Az-Zalzalah

سورة الزلزلة

Suurad 99 · Madani · 8 aayado

99:1Juz 30 · bg. 599

إِذَا زُلْزِلَتِ الْأَرْضُ زِلْزَالَهَا1

Marka DHulka la gilgilo (Gilgilashadeeda). (1)
99:2Juz 30 · bg. 599

وَأَخْرَجَتِ الْأَرْضُ أَثْقَالَهَا2

Dhulkuna soo bixiyo culaykiisii (wixii ku aasnaa). (2)
99:3Juz 30 · bg. 599

وَقَالَ الْإِنْسَانُ مَا لَهَا3

Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay leedahay. (3)
99:4Juz 30 · bg. 599

يَوْمَئِذٍ تُحَدِّثُ أَخْبَارَهَا4

Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda. (4)
99:5Juz 30 · bg. 599

بِأَنَّ رَبَّكَ أَوْحَىٰ لَهَا5

Maxaayeelay Eebaa u waxyooday. (5)
99:6Juz 30 · bg. 599

يَوْمَئِذٍ يَصْدُرُ النَّاسُ أَشْتَاتًا لِيُرَوْا أَعْمَالَهُمْ6

Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaaan camalkooda. (6)
99:7Juz 30 · bg. 599

فَمَنْ يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ خَيْرًا يَرَهُ7

Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki. (7)
99:8Juz 30 · bg. 599

وَمَنْ يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ شَرًّا يَرَهُ8

Kiise wax yar oo shar fala wuu arki.

Ka ciyaar bilowga suuradda