طه1
Dhaahaa (Nabiyow) micna kalana (1)
مَا أَنْزَلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَىٰ2
maanaan dejin korkaaga Quraanka inaad ku Dhibbooto. (2)
إِلَّا تَذْكِرَةً لِمَنْ يَخْشَىٰ3
waase waanada Ciddii cabsan. (3)
تَنْزِيلًا مِمَّنْ خَلَقَ الْأَرْضَ وَالسَّمَاوَاتِ الْعُلَى4
waana soo dejinta Eebaha Abuuray Dhulka iyo Samooyinka sare. (4)
الرَّحْمَٰنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَىٰ5
Eebaha Raxmaana Carshiguu ku Istawooday (si u cunanta). (5)
لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَمَا تَحْتَ الثَّرَىٰ6
waxaana u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan iyo waxa u dhaxeeya iyo waxa ka hooseeya Dhulka. (6)
وَإِنْ تَجْهَرْ بِالْقَوْلِ فَإِنَّهُ يَعْلَمُ السِّرَّ وَأَخْفَى7
haddaad kor u Qaaddo Hadalka Eebe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey. (7)
اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ8
Eebe Ilaah kale ma jiro isaga mooye, waxaana u sugnaaday Magacyo Fiican. (8)
وَهَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ مُوسَىٰ9
ma ku soo Gaadhay warkii (Nabi) Muuse. (9)
إِذْ رَأَىٰ نَارًا فَقَالَ لِأَهْلِهِ امْكُثُوا إِنِّي آنَسْتُ نَارًا لَعَلِّي آتِيكُمْ مِنْهَا بِقَبَسٍ أَوْ أَجِدُ عَلَى النَّارِ هُدًى10
markuu arkay Dab oo u yidhi Ehelkiisa Nagaada (suga) Anigu waxaan Arkaa Dabe, waxaana u dhawahay inaan idiinka keeno Dhuxul ama aan ka helo Dabka korkiisa Cid wax tusisa. (10)
فَلَمَّا أَتَاهَا نُودِيَ يَا مُوسَىٰ11
markuu yimid (Muuse) Dabkii waxa loogu Dhawaaqay Muusow. (11)
إِنِّي أَنَا رَبُّكَ فَاخْلَعْ نَعْلَيْكَ ۖ إِنَّكَ بِالْوَادِ الْمُقَدَّسِ طُوًى12
anigu waxan ahay Eebahaa ee Siib Kabahaaga Adigu waxaad ku sugantahay Toggii Daahirnaa ee Dhuwa. (12)
وَأَنَا اخْتَرْتُكَ فَاسْتَمِعْ لِمَا يُوحَىٰ13
anaana ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon. (13)
إِنَّنِي أَنَا اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاعْبُدْنِي وَأَقِمِ الصَّلَاةَ لِذِكْرِي14
Anigu waxaan ahay Alle Ilaah (kalana) ma jiro Ani mooyee ina Caabuda, Oogna Salaadda Xuskayga. (14)
إِنَّ السَّاعَةَ آتِيَةٌ أَكَادُ أُخْفِيهَا لِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍ بِمَا تَسْعَىٰ15
Saacadda (Qiyaame) way imaan waxaana u Dhawayahy inaan Qariyo in laga Abaal mariyo Naf kasta waxay Camal Fashay. (15)
فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنْهَا مَنْ لَا يُؤْمِنُ بِهَا وَاتَّبَعَ هَوَاهُ فَتَرْدَىٰ16
ee Yuusan kaa lilin Xaggeeda Ruuxaan Rumeyn Saacadda, raacayna Hawadiisa (Xun) ood Halaagsanto. (16)
وَمَا تِلْكَ بِيَمِينِكَ يَا مُوسَىٰ17
waa maxay Taas midigtaada ku Jirta Muusow (ogaal waydiin). (17)
قَالَ هِيَ عَصَايَ أَتَوَكَّأُ عَلَيْهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِي وَلِيَ فِيهَا مَآرِبُ أُخْرَىٰ18
wuxuu yidhi iyada waa Ushaydii waa Cuskadaa Korkeeda waxna waan ugu Lulaa Adhigayga Dana kalana waa iigu sugnaadeen. (18)
قَالَ أَلْقِهَا يَا مُوسَىٰ19
wuxuu yidhi (Eebe) Tuur Usha Muusow. (19)
فَأَلْقَاهَا فَإِذَا هِيَ حَيَّةٌ تَسْعَىٰ20
wuuna Tuuray waayna soo baxday Mas Ordi. (20)
قَالَ خُذْهَا وَلَا تَخَفْ ۖ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا الْأُولَىٰ21
wuxuuna yidhi (Eebe) Qaad hana Cabsanin waxaannu ku celin Xaalkeedii Horce. (21)
وَاضْمُمْ يَدَكَ إِلَىٰ جَنَاحِكَ تَخْرُجْ بَيْضَاءَ مِنْ غَيْرِ سُوءٍ آيَةً أُخْرَىٰ22
U Dum Gacantaada Garabkaaga waxay soo Bixi iyadoo Cad Xumaan la'aan, waana Calaamad kale. (22)
لِنُرِيَكَ مِنْ آيَاتِنَا الْكُبْرَى23
Inaan ku tusinno Aayaadkanaga wey. (23)
اذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَىٰ24
ee Aad xagga Fircoon wuu Xadgudbaye (Kibray). (24)
قَالَ رَبِّ اشْرَحْ لِي صَدْرِي25
wuxuu yidhi (Muuse Eebow ii waasici Laabta. (25)
وَيَسِّرْ لِي أَمْرِي26
iina Sahal (fududee) Amarkayga. (26)
وَاحْلُلْ عُقْدَةً مِنْ لِسَانِي27
Furna Guntinta Carrabkayga. (27)
يَفْقَهُوا قَوْلِي28
ha Kaseen Hadalkeygee. (28)
وَاجْعَلْ لِي وَزِيرًا مِنْ أَهْلِي29
Iina yeel Wasiir Ehelkeyga ah. (29)
هَارُونَ أَخِي30
Haaruun Walaalkay. (30)
اشْدُدْ بِهِ أَزْرِي31
Kuna adkee «Xooji» Tabartayda (Dhabarkayga). (31)
وَأَشْرِكْهُ فِي أَمْرِي32
Lana wadaaji Amarkayga. (32)
كَيْ نُسَبِّحَكَ كَثِيرًا33
Inaan kugu Tasbiixsanno wax badan. (33)
وَنَذْكُرَكَ كَثِيرًا34
oon ku Xusno wax badan. (34)
إِنَّكَ كُنْتَ بِنَا بَصِيرًا35
Adugu waxaad tahay mid na Arkee. (35)
قَالَ قَدْ أُوتِيتَ سُؤْلَكَ يَا مُوسَىٰ36
Wuxuu yidhi (Eebe) waa lagu siiyey Warsigaagii Muusow. (36)
وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَيْكَ مَرَّةً أُخْرَىٰ37
Waana kugu Mannaysannay Wanaag (ku siinay) korkaaga markale. (37)
إِذْ أَوْحَيْنَا إِلَىٰ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰ38
markaan u waxyoonay Hooyadaa (ku ilhaamay) wixii lagu ilhaameeye. (38)
أَنِ اقْذِفِيهِ فِي التَّابُوتِ فَاقْذِفِيهِ فِي الْيَمِّ فَلْيُلْقِهِ الْيَمُّ بِالسَّاحِلِ يَأْخُذْهُ عَدُوٌّ لِي وَعَدُوٌّ لَهُ ۚ وَأَلْقَيْتُ عَلَيْكَ مَحَبَّةً مِنِّي وَلِتُصْنَعَ عَلَىٰ عَيْنِي39
ku Tuur Muuse Taabud, kuna tuur Taabuudka Hirka Badda, Hirkuna ha ku rido Xeebta, waxaa qaadan Colkayga iyo Colkiisa (Fircoon), waxaana kugu tuuray Jeceylkeyga korkaaga iyo in lagu barbaariyo Ilaalintayda. (39)
إِذْ تَمْشِي أُخْتُكَ فَتَقُولُ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ مَنْ يَكْفُلُهُ ۖ فَرَجَعْنَاكَ إِلَىٰ أُمِّكَ كَيْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ ۚ وَقَتَلْتَ نَفْسًا فَنَجَّيْنَاكَ مِنَ الْغَمِّ وَفَتَنَّاكَ فُتُونًا ۚ فَلَبِثْتَ سِنِينَ فِي أَهْلِ مَدْيَنَ ثُمَّ جِئْتَ عَلَىٰ قَدَرٍ يَا مُوسَىٰ40
(waxaan kugu Mannaysanay) markay Socotay Walaashaa oy lahayd maydin tusiyaa Ruux idiin Dhaqaalayn waxaana Kugu eelinay Hooyadaa si ay u qabowdo isheedu, oyna Murugoon, waxaadna Dishay Naf waana kaa korinay walbahaar, waana ku Imtixaanay Imtixaan, waxaadna ku nagaatay Sanooyin Ehelkii Madyan, markaasaad ku timid Qaddar (Eebe) Muusow. (40)
وَاصْطَنَعْتُكَ لِنَفْسِي41
waxaana kuu doortay Naftayda. (41)
اذْهَبْ أَنْتَ وَأَخُوكَ بِآيَاتِي وَلَا تَنِيَا فِي ذِكْرِي42
ee La taga Adiga iyo Walaalkaa Aayaadkayga hana ka daalina Xuskayga. (42)
اذْهَبَا إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَىٰ43
Aad Xagga Fircoon wuu Xadgudbaye. (43)
فَقُولَا لَهُ قَوْلًا لَيِّنًا لَعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَىٰ44
una dhaha Hadal Jilicsan bal inuu waxa xusuusto ama Cabsado. (44)
قَالَا رَبَّنَا إِنَّنَا نَخَافُ أَنْ يَفْرُطَ عَلَيْنَا أَوْ أَنْ يَطْغَىٰ45
waxay dheheen Eebow waxaannu ka Cabsan inuu nagu degdego ama nagu xadgudbo. (45)
قَالَ لَا تَخَافَا ۖ إِنَّنِي مَعَكُمَا أَسْمَعُ وَأَرَىٰ46
wuxuu yidhi (Eebe) ha Cabsanina anaa idinla jira waana Maqli oon Arkaa. (46)
فَأْتِيَاهُ فَقُولَا إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرْسِلْ مَعَنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ وَلَا تُعَذِّبْهُمْ ۖ قَدْ جِئْنَاكَ بِآيَةٍ مِنْ رَبِّكَ ۖ وَالسَّلَامُ عَلَىٰ مَنِ اتَّبَعَ الْهُدَىٰ47
ee u Taga (Fircoon) una dhaha annagu waxaan nahay Rasuulladii Eebahaa ee Dir (u daa) Banii Israa'iil hanala jireene, hana Cadaabin (Ciqaabin) waxaan kuula nimid Aayad xagga Eebahaa, nabadgalyana ha ahaato Tuuxii raaca Hanuunka. (47)
إِنَّا قَدْ أُوحِيَ إِلَيْنَا أَنَّ الْعَذَابَ عَلَىٰ مَنْ كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ48
Annaga waxaa Naloo Waxyooday in Cadaab u Sugnaaday Ruuxii Beeniya (Xaqa) oo Jeedsada. (48)
قَالَ فَمَنْ رَبُّكُمَا يَا مُوسَىٰ49
Wuxuu Yidhi (Fircoon) waayo Eebihiin Muusow. (49)
قَالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَىٰ كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَىٰ50
Wuxuu yidhi (Muuse) Eebahanno waa kan Siiya wax kasta Abuurkiisa oo Toosiyey. (50)
قَالَ فَمَا بَالُ الْقُرُونِ الْأُولَىٰ51
Wuxuu yidhi (Fircoon) Sidee Yahay Xaalkii Quruumihii hore. (51)
قَالَ عِلْمُهَا عِنْدَ رَبِّي فِي كِتَابٍ ۖ لَا يَضِلُّ رَبِّي وَلَا يَنْسَى52
Wuxuu Yidhi (Muuse) Cilmigoodu waa Eebe Agtiis Kitaab aan ka dhumeyn Eebe uuna Halmaameyn. (52)
الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ مَهْدًا وَسَلَكَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا وَأَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ أَزْوَاجًا مِنْ نَبَاتٍ شَتَّىٰ53
Waa Eebaha ka yeelay Dhulka Gogol, oo idinka bixiyey Dhexdeeda Waddooyin oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Noocyo Doog ah oo kala Tagsan. (53)
كُلُوا وَارْعَوْا أَنْعَامَكُمْ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِأُولِي النُّهَىٰ54
ee Cuna oo Daajiya Xoolihiinna, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh. (54)
۞ مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَىٰ55
Xaggeedaan (Dhulka) idinka Abuuray, Dhexdeedana idinku Celin, Xaggeedaana Laydinka soo Bixin Mar Kale. (55)
وَلَقَدْ أَرَيْنَاهُ آيَاتِنَا كُلَّهَا فَكَذَّبَ وَأَبَىٰ56
Waxaan Dhab ahaan u Tusinay (Fircoon) Aayaadkanaga Dhamaan, wuuna Beeniyey oo Diiday. (56)
قَالَ أَجِئْتَنَا لِتُخْرِجَنَا مِنْ أَرْضِنَا بِسِحْرِكَ يَا مُوسَىٰ57
Wuxuu yidhi (Fircoon) Ma waxaad noola timid Inaad nagaga Bixiso Dhulkanaga Sixirkaaga Muusow. (57)
فَلَنَأْتِيَنَّكَ بِسِحْرٍ مِثْلِهِ فَاجْعَلْ بَيْنَنَا وَبَيْنَكَ مَوْعِدًا لَا نُخْلِفُهُ نَحْنُ وَلَا أَنْتَ مَكَانًا سُوًى58
Waxaannu kuula imaanaynaa Sixir la mid ah ee mooyeel Dhexdeenna Balaan aynaan Baajinayn anaga iyo Adigu, Meel eg (La yaqaan). (58)
قَالَ مَوْعِدُكُمْ يَوْمُ الزِّينَةِ وَأَنْ يُحْشَرَ النَّاسُ ضُحًى59
Wuxuu yidhi (Nabi Muuse) Ballankeennu waa Maalinta Quruxda (Kulankooda) waana in la soo kulmiyo Dadka Barqin. (59)
فَتَوَلَّىٰ فِرْعَوْنُ فَجَمَعَ كَيْدَهُ ثُمَّ أَتَىٰ60
Wuuna jeedsaday Fircoon wuxuuna kulmiyey Dhagartiisii wuuna yimid. (60)
قَالَ لَهُمْ مُوسَىٰ وَيْلَكُمْ لَا تَفْتَرُوا عَلَى اللَّهِ كَذِبًا فَيُسْحِتَكُمْ بِعَذَابٍ ۖ وَقَدْ خَابَ مَنِ افْتَرَىٰ61
Wuxuu ku yidhi Muuse Magaciin be ha ku Abuuranina Eebaha korkiisa Been oos idinku Halaago Cadaab, waxaana Khasaaray Ruuxii Been Abuurta. (61)
فَتَنَازَعُوا أَمْرَهُمْ بَيْنَهُمْ وَأَسَرُّوا النَّجْوَىٰ62
Waxayna ku Doodeen amarkooda dhexdooda wayna faqeen. (62)
قَالُوا إِنْ هَٰذَانِ لَسَاحِرَانِ يُرِيدَانِ أَنْ يُخْرِجَاكُمْ مِنْ أَرْضِكُمْ بِسِحْرِهِمَا وَيَذْهَبَا بِطَرِيقَتِكُمُ الْمُثْلَىٰ63
Waxayna dheheen Labadani waa Saaxirro waxayna dooni inay Idinkaga Bixiyaan Dhulkiinna Sixirkooda oy la tagaan Dariiqadiinna (Sharaftiinna) Fiican. (63)
فَأَجْمِعُوا كَيْدَكُمْ ثُمَّ ائْتُوا صَفًّا ۚ وَقَدْ أَفْلَحَ الْيَوْمَ مَنِ اسْتَعْلَىٰ64
ee Kulmiya Dhagar (tiinna) Imaadana idinkoo Saf ah waxaa Liibaanay Maanta Ciddii Sarreysee. (64)
قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِمَّا أَنْ تُلْقِيَ وَإِمَّا أَنْ نَكُونَ أَوَّلَ مَنْ أَلْقَىٰ65
waxay dheheen Muusow ama Tuur Usha ama aan anagu ahaanno kuwa hor tuura. (65)
قَالَ بَلْ أَلْقُوا ۖ فَإِذَا حِبَالُهُمْ وَعِصِيُّهُمْ يُخَيَّلُ إِلَيْهِ مِنْ سِحْرِهِمْ أَنَّهَا تَسْعَىٰ66
wuxuu yidhi (Muuse) bal Tuura waxaana soo baxay xadhkahoodii iyo Ulahoodii oo loogu ekeysiiyey sixirkoodii inay ordi. (66)
فَأَوْجَسَ فِي نَفْسِهِ خِيفَةً مُوسَىٰ67
wuxuuna ka kasay naftiisa Cabsi Muuse. (67)
قُلْنَا لَا تَخَفْ إِنَّكَ أَنْتَ الْأَعْلَىٰ68
waxaana nidhi ha Cabsan adigu adaa Sarreyne. (68)
وَأَلْقِ مَا فِي يَمِينِكَ تَلْقَفْ مَا صَنَعُوا ۖ إِنَّمَا صَنَعُوا كَيْدُ سَاحِرٍ ۖ وَلَا يُفْلِحُ السَّاحِرُ حَيْثُ أَتَىٰ69
Tuur waxa midigtaada ku jira ha gurato waxay sameeyeene, waxay uun sameeyeen Dhagar sixir, mana Liibaano Sixirrow meejuu yimaaddo. (69)
فَأُلْقِيَ السَّحَرَةُ سُجَّدًا قَالُوا آمَنَّا بِرَبِّ هَارُونَ وَمُوسَىٰ70
waxaa la riday Saaxiriintii iyagoo Sujuudi, waxayna dheheen waxaan rumeynay Eebaha Haaruun iyo Muuse. (70)
قَالَ آمَنْتُمْ لَهُ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ ۖ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ مِنْ خِلَافٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ فِي جُذُوعِ النَّخْلِ وَلَتَعْلَمُنَّ أَيُّنَا أَشَدُّ عَذَابًا وَأَبْقَىٰ71
wuxuuna yidhi (Fircoon) miyaad u rumeyseen ka hor idankayga isagu waa kan idinku wayn ee idin baray Sixirka waxaaan goyn Gacmihiinna iyo Lugihiinna si isdhaaf ah waxaana idinku (daldali) wadhi Jirrid Timir, waxaadna ogaanaysaan midkanaga daran cadaab hadhidna badan. (71)
قَالُوا لَنْ نُؤْثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَاءَنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ وَالَّذِي فَطَرَنَا ۖ فَاقْضِ مَا أَنْتَ قَاضٍ ۖ إِنَّمَا تَقْضِي هَٰذِهِ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا72
waxay dhaheen ka dooran meyno waxa noo yimid oo xujo ah iyo Eebaha na abuuray, ee xukmi waxaad xukumi, waxaad uun xukumi nolosha adduunyo. (72)
إِنَّا آمَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغْفِرَ لَنَا خَطَايَانَا وَمَا أَكْرَهْتَنَا عَلَيْهِ مِنَ السِّحْرِ ۗ وَاللَّهُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ73
annagu waxaan rumeeynay Eebahanno inuu noo dhaafo gafafkanaga iyo waxaad nagu qasabtay (fircoon) oo Sixira Eebaa Khayrroon oo hadhi. (73)
إِنَّهُ مَنْ يَأْتِ رَبَّهُ مُجْرِمًا فَإِنَّ لَهُ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ74
ruuxii u yimaadda Eebihiis (aakharo) isagoo dambiile ah waxaa u sugnaaday jahannamo kumana dhinto dhexdeeda kumana noolaado. (74)
وَمَنْ يَأْتِهِ مُؤْمِنًا قَدْ عَمِلَ الصَّالِحَاتِ فَأُولَٰئِكَ لَهُمُ الدَّرَجَاتُ الْعُلَىٰ75
ruuxiise u yimaadda isagoo Mu'min ah oo falay camal fiican kuwaas waxaa u sugnaaday Jannooyinka sare. (75)
جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ مَنْ تَزَكَّىٰ76
Jannooyinka nagaadiga (yey gali) ooy socoto dhexdeeda Wabiyaal iyagoo kuwaari dhexdeeda, taasina waa abaalmarinta Ciddii nadiif noqota. (76)
وَلَقَدْ أَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِي فَاضْرِبْ لَهُمْ طَرِيقًا فِي الْبَحْرِ يَبَسًا لَا تَخَافُ دَرَكًا وَلَا تَخْشَىٰ77
waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse guuri Addoomahayga uguna yeel waddo Badda oo ingagan hana ka cabsan haleel, hana cabsan (Badda). (77)
فَأَتْبَعَهُمْ فِرْعَوْنُ بِجُنُودِهِ فَغَشِيَهُمْ مِنَ الْيَمِّ مَا غَشِيَهُمْ78
waxaana raacay Fircoon (oo wata) Colkiisii waxaana ka daboolay hirka Xaggiisa wax daboolay. (78)
وَأَضَلَّ فِرْعَوْنُ قَوْمَهُ وَمَا هَدَىٰ79
wuxuuna dhumiyey Fircoon Qoomkiisii mana hanuunin. (79)
يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ قَدْ أَنْجَيْنَاكُمْ مِنْ عَدُوِّكُمْ وَوَاعَدْنَاكُمْ جَانِبَ الطُّورِ الْأَيْمَنَ وَنَزَّلْنَا عَلَيْكُمُ الْمَنَّ وَالسَّلْوَىٰ80
Banii Israa'iilow waxaan idinka korinay Cadawgiinna, waxaana idinkula yaboohtanay (ballari) dhinieii buurta ee midig, waxaana ku soo dejinay kor kiinna Macaan iyo Shimbir. (80
كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ وَلَا تَطْغَوْا فِيهِ فَيَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبِي ۖ وَمَنْ يَحْلِلْ عَلَيْهِ غَضَبِي فَقَدْ هَوَىٰ81
ka cuna wanaaggaan idinku Arsuqay hana ku xadgudbina dhexdiisa, oo idinku dhaco cadhadaydu, ruuxay ku dhaedo cadhadaydu dhabbuu u Hoobtay (halaagmay). (81)
وَإِنِّي لَغَفَّارٌ لِمَنْ تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا ثُمَّ اهْتَدَىٰ82
anigu waan u dhaafid badanahay ruuxii Toobad keena oo rumeeya oo fala wanaaga oo hanuuna. (82)
۞ وَمَا أَعْجَلَكَ عَنْ قَوْمِكَ يَا مُوسَىٰ83
maxaa kaa soo dedejiyey Qoomkaagii Muusow. (83)
قَالَ هُمْ أُولَاءِ عَلَىٰ أَثَرِي وَعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَىٰ84
wuxuu yidhi (Muuse) iyagu waa kuwan raadkaygay ku soo joogaan, waana kuu soo dag degay Eebow inaad iga raalli noqoto. (84)
قَالَ فَإِنَّا قَدْ فَتَنَّا قَوْمَكَ مِنْ بَعْدِكَ وَأَضَلَّهُمُ السَّامِرِيُّ85
wuxuu yidhi (Eebe) Annagu waxaan imtixaannay qoomkaagii gadaashaa waxaana dhumiyey Saamiri. (85)
فَرَجَعَ مُوسَىٰ إِلَىٰ قَوْمِهِ غَضْبَانَ أَسِفًا ۚ قَالَ يَا قَوْمِ أَلَمْ يَعِدْكُمْ رَبُّكُمْ وَعْدًا حَسَنًا ۚ أَفَطَالَ عَلَيْكُمُ الْعَهْدُ أَمْ أَرَدْتُمْ أَنْ يَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبٌ مِنْ رَبِّكُمْ فَأَخْلَفْتُمْ مَوْعِدِي86
markaasuu u noqday (Nabi Muuse) qoomkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuuna yidhi qoomkayow miyuuna idiin yaboohiin Eebihiin yabooh wanaagsan, ma waxaa idinku dheeraaday korkiinna ballankii mise waxaad doonteen inay idinku dhaedo Cadhada Eebe ood u baajiseen ballankaygii. (86)
قَالُوا مَا أَخْلَفْنَا مَوْعِدَكَ بِمَلْكِنَا وَلَٰكِنَّا حُمِّلْنَا أَوْزَارًا مِنْ زِينَةِ الْقَوْمِ فَقَذَفْنَاهَا فَكَذَٰلِكَ أَلْقَى السَّامِرِيُّ87
waxay dheheen maanaan u baajin ballankaaga awooddanada waxaase nala saaray culaysyo Alaab oo ah waxa qoomku isku qurxinjireen waana tuurray siduu u tuuray Saamiri. (87)
فَأَخْرَجَ لَهُمْ عِجْلًا جَسَدًا لَهُ خُوَارٌ فَقَالُوا هَٰذَا إِلَٰهُكُمْ وَإِلَٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِيَ88
wuxuuna u soo bixiyey dibi muuqal ah oo ood leh, waxayna dhaheen kani waa Ilaahiin iyo Ilaahii Muuse wuuna halmaamay. (88)
أَفَلَا يَرَوْنَ أَلَّا يَرْجِعُ إِلَيْهِمْ قَوْلًا وَلَا يَمْلِكُ لَهُمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا89
miyeyna arkay inuusan u soo Celinayn Hadal una hananayn dhib iyo Nacfi (midna). (89)
وَلَقَدْ قَالَ لَهُمْ هَارُونُ مِنْ قَبْلُ يَا قَوْمِ إِنَّمَا فُتِنْتُمْ بِهِ ۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ الرَّحْمَٰنُ فَاتَّبِعُونِي وَأَطِيعُوا أَمْرِي90
wuxuunau yidhi Haaruun mar hore qoomkayow waa uun laydinku fidmeeyey, Eebihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga. (90)
قَالُوا لَنْ نَبْرَحَ عَلَيْهِ عَاكِفِينَ حَتَّىٰ يَرْجِعَ إِلَيْنَا مُوسَىٰ91
waxay dhaheen kama tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon muuse. (91)
قَالَ يَا هَارُونُ مَا مَنَعَكَ إِذْ رَأَيْتَهُمْ ضَلُّوا92
wuxuu yidhi (muuse) Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen. (92)
أَلَّا تَتَّبِعَنِ ۖ أَفَعَصَيْتَ أَمْرِي93
inaadan raacin ma waxaad caasiday Amarkeygii. (93)
قَالَ يَا ابْنَ أُمَّ لَا تَأْخُذْ بِلِحْيَتِي وَلَا بِرَأْسِي ۖ إِنِّي خَشِيتُ أَنْ تَقُولَ فَرَّقْتَ بَيْنَ بَنِي إِسْرَائِيلَ وَلَمْ تَرْقُبْ قَوْلِي94
wuxuu yidhi (Haaruun) ina hooyow hayqabanin Gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka cabsaday inaad dhahdo waxaad kala gaysay Banii israa'iil dhexdooda oodan maqlin hadalkayga. (94)
قَالَ فَمَا خَطْبُكَ يَا سَامِرِيُّ95
wuxuu yidhi (muuse) xaalkaagu muxuu yahay Saamiriyow. (95)
قَالَ بَصُرْتُ بِمَا لَمْ يَبْصُرُوا بِهِ فَقَبَضْتُ قَبْضَةً مِنْ أَثَرِ الرَّسُولِ فَنَبَذْتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتْ لِي نَفْسِي96
wuxuuna yidhi waxaan arkay waxayna arkin, waxaana qaatay wax ka mid ah raad rasuul (malaga) waana tuuray saasayna ii qurxisay naftaydu. (96)
قَالَ فَاذْهَبْ فَإِنَّ لَكَ فِي الْحَيَاةِ أَنْ تَقُولَ لَا مِسَاسَ ۖ وَإِنَّ لَكَ مَوْعِدًا لَنْ تُخْلَفَهُ ۖ وَانْظُرْ إِلَىٰ إِلَٰهِكَ الَّذِي ظَلْتَ عَلَيْهِ عَاكِفًا ۖ لَنُحَرِّقَنَّهُ ثُمَّ لَنَنْسِفَنَّهُ فِي الْيَمِّ نَسْفًا97
wuxuu yidhi (Muuse) tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad dhahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn, day ilaahaagii aad ahayd mid ku kor nagi (caabudi) waanu gubi markaas waxaana ku firdhin mowjadda (badda) firdhin. (97)
إِنَّمَا إِلَٰهُكُمُ اللَّهُ الَّذِي لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ وَسِعَ كُلَّ شَيْءٍ عِلْمًا98
Eebihiin waa uun Ilaahiinna ah kaan Eebe jirin isaga mooyee, wuuna u waasac noqday wax kasta ogaansho. (98)
كَذَٰلِكَ نَقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنْبَاءِ مَا قَدْ سَبَقَ ۚ وَقَدْ آتَيْنَاكَ مِنْ لَدُنَّا ذِكْرًا99
saasaan kuugu qisoon (sheegi) warkii hor maray, waxaana kaa siinay agtanada quraan. (99)
مَنْ أَعْرَضَ عَنْهُ فَإِنَّهُ يَحْمِلُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وِزْرًا100
ciddii ka jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta qiyaame culays (dambi). (100)
خَالِدِينَ فِيهِ ۖ وَسَاءَ لَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ حِمْلًا101
iyagoo ku waari (ciqaabta) dhexdeeda waxaana u xumaaday iyaga maalinta qiyaame rar. (101)
يَوْمَ يُنْفَخُ فِي الصُّورِ ۚ وَنَحْشُرُ الْمُجْرِمِينَ يَوْمَئِذٍ زُرْقًا102
waa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas iyagoo indho cawlan. (102)
يَتَخَافَتُونَ بَيْنَهُمْ إِنْ لَبِثْتُمْ إِلَّا عَشْرًا103
wayna is warsan (xansan) dhexdooda maydaan ku nagaanin (adduunyada) Toban mooyee (maahmood) (103)
نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ إِذْ يَقُولُ أَمْثَلُهُمْ طَرِيقَةً إِنْ لَبِثْتُمْ إِلَّا يَوْمًا104
anagaa og waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh maydaan nagaanin maalin mooyee. (104)
وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الْجِبَالِ فَقُلْ يَنْسِفُهَا رَبِّي نَسْفًا105
waxay ku warsan Buuraha waxaad dhahdaa waxaa burburin Eebahay burburin. (105)
فَيَذَرُهَا قَاعًا صَفْصَفًا106
wuxuuna ka yeeli meel siman oo ebar ah. (106)
لَا تَرَىٰ فِيهَا عِوَجًا وَلَا أَمْتًا107
ku arki maysid qallooc iyo taag midna. (107)
يَوْمَئِذٍ يَتَّبِعُونَ الدَّاعِيَ لَا عِوَجَ لَهُ ۖ وَخَشَعَتِ الْأَصْوَاتُ لِلرَّحْمَٰنِ فَلَا تَسْمَعُ إِلَّا هَمْسًا108
maalintaas waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u xasishay Cododku Eebaha Raxmaana mana maqashid shanqadh mooyee. (108)
يَوْمَئِذٍ لَا تَنْفَعُ الشَّفَاعَةُ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ الرَّحْمَٰنُ وَرَضِيَ لَهُ قَوْلًا109
maalintaas ma anfacdo shafeeco cid Eebaha Raxmaana idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa mooyee. (109)
يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِ عِلْمًا110
Wuxuu ogyahay Eebe waxa hortaada ah iyo waxa ka dambeeya mana ku koobayaan Eebe ogaansho. (110)
۞ وَعَنَتِ الْوُجُوهُ لِلْحَيِّ الْقَيُّومِ ۖ وَقَدْ خَابَ مَنْ حَمَلَ ظُلْمًا111
waxay u khuduucday Wajiyadu Eebaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray ruuxii xambaara dulmi. (111)
وَمَنْ يَعْمَلْ مِنَ الصَّالِحَاتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا يَخَافُ ظُلْمًا وَلَا هَضْمًا112
ruuxii fala wanaag isagoo rumeeyey kama Cabsado dulmi iyo nusqaamin midna. (112)
وَكَذَٰلِكَ أَنْزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا وَصَرَّفْنَا فِيهِ مِنَ الْوَعِيدِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ أَوْ يُحْدِثُ لَهُمْ ذِكْرًا113
aasaanu kugu soo dejinnay Quraan Carabi ah uguna caddaynay ((celcelinay) dhexdiisa Gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u timaado xusuus (waano). (113)
فَتَعَالَى اللَّهُ الْمَلِكُ الْحَقُّ ۗ وَلَا تَعْجَلْ بِالْقُرْآنِ مِنْ قَبْلِ أَنْ يُقْضَىٰ إِلَيْكَ وَحْيُهُ ۖ وَقُلْ رَبِّ زِدْنِي عِلْمًا114
waxaa sarreeya Eebaha xaakimka xaqa ah, hana ku degdein quraanka ka hor dhamayn waxyigiisa xaggaaga, waxaadna dhahdaa Eebow ii kordhi Cilmi. (114)
وَلَقَدْ عَهِدْنَا إِلَىٰ آدَمَ مِنْ قَبْلُ فَنَسِيَ وَلَمْ نَجِدْ لَهُ عَزْمًا115
dhab ahaan yaan ula Ballantannay Aadan mar hore wuuna halmaamay kama aanaan helin niyo Adag. (115)
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَىٰ116
xusuuso markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadam wayna Sujuudeen Ibliis mooyee oo diiday. (116)
فَقُلْنَا يَا آدَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوٌّ لَكَ وَلِزَوْجِكَ فَلَا يُخْرِجَنَّكُمَا مِنَ الْجَنَّةِ فَتَشْقَىٰ117
waxaana nidhi Aadamow kani (Ibliis) waa Colkaaga iyo colka Haweeneydaada ee yuusan idinka bixinin janada ood dhibbooto. (117)
إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعْرَىٰ118
waxaa kuu sugnaaday inaadan ku gaajoon dhexdeeda kuna arradin. (118)
وَأَنَّكَ لَا تَظْمَأُ فِيهَا وَلَا تَضْحَىٰ119
waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna Qorroxoobin. (119)
فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ الشَّيْطَانُ قَالَ يَا آدَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ الْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَا يَبْلَىٰ120
waxaase waswaasiyey shaydaan wuxuuna yidhi Aadamow ma ku tusiyaa Geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn. (120)
فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ لَهُمَا سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِنْ وَرَقِ الْجَنَّةِ ۚ وَعَصَىٰ آدَمُ رَبَّهُ فَغَوَىٰ121
wayna cuneen xaggeeda waxaana u muuqday Cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku dhejiya korkooda caleenta jannadam wuu caasiyey Aadan Eebihiis wuuna leexday. (121)
ثُمَّ اجْتَبَاهُ رَبُّهُ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَىٰ122
waxaase doortay Eebihiis wuuna ka Toobadaqbalay oo hanuuniyey. (122)
قَالَ اهْبِطَا مِنْهَا جَمِيعًا ۖ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ مِنِّي هُدًى فَمَنِ اتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشْقَىٰ123
wuxuu yidhi (Eebe) ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar colbuu u yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaaddo hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma dhumo (adduunka) mana xumaado (aakhiro). (123)
وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنْكًا وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَىٰ124
ruuxisa ka jeedsada xuskeyga (Quraanka) waxaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo kulminaynaa maalinta qiyaame isagoo arag La'. (124)
قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرْتَنِي أَعْمَىٰ وَقَدْ كُنْتُ بَصِيرًا125
wuxuuna dhihi Eebow maxaad ii soo kulmisay (keentay) anoo arag la' oona ahaa arke (adduunkii). (125)
قَالَ كَذَٰلِكَ أَتَتْكَ آيَاتُنَا فَنَسِيتَهَا ۖ وَكَذَٰلِكَ الْيَوْمَ تُنْسَىٰ126
wuxuu yidhaa (Eebe) waa saas waxaa kuu timid aayadahanaga waadna halmaantay saasaana maanta lagaaga tagi (sida halmaan). (126)
وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي مَنْ أَسْرَفَ وَلَمْ يُؤْمِنْ بِآيَاتِ رَبِّهِ ۚ وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبْقَىٰ127
saasaan ku abaal marinaa ciddii xadgudubta oon rumayn aayaadka Eebihiis cadaabka aakhiraana daran oo hadhid badan. (127)
أَفَلَمْ يَهْدِ لَهُمْ كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُمْ مِنَ الْقُرُونِ يَمْشُونَ فِي مَسَاكِنِهِمْ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِأُولِي النُّهَىٰ128
miyuuna u caddayn Gaalada intaan halaagnay hortood quruumo iyagoo ku socda guryahooda, taasna calaamaa ugu sugan kuwa caqliga leh. (128)
وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِنْ رَبِّكَ لَكَانَ لِزَامًا وَأَجَلٌ مُسَمًّى129
haddayna jirin kalimad u hor martay Eebahaa iyo muddo maga caaban wuxuu ahaan lahaa cadaabku mid ku soo deg dega. (129)
فَاصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا ۖ وَمِنْ آنَاءِ اللَّيْلِ فَسَبِّحْ وَأَطْرَافَ النَّهَارِ لَعَلَّكَ تَرْضَىٰ130
ee ku samir waxay sheegi kuna tasbiixso adoo mahadda Eebahaa ku dheehan ka hor qorrax soo bax iyo ka hor dhicidda, saacadaha habeenkiina tasbiixso (Tuko) iyo darfaha maalinta inaad raalli noqoto. (130)
وَلَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِ أَزْوَاجًا مِنْهُمْ زَهْرَةَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا لِنَفْتِنَهُمْ فِيهِ ۚ وَرِزْقُ رَبِّكَ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ131
hawtaagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay nooc ka mid ah oo quraxda nolashaa adduun si aan ugu fidnayno, rizqiga Eebahaa yaase khayrroon oo hadhid badan. (131)
وَأْمُرْ أَهْلَكَ بِالصَّلَاةِ وَاصْطَبِرْ عَلَيْهَا ۖ لَا نَسْأَلُكَ رِزْقًا ۖ نَحْنُ نَرْزُقُكَ ۗ وَالْعَاقِبَةُ لِلتَّقْوَىٰ132
far ehelkaaga salaadda kuna samir korkeeda ku warsanmayno rizqiye annagaa ku arzuqi cidhibta (fiicana) waxaa iska leh dhawrsashada. (132)
وَقَالُوا لَوْلَا يَأْتِينَا بِآيَةٍ مِنْ رَبِّهِ ۚ أَوَلَمْ تَأْتِهِمْ بَيِّنَةُ مَا فِي الصُّحُفِ الْأُولَىٰ133
waxay dheheen gaaladii muu noola yimaaddo aayad xagga Eebihiis ka timid, miyuuna u imaanin Maraggii wixii ku sugnaa Kutubihii hore. (133)
وَلَوْ أَنَّا أَهْلَكْنَاهُمْ بِعَذَابٍ مِنْ قَبْلِهِ لَقَالُوا رَبَّنَا لَوْلَا أَرْسَلْتَ إِلَيْنَا رَسُولًا فَنَتَّبِعَ آيَاتِكَ مِنْ قَبْلِ أَنْ نَذِلَّ وَنَخْزَىٰ134
haddaan ku halaagno Cadaab Rasuulka (iyo Quraanka) ka hor waxay dhihilahaayeen Eebahannow maxaad noogu diri wayday rasuul oon raacno aayaadkaaga ka hor dullowganaga iyo khasaarahanaga. (134)
قُلْ كُلٌّ مُتَرَبِّصٌ فَتَرَبَّصُوا ۖ فَسَتَعْلَمُونَ مَنْ أَصْحَابُ الصِّرَاطِ السَّوِيِّ وَمَنِ اهْتَدَىٰ135
waxaad dhahdaa (Nabiyow) dhammaan way sugi ee suga, waxaad ogaan doontaan cidda jidka toosan iyo cidda hanuunsane. (135)