كهيعص1
waa la soo sheegay kuwo lamid ah. (1)
ذِكْرُ رَحْمَتِ رَبِّكَ عَبْدَهُ زَكَرِيَّا2
(kanna) waa sheegid naaxariista Eebahaa addoonkiisa zakariye. (2)
إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ نِدَاءً خَفِيًّا3
markuu u dhawaaqay Eebihiis dhawaaq qarsoodi ah. (3)
قَالَ رَبِّ إِنِّي وَهَنَ الْعَظْمُ مِنِّي وَاشْتَعَلَ الرَّأْسُ شَيْبًا وَلَمْ أَكُنْ بِدُعَائِكَ رَبِّ شَقِيًّا4
yidhina Eebow anigu waan tabaryaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, Mana ahayn baryadaada Eebow mid ku khasaara. (4)
وَإِنِّي خِفْتُ الْمَوَالِيَ مِنْ وَرَائِي وَكَانَتِ امْرَأَتِي عَاقِرًا فَهَبْ لِي مِنْ لَدُنْكَ وَلِيًّا5
anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna waa mandhalays iga sii agtaada wali (walad). (5)
يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنْ آلِ يَعْقُوبَ ۖ وَاجْعَلْهُ رَبِّ رَضِيًّا6
i dhaxla (nabinimada) oo dhaxla ehelkii yacquub kana yeel Eebow mid laga raalli noqdo. (6)
يَا زَكَرِيَّا إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَامٍ اسْمُهُ يَحْيَىٰ لَمْ نَجْعَلْ لَهُ مِنْ قَبْلُ سَمِيًّا7
zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u yeelin horay wax lamid ah (lamagac ah). (7)
قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَامٌ وَكَانَتِ امْرَأَتِي عَاقِرًا وَقَدْ بَلَغْتُ مِنَ الْكِبَرِ عِتِيًّا8
wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhalays oon ka gaadhay waynida gabow. (8)
قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٌ وَقَدْ خَلَقْتُكَ مِنْ قَبْلُ وَلَمْ تَكُ شَيْئًا9
wuxuu yidhi waa saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii Fududahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba. (9)
قَالَ رَبِّ اجْعَلْ لِي آيَةً ۚ قَالَ آيَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ النَّاسَ ثَلَاثَ لَيَالٍ سَوِيًّا10
wuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo fayow). (10)
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِ مِنَ الْمِحْرَابِ فَأَوْحَىٰ إِلَيْهِمْ أَنْ سَبِّحُوا بُكْرَةً وَعَشِيًّا11
markaasu ugaga soo baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba. (11)
يَا يَحْيَىٰ خُذِ الْكِتَابَ بِقُوَّةٍ ۖ وَآتَيْنَاهُ الْحُكْمَ صَبِيًّا12
(waxaa loo yidhi) yaxyow ku qaado kitaabka (tawreed) xoog (dadaal) waxaan siinnay xigmo isagoo yar. (12)
وَحَنَانًا مِنْ لَدُنَّا وَزَكَاةً ۖ وَكَانَ تَقِيًّا13
iyo naxariis agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade. (13)
وَبَرًّا بِوَالِدَيْهِ وَلَمْ يَكُنْ جَبَّارًا عَصِيًّا14
iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah. (14)
وَسَلَامٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّا15
nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool. (15)
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ مَرْيَمَ إِذِ انْتَبَذَتْ مِنْ أَهْلِهَا مَكَانًا شَرْقِيًّا16
(ku xusuuso) kitaabka maryama markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah, (bariga qudsi). (16)
فَاتَّخَذَتْ مِنْ دُونِهِمْ حِجَابًا فَأَرْسَلْنَا إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا17
oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda ruuxannagii (jibriil), oo isugu shabahay dad eg. (17)
قَالَتْ إِنِّي أَعُوذُ بِالرَّحْمَٰنِ مِنْكَ إِنْ كُنْتَ تَقِيًّا18
una tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade. (18)
قَالَ إِنَّمَا أَنَا رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَامًا زَكِيًّا19
kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah., (19)
قَالَتْ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَامٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِي بَشَرٌ وَلَمْ أَكُ بَغِيًّا20
waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun (la tuhmo). (20)
قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٌ ۖ وَلِنَجْعَلَهُ آيَةً لِلنَّاسِ وَرَحْمَةً مِنَّا ۚ وَكَانَ أَمْرًا مَقْضِيًّا21
wuxuuna yidhi waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah waana arrin la xukumay (dhammeeyey). (21)
۞ فَحَمَلَتْهُ فَانْتَبَذَتْ بِهِ مَكَانًا قَصِيًّا22
way xambaartay (uurowday) waxayna u fogaatay meel dheer (durugsan). (22)
فَأَجَاءَهَا الْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ النَّخْلَةِ قَالَتْ يَا لَيْتَنِي مِتُّ قَبْلَ هَٰذَا وَكُنْتُ نَسْيًا مَنْسِيًّا23
waxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi shalleytee maan dhinto ka hor arrintan oon noqodo mid la halmaamo o laga tago. (23)
فَنَادَاهَا مِنْ تَحْتِهَا أَلَّا تَحْزَنِي قَدْ جَعَلَ رَبُّكِ تَحْتَكِ سَرِيًّا24
wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha murugoonin wuxuu yeelay Eebahaa hoostaada wabi (yar). (24)
وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا25
una gilgil xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane. (25)
فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنْسِيًّا26
ee cun oo cab qabowsana il (farax) haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u soomi oonan la hadlin maanta cidna. (26)
فَأَتَتْ بِهِ قَوْمَهَا تَحْمِلُهُ ۖ قَالُوا يَا مَرْيَمُ لَقَدْ جِئْتِ شَيْئًا فَرِيًّا27
waxayna ula timid ciise qoomkeeda uyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamoy waxaad la timid wax wayn. (27)
يَا أُخْتَ هَارُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ امْرَأَ سَوْءٍ وَمَا كَانَتْ أُمُّكِ بَغِيًّا28
haruun walaashiisay (u eg wanaagga) ma eheyn aabahaa ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun (la tuhmo). (28)
فَأَشَارَتْ إِلَيْهِ ۖ قَالُوا كَيْفَ نُكَلِّمُ مَنْ كَانَ فِي الْمَهْدِ صَبِيًّا29
wayna u ishaartay xaggiisa waxayna dhaheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan Sariirilmood isagoo yar. (29)
قَالَ إِنِّي عَبْدُ اللَّهِ آتَانِيَ الْكِتَابَ وَجَعَلَنِي نَبِيًّا30
wuxuuna yidhi (ciise) anigu waxaan ahay addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi. (30)
وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيْنَ مَا كُنْتُ وَأَوْصَانِي بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ مَا دُمْتُ حَيًّا31
wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay. (31)
وَبَرًّا بِوَالِدَتِي وَلَمْ يَجْعَلْنِي جَبَّارًا شَقِيًّا32
wuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun. (32)
وَالسَّلَامُ عَلَيَّ يَوْمَ وُلِدْتُ وَيَوْمَ أَمُوتُ وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيًّا33
nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool. (33)
ذَٰلِكَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ ۚ قَوْلَ الْحَقِّ الَّذِي فِيهِ يَمْتَرُونَ34
kaasi waa Ciise ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin. (34)
مَا كَانَ لِلَّهِ أَنْ يَتَّخِذَ مِنْ وَلَدٍ ۖ سُبْحَانَهُ ۚ إِذَا قَضَىٰ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ35
kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun «amar» wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan. (35)
وَإِنَّ اللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُسْتَقِيمٌ36
Ilaahay waa Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane. (36)
فَاخْتَلَفَ الْأَحْزَابُ مِنْ بَيْنِهِمْ ۖ فَوَيْلٌ لِلَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ مَشْهَدِ يَوْمٍ عَظِيمٍ37
wayse iskhilaafeen xisbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii gaaloobay kulan maalin wayn. (37)
أَسْمِعْ بِهِمْ وَأَبْصِرْ يَوْمَ يَأْتُونَنَا ۖ لَٰكِنِ الظَّالِمُونَ الْيَوْمَ فِي ضَلَالٍ مُبِينٍ38
maqli ogaa oo arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku suganyihiin baadi cad. (38)
وَأَنْذِرْهُمْ يَوْمَ الْحَسْرَةِ إِذْ قُضِيَ الْأَمْرُ وَهُمْ فِي غَفْلَةٍ وَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ39
uga dig iyaga maalin qoomamo, marka la xukmin amarka iyagoo kusugan halmaansho oon rumeynayn. (39)
إِنَّا نَحْنُ نَرِثُ الْأَرْضَ وَمَنْ عَلَيْهَا وَإِلَيْنَا يُرْجَعُونَ40
annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana laydiin soo celin. (40)
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِبْرَاهِيمَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَبِيًّا41
ku sheeg kitaabka (nabi) Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah. (41)
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ يَا أَبَتِ لِمَ تَعْبُدُ مَا لَا يَسْمَعُ وَلَا يُبْصِرُ وَلَا يُغْنِي عَنْكَ شَيْئًا42
markuu ku yidhi aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana deeqayn waxba. (42)
يَا أَبَتِ إِنِّي قَدْ جَاءَنِي مِنَ الْعِلْمِ مَا لَمْ يَأْتِكَ فَاتَّبِعْنِي أَهْدِكَ صِرَاطًا سَوِيًّا43
aabow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane (xaqa). (43)
يَا أَبَتِ لَا تَعْبُدِ الشَّيْطَانَ ۖ إِنَّ الشَّيْطَانَ كَانَ لِلرَّحْمَٰنِ عَصِيًّا44
aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay Eebaha Rasmaan ah caasi. (44)
يَا أَبَتِ إِنِّي أَخَافُ أَنْ يَمَسَّكَ عَذَابٌ مِنَ الرَّحْمَٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيْطَانِ وَلِيًّا45
aabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaana ah ood u noqoto shaydaan qaraabo. (45)
قَالَ أَرَاغِبٌ أَنْتَ عَنْ آلِهَتِي يَا إِبْرَاهِيمُ ۖ لَئِنْ لَمْ تَنْتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ ۖ وَاهْجُرْنِي مَلِيًّا46
wuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag waligeed. (46)
قَالَ سَلَامٌ عَلَيْكَ ۖ سَأَسْتَغْفِرُ لَكَ رَبِّي ۖ إِنَّهُ كَانَ بِي حَفِيًّا47
wuxuu yidhi (nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste. (47)
وَأَعْتَزِلُكُمْ وَمَا تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَأَدْعُو رَبِّي عَسَىٰ أَلَّا أَكُونَ بِدُعَاءِ رَبِّي شَقِيًّا48
waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay, waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku xumaada (khasaara). (48)
فَلَمَّا اعْتَزَلَهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۖ وَكُلًّا جَعَلْنَا نَبِيًّا49
markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay nabi. (49)
وَوَهَبْنَا لَهُمْ مِنْ رَحْمَتِنَا وَجَعَلْنَا لَهُمْ لِسَانَ صِدْقٍ عَلِيًّا50
waxaana ka siinnay naxariistanada (wanaag) waxaana u yeellay amaan run ah oo sarraysa. (50)
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ مُوسَىٰ ۚ إِنَّهُ كَانَ مُخْلَصًا وَكَانَ رَسُولًا نَبِيًّا51
ku sheeg kitaabka (nabi) Muuse wuxuu ahaa rasuul nabi ah. (51)
وَنَادَيْنَاهُ مِنْ جَانِبِ الطُّورِ الْأَيْمَنِ وَقَرَّبْنَاهُ نَجِيًّا52
waana uga dhawaaqnay dhinaca (buurta) dhuur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli. (52)
وَوَهَبْنَا لَهُ مِنْ رَحْمَتِنَا أَخَاهُ هَارُونَ نَبِيًّا53
waxaana ka siinnay naxariistanada walaalkiis Haaruun oo nabi ah. (53)
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِسْمَاعِيلَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صَادِقَ الْوَعْدِ وَكَانَ رَسُولًا نَبِيًّا54
kuna sheeg kitaabka (nabi) Ismaaeiil, wuxuu ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa rasuul nabi ah. (54)
وَكَانَ يَأْمُرُ أَهْلَهُ بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ وَكَانَ عِنْدَ رَبِّهِ مَرْضِيًّا55
wuxuuna ahaa mid fara chelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebe agtiisa lagaga raalli yahay. (55)
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِدْرِيسَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَبِيًّا56
kuna sheeg kitaabka (nabi) Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah. (56)
وَرَفَعْنَاهُ مَكَانًا عَلِيًّا57
waxaana u koryeellay meel sare. (57)
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ مِنَ النَّبِيِّينَ مِنْ ذُرِّيَّةِ آدَمَ وَمِمَّنْ حَمَلْنَا مَعَ نُوحٍ وَمِنْ ذُرِّيَّةِ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْرَائِيلَ وَمِمَّنْ هَدَيْنَا وَاجْتَبَيْنَا ۚ إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُ الرَّحْمَٰنِ خَرُّوا سُجَّدًا وَبُكِيًّا ۩58
kuwaas waa kuwuu u nicmeeyey Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan xambaarray la jirka (nabi) nuux iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa'iil iyo kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi. (58)
۞ فَخَلَفَ مِنْ بَعْدِهِمْ خَلْفٌ أَضَاعُوا الصَّلَاةَ وَاتَّبَعُوا الشَّهَوَاتِ ۖ فَسَوْفَ يَلْقَوْنَ غَيًّا59
waxaase ka gadaal maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu doonto (oo xun) waxayna la kulim sharr. (59)
إِلَّا مَنْ تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ شَيْئًا60
cidda toobad keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali jannada lagamana dulmiyo waxba. (60)
جَنَّاتِ عَدْنٍ الَّتِي وَعَدَ الرَّحْمَٰنُ عِبَادَهُ بِالْغَيْبِ ۚ إِنَّهُ كَانَ وَعْدُهُ مَأْتِيًّا61
jannooyinka cadnin (yey gali) ee ah tuu u yaboohay (Eebaha) Raxmaana addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan yaboohiisu kii yimaadda. (61)
لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا إِلَّا سَلَامًا ۖ وَلَهُمْ رِزْقُهُمْ فِيهَا بُكْرَةً وَعَشِيًّا62
kuma maqlaan dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba. (62)
تِلْكَ الْجَنَّةُ الَّتِي نُورِثُ مِنْ عِبَادِنَا مَنْ كَانَ تَقِيًّا63
taasi waa jannada aannu dhaxalsiin addoomadanada kooda ah mid dhawrsada. (63)
وَمَا نَتَنَزَّلُ إِلَّا بِأَمْرِ رَبِّكَ ۖ لَهُ مَا بَيْنَ أَيْدِينَا وَمَا خَلْفَنَا وَمَا بَيْنَ ذَٰلِكَ ۚ وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيًّا64
kuma soo dagno amarka Eebahaa mooyee, waxaa u sugnaaday waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u dhexeeya arrintaas, mana aha Eebahaa mid halmaansan. (64)
رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا فَاعْبُدْهُ وَاصْطَبِرْ لِعِبَادَتِهِ ۚ هَلْ تَعْلَمُ لَهُ سَمِيًّا65
waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca). (65)
وَيَقُولُ الْإِنْسَانُ أَإِذَا مَا مِتُّ لَسَوْفَ أُخْرَجُ حَيًّا66
wuxuu dhihi dadkii (gaalka) ma markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool. (66)
أَوَلَا يَذْكُرُ الْإِنْسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِنْ قَبْلُ وَلَمْ يَكُ شَيْئًا67
miyuuna xusuusanayn dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn. (67)
فَوَرَبِّكَ لَنَحْشُرَنَّهُمْ وَالشَّيَاطِينَ ثُمَّ لَنُحْضِرَنَّهُمْ حَوْلَ جَهَنَّمَ جِثِيًّا68
Eebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka jahannamo iyagoo fadhiya. (68)
ثُمَّ لَنَنْزِعَنَّ مِنْ كُلِّ شِيعَةٍ أَيُّهُمْ أَشَدُّ عَلَى الرَّحْمَٰنِ عِتِيًّا69
markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax adayg (gaalimada). (69)
ثُمَّ لَنَحْنُ أَعْلَمُ بِالَّذِينَ هُمْ أَوْلَىٰ بِهَا صِلِيًّا70
annagaa og kuwa mudnaan badan galidda naarta. (70)
وَإِنْ مِنْكُمْ إِلَّا وَارِدُهَا ۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ حَتْمًا مَقْضِيًّا71
cid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax go'an oo xukuman. (71)
ثُمَّ نُنَجِّي الَّذِينَ اتَّقَوْا وَنَذَرُ الظَّالِمِينَ فِيهَا جِثِيًّا72
Markaas waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo Jilbo u Fadhiya. (72)
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ قَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا أَيُّ الْفَرِيقَيْنِ خَيْرٌ مَقَامًا وَأَحْسَنُ نَدِيًّا73
marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey labada kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi). (73)
وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُمْ مِنْ قَرْنٍ هُمْ أَحْسَنُ أَثَاثًا وَرِئْيًا74
badanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo (iyo dhar) iyo aragba. (74)
قُلْ مَنْ كَانَ فِي الضَّلَالَةِ فَلْيَمْدُدْ لَهُ الرَّحْمَٰنُ مَدًّا ۚ حَتَّىٰ إِذَا رَأَوْا مَا يُوعَدُونَ إِمَّا الْعَذَابَ وَإِمَّا السَّاعَةَ فَسَيَعْلَمُونَ مَنْ هُوَ شَرٌّ مَكَانًا وَأَضْعَفُ جُنْدًا75
waxaad dhahdaa ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar junuud (ciidamo). (75)
وَيَزِيدُ اللَّهُ الَّذِينَ اهْتَدَوْا هُدًى ۗ وَالْبَاقِيَاتُ الصَّالِحَاتُ خَيْرٌ عِنْدَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ مَرَدًّا76
wuu u siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suuban (camalka) yaa khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon meel laysu celiyo. (76)
أَفَرَأَيْتَ الَّذِي كَفَرَ بِآيَاتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالًا وَوَلَدًا77
ka warran midka ka gaalooby aayaadkanaga oo yidhi waxaa lay siin (aakhiro) xoolo iyo carruur. (77)
أَطَّلَعَ الْغَيْبَ أَمِ اتَّخَذَ عِنْدَ الرَّحْمَٰنِ عَهْدًا78
ma wuxuu daalaeday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebaha Raxmaana agtiisa ballan. (78)
كَلَّا ۚ سَنَكْتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُ مِنَ الْعَذَابِ مَدًّا79
saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u fududaynaa (kordhin) cadaabka fidin. (79)
وَنَرِثُهُ مَا يَقُولُ وَيَأْتِينَا فَرْدًا80
waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi wuxuuna noo imaan kali. (80)
وَاتَّخَذُوا مِنْ دُونِ اللَّهِ آلِهَةً لِيَكُونُوا لَهُمْ عِزًّا81
waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar). (81)
كَلَّا ۚ سَيَكْفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمْ وَيَكُونُونَ عَلَيْهِمْ ضِدًّا82
saas ma aha ee waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid (col). (82)
أَلَمْ تَرَ أَنَّا أَرْسَلْنَا الشَّيَاطِينَ عَلَى الْكَافِرِينَ تَؤُزُّهُمْ أَزًّا83
miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy boorrin (baadiyeyn) baadi. (83)
فَلَا تَعْجَلْ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمْ عَدًّا84
ee ha ku degdegin korkooda, waannu uun u tirin tirec. (84)
يَوْمَ نَحْشُرُ الْمُتَّقِينَ إِلَى الرَّحْمَٰنِ وَفْدًا85
xusuuso maalintaan u kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebaha Raxmaana iyagoo wafdi ah. (85)
وَنَسُوقُ الْمُجْرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرْدًا86
oon u kaxaynayno dambiilayaasha xagga jahannamo iyagoo aroora. (86)
لَا يَمْلِكُونَ الشَّفَاعَةَ إِلَّا مَنِ اتَّخَذَ عِنْدَ الرَّحْمَٰنِ عَهْدًا87
mana hantaan shafeeco cid ka yeelata Eebaha Raxmaana agtiisa ballan mooyee. (87)
وَقَالُوا اتَّخَذَ الرَّحْمَٰنُ وَلَدًا88
waxay dheheen (gaaladu) wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo. (88)
لَقَدْ جِئْتُمْ شَيْئًا إِدًّا89
waxaad la timaadeen wax wayn. (89)
تَكَادُ السَّمَاوَاتُ يَتَفَطَّرْنَ مِنْهُ وَتَنْشَقُّ الْأَرْضُ وَتَخِرُّ الْجِبَالُ هَدًّا90
oy u dhawdahay samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur. (90)
أَنْ دَعَوْا لِلرَّحْمَٰنِ وَلَدًا91
inay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo. (91)
وَمَا يَنْبَغِي لِلرَّحْمَٰنِ أَنْ يَتَّخِذَ وَلَدًا92
kuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo. (92)
إِنْ كُلُّ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ إِلَّا آتِي الرَّحْمَٰنِ عَبْدًا93
wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe isagoo Addoona. (93)
لَقَدْ أَحْصَاهُمْ وَعَدَّهُمْ عَدًّا94
wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro. (94)
وَكُلُّهُمْ آتِيهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَرْدًا95
Dhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali ah. (95)
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ سَيَجْعَلُ لَهُمُ الرَّحْمَٰنُ وُدًّا96
kuwa Xaqa rumeeyey ee Camal fiican falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaana Jacayl. (96)
فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ الْمُتَّقِينَ وَتُنْذِرَ بِهِ قَوْمًا لُدًّا97
waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo xun). (97)
وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُمْ مِنْ قَرْنٍ هَلْ تُحِسُّ مِنْهُمْ مِنْ أَحَدٍ أَوْ تَسْمَعُ لَهُمْ رِكْزًا98
Badanaa intaan halaagnay hortood Qarni, ma ka kasaysaa xaggooda (aragtaa) Ruuxna, ama ma ka maqli xaggooda Cod. (98)