وَالنَّازِعَاتِ غَرْقًا1
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada). (1)
وَالنَّاشِطَاتِ نَشْطًا2
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta). (2)
وَالسَّابِحَاتِ سَبْحًا3
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin). (3)
فَالسَّابِقَاتِ سَبْقًا4
Iyo tan u orotanta wanaagga. (4)
فَالْمُدَبِّرَاتِ أَمْرًا5
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe). (5)
يَوْمَ تَرْجُفُ الرَّاجِفَةُ6
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore). (6)
تَتْبَعُهَا الرَّادِفَةُ7
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay). (7)
قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ8
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan. (8)
أَبْصَارُهَا خَاشِعَةٌ9
Araggeeduna wuu dullaysnaan. (9)
يَقُولُونَ أَإِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِي الْحَافِرَةِ10
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii). (10)
أَإِذَا كُنَّا عِظَامًا نَخِرَةً11
Markaan noqonno Lafo duugoobay. (11)
قَالُوا تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ12
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah. (12)
فَإِنَّمَا هِيَ زَجْرَةٌ وَاحِدَةٌ13
Waa uun Hal Qaylo kaliya. (13)
فَإِذَا هُمْ بِالسَّاهِرَةِ14
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman. (14)
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ مُوسَىٰ15
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse. (15)
إِذْ نَادَاهُ رَبُّهُ بِالْوَادِ الْمُقَدَّسِ طُوًى16
Markii Eebe uga yeedhay Toggii barakaysnaa ee Dhuwa. (16)
اذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَىٰ17
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye. (17)
فَقُلْ هَلْ لَكَ إِلَىٰ أَنْ تَزَكَّىٰ18
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid. (18)
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ19
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid. (19)
فَأَرَاهُ الْآيَةَ الْكُبْرَىٰ20
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn. (20)
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ21
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon). (21)
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ22
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda. (22)
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ23
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay. (23)
فَقَالَ أَنَا رَبُّكُمُ الْأَعْلَىٰ24
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare. (24)
فَأَخَذَهُ اللَّهُ نَكَالَ الْآخِرَةِ وَالْأُولَىٰ25
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba. (25)
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِمَنْ يَخْشَىٰ26
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi. (26)
أَأَنْتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ السَّمَاءُ ۚ بَنَاهَا27
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay. (27)
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّاهَا28
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna. (28)
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَاهَا29
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay). (29)
وَالْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَاهَا30
Dhulkana markaas ka dib fidiyay. (30)
أَخْرَجَ مِنْهَا مَاءَهَا وَمَرْعَاهَا31
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay. (31)
وَالْجِبَالَ أَرْسَاهَا32
Buurahana sugay. (32)
مَتَاعًا لَكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ33
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan. (33)
فَإِذَا جَاءَتِ الطَّامَّةُ الْكُبْرَىٰ34
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu). (34)
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ الْإِنْسَانُ مَا سَعَىٰ35
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen. (35)
وَبُرِّزَتِ الْجَحِيمُ لِمَنْ يَرَىٰ36
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki. (36)
فَأَمَّا مَنْ طَغَىٰ37
Ruuxiise xadgudba. (37)
وَآثَرَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا38
Nolosha Adduunyana doorta. (38)
فَإِنَّ الْجَحِيمَ هِيَ الْمَأْوَىٰ39
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo. (39)
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ40
Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun). (40)
فَإِنَّ الْجَنَّةَ هِيَ الْمَأْوَىٰ41
Wuxuu u dheelman Janno. (41)
يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا42
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan. (42)
فِيمَ أَنْتَ مِنْ ذِكْرَاهَا43
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. (43)
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنْتَهَاهَا44
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu. (44)
إِنَّمَا أَنْتَ مُنْذِرُ مَنْ يَخْشَاهَا45
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi. (45)
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَاهَا46
Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) iyagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka). (46)