At-Takathur

سورة التكاثر

Suurad 102 · Madani · 8 aayado

102:1Juz 30 · bg. 600

أَلْهَاكُمُ التَّكَاثُرُ1

Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid), (1)
102:2Juz 30 · bg. 600

حَتَّىٰ زُرْتُمُ الْمَقَابِرَ2

Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan). (2)
102:3Juz 30 · bg. 600

كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ3

Saas ma aha ee waad ogaandoontaan. (3)
102:4Juz 30 · bg. 600

ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ4

Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa). (4)
102:5Juz 30 · bg. 600

كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ الْيَقِينِ5

Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta). (5)
102:6Juz 30 · bg. 600

لَتَرَوُنَّ الْجَحِيمَ6

Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima, (6)
102:7Juz 30 · bg. 600

ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ الْيَقِينِ7

Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah. (7)
102:8Juz 30 · bg. 600

ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ8

Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii. (8)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Ali Jaber - At-Takathur · Tlawati