Adh-Dhariyat

سورة الذاريات

Suurad 51 · Makki · 60 aayado

51:1Juz 26 · bg. 520

وَالذَّارِيَاتِ ذَرْوًا1

Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa). (1)
51:2Juz 26 · bg. 520

فَالْحَامِلَاتِ وِقْرًا2

Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka). (2)
51:3Juz 26 · bg. 520

فَالْجَارِيَاتِ يُسْرًا3

iyo doonnida sida fudud u socota. (3)
51:4Juz 26 · bg. 520

فَالْمُقَسِّمَاتِ أَمْرًا4

Iyo Malaa'igta amarka qaybisa. (4)
51:5Juz 26 · bg. 520

إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ5

Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run. (5)
51:6Juz 26 · bg. 520

وَإِنَّ الدِّينَ لَوَاقِعٌ6

Abaalmarintuna waa sugantahay. (6)
51:7Juz 26 · bg. 521

وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْحُبُكِ7

Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh. (7)
51:8Juz 26 · bg. 521

إِنَّكُمْ لَفِي قَوْلٍ مُخْتَلِفٍ8

Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan. (8)
51:9Juz 26 · bg. 521

يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ9

Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay. (9)
51:10Juz 26 · bg. 521

قُتِلَ الْخَرَّاصُونَ10

Waxaana la nacladay Beenalayaasha. (10)
51:11Juz 26 · bg. 521

الَّذِينَ هُمْ فِي غَمْرَةٍ سَاهُونَ11

Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan. (11)
51:12Juz 26 · bg. 521

يَسْأَلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ الدِّينِ12

waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada). (12)
51:13Juz 26 · bg. 521

يَوْمَ هُمْ عَلَى النَّارِ يُفْتَنُونَ13

Waana maalinta naarta lagu gubi. (13)
51:14Juz 26 · bg. 521

ذُوقُوا فِتْنَتَكُمْ هَٰذَا الَّذِي كُنْتُمْ بِهِ تَسْتَعْجِلُونَ14

Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen. (14)
51:15Juz 26 · bg. 521

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ15

Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo. (15)
51:16Juz 26 · bg. 521

آخِذِينَ مَا آتَاهُمْ رَبُّهُمْ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ16

Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala. (16)
51:17Juz 26 · bg. 521

كَانُوا قَلِيلًا مِنَ اللَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ17

Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda. (17)
51:18Juz 26 · bg. 521

وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ18

Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen. (18)
51:19Juz 26 · bg. 521

وَفِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ لِلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ19

Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan. (19)
51:20Juz 26 · bg. 521

وَفِي الْأَرْضِ آيَاتٌ لِلْمُوقِنِينَ20

Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin. (20)
51:21Juz 26 · bg. 521

وَفِي أَنْفُسِكُمْ ۚ أَفَلَا تُبْصِرُونَ21

Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho). (21)
51:22Juz 26 · bg. 521

وَفِي السَّمَاءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ22

Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi. (22)
51:23Juz 26 · bg. 521

فَوَرَبِّ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ إِنَّهُ لَحَقٌّ مِثْلَ مَا أَنَّكُمْ تَنْطِقُونَ23

Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale. (23)
51:24Juz 26 · bg. 521

هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ ضَيْفِ إِبْرَاهِيمَ الْمُكْرَمِينَ24

Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd. (24)
51:25Juz 26 · bg. 521

إِذْ دَخَلُوا عَلَيْهِ فَقَالُوا سَلَامًا ۖ قَالَ سَلَامٌ قَوْمٌ مُنْكَرُونَ25

Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin. (25)
51:26Juz 26 · bg. 521

فَرَاغَ إِلَىٰ أَهْلِهِ فَجَاءَ بِعِجْلٍ سَمِينٍ26

Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay). (26)
51:27Juz 26 · bg. 521

فَقَرَّبَهُ إِلَيْهِمْ قَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ27

Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen. (27)
51:28Juz 26 · bg. 521

فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً ۖ قَالُوا لَا تَخَفْ ۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَامٍ عَلِيمٍ28

Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan, (28)
51:29Juz 26 · bg. 521

فَأَقْبَلَتِ امْرَأَتُهُ فِي صَرَّةٍ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ عَقِيمٌ29

Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali). (29)
51:30Juz 26 · bg. 521

قَالُوا كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ ۖ إِنَّهُ هُوَ الْحَكِيمُ الْعَلِيمُ30

waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi (30)
51:31Juz 27 · bg. 522

۞ قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا الْمُرْسَلُونَ31

(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray. (31)
51:32Juz 27 · bg. 522

قَالُوا إِنَّا أُرْسِلْنَا إِلَىٰ قَوْمٍ مُجْرِمِينَ32

Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah. (32)
51:33Juz 27 · bg. 522

لِنُرْسِلَ عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِنْ طِينٍ33

Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul). (33)
51:34Juz 27 · bg. 522

مُسَوَّمَةً عِنْدَ رَبِّكَ لِلْمُسْرِفِينَ34

Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay. (34)
51:35Juz 27 · bg. 522

فَأَخْرَجْنَا مَنْ كَانَ فِيهَا مِنَ الْمُؤْمِنِينَ35

Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray. (35)
51:36Juz 27 · bg. 522

فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍ مِنَ الْمُسْلِمِينَ36

kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn. (36)
51:37Juz 27 · bg. 522

وَتَرَكْنَا فِيهَا آيَةً لِلَّذِينَ يَخَافُونَ الْعَذَابَ الْأَلِيمَ37

Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran. (37)
51:38Juz 27 · bg. 522

وَفِي مُوسَىٰ إِذْ أَرْسَلْنَاهُ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ بِسُلْطَانٍ مُبِينٍ38

(Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad. (38)
51:39Juz 27 · bg. 522

فَتَوَلَّىٰ بِرُكْنِهِ وَقَالَ سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ39

Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay. (39)
51:40Juz 27 · bg. 522

فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ40

Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay. (40)
51:41Juz 27 · bg. 522

وَفِي عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ الرِّيحَ الْعَقِيمَ41

Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta. (41)
51:42Juz 27 · bg. 522

مَا تَذَرُ مِنْ شَيْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَالرَّمِيمِ42

Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran. (42)
51:43Juz 27 · bg. 522

وَفِي ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا حَتَّىٰ حِينٍ43

Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti. (43)
51:44Juz 27 · bg. 522

فَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ الصَّاعِقَةُ وَهُمْ يَنْظُرُونَ44

Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi. (44)
51:45Juz 27 · bg. 522

فَمَا اسْتَطَاعُوا مِنْ قِيَامٍ وَمَا كَانُوا مُنْتَصِرِينَ45

Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin. (45)
51:46Juz 27 · bg. 522

وَقَوْمَ نُوحٍ مِنْ قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ46

(Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah, (46)
51:47Juz 27 · bg. 522

وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ47

Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay. (47)
51:48Juz 27 · bg. 522

وَالْأَرْضَ فَرَشْنَاهَا فَنِعْمَ الْمَاهِدُونَ48

Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe). (48)
51:49Juz 27 · bg. 522

وَمِنْ كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ49

Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan. (49)
51:50Juz 27 · bg. 522

فَفِرُّوا إِلَى اللَّهِ ۖ إِنِّي لَكُمْ مِنْهُ نَذِيرٌ مُبِينٌ50

Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda). (50)
51:51Juz 27 · bg. 522

وَلَا تَجْعَلُوا مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ ۖ إِنِّي لَكُمْ مِنْهُ نَذِيرٌ مُبِينٌ51

Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;. (51)
51:52Juz 27 · bg. 523

كَذَٰلِكَ مَا أَتَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ مِنْ رَسُولٍ إِلَّا قَالُوا سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ52

Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay. (52)
51:53Juz 27 · bg. 523

أَتَوَاصَوْا بِهِ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ53

Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay. (53)
51:54Juz 27 · bg. 523

فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَا أَنْتَ بِمَلُومٍ54

Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa). (54)
51:55Juz 27 · bg. 523

وَذَكِّرْ فَإِنَّ الذِّكْرَىٰ تَنْفَعُ الْمُؤْمِنِينَ55

Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee. (55)
51:56Juz 27 · bg. 523

وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ56

Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin. (56)
51:57Juz 27 · bg. 523

مَا أُرِيدُ مِنْهُمْ مِنْ رِزْقٍ وَمَا أُرِيدُ أَنْ يُطْعِمُونِ57

Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan. (57)
51:58Juz 27 · bg. 523

إِنَّ اللَّهَ هُوَ الرَّزَّاقُ ذُو الْقُوَّةِ الْمَتِينُ58

Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane. (58)
51:59Juz 27 · bg. 523

فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذَنُوبًا مِثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَابِهِمْ فَلَا يَسْتَعْجِلُونِ59

Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin. (59)
51:60Juz 27 · bg. 523

فَوَيْلٌ لِلَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ يَوْمِهِمُ الَّذِي يُوعَدُونَ60

Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay. (60)

Ka ciyaar bilowga suuradda