرِهِ وَيُمْسِكُ السَّمَاءَ أَنْ تَقَعَ عَلَى الْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَحِيمٌ65

Miyeydaan ogayn in Eebe idiin Sakhiray waxa ku sugan Dhulka iyo Markabka Socda Badda Dhexdeeda Amarka Eebe, wuxuuna ka Hayaa Samada inay ku dhacdo Dhulka Idinka Eebe mooyee, Eebana Dadka waa u Naxariis badane. (65)
22:66Juz 17 · bg. 340

وَهُوَ الَّذِي أَحْيَاكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ ۗ إِنَّ الْإِنْسَانَ لَكَفُورٌ66

Eebana waa kan idin Nooleeya, Haddana idin Dila haddana idin Nooleeya Dadkuna waa Diidmo badane (Nicmada Eebe). (66)
22:67Juz 17 · bg. 340

لِكُلِّ أُمَّةٍ جَعَلْنَا مَنْسَكًا هُمْ نَاسِكُوهُ ۖ فَلَا يُنَازِعُنَّكَ فِي الْأَمْرِ ۚ وَادْعُ إِلَىٰ رَبِّكَ ۖ إِنَّكَ لَعَلَىٰ هُدًى مُسْتَقِيمٍ67

Umaad kasta waxaan u yeellay Hab Cibaado oy ku Cibaadaysan ee yeyna kugula Doodin Amarka (Xaqa) uguna yeedh Xagga Eebahaa Adigu waxaad ku Sugantahay Hanuun Toosane. (67)
22:68Juz 17 · bg. 340

وَإِنْ جَادَلُوكَ فَقُلِ اللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ68

Hadday kula Doodaan waxaad dhahdaa Eebaa Og waxaad Falaysaan. (68)
22:69Juz 17 · bg. 340

اللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ69

Eebana wuu kala Xugmin Dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafsanaayeen. (69)
22:70Juz 17 · bg. 340

أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۗ إِنَّ ذَٰلِكَ فِي كِتَابٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ70

Miyaadan Ogayn in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samada iyo Dhulka, Arrintaasna waxay ku Sugantahay Kitaab, Arrintaasuna Eebe waa u Fududahay. (70)
22:71Juz 17 · bg. 340

وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَمَا لَيْسَ لَهُمْ بِهِ عِلْمٌ ۗ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ نَصِيرٍ71

Waxay Caabudi Eebe ka sokow Wuxuusan u soo Dejini Xujo oyna u Lahayn cilmi, umana Sugna Daalimiinta Gargaare. (71)
22:72Juz 17 · bg. 340

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ تَعْرِفُ فِي وُجُوهِ الَّذِينَ كَفَرُوا الْمُنْكَرَ ۖ يَكَادُونَ يَسْطُونَ بِالَّذِينَ يَتْلُونَ عَلَيْهِمْ آيَاتِنَا ۗ قُلْ أَفَأُنَبِّئُكُمْ بِشَرٍّ مِنْ ذَٰلِكُمُ ۗ النَّارُ وَعَدَهَا اللَّهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ72

Marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadkanaga oo Cad cad waxaad ka Garataa Wajiyada kuwa Gaaloobay Diido, waxayna u Dhawyihiin inay ku Boodaan (Dhibaan) kuwa ku Akhrin Aayaadkanaga, waxaad Dhahdaa Maydiinka Warramaa wax ka Shar badan Taas, waa Naar u Darbay Eebe kuwa Gaaloobay, Iyadaana u Xun Meel Loo Ahaado. (72)
22:73Juz 17 · bg. 341

يَا أَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ ۚ إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَنْ يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ ۖ وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ۚ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ73

Dadow waxaa layeelay Tusaale ee Dhagaysta, kuwaad Baryeysaan (Caabudaysaan) Eebe ka Sokow ma Abuuraan Daqsi haba u Kulmeene, Hadduu ka Qaato Daqsi waxna kama Ceshadaan waxaa Tabar yar kan wax Dooni iyo kan la Dooni. (73)
22:74Juz 17 · bg. 341

مَا قَدَرُوا اللَّهَ حَقَّ قَدْرِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ74

Mayna Waynayn Eebe Mudnida Weynidiisa, Eebana waa Xoog Badane Adkaada. (74)
22:75Juz 17 · bg. 341

اللَّهُ يَصْطَفِي مِنَ الْمَلَائِكَةِ رُسُلًا وَمِنَ النَّاسِ ۚ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ75

Eebe wuxuu ka Doortaa Malaa'igta Rasuullo Dadkana (Rasuullo) Eebana waa Maqle Arka. (75)
22:76Juz 17 · bg. 341

يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ ۗ وَإِلَى اللَّهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ76

Wuxuuna Ogyahay waxa Hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah Zagga Eebaana loo Celin Umuuraha. (76)
22:77Juz 17 · bg. 341

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا ارْكَعُوا وَاسْجُدُوا وَاعْبُدُوا رَبَّكُمْ وَافْعَلُوا الْخَيْرَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ۩77

kuwa (Xaqa) Rumeeyow Rukuuca oo Sujuuda oo Caabuda Eebihiin Falana Khayrja waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane. (77)
22:78Juz 17 · bg. 341

وَجَاهِدُوا فِي اللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِ ۚ هُوَ اجْتَبَاكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ مِلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ ۚ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِنْ قَبْلُ وَفِي هَٰذَا لِيَكُونَ الرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ ۚ فَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَاعْتَصِمُوا بِاللَّهِ هُوَ مَوْلَاكُمْ ۖ فَنِعْمَ الْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ النَّصِيرُ78

kuna Dadaala dar Eebe Dadaal Dhab ah, Isagaana idin Doortay, mana yeelin Diinta Dhib, waa Milladdii Aabihiin Ibraahim, isagaana (Eebe) Idiinku Magacaabay Muslimiin horay iyo Quraankan si Rasuulku marag korkiina ugu Noqdo, idinkuna aad Marag u ahaataan Dadka, ee Ooga Salaadda oo Bixiya Xakada oo Qabsada Eebe isagaa Gargaarihiina ah isagaana u Fii can Sayid isagaana u Fiican Gargaare. (78)

Ka ciyaar bilowga suuradda