Al-Munafiqun

سورة المنافقون

Suurad 63 · Madani · 11 aayado

63:1Juz 28 · bg. 554

إِذَا جَاءَكَ الْمُنَافِقُونَ قَالُوا نَشْهَدُ إِنَّكَ لَرَسُولُ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ يَعْلَمُ إِنَّكَ لَرَسُولُهُ وَاللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَكَاذِبُونَ1

Markay kuu timaadaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Eebe, Ilaahayna waa ogyahay inaad tahay, rasuulkiisii Eebana wuxuu marag ka yahay inay Munaafiqiintu beenaalayaal yihiin (xaqa niyada). (1)
63:2Juz 28 · bg. 554

اتَّخَذُوا أَيْمَانَهُمْ جُنَّةً فَصَدُّوا عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ ۚ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ2

Dhaartooda (beenta ah) yey ka dhigteen gaashaan, dadkane waxay ka iileen Jidkii Eebe, waxay samayna aad buu u xunyahay. (2)
63:3Juz 28 · bg. 554

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ آمَنُوا ثُمَّ كَفَرُوا فَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَفْقَهُونَ3

Saas waxaa ugu wacan inay (xaga muuqda) rumeeyeen haddana (hoosta) ka gaaloobeen, Quluubtoodana waa la daabacay (la daboolay) wax xaq ahna ma kasayaan. (3)
63:4Juz 28 · bg. 554

۞ وَإِذَا رَأَيْتَهُمْ تُعْجِبُكَ أَجْسَامُهُمْ ۖ وَإِنْ يَقُولُوا تَسْمَعْ لِقَوْلِهِمْ ۖ كَأَنَّهُمْ خُشُبٌ مُسَنَّدَةٌ ۖ يَحْسَبُونَ كُلَّ صَيْحَةٍ عَلَيْهِمْ ۚ هُمُ الْعَدُوُّ فَاحْذَرْهُمْ ۚ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ ۖ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ4

Haddaad aragto Munaafiqiinta waad la yaabi Jidhkooda, muuqooda, hadday hadlaanna waad dhagaysan hadalkooda, waxaadse moodaa dogobyo la tiirtiiriyey, qayladii yeedhabana way ka cabsadaan, waa Col kuwaasi, Eebena ha lacnado ee xagee loo duufsan. (4)
63:5Juz 28 · bg. 555

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا يَسْتَغْفِرْ لَكُمْ رَسُولُ اللَّهِ لَوَّوْا رُءُوسَهُمْ وَرَأَيْتَهُمْ يَصُدُّونَ وَهُمْ مُسْتَكْبِرُونَ5

Marka lagu dhaho Munaafiqiinta kaalaya ha idiin dambi dhaaf weydiiye Rasuulka Eebe waxay ruxaan Madaxa (diico darteed) waxaad aragtaa iyagoo jeedsan oo iskibrin. (5)
63:6Juz 28 · bg. 555

سَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَسْتَغْفَرْتَ لَهُمْ أَمْ لَمْ تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ لَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَهُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ6

Waa isku mid haddaad u dambi dhaaf weydiisid (Nabiyow) iyo haddii kale, marnaba Eebe u dambi dhaafi maayo, maxaa yeelay Eebe ma hanuuniyo dad Faasiqiin ah. (6)
63:7Juz 28 · bg. 555

هُمُ الَّذِينَ يَقُولُونَ لَا تُنْفِقُوا عَلَىٰ مَنْ عِنْدَ رَسُولِ اللَّهِ حَتَّىٰ يَنْفَضُّوا ۗ وَلِلَّهِ خَزَائِنُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَٰكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَفْقَهُونَ7

Waa kuwa dhihi (Munaafiqiintu) ha quudinina kuwa Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan, Eebaa iska leh khasnadaha Samaawaatka iyo Dhulka, haseyeeshee Munaafiqiintu ma fahansana. (7)
63:8Juz 28 · bg. 555

يَقُولُونَ لَئِنْ رَجَعْنَا إِلَى الْمَدِينَةِ لَيُخْرِجَنَّ الْأَعَزُّ مِنْهَا الْأَذَلَّ ۚ وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَٰكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ8

Munaafiqiintu waa kuwa dhihi haddaan Madiino u noqonno waa in kuwa tabarta lihi ka bixiyaan Magaalada kuwa dullaysan, tabar iyo Sharaf Eebaa iska leh Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta, haseyeeshee Munaafiqiintu ma oga. (8)
63:9Juz 28 · bg. 555

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تُلْهِكُمْ أَمْوَالُكُمْ وَلَا أَوْلَادُكُمْ عَنْ ذِكْرِ اللَّهِ ۚ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ9

Kuwa xaqa rumeeyow yaanay idin ka shuqlinin Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu xuska Eebe (daacaddiisa) Ciddii saas fashaana waa mid khasaartay. (9)
63:10Juz 28 · bg. 555

وَأَنْفِقُوا مِنْ مَا رَزَقْنَاكُمْ مِنْ قَبْلِ أَنْ يَأْتِيَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَا أَخَّرْتَنِي إِلَىٰ أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُنْ مِنَ الصَّالِحِينَ10

Bixiyana wax ka mid ah waxa Eebe idinku arsuqay geerida horteeda oo markaas uu yiraahdo (ruuxaan wax baxsan) Eebow maad muddo dhow dib ii dhigtid oon sadaqaysto kuwa suubanna aan ka mid noqdee. (10)
63:11Juz 28 · bg. 555

وَلَنْ يُؤَخِّرَ اللَّهُ نَفْسًا إِذَا جَاءَ أَجَلُهَا ۚ وَاللَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ11

Naf malageed galayna Eebe dib uma dhigo, Ilaahayna waa ogyahay waxaad Camal falaysaan. (11)

Ka ciyaar bilowga suuradda