Al-Qamar

سورة القمر

Suurad 54 · Makki · 55 aayado

54:1Juz 27 · bg. 528

اقْتَرَبَتِ السَّاعَةُ وَانْشَقَّ الْقَمَرُ1

Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay. (1)
54:2Juz 27 · bg. 528

وَإِنْ يَرَوْا آيَةً يُعْرِضُوا وَيَقُولُوا سِحْرٌ مُسْتَمِرٌّ2

Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran. (2)
54:3Juz 27 · bg. 528

وَكَذَّبُوا وَاتَّبَعُوا أَهْوَاءَهُمْ ۚ وَكُلُّ أَمْرٍ مُسْتَقِرٌّ3

Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado. (3)
54:4Juz 27 · bg. 528

وَلَقَدْ جَاءَهُمْ مِنَ الْأَنْبَاءِ مَا فِيهِ مُزْدَجَرٌ4

Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano. (4)
54:5Juz 27 · bg. 528

حِكْمَةٌ بَالِغَةٌ ۖ فَمَا تُغْنِ النُّذُرُ5

Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi. (5)
54:6Juz 27 · bg. 528

فَتَوَلَّ عَنْهُمْ ۘ يَوْمَ يَدْعُ الدَّاعِ إِلَىٰ شَيْءٍ نُكُرٍ6

Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran. (6)
54:7Juz 27 · bg. 529

خُشَّعًا أَبْصَارُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ الْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌ مُنْتَشِرٌ7

Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay. (7)
54:8Juz 27 · bg. 529

مُهْطِعِينَ إِلَى الدَّاعِ ۖ يَقُولُ الْكَافِرُونَ هَٰذَا يَوْمٌ عَسِرٌ8

Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran. (8)
54:9Juz 27 · bg. 529

۞ كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ فَكَذَّبُوا عَبْدَنَا وَقَالُوا مَجْنُونٌ وَازْدُجِرَ9

Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay». (9)
54:10Juz 27 · bg. 529

فَدَعَا رَبَّهُ أَنِّي مَغْلُوبٌ فَانْتَصِرْ10

Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro. (10)
54:11Juz 27 · bg. 529

فَفَتَحْنَا أَبْوَابَ السَّمَاءِ بِمَاءٍ مُنْهَمِرٍ11

Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay. (11)
54:12Juz 27 · bg. 529

وَفَجَّرْنَا الْأَرْضَ عُيُونًا فَالْتَقَى الْمَاءُ عَلَىٰ أَمْرٍ قَدْ قُدِرَ12

Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis. (12)
54:13Juz 27 · bg. 529

وَحَمَلْنَاهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلْوَاحٍ وَدُسُرٍ13

Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh. (13)
54:14Juz 27 · bg. 529

تَجْرِي بِأَعْيُنِنَا جَزَاءً لِمَنْ كَانَ كُفِرَ14

Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday. (14)
54:15Juz 27 · bg. 529

وَلَقَدْ تَرَكْنَاهَا آيَةً فَهَلْ مِنْ مُدَّكِرٍ15

Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan). (15)
54:16Juz 27 · bg. 529

فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ16

Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu. (16)
54:17Juz 27 · bg. 529

وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِنْ مُدَّكِرٍ17

Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (17)
54:18Juz 27 · bg. 529

كَذَّبَتْ عَادٌ فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ18

Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii. (18)
54:19Juz 27 · bg. 529

إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِي يَوْمِ نَحْسٍ مُسْتَمِرٍّ19

Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah. (19)
54:20Juz 27 · bg. 529

تَنْزِعُ النَّاسَ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ مُنْقَعِرٍ20

Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay. (20)
54:21Juz 27 · bg. 529

فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ21

Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (21)
54:22Juz 27 · bg. 529

وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِنْ مُدَّكِرٍ22

Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. (22)
54:23Juz 27 · bg. 529

كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِالنُّذُرِ23

Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud. (23)
54:24Juz 27 · bg. 529

فَقَالُوا أَبَشَرًا مِنَّا وَاحِدًا نَتَّبِعُهُ إِنَّا إِذًا لَفِي ضَلَالٍ وَسُعُرٍ24

Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato. (24)
54:25Juz 27 · bg. 529

أَأُلْقِيَ الذِّكْرُ عَلَيْهِ مِنْ بَيْنِنَا بَلْ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٌ25

Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah. (25)
54:26Juz 27 · bg. 529

سَيَعْلَمُونَ غَدًا مَنِ الْكَذَّابُ الْأَشِرُ26

Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah. (26)
54:27Juz 27 · bg. 529

إِنَّا مُرْسِلُو النَّاقَةِ فِتْنَةً لَهُمْ فَارْتَقِبْهُمْ وَاصْطَبِرْ27

Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir. (27)
54:28Juz 27 · bg. 530

وَنَبِّئْهُمْ أَنَّ الْمَاءَ قِسْمَةٌ بَيْنَهُمْ ۖ كُلُّ شِرْبٍ مُحْتَضَرٌ28

Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay. (28)
54:29Juz 27 · bg. 530

فَنَادَوْا صَاحِبَهُمْ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ29

Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay. (29)
54:30Juz 27 · bg. 530

فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ30

Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (30)
54:31Juz 27 · bg. 530

إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ صَيْحَةً وَاحِدَةً فَكَانُوا كَهَشِيمِ الْمُحْتَظِرِ31

Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay. (31)
54:32Juz 27 · bg. 530

وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِنْ مُدَّكِرٍ32

Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. (32)
54:33Juz 27 · bg. 530

كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ بِالنُّذُرِ33

Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii. (33)
54:34Juz 27 · bg. 530

إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ حَاصِبًا إِلَّا آلَ لُوطٍ ۖ نَجَّيْنَاهُمْ بِسَحَرٍ34

Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah. (34)
54:35Juz 27 · bg. 530

نِعْمَةً مِنْ عِنْدِنَا ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِي مَنْ شَكَرَ35

Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe). (35)
54:36Juz 27 · bg. 530

وَلَقَدْ أَنْذَرَهُمْ بَطْشَتَنَا فَتَمَارَوْا بِالنُّذُرِ36

Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas. (36)
54:37Juz 27 · bg. 530

وَلَقَدْ رَاوَدُوهُ عَنْ ضَيْفِهِ فَطَمَسْنَا أَعْيُنَهُمْ فَذُوقُوا عَذَابِي وَنُذُرِ37

Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. (37)
54:38Juz 27 · bg. 530

وَلَقَدْ صَبَّحَهُمْ بُكْرَةً عَذَابٌ مُسْتَقِرٌّ38

Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan. (38)
54:39Juz 27 · bg. 530

فَذُوقُوا عَذَابِي وَنُذُرِ39

Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. (39)
54:40Juz 27 · bg. 530

وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِنْ مُدَّكِرٍ40

Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (40)
54:41Juz 27 · bg. 530

وَلَقَدْ جَاءَ آلَ فِرْعَوْنَ النُّذُرُ41

Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid. (41)
54:42Juz 27 · bg. 530

كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذْنَاهُمْ أَخْذَ عَزِيزٍ مُقْتَدِرٍ42

Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh. (42)
54:43Juz 27 · bg. 530

أَكُفَّارُكُمْ خَيْرٌ مِنْ أُولَٰئِكُمْ أَمْ لَكُمْ بَرَاءَةٌ فِي الزُّبُرِ43

Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta. (43)
54:44Juz 27 · bg. 530

أَمْ يَقُولُونَ نَحْنُ جَمِيعٌ مُنْتَصِرٌ44

Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay. (44)
54:45Juz 27 · bg. 530

سَيُهْزَمُ الْجَمْعُ وَيُوَلُّونَ الدُّبُرَ45

Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin. (45)
54:46Juz 27 · bg. 530

بَلِ السَّاعَةُ مَوْعِدُهُمْ وَالسَّاعَةُ أَدْهَىٰ وَأَمَرُّ46

Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh. (46)
54:47Juz 27 · bg. 530

إِنَّ الْمُجْرِمِينَ فِي ضَلَالٍ وَسُعُرٍ47

Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin. (47)
54:48Juz 27 · bg. 530

يَوْمَ يُسْحَبُونَ فِي النَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ ذُوقُوا مَسَّ سَقَرَ48

(Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara. (48)
54:49Juz 27 · bg. 530

إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ49

Wax kasta waxaan ku abuurray qadar. (49)
54:50Juz 27 · bg. 531

وَمَا أَمْرُنَا إِلَّا وَاحِدَةٌ كَلَمْحٍ بِالْبَصَرِ50

Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi. (50)
54:51Juz 27 · bg. 531

وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا أَشْيَاعَكُمْ فَهَلْ مِنْ مُدَّكِرٍ51

Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa. (51)
54:52Juz 27 · bg. 531

وَكُلُّ شَيْءٍ فَعَلُوهُ فِي الزُّبُرِ52

Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta. (52)
54:53Juz 27 · bg. 531

وَكُلُّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ مُسْتَطَرٌ53

Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay. (53)
54:54Juz 27 · bg. 531

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَنَهَرٍ54

Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. (54)
54:55Juz 27 · bg. 531

فِي مَقْعَدِ صِدْقٍ عِنْدَ مَلِيكٍ مُقْتَدِرٍ55

Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay). (55)

Ka ciyaar bilowga suuradda

Abdullah Basfar - Al-Qamar · Tlawati